SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Prof. Jawaari: "Asaga (Madaxweynaha) Weydii" - in Badda Soomaaliya cabbirkeedu yahay 200 miles ama in...

  • SomaliTalk.com | June 6, 2013

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la weydiiyey fikirkiisa ku aadan cabbirka badda Soomaaliya ayaan si toos ah uga jawaabin..

Waraysi Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari uu June 4, 2013 la yeeshay weriye Cabdikariin Cali Kaar ee Telefishanka Somali Channel ayaa wax ka weydiiyey safarkiisii Norway iyo fikrika guddoomiyaha ee ku aadan cabbirka badda Soomaaliya. (VIDEO hoos ka daawo.)

Gaar ahaan waxaa guddoomiyaha la weydiiyey in intii uu ku sugnaa Norway la soo hadal qaaday badda Soomaaliya.

Prof. Jawaari wuxuu ku jawaabay "Lama soo hadal qaadin."

Weriyaha oo su'aal kale weydiinaya ayaa yiri: Guddoomiyayaasha Guddiga baarlamaanka (ee ku weheliyey safarkaas) oo aan qaar la kulmay, qaarna telefoon kula hadlay waxay ii sheegeen intii aad ku dhax jirteen booqashadii Oslo, markii aad tagteen Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Norway, in arrinta badda la soo hadal qaaday, iyo in qaar guddiga ka tirsan ay diideen oo yiraahdeen arrinta badda kama hadlayno waayo hadhow ayaa Soomaalidu nagu eedaynayaan in aan baddii ayaad iibsateen, qaar kalena ay yiraahdeen go'aan qaadashada baarlamaankaa leh ee aan dhagaysano waxay yiraahdaan (Norwigianku). Arrintaas wax ka dheh?

Prof. Jawaari waxa uu ku jawaabay "Inoformation (akhbaar) iyo warbixin inaan ka helno, maadaama meesha ay joogeen qareenaddii arrimahaas ka qayb galay, oo wasiirka ag fadhiyeen, information waa weydiiney, sida: xaggee waaye, maxaad samayseen, xaggee informationku jooga - weydiin ayey ahayd aqoon kororsi in aan ka qaadano, laakiin annaga waxaan saxiixayno ma jirin."

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri "Information waa weydiinay, ahaa maxay tahay xaalka la samaynayo ee suuqa laga sheegayo, maxaad qabateen - dadkii meesha joogey waa joogeen, su'aalahana waa la weydiinayey, waana ka jawaabayeen. That is it (waa intaas)."

Weriye C/kariin ayaa weydiiyey arrinta ah in badda Soomaaliya tahay 200 miles oo la doonayo in lagu soo koobo 12 miles, maxaad arrintaas ka oran lahayd?

Prof. Jawaari oo xanaaq wajigiisa ka muuqdo waxa uu ku jawaabay "Waa arrin internazionale ah, laanta fulinta ayaa haysa, doodeedii waa socotaa, ayaga iyo Qarammada Midoobay waaye, markii ay arrimahaasi soo dhammaadaan ayaa baarlamaanka la keenayaa, baarlamaanka inta aan la keenin ka hor waxaa qaabilsan xukuumadda."

Haddii Baarlamaanka la hor keeno, maxaad fikrad ah oo adigu ka qabtaa, markii la weydiiyey Prof. Jawaari waxa uu yiri "Haddii la hor keeno wixii qaanuun ah iyo wixii Soomaali ay lahayd oo xaqeeda ah ayaanu ku dagaalamaynaa."

Markii weriyuhu isku deyey in uu ka xaqiijiyo cabbirka uu ku dagaalamayo guddoomiyuhu in uu yahay 200 mile, waxa uu Jawaari ku jawaabey "200 noqoyaa.. wuxuu noqonayaa.. wixii qaanuuni ah ayaan ku iri, wixii qaanuuni ah oo Soomaaliya xaqeeda ah oo ay lahaan jirtey bun nalooga dhimi maayo."

Weriyaha oo hadalkaas daba socdey, iskuna dayey in uu ogaado fikirka Jawaari ee ku aadan cabbirka badda Soomaaliya, ayaa asagoo hoga-tusaalaynaya, dhanka kalena ka tusaya, waxa uu xusuusiyey in uu jirey kulan uu madaxweynaha khadka telefoonka kagala qayb galay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee New York bishii hore (May 2013), waxaa madaxweynuhu sheegay, in kastoo dad badani yiraahdeen wuxuu ahaa khadif, in badda Soomaaliya xuduudaynteedu ay ku kooban tahay 12 miles (Territorial waters ah), waxaa kale oo jira sharci soo baxay 10-kii Septemper 1972 xilligii xukuumaddi Maxamed Siyaad Barre, Qaramada Midoobayna ay hayso ilaa hadda laga helo websiteka UN-ka, ADIGU MAXAAD FIKRAD AH OO KA QABTAA? ayaa weriyaha Telefishanka Somalichannel weydiiyey guddoomiyaha baarlamaanka DFS.

Prof. Jawaari wuxuu kaga jawaabay "Asaga Weydii"

Weriye C/kariin: Adigu (Jawaari ahaan) maxaad fikrad ah oo ka qabtaa in (Badda Soomaaliya) ay tahay 200 mile iyo in....."

Prof. Jawaari ayaa ku jawaabey: "Walaal dhagayso, shuruuc ayaa jirta Soomaaliya ay leedahay, waxaa jirta shuruuc internazionale ah, anagana ka gaar ma nihin ee caalamkaa ayaan ka mid nahay, baarlamaanku wuxuu ka tarjumayaa dhammaan wixii Soomaalidu lahayd oo shuruucdeeda ku qoran yahay, baarlamaanadii hore ogolaadeen, iyo wixii xaq u leenahay in aanaan marna ka tanaasulayn."

Video-ga Halkan ka daawo (TV-ga Somali Channel)

Waraysiga qaybahiisa kale halkan ka daawo

Faafin: SomaliTalk.com |  June 6, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: