SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA  Soomaaliya

Musharaxa Madaxweynaha  Soomaaliya Mr Yassin Maaxi Maclin: Cabbirka Dhul-badeedka Soomaaliyeed waa 350 mayl badeed ma aha 12 mayl.

  • "Dhulka ummada Soomaaliyeed, baddaha ummada Soomaaliyeed iyo hawada ummada Soomaaliyeed iib maaaha cidna ka yeeli meeyno in aay iib geeyaan ayagoo wax yar ku bedelanaaya." Warsaxaafadeed Yaasiin Maaxi


 Musharaxa Madaxweynaha Mudane Yassin Maaxi: Waxaa ayaandaro ah in Xuduuda badda Soomaliya ee ku qoran xeerka  Soomaaliya Low No. 37ee 1972 in hadda dowladda  Soomaaliya ay wax  kama jiraan ku tilmaamtay qaatayna dhul ka yar xuduudii badda ee  Soomaaliya. Kaas oo ku qornaa sharcigii  Soomaaliya, xadka  badda  Soomaaliya waa sida ku cad sharciyadda dalka  Soomaaliya oo ahaa 200 mayl-badeed, haddana loo ogolyahay 350 mayl badeed oo u dhiganta Dhul baaxadiisa  dhantahay 648 Km.

"Soomaaliya waxay xaq u leedahay dhul baaxadaas leh, hadaba maxaa inagu qasbaayo in dhulkeena badda Soomaaliya u kale saarno Territorial waters iyo exclusive Economic Zone" ayuu yiri Musharaxa Madaxweynaha Mudane Yaasiin Maaxi. "In dhulkeena  badda  Soomaaliya nala la dhaxal wareejiyo, iyadoo aan ognahay in shacbiga Soomaaliyeed  oo si weyn ugu hortgaay Heshiisiiskii Is-fahanka ee Dowladdi  Soomaaliya iyo Dowladda Kenya dhexmay, iyadoo  baarlamaanka  Soomaaliya door fiican ka qaatay islamarkaana ka hortagay Heshiiskaas."

Musharaxa Madaxweynaha Mudane Yaasiin Maaxi wuxuu sidoo kale yiri mar uu saxaafada la hadlaayey:- Waxaa si cad u cadaynayaa in aan la ogolaan karin in biyaha Soomaaliyeed Taako ka mid ah aan  la wareejin karin ,islamarkaasna shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay diffaacaan  qorshaha cusub ee la rabo in la dhaxal wareejiyo dhulka badda Soomaaliyeed.

Dhulka ummada Soomaaliyeed, baddaha ummada Soomaaliyeed iyo hawada ummada Soomaaliyeed iib maaaha cidna ka yeeli meeyno in aay iib geeyaan ayagoo wax yar ku bedelanaaya. Waxaan halkaan fariin u dirayaa, ayuu yiri Mudane Maaxi, Xubnaha Baarlamaanka in aad difaacdaan Baddaha, dhulka, hawada iyo wax kasta oo RAASUMAALKA/KHEYRAADKA QARANKA  kana difaacdaan shaqsiyaadka raba in aay dalkeena iyo dadkayaga jahawareershaan.

Raasamaalka/kheyraadka ummada Soomaaliyeed leedahay waa mid inoo xisaabsan ee diiwaanka noogu qoran yahay, Ilaah subxaanuhu watacaalaana nagu galadeeystay.

Raasumaalka/kheyraadka, waa dhul-beereedka, macdanaha kala duwan, shidaalka, dhirta iyo keymaha, biyaha, dab-iiciga, kalluunka iyo guud ahaan kheyraadka kala duwan ee badda ku jira i.w.m.

Waxaa kale uu yiri Musharaxa Madaxweynaha  Soomaaliya Mr Yassin Maaxi Maclin cabbirka Dhul-badeedka Soomaaliyeed waa 350 mayl badeed ma aha 12 mayl.

Cidna ka yeeli meeyno in Raasumaalkayaga meel cidla ah laga qaato uumada Soomaaliyeed ma dhiman waa aay nool yihiin, ayuu warsaxaafadiidkiisa ku soo gaba-gabeeyey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliyeed Mr Yaasiin Maaxi.

Isha warka 
SSUP Media Departement+Swedish Media
media@ssup.se
www.ssup.se

###

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda  Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: