SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Magacaabida Guddigii badda bixinayay iyo Siyaasada Cusub.??!!

  • W/Q: Prof. Yaxye sheekh Caamir

A)-((baddu ma ahan biyaha madoow oo kaliya, Nafleey badanaa ku nool, sida malaay heeysata jinsiyada soomalida, dhir, buuro,dhagxaan qaali ah iyo khayraad badan  oo gunta hoose buuxa.)).

Waan maqalnay in dhawaan  guddi loo magacaabay fuliinta Road map-ka,yaa magacaawday ? ma soomaali mise cid kale?. Ma cadda,laakin sida ku cad warqda gudigan lagu howlgaliyay waxaa la yiri: Guddigan waxaa wada gudoominaya 3 qof ,laba Ajnabi ah iyo hal ruux oo Soomaali ah ( haddi eey cod noqoto sow hal iyo laba maaha oo cod dheeri looga qaadi maayo go'aanka) maxaa keenay in ajnabi uu go'aan ku yeesho arrin khuseeya masiirka ummadda? si fiican u sii fiiri warqadda, waxaa ku qoran; 4 wasiir ayaa xubna ka ah  kumana jiro wasiirka kaluumeeysiga iyo khayraadka baddu. Waxaa kadaran waxaa xubna ka ah gudiga IGAD iyo AMISOM, waxaa yaab ah AMISOM ma ciidanaa mise waa hayad siyaasadeed? Goormee mandeeydkeedii la badalay? Waxaa ku qoran warqada ( GUDIGU WUXUU SHARCIYEEN DOONAA SHAQADIISA ) yaa maqlay guddi shaqada loo dirsaday asagu sii sharciyeeysanaya? Waxaa kale oo ku qoran warqadda ( GUDIGU WUXUU AWOOD U LEEYAHAY IN UU GUDOOMO.....) maxaa looga jeedaa? Ma fahmin! Ma shaqadii baarlamaanka ee aheed gudoominta iyo ansaxinta ayuu la wareegay,oo baarlamaankaa laga baqaa in uu markale go'aanka diido. .

Abwaan Soomaaliyeed ayaa mar hore yiri: (Qosol beena, fool wada qayaxan, Qiil aan garanayo, qowlaaf afkii loo gadiyay khabarna hooseeyo, ma anbaa la ii qarin magliga leygu qali doono), Annaga ma waxaa naloo qarinayaa saxiixa Annaga iyo caruurteena nalagu qali doono. Magaran weeynay qosolka beentaa ee...... foolka qayaxan ee.....magliga/khabarka. Ma ogtahay in dad Soomaali ah oo aan wax qorin waxna aqrini u dhinteen oo god ugu jiraan in aan 5ta soomaali la kala gooyn,maantana,qorigii 21aad in kuwa wax bartay ,wax qora waxna aqriya ,weliba yaqaan sida mobeylka loogu hadlo,jaaka loo qaato,kaffeena loo walaaqdo ay rabaan inay intii la xorta ahayd sii kala gooyaan, illeyn wax barashadoodu garaadkooda wax kama badaline. Xil iyo xoolaa kala weyn xoriyad iyo xuduud.

Haddii add si fiican u fiirisay, heshiiska badda lagu boobayo waxaa ka horeeyay qorshe kale oo lagu ilaalinayo heshiiska, kaa oo ahaa heshiiskii  (kampla accord) oo si dadban eey ugu qorantahay, qofkii road map-ka diida waxaa loo aqoonsanayaa qof nabada soomaaliya diidan waana la soo xiri karaa. wadama badan baddooda ayaa uga khayraad badan berriga waxaana loo sameeystay wasaarad u gaar ah khayraadka badda iyo kaluumeeysiga, annaga teena haddaan qaar ka bixino inta soo harta ma waxaan u bixinaynaa wasaaradda 12NM-ka iyo xeebaha, ileeyn badd iyo khayraad kale sooma harine.

Fiiri: Wikikipedia Somalia: marka looga hadlayo badda Soomaaliya, waxaa ku qoran ((geology-suggest the presence of valuable mineral deposit in Somalia, it is more than 3.300 miles the largest in Africa and middle east)) oo macnaheedu yahay, badda Soomaaliya sida ay qabaan aqoonyahanada cilmiga Geologigu waxaa ku kaydsan macdan qiima badan, waana 3.300 Mile waa tan ugu dheer Africa iyo  bariga dhexe. Celceliska balaca baddena dhinaca ku dheefsiga, EEZ.exculisive economic zone waa: 637.540sq.mile (wikikipedia). taa macnaheedu waxay tahay haddii xuduud baddeedkeena laga soo reebo 12NM.( 200NM-118NM) ogow, weliba maylka baddu waa ka duwan yahay kan berriga, haddaan ka cabirno dherer dhinac  dhinac kaliya ah oo cabir jajab inta la binayo waa 118x3.300=389.400 waxaad dhumineeysaa dhul badded ka ballaran 13 gobal oo ka mid ah goballada dalka  ama laba  eg berriga Soomaaliya.

 Hadalkii wasiir TFG-da ka tirsan ee Londan uga qeeyb galay shir (Sept.2011), loogana hadlayay dib u eegida xuduud baddedka Soomaalida, sidda uu ku doodayo waa ka duwan tahay arrinta dhabtaa eeTerritorial waters, law no.37 ee soo baxay 1972, kuma qora in la badali doono, ama dib u eegid London loogu sameyn doono,  heshiiskuna uu dhaqan ka bax noqonayo 39 sanno iyo 100 maalin kadib,  uuna jiri karo oo kaliya mudadaa oo ah inta u dhexeeysa (10 sept .1972 ilaa 19 dec 2011). Inkastoo wasiirku yiri: taako baddaa lama bixinayo haddana ??????.

Maalmo kadib markii Road map-ka la saxiixay, waxaa ku xigay UN oo soo saartay sharci lagula xisaabtamayo masuuliyiinta dowlada!!!! Waa fiican tahay haddii looga jeedo sida uu u qoran yahay. Balse dhinac kalena ka fiiri. Nin Ceel galay qoyaan la'aan kama soo baxo, nin siyaasadda Soomaaliya mudooyinkan ku jirayna  ma jeeb marna, mana qoyan la'a, min tin iyo cirib fushuq ka ah iyo mid fanfaniin  gaarayba. UN waxay haysaa cadeeyma ku fillan qoyaanka, danta go'aanka UN ee waqtigan lagu beegay wuxuu noqon karaa in la yiraa, heshiiska badda saxiixa amma xogtan ayaan daabaceeynaa!!!. Qofkii saxiixa waa arrin shaqsi ku ah, yaan loo nisbeeyn, qaran ,qabiil, qooys iyo gobal. Qof saxiixaha intaa la wadaaga ayaa ka feker duwanaa kara oo ka nadiifsanaa kara kana Soomaalisan.

Haddii aan dib u eegno bogga 5aad ee warqadii lagu saxiixay shirkii wada tashiga ee Mogadisho 4-6 sept.2011, waxaa ku qoran Nus Sadar ah (prime minister special envoy for EEZ issue) Road map-ka oo loo tarjumay, Tubta La tiigsanayo manaqaan tubtanu meesha ay tageeyso iyo cidda tiigsaneeyso yaa fahmay xogta ku qarsan?,  fadlan haddaad fahamtay noo sheeg ama xukuumadu haddii ay lafteedu fahamtay ha noo sheegto. waxaan mar kale u mahad celinayaa web side-ka somalitalk ,oo macluumaadka ugu badan arrinkan ka keeydiyay iyo saxafiyiinta kale ee Soomaliyeed . 

B) Siyaasadda cusub.waxaa kale oo aanan fahmin itijaaha cusub ee siyaasada xukuumadda oo aan jeeclaan lahaa walalkii /walaashii  iiga garaad roon in eey ii sheegaan, Sida shirkii dhawaan ka dhacay xarunta UN-ka ee New York, markii uu ka hadlayay madaxweeynaha Iran, waxaa shirka isaga baxay 27 dal oo Soomaalidu ku jirto. waan ogahay in siyaasada Iraan si u takooran tahay, wadamadaasina  danahooda siyaasadeed ayay uga baxeen, laakin wadamadii aan isku ururada ahayn ma bixin, sida  Afrika, Carabtii iyo kuwii Islaamka,  xattaa wadamaddii Reer Galbeedka qaar ma bixin. Annaga maxaa na bixiyay? Ma ergada Soomaalida ayaa ahayd rag heeystay jinsiyada waddamada baxay  oo markay arkeen wadamadii ay u dhaarteen in siyaasadooda difaacayaan markii dhalashada la siinaayay  oo baxaya ayay iyana la baxeen, Jinsiyadaad doonto hayso ee waxaad tahay Soomaali, Soomaaliya usoo dirsatay shirka. Aawday  dhaartii xilka Soomaalida ay u dhaarteen markii xilka loo dhiibayay?, Mise way hurdeen intii shirku socday oo markay arkeen dad baxaya ayay u maleeyeen in shirkii dhamaaday iskana raaceen. Ma fahmin sababta nagu kaliftay siyaasad ahaan, iisheeg haddad fahamtay..wax badan oo kale ayaanan fahmin ee wallalkeey/walaasheey ha igula yaabin aqoon la'aanteeyda aan wax kaa barto, ha uqaadan in aan shakhsi , koox ama wadan aan ku xumeeynayo.

W/Q: Prof. Yaxye sheekh Caamir


Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM: http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile: http://en.wikipedia.org/wiki/Mile

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: