Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday,
Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay...
- SomaliTalk.com | June 1, 2009
Dawladda FKMG Prof. Ibbi oo aan Habayaraartee Fahmin Heshiiska is-Afgarad iyo Macnaha
Xadaynta Qalfoofka Qaaradda Badda...
Video lagu daabacay Youtube-ka ayaa Ra'iisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Wasaaradda
Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Prof. Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi
waxa uu ku
eedeeyey SomaliTalk.com iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka hadlay heshiiska Dowladiisu
lagashay Kenya. Hadalka wasiirka/ra'iisul wasaare xigeenka oo ahaa waraysi May
27, 2009 uu qaaday wariyaha Tv-Universal ee Mahad Carbow Cali waxa uu ku
saabsanaa laba arrimood:
Arinta Burcad baddeeda (oo ahayd sababtii uu Qaahira u yimid si uu uga qayb galo shir
arrintaas ku saabsan) iyo Heshiiska Dowlada FKMG ee Soomaaliya lagashay Kenya. Waxaan
faallayn doonaa hadalkii wasiirka ee ku saabsanaa heshiiska Nairobi, waxaana
ummadda Soomaaliyeed u iftiimin doonaa in wasiirka doodiisu jaban tahay,
siyaasad ahaan iyo aqoon ahaan dhinaca Qalfoofka Qaarada (badda).
Qoraalkani waxa uu u qornaan doonaa qaab ah: Su'aalahii is-fahamka laga
weydiiyey wasiirka, jawaabtii uu ka bixiyey iyo Iftiimin iyo saxid jawaab u ah hadalka
wasiirka.
- FG: Video waxaa nasoo gaarsiiyey shabakadda XAMARCADE.COM, hoos
yaan ka daawan doonaa:
Su'aasha koowaad ee la xiriirta heshiiska is-afgarad (ee uu weydiiyey wariye Mahad Carbow Cali oo Universal TV u jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar)
ayaa ahayd: Wasiir, ayada oo dhawaan idinka iyo Dawladda Kenya aad gaarteen Is-faham dhinaca badda ah ee Dawladda Kumeel gaarka ah waxaadna gudbisay Qarammada Midoobay khariidad iyo map u gaar ah oo u waafaqsan sidii hore xuduudda badda ee Soomaaliya, arrimahaasi xaggee ku
dhammaadeen?
Prof. Ibbi waxa uu ku jawaabay: "Bismilaahi Raxmani Raxiim, horta arintaa waad ku mahadsantahay su'aashaas inaad i waydiisid sabtoo ah waa u baahnayd in tafaasiil badan
laga bixiyo sababtoo ah jaah wareer baa laga bixiyay, suu'u Tafaahum badan baa ka dhacay...Horta waxa la gaaray
heshiis ma ahayn ee waxa
uu ahaa is afgarasho annaga iyo dawladda Kenya isku afgaranay in nin walba badda
cadka uu ka doonayo in uu ka weydiisto adduunka in uu ka warsado taasna waxaa
oranaya qodobka Convention-ka Article 76. Waa arkay website-yo ay ku
qoran yihiin baddii Soomaaliya ayaa intaas oo kun oo kiiloomitir la dhax galay.
Horta badda Soomaaliya iyadoo dhanba waa 3300(km), waa badda ugu dheer ee
Afrika, laakiin degree-ga la leeyahay waa Vertical iyo Horizontal, yacni si
dhidib ah iyo si loolka la leexiyey; annaga 1972 Allah ha u naxariistii
madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayuu ahaa ninkii sharcigii la oran jirey
sharciga 37 ee badda markii Golaha Sare ee Kacaanka go'aankaas ay gaareen ayaa
lagu go'aamiyey in 200 nautical mile ay Soomaaliya leedahay."
SomaliTalk: Warsiirka hadalkiisa wuxuu ku bilaabay inuu heshiiska
leeyahay waa is afgarad ee ma'ahan heshiis, hadalka Ibbi waxaa horay uga
jawaabay Dowladii uu heshiiska lagalay oo ku tilmaantay inuu yahay heshiis.
Qoraal ay SomaliTalk.com hadda ka hor isku barbar dhigaysay ayaa Kenya ku
cadaysay sida ay u aragto heshiiska, waxaan aqoraalkaas hore ka mid ahaa sidan "Haddaba, waxaa
muhiim ah in dadweynaha Soomaaliyeed loo bayaamiyo sida ay Kenya u aragto waxa
ay la saxiixatay Soomaaliya. Waxaa arrintaas si aan shaki ku jirin u caddeeyay
war ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, April 7, 2009, oo ay
cinwaan uga dhigtay "Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement"
- oo haddii Af-Soomaali lagu macneeyo ah "Kenya iyo Soomaaliya waxay
wada saxiixdeen HESHIIS XUDUUDDA BADDA." Arintaas waxaa haboon in
wasiirka iyo Dowladiisu inay ka qancaan ku celcelinteeda heshiis ma'ahan,
maadaama ay iska cadahay. Qoraalkaas oo faah faahsan cinwaankan ka akhri. Aragtida
Kenya ee "Heshiis Xuduudda Badda" ee ay la Gashay "Jamhuuriyadda
Soomaaliya".
Haddii aan jalleecno qoraalkii Axmed Cali M. Khayre oo ah Garyaqaan ku
takhasusay qawaaniinta caalamiga ah uu ku sharaxay "Macnaha Heshiiska
Isfahamka" waxaa ka mid ahaa: "Marka la tixgalinayo qawaaniinta caalamiga
ah, magaca heshiiska loo bixiyo ma sugo in heshiisku yahay mid qabanaya sharci
ahaan waddamada kala saxiixday heshiiska (binding) iyo in kale ee waxaa
la fiirinayaa waxa ku qoran heshiiska iyo masuuliyiinta saxiixday. Marka la
fiiriyo kalmadaha loo adeegsaday heshiiskan iyo saxiixa ay saxiixeen wasiirrada
arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxaa muuqata in uu yahay mid loogu
talo galay heshiis labada dalba qabanaya. "
Hadalka wasiirka ee ahaa "Waa arkay website-yo ay ku
qoran yihiin baddii Soomaaliya ayaa intaas oo kun oo kiiloomitir la dhax galay.
Horta badda Soomaaliya iyadoo dhanba waa 3300(km)" - Hadalkan wasiirka
waxaa ka muuqata aqoon daro ama fahmid la'aan uusan fahmin waxa laga hadlayo,
wasiir waxa laga hadlayo ma'ahan
dhererka xeebta badda Soomaaliyeed ee waa Badka, marka dhul-baddeedka Kenya
goosatay si sadex xagal ah loo cabiro ayadoo la adeegsanayo loolka/dhigaha ay
cabbirka ku gudbisatey, dhulka ay kusoo xadgudubtay waa
116,000km2 (ee ma aha 116,000km , faraq aad u weyn ayaa
u dhaxeeya labadaas cabbir). Wasiir qolka aad dagantahay marka aad qoraal kan heshid dhinac kasta
kacabir, kadibna raadi badka (ama bedka) oo sheeg jawaabta kuusoo baxda, laakiin haddaad
hal dhinac ka cabirto sida qaalibka ah waxaa kuu soo baxaya (4 mitir,
oo dherer ah, waa tusaale'e). Waxaan
filaynaa inaad darsigaas ka faa'iidi doonto, fadlan dhuux sawirka hoose oo
markale akhri.
116,000 km2 oo Kenya cabiratay waa bed (km2),
dhinacyada ayaa ah dherer (km), Prof Ibbi haloo sheego
Aan ku laabano Video-ga iyo Prof. Ibbi oo hadalkiisii sii watay, waxa uu
yiri: "Waxa haddan annaga aan dalbanayno oo anaga iyo Kenyana aan leenahay wax ka
badan baan rabnaa waxa weeye outer limit - outer limit-ka 200 nautical
miles wixii ka dambeeya - horta dadka in ay fahmaan baan rabaa - 200 ee nautical
mayl waxa ka sii shisheeya baa horta labadanaduba dalbanaynaa, oo labadanada
iskuma haysano ama kuma doodeyno, doodna kama taal Soomaaliya (19)72dii 200 ee
nautical mayl oo (19)89kii ay United Nation-ka ay ku xaqiijisay Convention-kii
76 ee sharciga badda adduunka lagu xaqiijiyey in 200 nautical mayl ay Soomaaliya
leedahay horta wax dood ka taagan tahay ma aha. Waxa laga hadlaayo oo hadda
la leeyahay waxa weeye 350 nautical mayl ayaan doonaynaa, in aan 150 ku darsano,
marka haddaan rabno anaga in aan outer limit of continental shelf-iska oo
200 nautical mayl 150 ka sii shisheysa ayaanu qaadanaynaa marka aan leenahay,
dawladda Kenya ayana sidoo kale meeshii awal ay joogtey way naga bad yartahay oo
480 ayey leedahay, laakiin inta ay yartahay inta ay ka sii doonayso waxay dadka
hadda ku andacoonayaan leh badda Soomaaliyaa la soo galay WAXAY SAMAYSATAY
AYADU, oo laakiin aan rabaa in aan u sharaxno ummadda Soomaaliyeed xarriijinta
Soomaaliya dhulkeeda markuu soo galo badda ayey toos ka dhigtay, marka ay toos
ka dhigto WAA RUN badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan."
"Laakiin dadku indhaha ma xirra'ee khariidaddii hore u samaysnayd ee dhulka
Soomaaliyeed toos uma gasho ee horta dhinac bay u gashaa, oo waxaan rabaa dadka
in ay si fiican u arkaan oo khariidadda Soomaaliya dib u fiirsha. Dhulka
Soomaaliya marka uu ka yimaado dhulka Kenya iyo Soomaaliya xuduudda ay ka
leedahay badda marka uu u soo dhawaado qallooc yar baa ku jira oo Kiyunga meel
la yiraahdo ayaan ka galnaa annagu. Qalloocaas markii saan loo galo annaga
xarrijin baa ka baxda (haddaan maabka ku siinayaa), xariijintaasi marka waxay u
leexanaysaa sidan 200 oo nautical mayl adduunkaaba noo qoondeeyayoo horta saas
ayuu u yaalaa, ayadu ama saan ha u jeexdo ama saan ha u jeexdo ama sidan ha u
jeexdo wax laga akhrisanayo iyo wax laga dhegeysanayo midna ma aha. Nin walba
wixii uu rabo ayuu sheegan karaa, laakiin kii yaalay ee Maxamed Siyaad Barre
ansixiyey ee adduunku noo aqoonsan yahay baan annaga ka sii ambaqaadaynaa oo aan
wadaynaa ee ma aha kaanagii hore horta doodi kama taagna. Waxaan qaadaynaa kii
200 nautical mayl ahaa ayaan qaadaynaa. WAA RUN iyada hadda xarriijinta ay
samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo
durkoo toos ayuu u socdaa," ayuu yiri.
SomaliTalk: Arinta kale oo muhiimka ah waxay tahay in Wasiirku
cadeeyey in ay ikhtiyaari tahay inay heshiiskan (is-afgaradka uu'ugu yeeray) galaan marka uu lahaa
"Annaga iyo Dawladda Kenya isku afgaranay in nin walba badda
cadka uu ka doonayo in uu ka weydiisto adduunka in uu ka warsado taasna waxaa
oranayaa qodobka Convention-ka Article 76." Arintaas horay ay dowladu ugu
celcelin jirtay in heshiiskan ay Dowladu ku qasbanayd Wasiirku meesha ayuu
kasaaray sida hadalkiisa ku cad. Halkaas marka la dhuuxo, waxaa xusid mudan in Qoraalka dukumiintiga ah ee is afgarad ee
dhex maray Kenya iyo Soomaaliyaa marka la eego qaabka loo qoray waxa uu si
qeexan Qarammada Midoobay ugu sheegayaa in badda u dhaxaysa labada dal ay tahay Bad
Muran ka jiro. Haddaba, waxaa in si weyn loogu baraarugo ah xeerka QM ee ay
tahay in la waafajiyo xogta ku saabsan cabbirka badaha ee dalalku u gudbinayaan
QM, qodobkiisa Article 76 ee qeexaya qalfoofka qaaradda, farqaddiisa 8aad, waxaa
ku cad in guddiga QM marka loo gudbiyo xogta ay talo bixin ka dhiibanayaan
xadaynta qalfoofka qaarada xadkeeda dhanka badweynta xiga. Waxaa kale oo
qodobkaas ku cad in: Xadaynta qalfoofka qaarada ee badda hoos u sii gashan ee
dal sameeyo ayadoo la raacayo soo jeedinta Guddiga QM in wixii ay ku
taliyaan uu yahay kama dambays oo ay tahay in aan la jebin. Qodobka 76 qasab
ama shardi kama dhigayo in laba dal oo kasta oo xuduud badd wadaaga ay heshiis
is afgarad galaan, waase gali karaan haday doonaan. Taasna waxaa dadiil u ah
sida aan marar kale kuxusnay inuusan shardi ahayn, waxaa dalalka aan xuduud bad
wadaagno ka mid ah Yemen iyo Seychelles, midkastana wuxuu xogtiisa gudbiyey ama cadkiisa
dalbaday inagoo wax heshiis ah uusan nala galin, hadaba su'aashu waxay tahay
Kenya maxaa ku gaara!? Wasiirka waxaa laga rabaa inuu sheegto haduusan heshiiska galin
sharciga u diidaya in uu raadsado cadkiisa ama gudbisado xogta kordhinta
Qalfoofka Qaaradada wixii kabaxsan 200 mayl baddeed, isagoo Kenya aan isku lamaanin.
Khariidada Kenya u gudbisay QM, May 6, 2009
Arinta kale aadka muhiimka u ah waa in wasiirku qiray in Kenya cabirkeeda
leexisay oo badda Soomaaliya soo gashay, wasiirku wuxuu yiri " WAA RUN iyada hadda
xarriijinta ay
samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo
durkoo toos ayuu u socdaa" Hadaba su'aashu waxay tahay aaway hadalkii
Dowlada ee ku aadanaa in baddii Soomaaliya lasoo galay? Maxay Dowladu xataa
halmarna warsaxaafadeed ugu sheegi wayday in baddii Soomaaliya Kenya soo gashay?
Sida uu wasiirku sheegay, isagoo yiri: "...heshiiska aan galay waxa uu leeyahay qolona qolada kale kuma xad
gudbi karto - qolana qolada kale kuma xad gudbi karto inta laga soo ansixinaayo
khariidooyinka" - marka hore hadalkan heshiiska kuma xusna, hadii ayse dhacdo
in wasiirku hayo qoraal saas sheegaya, maadaama uu cadeeyey in Kenya soo
xadgudubtay muxuu waajibaadkiisa uu ku dhaartay u fulin waayey oo heshiiska
u difaacayaa intuu ka bixi lahaa oo badda ummada Soomaaliyeed difaaci lahaa?
Somaalidu waxay ku maah maah daa " hadii laabi meel dhacdo indho wax
ma'arkaan"
Jihada Xarriiqda xadaynta Kenya iyo Soomaaliya |
Sawiradii Cilmi-baaristii SomaliTalk.com
February-April,
2009
Waa kan markale Prof. Ibbi oo hadalkiisii sii watay, waxa uu yiri: "Laakiin heshiiska aan galay waxa uu leeyahay qolona qolada kale kuma xad
gudbi karto - qolana qolada kale kuma xad gudbi karto inta laga soo ansixinaayo
khariidooyinka. Khariidada la ansixinayo marka ma aha xarriijinta badda geleysa
iyo midda aan badda geleyn, waxa la ansixinayaa waa 200 nautical mayl wixii ka
shisheeya oo 150 ah, sideedaba waxaan shacbiga in aan u sheego "It's nothing
to do with any demarcation delimitation" - Af-Soomaali markaan ku sheego
waxaa weeye: wax haba yaraatee ay xarriijin oo xuduudeed oo labadayada Kenya iyo
Soomaaliya oo bad ah oo lagaba hadli karo oo arrinta khusayso maba lahaba,
PERCHE' (= because = sababtoo ah) Commission-ka (Guddiga)
warqadaha loo geystey xarriijin badeedna shaqo kuma leh, xariijin loolna shaqo
kuma leh, xariijin horizontal ama verticle oo xuduud magaceeda sheegtana shaqo
kuma laha, wuxuu shaqo ku leeyahay Coninental shelf oo loo yaqaano
dhulka meesha uu badda ka gelaayo, shacbiga in ay bartaan baa fiican, badda
markay go'do qofka Soomaalidu waxay u yaqaanaan badda markaad lugta gelisid nus
mitir, hal mitir, laba mitir, ilaa iyo kun (1000) mitir ayaad dhulka ka
gaaraysaa, meesha aad moolka kaga tagtid ayaa horta continental shelf
la
dhehaa. Inta aad dhul taabanaysidba continental-ka waa sida jaran-jarada ay
badda dhulka ugu soo geleyso iyo biyaha, markaad dhulka ka timaadid oo biyaha
dhex gashid hadba inta aad dhulka taabanaysid ayaa continental shelf
la
dhehaa. Inta aan leenahay adduunku waxa uu sheegay in 8 (siddeed) dhibcood aannu
gaarayno, waxay caddaynaysaa in aan Suqadara dhaafayno annaga, dhinacana
Seychelles ayaan u dhowaanaynaa, Kenya warkeeda iskaba dhaaf shaqoba
iskumaba lihin. Marka waxa laga hadlay waxaa waaye dhulka overlapping
(is-dul-saar) uu badda ka samaynayo la leeyahay xarriijinta ay (Kenya)
samaysatay iyada ama indha la'aan haku samaysato ama indha fiyoobi haku
samayso'e, commissionka loo gudbiyey wax shaqo uu ku leeyahay xuduud haba
yaraatee ma laha."
Sawiradii Cilmi-baaristii SomaliTalk.com February-April,
2009
SomaliTalk: Wasiirku wuxuu ku celcelinayaa waxaan ku heshiinay inaan
labada wadan isku soo xadgudbin, wasiirka Baddiisa ayaa lagu soo xadgudbay,
wax tallaabo ah oo uu qaadayna malahan, marka laga reerbo inuu difaaca badda
Soomaaliyeed ku tilmaamay siyaasad. Arrinta kale oo muhiimka ah oo ummadda
Soomaaliyeed u baahan tahay inay ogaato waa inaysan Wasiirka iyo Dowladiisu fahmin
heshiiskan iyo xadaynta badda waxa loola jeedo. Wasiirku wuxuu yiri: "sideedaba waxaan shacbiga in aan u sheego "It's nothing
to do with any demarcation delimitation" - Af-Soomaali markaan ku sheego
waxaa weeye: wax haba yaraatee ay xarriijin oo xuduudeed oo labadayada Kenya iyo
Soomaaliya oo bad ah oo lagaba hadli karo oo arrinta khusayso maba lahaba".
Heshiiska Kenya lala galayna wuxuu leeyahay:
Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa
Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka
dambeeya aan dhehi doono "Labada Dal ee Xeebta"). Arrinta
calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee
xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED". Sheegashada
labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni
isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah "Aagga
lagu mursan yahay."
Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in samaynta
xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan
200 oo mayl badeed, waa mid aan caqabad ku ahayn (ama ka hor imanayn)
su'aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka leh
xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada dal ee Xeebta
(Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta
qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog
leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka
qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku
ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya).
Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go'an in ay wada
shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan
samaynta xaadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed.
Meesha ugu danbaysa heshiiska wuxuu leeyahay sidan: "Calaamadinta
xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka
qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona ladaba dal ee
xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka caalamiga ah kaddib marka
Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka baaraan degidda) macluumaadka sida
kala goonida ah ay ugu gudbiyeen labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo
Guddiga (QM) ay talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta
(Somalia/Kenya) ee ku saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta
ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed"
Waxaa halkaa noogu cadaatay inaan wasiirku fahmin heshiiskii Kenya uu lagalay
ama uu wado indha-sarcaadin. Waayo waxa laga hadlayo waa calaamadinta
Qalfoofka qaarada ee labada dal, wax kale oo laga hadlayo maba jiraan. Sida laga
dheehan karo heshiiska is-faham ee Kenya waxay muran galisay 200 oo mayl baddeed oo hore noogu
calaamadsanayd iyo 150 mayl baddeed oo la calaamadin doono. Sidoo kale marka laga hadlayo cabirka Qalfoofka
qaaradda ee badda hoos usii gashan waxaa qasab ah in laraaco dhigaha iyo loolka si loo
ogaado cabirku meeshuu dhacayo. Wasiirku wuxuu lahaa isagoo noo sheegaya inaan
loo baahnayn dhigo iyo looltoona: "
PERCHE' Commission-ka (Guddiga)
warqadaha loo geystey xarriijin badeedna shaqo kuma leh, xariijin loolna shaqo
kuma leh, xariijin horizontal ama verticle oo xuduud magaceeda sheegtana shaqo
kuma laha, wuxuu shaqo ku leeyahay Continental shelf ..."
Wasiirku wuxuu leeyahay ummaddu inay fahanto ayaa larabaa, laakiin xaqiiqada
isagaa u baahan in bilo loo sharxo, marka laga hadlayo Continental shelf
maxaa
laga wadaa, sideese loo cabiraa, taas ayaa in la fahmo u baahan? Wasiirka waa ka
ilduufay arinta uu qiray wasiirka heshiiska saxiixay, heshiiskana ku
cad ee ah "Wali lama xallin calaamadinta Qalfoofka Qaaradda Badda u
dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya." Sidaad waxay ku qorayd heshiiska. Fadlan
akhri heshiiska oo af-Soomaali
iyo english ah.
Waxaa aad u cajaa'ib badan arrinta uu ankirayo wasiirku ee la xiriirta loolka
ay ku caddahay akhbaarta ay Kenya u gudbisay QM, taas oo ay si qeexan u
muujinaysa cabbirka ay Kenya soo bandhigtay ee Dhigaha iyo Loolka adduunka, sida
ka muuqata sawirka hoose oo laga daalacan karo website-ka qarammada Midoobay. (Longitude
= Dhig), (Latitude = Lool).
Eeg:
http://www.un.org/Depts/los/ (pdf)
Waxaa kaloo xusid mudan in Ra'iisul-Wasaare-xigeen/Wasiir Ibbi uu qiray in waxa loo baahan yahay
kaliya ay tahay in la kordhiyo cabirka aaga ganacsiga oo hadda ah 200 nautical
Mayl in laga dhigo 350 nautical
mayl, arintaasna waa arinta SomaliTalk ay markasta lahayd looma baahna heshiis
in lagalo, mana jiro aag dhacaya hadaan heshiis lala galin Kenya, ee kaliya waxaa loo
baahan yahay inaan horay ugu durugno aaga ganacsiga 150 mayl baddeed
inagoo akhbaarteena gaar u gudbisanayna.
Hadaba si taas loo sameeyo waa in la xadeeyaa qalfoofka Qaarada iyadoo laraacayo
xeerka QM.
Hadalka sirta ah oo in lafahmo u baahan waxaa weeye hadii uusan Commission-ka
(gudiga xogta loo gudbiyey) uusan shaqo ku lahayn in uu Muran baddeed xaliyo,
macnaheedo ma calaamadin iyo xadayn badd lagama hadlayaa?. Way jirtaa in
gudigaan uusan ahayn gudiga xalinta Muranka baddaha, laakiin hadana wuxuu u
xawilayaa gudi kale oo howshaas qaabilsan, hadii aan heshiis labada dal
soo wada gudbisan xiliga xogta la gudbinayo. Laakiin sirta Kenya waa in ay na
waafajisay xeer kaas, inaan baddeenii Muran galinay. Si taxadar leh aan u wada
akhrino qoraalkan hoose oo xoghaynta gudiga xadaynta badda uu sii daayey May 13,
2009 Somalitalk.com idiin turjuntay.
Haddii ay jiraan muran ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda, murankaas oo
u dhaxeeya laba dal oo bad wadaaga, ama dhul aan la xallin ama muran badeed la
xiriira akhbaarta la soo gudbinayo waa in: dalalka xeebta leh ay Guddiga
Xadaynta Badaha la socod siiyaan in uu murankaasi jiro marka ay akhbaarta soo
gudbinayaan - (Akhbaarta ku saabsan muran-badeedka haddii ay jirto waxaa
shardi ah in loo sheego guddiga xadaynta ee QM marka xogta loo soo gudbinayo).
Haddii ay jiraan muran dhul ama muran badeed, Guddiga
Xadaynta Badaha wax tixgalin ah ma siin doono, mana ansixin doono, akhbaarta
(la xiriirta aagga muranku ka jiro ee) la soo gudbiyay dalkii uu doono ha soo
gudbiyee. Laakiin, Guddigu waa tixgalinayaa akhbaarta la soo gudbiyo ee ku
saabsan aagga muranku ka jiro haddii ay ogolaansho isla soo gaareen
dalalka muranku ka dhexeeyo, oo ay ogolaanshaha isla soo gaareen ka hor inta
aysan akhbaarta usoo gudbin Guddiga QM ee Xadaynta badaha.
Haddii aad dhuuxdid qodobada sare, islamarkaasna dib u milicsatid sidii ay u
degdegayeen madaxda Soomaaliyeed markii ay heshiiska Is-afgarad ee Kenya ay la galeen
u dhuuhaynayeen,
waxaa kuu soo baxaya sida tooska ah ee ay uga shaqaynayeen in dhul-badeed
Soomaaliyeed loo sharciyeeyo Kenya. Waayo waxaa si waadax ah uu halkaas Mr.
Rajan ugu caddeeyey in aan la aqbali doonin akhbaar hal dhinac keliya ku doodayo.
Waa su'aale maxaa madaxda Soomaaliyeed ku kallifay in ay aqbalaan in
dhul-badeedka dalkooda muran la geliyo iyagoo ogaa in qodobkaasi jirey. Waa kan
markale Mr. Rajan oo arrintaas sii faahfaahinayay:
Marka akhbaarta la soo gudbiyo, Guddiga Qarammada Midoobay waxa ay
daabacaan akhbaarta oo kooban, waxayna website ku jiraysaa saddex bilood ka
hor inta dalkii akhbaarta soo gudbiyay uusan hor iman Guddiga QM oo halkaas
akhbaarta ka hor akhrin. Marka akhbaarta lagu daabaco website-ka waxaa had iyo
jeer dhacda in dalka kale (oo badda la wadaaga) uu soo diro jawaab celin ama
wax tusaalayn ama qoraal (ama diidmo). Marka dalkii akhbaaarta soo gudbiyay uu
Guddiga QM horyimaado oo akhbaartiisa u akhriyo, waxaa jira waqti uu dalka
kale kaga jawaabi karo, haddii markaas Guddigu ogaado in uu jiro muran taagan
oo markaas AYSAN JIRIN OGOLAANSHO AY ISLA GAAREEN LABADA DAL EE MURANKU U
DHEXEEYO, markaas lama tixgalin doono akhbaartaas la soo gudbiyay. Dalka
wax diidan (khasab kuma aha in uu sugo saddex bilood ee) marka ugu horaysa ee
ay arkaan akhbaarta la daabacay ayey ka doodi karaan. (Eeg VIDEO).
Qoraalkoo dhamaystiran akhri
Waxaan rajaynaynaa inay ummadda Soomaaliyeed u cadaatay in Prof. Ibbi
uu isagu is naqdinayo/burinayyo/baraanbarayo/iska hor imaanayo, isagoo aan ogayn ama is moogaysiinaya, heshiiska aan
galay waxaa cad sida xeerarkan kore ee aan soo xusnay sheegayaan, in ugu
yaraan laba khasaare noogu sugan tahay heshiiskan xarayntiisa kaliya. 1)- INAAN
NALOO ANSIXIN 150 MAYL BADDEEDKII AAN XAQA U LAHAYN MAADAAMA MURAN GALAY. 2)-
SHEEGASHADA KENYA LAMA TIX GALIYEEN HADII AANAN SAXIIXIN HESHIIS. Waxaase
nasiib daro ah inaan waliba gacanteena ugu xaraynay, Kenyana ay xustay oo
kaliya. Waxaa iyana taas kasii naxdin badan in Wasiir Ibbi uusan ka
faa'iidaysanayn fursadii lasiiyey inuu kusoo gudbisto jawaab diidmo ah oo ku
aadan 116000km2 ee Kenya wadankiisa ka goosanayso. Iskadaa in Prof. Ibbi uu bad
soo dhiciyee, mar uu ka hadlayey cabirka badda Soomaaliyeed iyo waddamada aan is
gaarayno oo xuduuddaha nala leh, wuxuu sheegay hadal shaki kujiro "Kenya warkeeda iskaba dhaaf shaqoba
iskumaba lihin". Sidee ayaanan shaqo isagu lahayn waaba waddanka kaliya
ee Badda nagu haystee.
Kharidad muujineysa xadka u dhaxeeya Somalia-Kenya-Tanzania.
Isha: www.seaaroundus.org
Prof. Ibbi waxa uu yiri: "Midda kale dadka aqoonta leh waxaan rabaa, oo ka doodaya arrintan iyada ah,
in ay horta kala ogaadaan waxa la galay waa is-afgarad oranaya war cadkaygaan
doonanaynaa ee cadkaaga doono, nina ninka kale kuma xad gudbi karo ee ogow,
intaas weeye. Heshiis lama gelin, dhul lama bixin, dhul lama gato, adduunku waa
wax laga yaqyaqsoodo qof weyn in uu yiraahdo baddii Soomaaliyeed ayaa la gatay.
Badda Soomaaliyeed ma jeebka Ibbi iyo jeebka C/raxmaan C/shakuur iyo jeebka Sheikh
Shariif miyey gali kartaa, ma geli karto. Badda ayaad ka hadlaysaan ma 'aha
Kalluun la gatay iyo doon Kalluun lagu qaatay iyo sharci laysan Kalluun dad la
siiyey iyo ma aha. Waxaad ka hadlaysaa dhawr kun oo mitir baa la leeyahay waa la
gatay, Hektarka beerta Janaale laga gadanaayo ayaad ka
hadlaysaa $250,000 doolar, meeqa ayay 9-kun oo mitir oo bad ah oo intaas oo kun
oo kalluun ku jirto la isiin karaa, waa Billions of (oo) Doolars. Billions of doolars
dawladda aniga i siinaysaa maxay iga raadsanaysaa? "
"Yaakhay dadka in ay gartaan
baa fiican, caqliga bini'aadamka in la siyaasadeeyo waxaa ka khayr badan in aad
waxaad wax ku raadsan kartid aad samaysid, haddii dawladda mucaarad lagu
noqonaayo looguma noqdo mucaarad wax adiga kugu soo noqonaayo, waxaan waa cad
yihiin iyo waa madow yihiin wax lagu doodo ma aha. Waxaa fiican siyaasadaynta in
ay ka baxdo xadka ah badda la gatay iyo bad baa la yeelay iyo waa arkaayey
website-ka SOMALITALK waa daba soconay oo, ma taqaanaa waxaan ku daba soconay
ilaa iyo meelahaas oo, meeshaas ayaa maraysaa, kharididdu waa tanaa, tan waadba
keentaye tii Soomaalida ee Maxamed Siyaad Barre keenay ee garab cararaysa maxaad
u soo dhigi weysey. Anigu waxaan rabaa SOMALITALK in ay keento tii Maxamed
Siyaad Barre Allah ha u naxariistee ee 200 nautical mayl naloogu ogolaaday ee
jirta ee commission-ku oggol yahay ee meeshii in laga sii ambaqaado ah,
oo saan u kala socota, waa sidan, fartaas, dadku way i arkaayaan ayaan u
malaynayaa waa saas, kaanaga saan buu socdaa, koodana saan buu u socdaa
Kenyanka, kan maxay u soo qaadi waayeen oo u soo dhigi waayeen hadday siyaasan
ku jirin, oo aysan ahayn dawladda ayaan diidanahay, dawladdaan mucaarad ku
nahay, marka waxaan u raadinaynaa duldulool, saca waxaa la yiri in uu wax
diidaayo sankuu wuxuu ka raadiyaa baa la yiri meelo duldulool ah, haddee duduleel lagama helin anaga, dad
aqoon leh oo aqoonteedii leh oo sharafteedii leh oo mihnadeedii leh oo wexeedii
yaqaanno, ayaa barnaamijka loo diray," ayuu yiri.
"Arrinta Norway loo xilsaaranayona RUN
waaye, SOMALITALK waxay leedahay Norway Kenyana waa ka caawisay, Ofcourse
(=dabcan) Kenya ayey caawisay, anaga ayay na caawisay, Ivory Coast ayey caawisay,
Sierra Leone ayay caawisay, Liberia ayey caawisay, Comoros ayay caawisay,
Seychelles
ayey caawisay, waxay caawisay Mauritania, sagaal (9) dal oo Afrika ka mid ah ayaa
$28
million oo doolar lagu bixiyey in arrimahan badda laga kaalmeeyo oo aan awood u
lahayn, aqoon in laga kaalmeeyo, macnaheedu ma aha dawladda Norway haddii ay
Kenya mucaawinayso, Soomaaliyana caawinayso ujeedo ayey ka leedahay. Bad
Soomaaliyeed shidaal lagama qodan karo, khayraadkana lagama raadsan karo
"Without consent and permission of the Somali Government" ayadoo
dawlada Soomaaliyeed wax ay raali ka tahay haba yaraatee oo aan la isku
afgaranin lagama samayn karo. Waana mahadsantihiin," ayuu yiri Prof. Ibbi.
Sawiradii Cilmi-baaristii SomaliTalk.com February-April,
2009
Su'aasha labaad ee weriyuhu weydiiyay waxay ahayd: "Wasiir; sida aad la socotid heshiiskan Kenya iyo Soomaaliya ay galeen qaar badan oo aqoonyahannada Soomaaliyeed ka mid ah waxay ka muujiyeen dareen caro leh sida aad la socotid, waxaa la leeyahay heshiiskaas ay Kenya la saxiixatay dawladda Soomaaliya, isla markaana uu u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame aad bay ugu fududaatay xukuumadda 'midnimada qaran' ee Soomaaliya, maxaad kala socotaa macluumaadkaas?"
Prof Ibbi waxa uu kaga jawaabay: "Bismillaahi Rasmaani raxiim, waa su'aal kale oo muhiim ah aad baan ugu baahnaa shacbiga in ay wax badan ka ogaadaan, horta haddii
ee (...qosol...) waa ku fududaadeen markii la leeyahay, waan arkaayey.... waan akhriyaa aad ayaan u akhriyaa,.... marka la leeyahay, waan
arkaayey.... ,
waxaan aad uga xumahay aqoonyahannada jecel in marwalba ay website-yada ka
hadlaan, hadday Soomaalino iyo qarannimo ka tahay in ay toos u soo galaan
idaacadaha doodda leh, sida HornAfrik iyo Shabeelle iyo idaacadaha
Universal
TV oo kale oo aan diyaar u nahay in shacbigu isu kaaya dhegeysto oo aan rabno in
si wada hadal oo joogto ah oo sax ah in aan u wada hadallo, oo shacbigana aan
map-ka (khariidad) dhigano, map-koodana ha keenaan, map-keenana waa keenaynaa."
Xariiqda xadaynta Kenya-Soomaaliya jihadeedu waa Koonfur-Bari
| Sawiradii Cilmi-baaristii SomaliTalk.com
February-April,
2009
SomaliTalk: Hadalka wasiirka oo kore waxaan ka xusaynaa
laba meelood oo kaliya: 1) hadalka Ibbi ee ahaa "Midda kale dadka aqoonta leh waxaan rabaa, oo ka doodaya arrintan iyada ah,
in ay horta kala ogaadaan waxa la galay waa is-afgarad oranaya war cadkaygaan
doonanaynaa ee cadkaaga doono, nina ninka kale kuma xad gudbi karo ee ogow,
intaas weeye. Heshiis lama gelin, dhul lama bixin..."Markale ayaan kuugu
celinaynaa ee Dowladii aad heshiiska lagasheen waxay aduunka iyo Qarammada
Midoobayba u sheegtay sidan: "Kenya and Somalia sign Maritime boundary
agreement" - oo haddii Af-Soomaali lagu macneeyo ah "Kenya iyo
Soomaaliya waxay wada saxiixdeen HESHIIS XUDUUDDA BADDA." Waxay
Soomaaliya lagashay heshiis xuduuda badda ku saabsan. Fadlan hadaad haysid nuqul
kale oo aan ahayn kan Kenya ay sooqorotay soo bandhig. Arrinta aad leedahay "nina ninka kale kuma xad gudbi karo ee ogow"
heshiiska meelna kagama xusna, hadiise ay ahayd heshiis afka ah aad iska
tiraahdeen, waa lagu soo
xadgudbay badda Soomaaliya sida aad qirtay, maxay tahay Jawaabta aad ummadda Soomaaliyeed ee aad u
dhaaratay u sheegaysid. Hadii lagugu soo xadgudbay heshiiskii miyuusan burin. 2)
Hadalka wasiirka ee ahaa "Hektarka beerta Janaale laga gadanaayo ayaad ka
hadlaysaa $250,000 doolar, meeqa ayay 9-kun oo mitir oo bad ah oo intaas oo kun
oo kalluun ku jirto la isiin karaa, waa Billions of (oo) Doolars...."
Waxaan filaynaa waxaad isaga kaa khaldamay Miter iyo Kiiloomitir, waxaa aad kuula
waynaaday 9 kun oo Miter, waana arrinta sababi karta inaad rumaysan waydo dhulka
Kenya goosatay waynaantiisa (116000km2). Hadaba si aan markale Wasiir Prof. Ibbi
laguu dagin maadaama aad Soomaali matalaysid , waan kuu faa'iidaynaynaa ee
Hectare-ka waxaa lagu cabiraa bedka ama waxa afka ingriiska lagu yiraahdo
Area (1 Hectare = 0.01km2 ama 10,000m2), halka
mitirka lagu cabiro dhererka ama Length. (1km=1000m), sidaas
daraadeed 9-kun oo mitir waxay u dhigantaa 9 kiiloomitir oo keliya. Waxaan
filaynaa khuburadii aad xustayna sharaxaada kuma darin arintan maadaama aad
wadataan mansabyo waawayn iyo shahaadooyin jaamacadeed. Fadlan akhri qoraalkan
si aad u ogaatid sida lagu helay cabbirka bedka dhul-badeedka Kenya goostaya.
"Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa
u calaamadsan in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39'34.25"S,
47°20'38.46"E ), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga
meel xeebta u jirta ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu
jirta dhul-badeedka Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco
xeerka badaha adduun bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54'13"S,
46°24'55"E). Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka
Soomaaliyeed halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay
116,000 km2."
-
FG: Bedka badda ee 116,000 sq.km si aan u xisaabino waxaan u
adeegsanayey xeerka saddex-xagalka ee "Archimedes" iyo xeerka loolka iyo
dhigaha ee 'Haversine' iyo cabbirka Kenya u gudbisay QM... (eeg
halkan).
-
FG: Cabbirka 116,000 km2 waxa uu ku salaysan
yahay halkii uu mari lahaa cabbirka haddii la raaco xeerka badaha adduunka
iyo xeerkii u dhignaa dawladdii Soomaaliya, isla markaasna khadkii xadku ku
socdey sidii uu u socday loo sii wado ilaa meel xeebta ka durugsan 350 mayl
badeed jihada Koonfur-Bari.
Prof. Ibbi waxa uu yiri: Horta laguma
fududaanin ee bisha May 13keeda ayuu dhaci lahaa haddii aan la saxiixi lahayn oo
C/raxmaan C/shakuur oo annagu aanu u wakiilanay golaha wasiirada, oo markaa
Nairobi joogay ahna dee wasiirkii iskaashiga caalamiga ah in uu u saxiixo
ummadda Soomaaliyeed. Aniga ayaa ah wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda,
anaa ahaa in aan tago oo saxiixo, laakiin bacdamaa wasiirkii iskaashiga meesha
joogey isaga ayaan u wakiilanay, ra'iisul wasaare ku xigeenku waa joogey Shariif
Xasan, laakiin waxaaba ka sii daray waxyaabaha lagu fududaaday la leeyahay,
haddii aan la saxiixi lahayn "consequence" (raadka ama
cawaaqibka) ay keeni lahayd, ragga hadda leh
aqoon baan leenahay maxay ka qaban lahaayeen, 13ka May waxaa ku ekaa, xitaa 200
nautical mayl ee (19)89 bishii 16ka September la saxiixay baa ku ekaa, waa ku
ekaa. Waxaana lagu wareejin lahaa badda Soomaaliyeed oo dhan macaa 200 nautical
mayl ee aan hore u lahayn ururka la yiraahdo "ISB" (International Seabed
Authority) oo United Nation-ka hoos yimaada.
SomaliTalk: Ummadda Soomaaliyeed waxaan u iftiiminaynaa in wasiirka iyo
Dowladiisuba ay difaacayaan arrin aan sal iyo raad lahayn ummadana ay rabaan inay
cameeyaan, fadlan markale akhri su'aasha lawaydiiyey wasiirka: "..........waxaa la leeyahay heshiiskaas ay Kenya la saxiixatay dawladda
Soomaaliya, isla markaana uu u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame aad bay ugu fududaatay xukuumadda
'midnimada qaran' ee Soomaaliya, maxaad kala socotaa macluumaadkaas?"
Sidoo kale akhri jawaabta kore iyo mida hoose. Wasiirka waxaa la waydiiyey in
heshiiskan lagu fududaaday ee aan loo baahnay, Jawaabtiina waxay noqotay 13-ka
May ayuu dhici lahaa, maxaa dhici lahaa? wuxuu ulla jeedaa xogta Qalfoofka
Qaaradda ayaa dhici lahaa hadaan la waafiqin May 13, 2009, waa su'aale xogta
Qarammada midoobay loo gudbinayo iyo Heshiiska Kenya maxaa iska khuseeya? Waa
meeshaan meesha ummadda la rabo in lagu khaldo, in Dowlada Ssoomaaliyeed xogteeda
gudbisato ayadoo raacaysa qodobka 76 ee QM inta ka horaysa May 13, 2009 ayaa loo
baahnaa oo kaliya.
Waxaa taas kasii yaab badan hadalka wasiirka ee markale uu ku
celiyey arrin aan meesha kujirina soo galiyey, wuxuu prof Ibbi yiri: ".....laakiin waxaaba ka sii daray waxyaabaha lagu fududaaday la leeyahay,
haddii aan la saxiixi lahayn "consequence" (raadka ama
cawaaqibka) ay keeni lahayd, ragga hadda leh
aqoon baan leenahay maxay ka qaban lahaayeen, 13ka May waxaa ku ekaa, xitaa 200
nautical mayl" Wasiirka wuxuu noo sheegayaa in ay qasab
ahayd in Kenya heshiis lala galo, hadii kale xataa la waayi lahaa 200 mayl
badeed ee aan horay u lahayn, hadalkaas sax ma'ahan, waxna kama jiraan, arrinta
wadammada baddaha leh laga rabay waa inay soo gudbiyaan xogta Qalfoofka Qaaradda
si loogu kordhiyo wixii labada boqol oo mayl baddeed ka shisheeya (200nml).
Halkaas waxaa nooga cad aqoondarada Prof. Ibbi ka haysata heshiiska uu difaacayo,
majiraan wax dhacaya, hadii aan waxba lagudbin lahayn waxaa laga hadlayo in
cidkale lawareegto waa 150 mayl baddeed ee aaga ganacsiga ee la kordhinayo.
Laakiin sharcigaas inuu Soomaaliya qabanayo iyo in kale waxaa ku jira shaki
wayn, waayo aduunku Soomaaliya wuxuu u yaqaanaa (Failed State). Waxaa kaloo jira
xeerar looga fakan karo 13-ka May 2009, sida ay cadeeyeen Qareenada Cilmiga
baddaha bartay.
Hadaba akhristow markale su'aasha Ibbi lawaydiiyey akhri iyo
jawaabta uu bixiyey, heshiisku waa ku fududaatay ayuu jawaab uga dhigay waa
inaan Kenya heshiis lagalaa si QM aan xogtayda ugu gudbisto, arintaas sharciyan
sax ma'ahan sidaan meelo badan ku cadaynay. Heshiiska laguma fududaan ee waa
khiyaamo Qaran oo cad oo ummadda Soomaaliyeed laga galayo, sababtoo ah Ibbi iyo
saaxiibadiis xogta waa hayeen in Kenya dhul Soomaaliya ka cabiratay intaysan
heshiiska saxiixin. Waxaa waraysiga Prof. Ibbi uu ku xusay in goobtii lagu
saxiixay Is-afgaradka uu goobjoog ka ahaa ra'iisul wasaare xigeen ahna wasiirka
Maaliyadda Shariif Xasan. Kenya iyo Soomaaliya arrintaas hore uma
shaacin. Sawiradii ay Kenya faafisayna kama muuqan. Taasi waxay noqonaysaa
markii ugu horaysay ee shaaca laga qaado in Shariif Xasan goob joog ka ahaa
goobtii heshiiska Is-afgarad.
Fadlan
akhri xiriirkii Somalitalk iyo Dowlada. sidoo kale fadlan akhri qoraal
SomaliTalk hada kahor shaacisay oo kusaabsan xogta looga baahan yahay Soomaaliya
iyadoo faah faahsan.
Maxay tahay Xogta Somaaliya looga Baahan yahay ka hor May 13, 2009 inay u
gudbiso UN-ta
1-Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub ee Badaha, aan dib u jalleecno waxyaabihii
ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka soo saartay.
Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya
saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan
gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu
Xeerka Badaha Adduunku si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii
November 1994.
Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in 200 nmi (370 km) ee badda loo
yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida. Waxaa
muhiim ah inaan Fahano Xeerka Baddaha Dhulka Soomaaliya ee Dowladii
Soomaliya dhaqan galisay 1972.
Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo
saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu,
10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo
Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:
- Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial
Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical
miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay
hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah.
Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran
maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu
qaadayaa sharciga Soomaaliya.
- Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu
hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
2. Xeerkii Hore ee UN-ta ee Badaha Adduunka 200 Nautical miles (370 km)
Xeerkii hore ee Qarammada Midoobay (QM) ee dhaqan galay November 16, 1994,
dawladdii Soomaaliyeedna saxiixday December 10, 1982, (waxayna ansixisay July
24, 1989), waxa uu dhigayaa in dalalka leh xeebaha ay xaq u leeyihiin aagga
badda oo fogaantiisu xeebta u jirto 200 Nautical miles (una dhiganta 370 km) oo
loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga EEZ (Exclusive Economic Zone) waxaana
xeerkaasi dalalka xeebaha leh, xaq u siinayaa in ay aagaas ka kalluumaystaan,
macdan iyo shidaalna ka baartaan oo aan cidkale kusoo xad gudbi karin. Waxaa
xusid mudan in dawladdii Soomaaliyeed ay aagaas adduunka looga yaqaan "Aagga
Ganacsiga" ay iyadu u tixgalinaysay in uu kamid yahay Dhulka Soomaalida
"TS" (Territorial sea), ayna ka soo saartay Xeer Lambarkiisu ahaa #37
oo Muqdisho ka soo baxay September 10, 1972.
3. Xeerka Kordhinta Xadka Badaha Adduunka ilaa 350 nautical miles (648
km).
Laga soo bilaabo March 13, 1997 waxaa Qarammada Midoobay ka socdo qorshe
fogaanta xadka badaha adduunka lagu kordhinayo oo halkii ay ka ahayd 200nmi
(370km) laga dhigayo 350nmi (648 km), xilligaas waxay QM waxay samaysay "Guddiga
Xadaynta Badaha" oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaasna waxaa loo xilsaaray
in ay ka baaraan degaan xadka badaha. Waxaa guddigaasi April 26, 2004
go’aamiyeen in waqtiga kama dambaysta ah ee dalalku ay ku keenayaan
macluumaadka, xogta iyo khariidadaha la xiriira badaha dalkaas si loogu kordhiyo
baaxadda badda ilaa 350nmi (648 km). Waqtiga kama dambaysta ah ee dalalka loo
qabtay waa 13ka May 2009. Qodobka Article 76 ee Xeerka Badaha UN-ta ayaa
sharaxaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka si loogu kordhiyo xadka badda.
Dalkii aan xilligaas ku keenin cabbirka iyo macluumaadka, waxaa dhici karta in
baddiisa wixii ka baxsan 200nmi lagu wareejiyo hay’ad hoos timaada Qarammada
Midoobay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority), taas oo ka
kirayn karta dalal kale si ay khayraadka ugala baxaan ama u sahamiyaan shidaal
Markaan fahanay qoraalkan kore kadib waxaa noo cadaatay wasiirku xataa
inuusan fahansanayn xeerkii hore ee badda dhulka Soomaaliyeed, Xeerka 37aad
wuxuu u yaqaanaa dhulka badda Soomaaliyeed, halka
QM u taqaan aaga ganacsiga. Xeerkaas QM waxay Soomaaliya ugu ansixisay siday
sheegatay, Soomaaliyana xeerkaas waxay soo saartay 1972. Hadaba su'aasha
Prof. ibbi iyo saaxibadiis ummada Soomaali waydiinayso waa, goormaa badda
Soomaaliyeed iyo tan Kenya ay is dul fuulayeen oo aysan kala calaamadsanayn?,
goormaa Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeyey muran baddeed? Waxaan xasuusinaynaa
mudane Ibbi iyo Dowlada iyo Ummada Soomaaliyeed in Kenya iyo Soomaaliya wada
saxiixeen wadana dhaqan galiyeen Muran baddeed la'aan iyo heshiis is-afgarad
la'aan, Xeerkii hore ee Qarammada Midoobay (QM) ee dhaqan galay November
16, 1994, Xeerkaas oo sharciyey nayey aaga hada lagu dhaqmo ee 200 oo mayl
baddeed. Hada arinta QM doonayso waa inay siyaadiso wixii dhinaca baddwaynta ka
xiga 200 mayl baddeed, baahi jirta daraadeed.
Hadalka Wasiirka (Prof Ibbi) ee ah "....laakiin waxaaba ka sii daray waxyaabaha lagu fududaaday la leeyahay,
haddii aan la saxiixi lahayn "consequence" (raadka ama
cawaaqibka) ay keeni lahayd, ragga hadda leh
aqoon baan leenahay maxay ka qaban lahaayeen, 13ka May waxaa ku ekaa, xitaa 200
nautical mayl ee (19)89 bishii 16ka September la saxiixay baa ku ekaa,"
arinta ah waxaa ku ekaa xitaa 200 mayl baddeed horaan usoo cadaynay sax ma'ahan,
waxba kama jiraan, arinta kale oo ah ragga hadda leh aqoon baan leenahay maxay
ka qaban lahaayeenn 13ka May, Mudane wasiir miyaad ilowday arinta hada aad ka
cabanaysid cin waankeedii? Miyaad ilowday cilmi baaristii la idiin ku keenay
goobaha kala duwan iyo gooraha kala duwan?
Mudane wasiir markale akhri cinwaanka Cilmi baarista SomaliTalk ummada
Soomaaliyeed usoo gudbisay adigana kuugu soo hormarisay! Maxaad
Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha
May 13, 2009? Mudane wasiir cilmi baaristan muhiimadeedu waxay ahayd laba
arimood, 1) In Dowladaada iyo ummadda Soomaaliyeed ogaato in Qalfoofka Qaaradda la
kordhinayo 150 mayl baddeed wixii badwaynta ka xiga 200 mayl baddeed, loona
qabtay waqti cayiman, iyo macluumaad iyo sharaxaad arintaas la xiriirta. 2) In
Kenya cabiratay badda Soomaaliyeed, Qaramadda Middoobayna u gudbisatay xog
hordhac ah, arintaas oo cilmi baaristu uga gol lahayd in Dowlada iyo ummadda
Soomaaliyeedba baddooda difaacdaan. Nasiib darro waxaa dhacay arintii warbixintu
ka digaysay iyo kadaran. markii hore waxay hordhac ahaan u sheegtay 38,000km2
oo bed ah. Markii aad taas wax ka qaban weydeen ayey taas sii kororsatay Kenya oo badda Soomaaliyeed ka goosatay (116000km2)
sida ku cad xogta rasmiga ah ee ay May 6, 2009 u gudbisay QM, iyo Dowlada ku
meelgaarka ah oo difaacaysa sheegashada Kenya samaysay si toos ah ama si dadban.
Aan markale jalleecno hadakii Prof. Ibbi, waxana uu yiri: Ma waxay marka u shaqaynayaan - oo
aannu kolley is warsanaynaa, waa dhici kartaa Soomaalida nin walba meel ayuu ka
shaqaystaa sina waa u shaqeeyaan si kalena waa u hadlaan, ma dhici kartaa in ay
Ururka u shaqaynayeen ama ay rabaan in ay hadhow ururka macaamil la sameeyaan,
ma dhici kartaa PERCHE' Soomaalida hadda boqollaan nooc baa soo baxay, nin wadaad
sheeganaya oo hadda dhiiggii Islaamka bannaysanaya ayaa soo baxay, marka nin
badda Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo ururkaas ma taqaanaa International Seabed
Authority oo 13ka in ay dhacdo rabay, rabayna hadhow in kalluunkii Authorization
laysanka, shidaalkii laga heli lahaa, dhagxaantii meesha ku jirtay, coralkii, foonihii, wixii la rabay baddaas khayraadka ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd in lagu wareejiyo ururkaas oo ururkaasu uu isagu markaa ka gato isagu wuxuu rabo ka samaysto dillaal in uu ka noqdo miyuu rabay, ofcourse (=dabcan) dillaal in ay ka noqdaan weeye, ninka maanta Maraykan jooga ee Minneapolis dhex fadhiya ee leh aniga ayaa aqoon uga leh ninka Xamar jooga ee Soomaaliga ah ee baddiisa in International Seabed ay qaadato ka dagaalamayo waxaan weydiisanaaynaa ha yimaadaan si Live ah (toos ah) ummaddana ha aragto, anaga bahal la siyaasadeeyo-iyo, bahal la qabiileeyo-iyo, waa fool xuntahay , magacyadooda ma rabo in aan sheego laakiin ragga waa is naqaanaa waa ku wada qoran yihiin SOMALITALK, hala sii baaro meesha ay u sii socdaan iyo meesha ay ka soo socdaan iyo MEESHA AY KA SOO DHASHEEN iyo WAXAY U SII DHASHEEN iyo nooca ay yihiin hala sii baaro, qofka ha yimaado yuusan siyaasadaynin , aan ku cuno ama ku ciideeyo ma ka soconaysan Soomaaliya markaan. Soomaaliya dawlad ayaa joogta, dawlad Islaam ah waaye, dawladda ma taqaanaa waa u dhaaranay, aqoonteedaan leenahay, kartideeda iyo dadnimadeeda ayaan leenahay, waa ku faani karnaa in mataqaanaa barnaamijkan aanaan ku degdegin, barnaamijka waqtigeediina aanu qabanay, wixii ka yimaada oo aqoondarro ahna Ilaah ayaan weydiisanayna cafis, wixii kale oo karti iyo dadnimo ah ummaddaan wixii ay nagu dooratay oo barnaamijkaas in aan u fulinno ahayd ayaanu samaynay.
SomaliTalk: Hadalka wasiirka uu SomaliTlak ku eedeeyey Qabiil ama meesha ay
kasoo jeedaan!! Hadalkaan jawaab badan uma baahna Prof. Ibbi iyo SomaliTalk-na
waxaa kala saaraya ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dhow Insha Allaah,
jawaabta hadalkaasna ummadda yaan u daynaynaa. Prof. Ibbi waxaan rabnaa oo kaliya
inaan xasuusino aqoonta uu xusay waa mida sababtay inaan ku xushmayno
inaan cilmi baarista ku sharafno inaan Dowlada marka ugu horaysa gacanta ka
galino si ay talaabada ugu haboon ka qaadato, qofkii ugu horeeyey aan ka
bilownayna isaguu ahaa, xiriirkii
na dhex marayna ummadda waan usoo gudbinay, Wasiir Ibbi-na waa qiray inuu
helay fariimahayagii, laakiin tiisa ayaa u dhoobnayd. Sidoo kale waxaan wasiirka
xasuusinaynaa inuu dib u akhriyo taariikhda, fadlan mudane wasiir taariikhdan
xasuuso, sawiradan ama Qoraalkan
ma ilowday.
Daawo
Halkan....
Prof. Ibbi waxa kale oo uu May 27, 2009 uu yiri:
Waana kuu sheegayaa haddaan barnaamijkan lasamayn lahayn oo golaha wasiirada si geesinimo ah aysan u qaadan lahayn oo aysan gudbin lahayn 13ka May wuu dhici lahaa isla markaana ISA ayaa qaadan lahayd badda Soomaaliya, markaas ayaa la dhehi lahaa dawladda Soomaaliyeed xataa waxay garan weydey in ay baddeedii soo dhacsato oo Time-kii (waqtigii) ayaa ka dhacay intay meelahaas ku warwareegayeen oo meelahaas iska dhexsocdeen, meel looga fakanaayo dadkaan ma laha, idaacado .... website-yo waxaa la iska wada furtay wada qabiil ah, kuwada shaqaynaya siyaasad, aqoon baan u leenahay leh, raba in siyaasad ay ku shaqeeyaan oo yiraahdaan waxaan waa la muc... Mucaaradku waa fiican yahay waxbaa lagu saxaa ee wax laguma khaldo, saaxiibtinimaa naga dhaxaysa aqoon wanaagsan baa naga dhaxaysa waa isu nimid oo Maraykan waa isugu nimid, dadka ku qoraaya Ibbi telefoon baan u diray in uu noo soo jawaabo ayuu diiday aniga telefoon Minneapolis waxa iiga khayr badan xabbada Xamar ka dhacaysa in aan ka shaqeeyo oo nabadeeda ka shaqeeyo ee wiil iska fadhiya ma taqaanaa oo isaga naftarkiisa soo diraayo dhibaatada Xamar ka socota ma taqaanaa, waxaan ka door bidaayaa in walaalkayn soo fadhiisto ama walaalahay ay soo fadhiistaan waa siinayaa Universal sharaf bay leedahay ha soo fadhiistaan hanagala doodaan, map-kooda ha keenaan, map-keenaan keenaynaa, ummadda si cad oo ma taqaanaa oo qunyar socod ah oo nabadi ku jirto oo calool fiyoobi ku jirto aan uga wada hadallo oo
aan is tusno meeshaan, laakiin hadal lagu soo qoray oo aftahamnimo oo quruxsan waa laga qurux badan yahay.
SomaliTalk: Muhiimadeeda ma'ahan inay dhamaan hadalka wasiirka ka
jawaabto ama is difaacdo, danta aan qoraalkan iyo qoraalada kale ee faraha
baddan ka leenahay waa DIFAACIDA BADDA SOOMAALIYEED iyo DHAMMAAN DANAHA GUUD EE
UMMADDA, arintaasna si kasta oo cabasho looga keeno ama looga xumaado waa
wadaynaa, maadaama aan gudanayno waajib naga saaran dadkaya iyo dalkayaga.
Hadalka Prof. Ibbi waxaan kusoo koobaynaa "Mudane wasiir Anagoo ku
ixtiraamayna hadana waan kugu diidanahay fikradaada aad ku difaacayso Heshiiska
Kenya, waana khalad sida aad u fahantay ama u sharaxday, waxaana kuu soo
jeedinaynaa inaad kabaxdaan sida ugu dhakhsaha badan, waxaa kaloo SomaliTalk
kugu martiqaadaysaa inay daabici doonto wixii xog ama cilmi baaris ah ee aad
ummadda u haysaan, fadlan ummadda usoo bandhiga doodiina oo qoran oo cilmiyeysan
oo tixraac wadata. Sidoo kale waxaan kugu casumaynaa inaad kusoo biirto oo jaal
nagula noqoto difaacida badda Soomaaliyeed". Mudane Raysal Wasaare ku xigeen/Wasiir
waxaan markale kugu casumaynaa inaad si taxadar iyo dhuuxid leh u akhrisid HESHIISKII
IS AFGARAD EE CARUUSHA (Memorandum of Understand). Sidaa si leeg waxaan
Wasiirka iyo dowladiisa xasuusinaynaa inay noqdeen dowladii ugu horaysay ee
muran galisa badda Soomaaliyeed, fadlan nala akhriya hadalkan: Sheikh Shariif oo
si qeexan khilaaf u galiyay badda Soomaaliya waxa uu yiri: "Annaga iyo
Kenya maadaama XUDUUDDA DHULKA AAN LA ISKU WAAFAQSANAYN, baddana waxaa
waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la
muujiyo meesha ayay soo gashay, waxaadna ogtihiin in dhulka uu yahay dhul
khayraad uu jiro loona baahan yahay tallaabo in ay qaado dawladdu. Marka
heshiiskaasi waxa uu ahaa heshiis lagama maarmaan ah in la galo." Arrinta
dhulka hore yaan faallo uga bixinay.
Ugu danbaytii waxaan ummadda Soomaaliyeed u cadaynaynaa in looga baahan yahay
inay isu garabsadaan sidii ay badda Kenya qaadanayso u badbaadin lahaayeen,
waxaana muhiima inaan wada fahano in jiilasha soo koraya aanan utun/uur kutaalo
iyo dagaal aysan naga dhaxlin.
Sidoo kale Dowlada Kumeelgaarka ah waxaan leenahay; Dawlad dhega adag, aan
shacabkeeda dhegeysan, isla qab-weyn, aan talo la siin karin, isku haysata in
aan gef iyo khalad ka dhici karin, waxaa looga tusaale qaadan karaa 21 sano oo
ay Soomaaliya soo martay xukun diktatooriyad ah. Taas oo cawaaqib xumadii
kalatay miraheedii maanta aan guranayno ku dhawaad 21-sano oo kale.
DFKMG waxay qirtay in ay Kenya la saxiixday Is-afgarad. Waxaana
is-afgaradkaas ku cad in uu jiro 'Muran badeed'. Kenya oo taas ka
faa'iidaysanaysa waxay cabiratay badda Soomaaliyeed. Qarammada Midoobay waxay
caddeeyeen in muddo saddex bilood ah ay u sugayaan in dal kasta xogta uu
gudbiyey in uu dal kale dacwo ka qabo. DFKMG ayaa laga sugayaa in ay Qarammada
Midoobay gaarsiiyaan dacwad ka dhan ah cabbirka Kenya ay ku sheegatay
dhul-badeedka Soomaaliya. Haddaba Dawladda Kumeelgaarka ah waxaa waajib ku ah
inaysan difaacin heshiiska Nairobi, maadaama ay qirtay in Kenya badda
Soomaaliyeed ku xad gudubtay.
Sidoo kale waxaan BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED KU GAARYEELAYNAA farriin khaasa:
"Ummadda Soomaaliyeed maanta waa idin sugaysaa, waxayna indhaha ku haysaa
jawaabta idinka soo yeeri doonta, fadlan hanoqonina kuwa taariikhdu waligeed
baalka madaw ku qorto, fadlan WAXBA KAMA JIRAAN KASOO QAADA HESHIISKA NAIROBI" Fadlan
guta masuuliyadii aad u dhaarateen.
Waxaa si adag u xasuusinaynaa Baarlamaanka inay sharciyan cadeeyaan Dowlad ku
meel gaara oo haysata mudo cayiman inay gali karto iyo in kale heshiis dhaafaya
oo ka danbaynaya mudadda ay haysato. Tusaale Dowlada heshiiska gashay waxay
haysataa LABA SANO oo kaliya, heshiiskan wuxuu ka hadlayaa xuduud DHULBADEED
laba dowladood galayaan, hadaba su'aashu waxay tahay haday Dowladu dhacdo LABA
SANO kadib saxiiyadooda dhibka ka dhasha yaa masuuliyadeeda qaadaya? Dowlada
Kumeelgaarka ah Shaqada loo idmay Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inay cadeeyaan.
Gabagabadii waxaan dhinacyada Soomaaliya ku dagaalamaya usoo jeedinaynaa inay
afka kawada hadlaan oo Qoriga aamusiyaan, hadaan taas la helin waxaa laga
kasban doonaa cawaaqib xumo aan la mahadin aakhiro iyo aduunba.
Video-ga ka daawo linkiga hoose XAMARCADE.COM iyo SaafiFilms, waxaana
filim Qaade ka ahaa: Maxamuud Yuusuf Maxamed.
Mahad Carbow Cali (Universaltv) oo waraysanaya Prof. Ibbi, May 27, 2009
Daawo: Hadalkii mr.Rajan- Warbixin & su'aalo: Video | ama
Akhri...
www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | iyo | Xasan Dhooye | webmaster@somalitalk.com
ama somalitalk@gmail.com | Waqooyiga
Ameerika. Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2009 |