SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Ka dar, oo dibi dhal

Cabdifataax Janagale, Denmark
Civil engineer 
 

Your browser may not support display of this image.Warbixinaha SomaliTalk waxey bulshada soomaalida ka bixiyaan santuuqa yar (qabiilka) waxeyna u bixiyaan sanduuqa weyn (Soomaalinimo). Hadda ka hor waxey nal ku ifiyeen shirkado mafia ah, oo ku andacoonayay iney patrol ka qodayaan gobolada Puntland, dantooda guracaneyd uma hergelin, taasna waa Illaahay mahadii. Haddana waxaan filayaa nalka lagu ifiyay heshiiska isfahamka ah ay dowlada KMG ah la geshay Kenya, inuu hor istaagi doono fulinta heshiiskaan.

Waa wax lagu farxo in soomaalida aynan ka dhamaanin dad har iyo habeen u soo jeeda difaaca iyo illaalinta danta guud. Waxaan mahad gaar ah jeedinayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay qeyla dhaanta difaaca sharafta, islaanimada iyo xuduudaha soomaaliyeed. Soomaaliya ha noolaato, dadkaasna ha noolaadaan, hana noo bataan. Aamiin

Dowlad KMG ah, micna ahaan ma leh awood ay heshiisyo masiiri ku gasho, kaliya waxaa looga fadhiyay diyaarinta iyo u gogol xaarka dowlada xigta, iyo isku soo dhaweynta dadka kala irdhay (tagay).  Loogama fadhin iney muran geliso dhul soomaaliyeed. Maba dhalane dhowrteysan okaa!!.

Rajadii dad badan oo soomaliyeed ay ka qabeen madaxda dowladan: Sh. Shariif iyo Cumar C. Sharmaarke, oo aheyd iney ka duwan yihiin kuwii ka horeeyay waxey noqotay Ka dar oo dibi dal.  Maxaa yeelay ma jirin hadda ka hor qof ku dhiiraday bixinta ama muran gelinta bad ama beri soomaaliyeed. Waxaase ka sii daran sidey isku indho iyo dhaga tirayaan, markii loo sheego khaladaadka halista ay galayaan.

Baaxada badda ay  muranka geliyeen waxey le’eg tahay (qiyaastii) dalka Holland, oo ay ku nool yihiin dad dhan 16 malyan qof. Maxey ka faa’iidayaaan heshiiskaa?! – 2 shilling?! Aqoonsi?!  Isku ag sawir madax kale?!

Waxey aheyd iney aqbalaad iyo sharaf ka raadsadaan dadkooda. Laakiin waxey u muuqataa iney u noqdeen cadowga tiimbaro (rubber stamp) lagu xalaalsado dhulka soomaaliyeed. Qoladaan waxey mehrinayaan Somalia iyadoon raali aheyn. Waxey soo wadaan baa kadaran.

Markan waxaa rabaa inaan wax ka iraahdo sababa kalifi kara in qof ama koox ay ay u dhaqmaan sida ay u dhaqmeen kooxdaan ku meel gaar ah. Dadka waxaa loo qeybiyaa saddex nooc, marka la eegayo fiicnaata ama xumaanta nafta. Iyagaana doorta dhinaca ay aadi lahaayeen. Caadi ahaana doorasha kastana waxaa daba socda cawaaqib (consequence) la mahdiyo ama mid aan la mahdin. Saddexdaa nooc waxey kala yihiin:

  1. Anigu waan fiicnahay, adiguna waad fiican tahay (100% caafimaad qaba ).
  2. Anigu  waa fiicnahay, adiguna waad xun tahay (50% jiran).
  3. Anigu waan xumahay, adiguna waad fiican tahay (100% jiran).

Nooca 1aad

Waxey aamin san yihiin in fiicnaanta (horumarka iyo badhaadhaha) ay relative tahay, oo ayna qolo u xayirneyn, kaliya ay ku xiran tahay rabitaan, u socosho iyo shaqo. Waa nolosha uu islaamka nagu dhiira galinayo, oo ah inaan isku filnaano, shaqeysano, is daberno – kadibna  qeyrkeen la jeclaano waxaan nafteena la jecel nahay.

Dadka ku si fooba noocaan sharaftooda aad bey u illaaliyaan, ma rajo dhigaan, wey isku kalsoon yihiin xaalad walba, qaamuuskooda kuma jiro isdhiibid (give up), is tus (show off) ama ha la i maqlaay. Noloshaan waxey aamin san tahay: Qofkii tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara. Fikirkooda waxaa ka mid ah. 

  • Haddii aad hadda iga fiican tahay aniga waan fiicnaan.
  • Maanta haddii ay iga jajabantahay micneheeda ma aha iney weligey iga jajaban naan doonto.
  • Haddii aad iga horeysid waan kaa daba imaan.
  • Haddii aad nabad tahay ana beri baan nabad noqon.
  • Waan dadaali, waan shaqeyn, waan horumari. Waan gaari karaa.
  • Geel laba jir soo wada mar.

Nooca 2aad

Waxey aamin san yihiin in iyaga kaliya ay fiican yihiin, dad kalena ay liitaan. Fiicnaanta waxey u arkaan iney iyaga la dhalatay. Waxey wax ku miisaamaan xaalada waqtiga xaadirka ay ku jiraan, sida horomurka, dhaqaalaha, cilmiga, jagada, caafimaadka iwm. Qoladan waxey ku qanacsan yihiin meesha ay joogaan. Waxa si aan toos aheyn uga dhaadhacsan waxaa ka mid ah: 

  • Waan fiicnahay, maxaa yeelay waan horumarsanahay
  • Waan fiicnahay, maxaa yeelay hanti baan leeyahay, xoog baan lee yahay
  • Waan fiicnahay, maxaa yeelay caan baan ahay
  • Waan fiicnahay, maxaa yeelay qabiil fiican baan ka dhashay.
  • Adiga waad xun tahay, maxaa yeelay waxaan heysto ma heysatid, waxaan ahayna ma tihid.
  • Ma isoo gaari kartit.

Nooca 3aad

Qoladaan waxey  isu arkaan abuur ahaan iney liitaan, dadkana ka hooseeyaan, maxaa yeelay xaalada ay hadda ku jiraan baa hooseysa. Waxey wax ku miisaamaan xaaladooda xaadirka ah, sida burburka, jahliga, cudurka iwm.  

Dhibka iyo dac darada heysta owgeed, qoladaan sharaf ma ilaashadeen. Wax kasta agtooda waa iib (for sale), wax muqaddas ma leh (not for sale). Haa ma leh maya leh, go’aan ma leh. Sidaas daraadeed dhib uma arkaan in la dan darreeyo (misuse).

Waxaa qanciya in la arko, jeebka loo buuxiyo, la been amaano iwm. Waxaa si aan toos aheyn uga dhaadhacsan waxaa ka mid ah:

  • Waan xumahay, maxaa yeelay (dalkeygu) waa burbursanahay.
  • Waan xumahay, maxaa yeelay wax ma heysto.
  • Waan xumahay, sidaas daraadeed waan tuugsanayaa (deeq baan raadinayaa).
  • Waan xumahay, maxaa yeelay waxba ma aqaan.
  • Waan xumahay, maxaa yeelay qabiil (dal) xun baan ka soo jeedaa (asalkeyga baa xun)

Gabogabo

Nooca 1aad waxaa soo hoos galaya dadka diida iney rajo dhigaan si kasta oo ay xaalada u adag tahay, is aaminsana. Waxey ku xisaabtamaan awoodooda, waxeyna talaabsadaan inta ay karaan, howshoodana waxey u kala horumariyaan sidey u kala muhiimsan tahay. Wanaaga iyo horumarka lagu gaaro noocaan waa joogto.  Dalalka maray jidkan kuna faa’iiday waxaa ka mid ah Hindiya, Shiinaha, Brazil, Argentine iyo Venezuala.  Waxaana shaki la’aan ah in uu horumarayaan qolo walba, oo qaada jidkan.

Nooca 2aad waxaa soo hoos galaya dalalka is mahdiyay, marka la eego xagga dhaqaalaha, aqoonta iyo awooda. Waxey aaminsan yihiin in jiritaankooda uu ku xiran yahay saqiir suujin iyo baad (sida dowladaha reer galbeedka). Waxaa kaloo soo hoos galaya noocan dadka lacagta leh qaarkood, qabiilada is mahdiyay. Qolooyinka ku sifooba noocaan ma raagaan, cadowgooduna waa bataa, maxaa yeelay dadka ma aqbalaan maquunin iyo kibir - Kibirka waa lagu kufaa, lagu jabaa.

Nooca 3aad waxaa ku sifeysan dadka sharaf darada iyo dulliga door biday. Waxaa kaloo soo hoos galaya qolo walba, oo aqbasha in loo laqino (loo dhaho, yeeriyo) masiirkooda.

Dadka muranka geliyay bad soomaaliyeed, kaliya iney raali gareeyay cadow, intee bey soo hoos galayaan?!

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa Sh. Shariif wuxuu ceeb ku yahay islaamiyiinta sharafta jecel. Cumar C. Sharmaakana wuxuu ceeb ku yahay aabihiis, oo u soo hal gamay Somalia. Waa haddii ay ku adkeystaan meel marinta heshiiska lagu muran gelinayo bad soomaaliyeed. 

Laakiin qof jirkiisa (dalkiisa) iibiyay ceeb ma kartaa?! 

Cabdifataax Janagale, Denmark
<janagale88@gmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2009

READ: In defence of pirates 

jasiiradKenya iyo Uganda oo ku Muransan Jasiirad Ka Tirsan Harada Victoria
Uganda waxay Kenya ka difaacanaysaa 240 mitir oo Jasiirad ah, halka DFKMG ay muran galisay dhul-badeedkeedii Akhri

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: