SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACADA BADDA SOOMAALIYA

Cumar C/rashiid: Kenya waxay VIOLATION (Xad Gudub) ku samaysay International Law (ee xuduudda badda)

  • Oct 28, 2009: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo muujiyey in lagu Khalday heshiiska Is-afgaradka
  • Oct 4, 2009: Madaxweynaha DFKMG:  warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto... dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira....

Wafti uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha DFKMG oo October 28, 2009 kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan London, UK, ayaa qiray in Kenya ay ku xad gudubtey Qaanuunka Caalamiga ah ee xuduudaha badaha, kaddib markii ay cabirka baddeeda u dhigtay qaab ka hor imanaya qaanuunka. Waxaana arrintaas qiray Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke mar uu ka hadlaayey heshiiskii Is-afgarad (MoU) ee xuduudaha badda ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya. Waxana uu yiri "Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law."

Inta ayanaan u gudbin hadalka uu Ra'iisul Wasaaraha DFKMG arrintaas ka yiri oo dhamaystiran, aan eegno hadaladii ay heshiiskii badda ka yiraahdeen laba wasiir oo hadalka uga horeeyey oo ka hadlay arrintaas.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta, C/risaaq Cusmaan Juurile oo la hadlayey jaaliyadda London, UK waxa uu yiri: "Waxaan maqlayaa baddii ayaad gadateen. War ma gadan.. War Wallaahi ma gadan. Haddii ay jiraan wax khalad ah oo aanu samaynay, bini'aadam ayaanu nahay oo malihin masamayn karno, laakiin in qaabkii loo sixi jirey oo wanaagsanaa loo saxo, haddii aan hal khalad ah galo ha igu wada nicin, haddaan labo galo ha igu nicin, laakiin waxaad xaq iigu leedahay in  aad timaado oo igu qabsato oo ila saxdo oo ila toosiso."

Kaddib waxaa hadlay Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo yiri: "Waxaan rabaa (in aan ka hadlo) arrin laga dhawaajiyey oo saaxiibkay wasiirku ka hadlay, anigu waxaan ahay wasiirkii saxiixay heshiiskii lagu galay Nairobi ee badda ku saabsanaa. Sida uu wasiirka sheegay xaq ayaad u leedihiin dadka Soomaaliyeed in ay ka danqadaan waxa allaale iyo wixii dhibaato ku ah qaranimadooda iyo hantidooda, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay runtii sida RADUL-FICLIGA ama reaction-ka laga bixiyey in ay dadku ilaashadaan dhulkooda. Anigu wasiir ayaan ahay, gole wasiir ayaan ka tirsanahay, prime-minister-kii oo idin hor fadhiya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke amarkiisa ayaan aniga ku saxiixay heshiiska, marka caawada isagaa idin hortaagan, heshiiskaas wixii ku saabsan iyo waxa aad ka qabtiin waxaan rajaaynayaa ra'iisul wasaaraha isagaa ka jawaabi doona.

Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa markii uu hadalka qaatay waxa uu yiri: "Waxaan hal ka dhehayaa arrintii badda oo uu hadda C/raxmaan C/shakuur ka sharqamiyey".

Cumar C/rashiid oo markaas ka hadlay heshiiskaas (MoU) waxa uu yiri: "Arrintaas horta waxay ku timid aasaaskeeda anagoo joogna ayaa waxaa noo yimid UN-ka ninka haysta Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah arrimaha badda, wuxuu nagu yiri 'war nimanyahow ma la socotaan in bisha May 12-keeda in deadline (waqti kama dambays ah) uu jiro.' Deadline-kaas oo haddii aynaan inaga codsan in naloo saa'idiyo waxa la dhaho Continental Shelf, baddeena in ay u badan tahay in ay la wareegto qolo la dheho International Seabed, oo Soomaaliya loo dhaafi doono 12 mayl inta kalena la siin doono UN-ka hay'addaas inta dawladda Soomaaliyeed ay dib uga soo codsaneyso. Runtii arrintaas waa codsanay in la cusboonaysiiyo."

"Waxa kale oo aan codsanay in annagu hadda waxaan haysanaa 200 mayl oo la yiraahdo Exclusive Economic Zone (EEZ), in annaga dhulkeena uu intaas dhaafo laakiin aan la ogeyn meesha uu ku dhammaado. Dhibka dhacay ayaa waxa uu noqday in aan anaga codsano dhul 200 (mayl) ka badan waxay khasabtay in annaga,Yemen iyo Kenya labadaba maadaama aanu xuduud leenahay oo ay dhulkeenaana haddii dhulka la sii dheereeyo uu is gaaraayo in inta la kala saarayo aan saxiixano waxa la dheho MoU. MoU-ga marna ma ahayn bad la bixiyey ee waxa uu ahaa in aan UN-ta ka codsano in annaga dhulka nalooku daro oo aynaan iska hor istaagin. Kenya waa run waxay damacsan tahay in ay khalado xuduudka badda sida uu yahay," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Cumar C/rashiid oo hadalkii sii wata waxa uu yiri: "Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law (Violation = Sharci-jebin, heshiis jebin, xad-gudub, kutumasho xurmo la'aan ah, waa sharaxaada qaamuuska afka Soomaaliga). Sharciyan baddu waxay u go'daa hadba dhulka xuduudku sida uu u go'anyahay, haddii aan taas raacno 90-digrii ayaan hoos u geleynaa iyaga dhulkooda, waxay jeeceen line (Xarriiq) toos ah. Dacwo ayaan ka geyney in sharciga runtii waxa uu raacsan yahay annaga sida aan rabno. Waxaan idiin sheegayaa oo aad nooga seexanaysaan inta aan noolnahay ama aan kursiga saaranahay taako dhul Soomaaliyeed ah ama bad Soomaaliyeed ah in aysan qofna qaadan."

ama Daawo Video-ga hoose:

Marka la dhuuxo hadalka Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid waxa uu uu muujinayaa in DFKMG lagu khaldan heshiiska MoU (Is-afgarad), taas oo uu sheegay in Kenya jabisay sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badaha, kaddib markii ay badda u cabirataay qaab ka duwan sida uu dhigayo sharciga International Law. Waxa uu qiray in Kenya jeexatay xarriiq toos ah (oo aadeysa dhanka Soomaaliya), halkii ay ka ahaan lahayd in cabbirku maro xarriiq 90-digrii u jirta xadka labada dal, xarriiqdaas oo u socota dhanka badda.

Su'aashu waxay tahay aaway wax ka qabadkii arrintaas ee xukuumadda FKMG?

Waxa kale uu Cumar C/rashiid qiray in Heshiiska MoU uu asaaskeeda lahaa ergeyga Gaarka ah ee UN-ta u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla.

Waxaa xusid mudan in mar la weydiiyey Axmad Walad Cabdalla uu Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay.

Arrimahaas oo jira, ayaa madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif mar uu booqasho ku tegey Minnesota, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed October 4, 2009 kula hadlayey magaalada Minneapolis waxa uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”

April 7, 2009 ayaa magaalada Nairobi waxaa heshiis Is-afgarad ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya iyo Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee DFKMG. Waxaa xigey in May 6, 2009 ay Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay (QM) akhbaar iyo Khariidad muujinaysa in ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu dhantahay 116,000 oo laba jibbaaran. Arrintaas DFKMG go’aan ama qoraal rasmi ah ilaa hadda kama soo saarin.

amiiin4Dowlada ayaa Heshiiskan saxiixday iyadoo og sheegashada iyo damaca Kenya, SomaliTalk ayaa Dowlada Gaarsiisay qoraalo arintaas ka digaya; SomaliTalk oo Gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixintii Dhul-Badeedka Ka hor intaysan saxiixin heshiiskii Is-Afgarad ee Nairobi…

Agoosto 1, 2009 ayaa golaha Baarlamaanka DFKMG waxay si aqlabiyad ah ku diideen in heshiiskaas is-faham uu yahay waxba kama jiraan maadaama uu muran gelinayey badda Soomaaliyeed. Halkii Shacabka Soomaaliyeed ka sugayeen in go’aankaas baarlamaanka loo gudbiyo QM ayaa waxaa website QM lagu arkay warqad la saxiixay Agoosto 19, 2009 oo uu ku qoran yahay magaca Ra’iisul wasaaraha DFKMG laakiin uu qof kale u saxiixay, warqaddaas oo garab siinaysay heshiiskii Is-fahamka.

October 18, 2009 waraysi uu Cumar C/rashiid siiyey Aljazeera TV ayuu ku sheegay in xukuumaddiisu u hoggaansameyso go’aanka Baarlamaanka (Waa sida uu faafiyey xafiiskiisu’e). DFKMG ilaa hadda (Oct 29, 2009) QM uma gudbin go’aankii baarlamaanka ama qoraal ay ku muujineyso diidmada cabbirka ay Kenya u gudbisatey QM ee ku daabacay website-ka Qarammada Midoobay.

Khudbadii Cumar C/rashiid oo dhamaystiran halkan ka daawo (Oct 28, 2009)

Kulankii waftiga Ra’iisul wasaaraha DFKMG iyo Jaaliyadda reer London (Oct 28, 2009) sida uu u dhacay oo faahfaahsan uu soo tebiyey Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf Halkan ka  ka akhri:

Halkan ka daawo sawiradii kulankii Jaaliyadda London (iyo codadka shirkii London)
Sawirada waxaa soo tebiyey Maxamuud Maxamed Xasan Shire (Boocame)

cumarabdiCumar C/rashiid: Dawladdu waxay u Hoggaansameysaa Go’aanka Barlamaanka (Arrinta Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya)
 

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri