SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Itoobiya iyo Kenya oo dadaal ugu jira sidii Xuduudka Badda Soomaaliya loogu soo koobi lahaa 12 mayl, iyo Dawladda Shiikh Xasan oo arrintaas u dhega nugul

  • Faalladii SomaliTalk.com | April 5, 2013

Itoobiya, Kenya, Shiikh Xasan iyo Cumar C/rashiid ma u hir geli doontaa in ay xudduuda badda Soomaaliya kusoo koobaan 12 mayl, oo baabi'iyaana xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37 oo dhigaya in xuduud baddeedka Soomaaliya yahay 200 mayl badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.

Waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ee caasumadda Gumeysiga Itoobiya lagu qabtay kulan lagu gorfaynayey in Badda Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl.

Kulankaas Addis Abab oo la sheegay in ay soo qaban qaabilsay hay'adda Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (ee loo soo gaabiyo UNPOS) iyo Midowga Yurub, waxaa ka qaybgalay Dawladda Federalka Somaaliya, maamullada Puntland, Somaliland, iyo Galmudug. (Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya, Xilligii Axmed Walad Cabdalla waa laga dheregsan yahay in uu qayb ka ahaa muran gelintii badda Soomaaliya. Dhanka kale barwaaqa sooranka Yurub Commonwealth waa kuwii Kenya ka caawinayey sidii xuduuda badda loogu kordhin lahaa).

Waxaa arrin laga xishoodo ahayd in rag sheeganaya masuuiyiin Soomaaliyeed ee 12-14 Maarso 2013 lagu shiriyey Addis Ababa in laga hir gashado in ay yiraahdaan sidan:

  • "Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan." Sidaas waxay ku qoran tahay warsaxaafadeedkii 14-kii Maarso 2013 ka soo baxay UNPOS. (Eeg UNPOS ama halkan).
     
  • Markale dhegeyso waraysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland kana qaybgalay shirkaas wuxuuna 31-dii Maarso 2013 u waramay wariyaha BBC Axmed Maxamed Cali (DHEGEYSI - BBC).
  • Waxaa haboonaan lahayd in Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo hadalkaas 12 mayl ah yiri in la xusuusiyo: in 200 mayl oo Territorial waters ah marka dalku leeyahay in ay soo hoos geleyso labada boqol ee EEZ (waayo 200 territorial ah waxay kuu tahay sida dhulkaaga oo EEZ-na waa kuugu dhex jirtaa, cidi kulama leh). Marka adigoo labadiiba haysta maxaa kugu jirabay in aad aqbashid 12 mayl, mase ogtahay adduunka aad ka hadleysid in uusan wada aqbalin xeerka badaha ee aad cuskatay, qaarna  leeyihiin xeer u gaar ah oo dastuurkooda ku qoran oo u dhigma kii Soomaaliya ee 1972 sida Peru.

Shacabka Soomaaliyeed waxay aad isu weydiiyeen, layaabna ah, sababta keentay in kulan sidaas u miisaan weyn oo lagu go'aaminayey mustaqbalka xuduuda badda Soomaaliya sababta loogu qabtay Addis Ababa oo xitaa aan bad lahayn, ahna dal cadow soo jireen ah u ah Soomaaliya, welina gumeysi ku haysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Soomaali.

  • FG: Dalka Itoobiya waxa uu ka mid yahay dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha adduunka, sidee marka Soomaaliya oo bad leh, xeer badeedna leh, wax ugu yeerinayaan (hoos ka eeg dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha**)

Waxaa kale oo jira warar tibaaxaya qorshaha in badda Soomaaliya xuduudeeda la soo koobo, oo Kenya wadato, in beryahan dambe uu markale qayb ka yahay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Ra'iisul Wasaarahii hore ee Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, oo ayad xukumaddii bilwoday in taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysey ay muran geliso badda Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis loogu yeeray is-faham la gashay Kenya - heshiiskaas oo ay ganafka ku dhufteen baarlamaankii Soomaaliyeed ee hore, oo ah kuwo taariikhdu xusi doonto.


Col. Riiraash "Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa."

Dhanka kale Dawladda Federaalka ayaa beryahan wadey siminaaro ay madaxda kala duwan ee dawladda kaga dhaadhicinayso in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl iyo in 200 miles ay tahay EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo Territorial Waters ah.

Barnaamijyadaas xukuumadda waxaa ka mid ah barnaamij kharidado watay oo uu Corneyl Xasan Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya dhawaan ka jeediyey Muqdisho goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya.

Col. Riiraash waxa hadalkiisii ka mid ahaa, mar uu sharaxayey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya "Waan ogahay in sanadahan dambe muran ka taagan yahay xadka badda ee u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya waan ogahay, hase yeeshee wixii xaqiiqo ah haddaan si kooban halkan uga sheego, Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa."

Hadalkaas qayb ka mid ah ayaa markii hore intii maqshay u riyaaqday, maadaama uu xusay in xadku ku suntan yahay xagal 90 derejo ah oo ka bilaabanaysa xeebta, hoosna ka maraysa jasiiradaha Lamashaaqa.

Laakiin, Riiraash wuxuu dadkii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya sidan: "(12 mayl) oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah qaybta aan ku leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash.

Ugu horayn shacabka Soomaaliyeed xilligan waaa ku baraarugsan yihiin in xeerka qaybta 12-ka mayl ee uu Riiraash ka hadlayo uusan ahan xeer Soomaaliyeed, dalalka qaarkoodna aysana ilaa hadda aqbalin xeerka badaha amaba dhaqan gelin.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalka xuduudda badoodu tahay 200 mayl badeed oo Terrirorial waters ah, arrintaas Soomaaliay keli kuma ah.  Tan kale muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliyana taariikhda kuma jirin wixii ka horeeyey dawladdii Shariifka. Arrinta muranka ah waa dhulka NFD ee ka mqan Soomaalida. Haddaba Riiraash sidaas in uu madaxda jamaahirada ah ka dhaadhicin lahaa ayaa wanaagsanaan lahayd.


Sawirkan waa Col. Riiraash oo sharaxa xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaan ka qaadnay Video uu duubay Muuse Jiisow
(Video tayadiisa ayaan wanaagsanayn, hadduu hagaagona waa soo daaabci doonaa, insha Allah.)

Tan uu ku ammaanan yahay Riiraash waa xusidda uu sheegay xagasha 90-ka degree ee lagu socodsiinayo xarriiqda xadaynta badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, arrintaas oo dhabar jab ku ah heshiiskii la dhoodhoobay ee Kenya aysan weli ka samrin.


Dhulbadeedka Soomaalia Territorial Sea (200 mayl-badeed)
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah (350 nm)

Arrimaahas xiriirka ah waxaa ka sii yaab badnaa, hordhacna u ahaa, kaddib markii qodob ay golahii wasiiradii KMG ahaa ka saareen waxa loogu yeero Roadmapka uu cuskaday madaxweynaha hadda ee DFS, Shiikh Xasan.

11-kii October 2011 ayaa wareegto ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada Roadmapka. Taas oo jirtey ayaa Cusmaan Macallim Mukhtaar oo ah khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka waxa uu bsihii Febraayo 2013 magaalada London su'aal ku saabsan badda oo uu weydiiyey Madaxweynaha DFS waxa uu kaga jawaabey sidan:

"Arrinta Oil-ka, annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday. Haddaad xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. " Sidaas waxaa yiri Shiikh Xasan, isagoo aan xusin in qodobkaas uu cuskanayo gebi ahaanba laga saaray Roadmapkii.


Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?

Waxana madaxweynaha DFS uu hadalkiisa raaciyey sidan "Dawladii Soomaaliya waxay burburtay ayadoo processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u sharciyayn lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii bilowday oo dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama shaqaynin, annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah oo Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo charts (shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi doonaa. Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan isticmaali doonaa." Waxana madaxweyanaha DFS ka boodey oo uusan xusin in Soomaaliya lahayd xeer badeed Law No. 37. (Farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya EEZ iyo Territorial Waters).

Arrimahaas oo dhan marka la dhuuxo waxaa ka soo ifbaxaya nidaam qorshaysan oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxdii Dawladdi hore ee Kumeel garka ahayd oo garabsanaya Kenya iyo Itoobiya in ay qorshaynayaan sidii loo dhaxal wareejin lahaa baaxad aad u ballaaran oo badda Soomaaliyeed, laguna soo koobo 12 mayl, shacabkana laga dhaadhicinayo "Adduunka ayaa 12 mayl leh", ayadoo aan marna la xusayn in dalal badan oo adduunka qaarkood aysan xeerka badda gebi ahaantiisba saxiixin ama dhaqan gelin, qaarna ay leeyihiin xeer u dhigma kan Soomaaliya lahayd in ka badan 40 sano ka hor intii aysan muranka gelin xukuumadii hore.

Ra'iisul Wasaaraha DFS Shirdoon iyo Golahiisa wasiirada

Ra'iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Shirdoon, oo hoggaamiya golaha fulinta ee xukuumadda, ilaa hadda lagama hayo wax hadal ah oo ku saabsan arrintaan ay dawladiisu waddo, waxaana haboon saxaafaddu in ay weydiiso haddii taas fursad loo siiyo, ama xafiiskiisu shacabka u caddeeyo mowqifka ra'iisul wasaaraha iyo golaha wasiiradiisa ee ku aadan badda Soomaaliya iyo xeerkii Law no. 37.

Shacabka Soomaaliyeed waxay u riyaaqi lahaayeen haddii Shirdoon oo maanta (April 5, 2013) diyaarad Itooobiyaan ah ku tegey Addis Ababa in uu xusuusin lahaa Addis Ababa in ay arrimaha badda Soomaaliya cabir u samayn teeda faraha kala baxaan, maadaama aysan ayaguba (Itoobiya) ilaa hadda ansixin xeerka badaha adduunka. Taas oo dal aan asaguba aqbal sanayn xeerka badaha adduunka (Itoobiya) uusan war u yeerin karin dal leh xeer badeed (Soomaaliya).

  • Sida lagu faafiyey warsaxaafadeed April 5, 2013 ka soo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha "Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali lahaayeen dhismaha hay'adda loogu magac daray Ra'iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi." Waa sida hadalka uu u dhigay warsaxaafadeedku.

Baarlamaanka Cusub iyo Guddoomiyahiisa Jawaari

Baarlamaankii hore ee kumeel gaar ahaa ayuu ahaa kii ka hor tegey qorshahii xumumaddii hore ee KMG iyo Kenya ay ku doonayeen dhaxan wareejinta badda Soomaaliyeed. Waxaase shacabka Soomaaliyeed hadda walaac weyn ka qabaan in baarlamaanka Soomaaliya ee hadda uu noqdo mid aan arrintaas ka dhiidhiyin, oo ayagoo soo taagan badda la dhaxal wareejiyo, laguna soo koobo 12 mayl.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari, oo booqasho ugu ambabaxay Norway, waxaa wanaagsanaan lahayd in uu Norway  xusuusiyo in ay arrimaha badda Soomaaliya faraha kala baxaan, sidaasna shacabka u caddeeyo. Taasi markaas waxay meesha ka saari lahayd tuhunka shacabku qabo oo ah in Norway ay Jawaari u marayso sidii Kenya loogu hir gelin lahaa heshiiskii is-fahamka ee ay fashiliyeen baarlamaankii hore.

  • Sida ku cad warsaxaafadeed (April 6, 2013) ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu gaarey Oslo Norway, "waxaana socdaalkiisa ku wehliya Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, gudoomiyeyaasha 15ka gudi ee Baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha."
  • Waxaana warsaxaafadeedku intaas raaciyey "Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa yimid kadib markii uu Gudoomiyaha casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Norway."

Tan kale, Hadalka arrintana waxa uu ku dhammaanayaa haddii baarlamaanka Soomaaliya uu xeer dastuuri ah ka soo saaro oo dastuurka ku qoraan in 1972 ilaa 2009 uu dhul badeedka Soomaaliya ahaa 200 mayl badeed oo Territorial waters ah, wixii ka dambeeyey 2009 ay kordhisteen cabbir u dhigma inta dalalka badaha leh loo ogol yahay oo ah ilaa 350 mayl badeed, xusaana sidii uu qornaa xeerkii badda Soomaaliyeed ee 1972 Law No. 37.

Col Riiraash waxaad ku mahadsan tahay hadalkan "Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa." Laakiin fadlan ka laabo hadalka ah badda Soomaaliya xeerkeeda in lagu dabakhayo 12 mayl oo keliya, waxaad tiraadaa waxaa Soomaaliya leedahay xeer dhigaya 200 mayl badeed oo TERRITORIAL WATERS ah, adduunkana sidaas ayaan u sheegeynaa. Taariikhdana ka gal baal wanaagsan.

Gabagabadii waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed in ay ku baraarug-sanaadaan qorshaha socda ee badda Soomaaliya, una foojignaadaan "Wareegga 3aad ee Difaaca Badda Soomaaliya".

** Dalalka aan dhaqan gelin xeerka badaha (Eeg khariidada hoose waxay muujinaysaa dalalka saxiixay iyo kuwa aan saxiixin iyo kuwa saxiixay laakiin aan dhaqan gelin.)

Dalalka aan gebi ahaanba ilaa hadda saxiixin xeerka baddaha adduunka waxaa ka mid ah

  • Eritrea, Israel, Peru, Syria, Turkey, United States of America, Venezuela, Andorra, Azerbaijan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Tajikistan, Turkmenistan, Uzbekistan, Palestine, Taiwan, Kosovo

Dalalka markii hore saxiixay xeerka badaha, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxaa ka mid ah:

  • Cambodia, Colombia, El Salvador, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, United Arab Emirates, Afghanistan, Bhutan, Burundi, Central African Republic, Ethiopia, Liechtenstein, Niger, Rwanda


Sawirka Wikipedia.

Qeexid: Territoriaa Waters: Territorial Waters (ama Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo ah hanti uu leeyahay dalku, taas oo la mid ah dhulka berriga ee dalka, sida magaalada Hargeysa ama Kismaayo ama Xaafuun. Waa dhulbadeed uu leeyahay dalka xeebtaas leh, wax kasta oo kujirana uu dalkaasi leeyahay, sida shidaalka, macdanta, kalluunka iyo khayraad kasta oo kujira, waxaa dalku leeyahay hawada ka saraysa Territorial Waters iyo dhulka badda ka hooseeya. Waa dhul-badeed aan dal kale kula lahayn. Soomaaliya Territorial Waters-keedu waa 200 nautical miles (mayl-badeed). Waa aag aysan soo geli karin maraakiib dagaal ee shisheeye oo aan ogolaansho cad ka haysan dalka xeebtaas leh. sii akhri

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: