SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAFIISKA UN EE SOOMAALIYA

Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

  • Waxaa soo ururiyey SomaliTalk.com

Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa April 29, 2013 waxaa loo magacaabay ergey cusub oo u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo N. Kay. Haddaba waxaan si kooban u guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo qabatay iyo shaqada xafiiskaas.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1, 1992) Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru, ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirtay Soomaaliya. Waftigaas waxaa hoggaaminayey James O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone. Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January 1997) Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar, ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka Algeria. Waa xilligii UNOSOM I (April 1992 - March 1993). Laakiin October 26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib, sida la sheegay, markii khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.

Markaas ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992 Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T. Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay UNOSOM II (March 1993 - March 1995) iyo xilligii hawlgalkii UNITAF ee "raja soo celinta Soomaaliya" (December 5, 1992 ilaa May 4, 1993).

March 9, 1993 ayaa  Admiral Jonathan T. Howe, oo u dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.

Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo dhashay dalka Guinea.

July 1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).

March 1995 markii ay ciidamadii UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin Muqdisho.

Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi loogu talo galay "Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya."

Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department of Political Affairs).

Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo hay'adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini'aadamino iyo ururada UN-ta ee dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.

Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org) xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.

Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.

November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u dhashay Tanzania.

October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.

Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007) Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana, ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Winston A. Tubman oo u dhashay  Liberia. Waxana uu xilkaas hayey ilaa  April 2005.

Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee Soomaaliya uu May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall, oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006 ilaa Janauary 15, 2009).

Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007) Ban Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean, ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla (Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa xafiiska UNPOS. Walad Cabdalla waxa uu qayb weyn ka qaatay heshiiskii Is-afgadad ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa badda Soomaalia. (Sida ku cad warbixinta hordhaca ah ee ka kooban 15-ka bog ee Dawladda Federaalka kumeelgaarka ah ay u gudbisatey April 14, 2009, taas oo qayb ka ah xogta lagu lifaaqay heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha badda ee April 7, 2009 magaalada Nairobi ku dhexmaray xukuumadda FKMG iyo Kenya, waaxaa diyaarinta (warbixintaas) ka qayb qaaday Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. (Eeg Bogga UN) - Waxaase is-afgaradkaas waxba kaam jiraan ka dhigay baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya. June 3, 2010 ayaa Walad Cabdalla waxa uu sheegay in uu xilka iska casilayo bisha July 2010.

Xoghaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa June 9, 2010 waxa uu xilka wakiilka UN ee Soomaaliya u magacaabay Augustine P. Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania, waxana uu July 1, 2010 xilka kala wareegay Walad Cabdalla.

Mahiga waxa uu qayb ka ahaa samayntii qorshahii Roadmap-ka, kaas oo qodob kamid ah looga hadlay badda Soomaaliya waxa loogu yeeray EEZ. Laakiin wareegto 11-kii October 2011 ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada Roadmapka.

Kaddib Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon waxa uu April 29, 2013 wakiilka Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya u magaacaabay Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain, waxana uu bedelayaa Mahiga oo xilkiisu ku egyahay June 3, 2013.

Mr. Kay waxa uu hadda wasaaradda Arimaha dibadda ee Boqortooyada Britain iyo Barwaaqa sooranka u qaabilsan yahay arrimaha Afrika (Africa Director at the United Kingdom Foreign and Commonwealth Office (FCO)), xilkaas oo uu hayey laga so bilaabo 2012. Ka hor waxa uu Safiir boqortooyada Ingriiska uga soo noqday Congo (2007-2010) iyo Sudan (2010-2012). Ka hor waxa uu ka hawl galay Afghanistan 2006-2007.

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: May 1, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: