SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Qaabilsan Soomaaliya  oo Ku Andacootey in Badda Soomaaliya aysan Xadeysneyn

  • Ayadoo la ogyahay in Dowladdii hore ee Soomaaliya Xiligii ay Dalka ka ariminaysay Badda Soomaaliya ay jirtay Xad loo sameeyay ayaa hadalkaan ka soo yeeray Contact Group waxa uu noqonayaa mid cusub oo ay tahay in ay ku Baraarugaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladdu.

Hoos ka akhri warbixinta:

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya (International Contact Group Somalia) oo Sheegey Badda Soomaaliya in aysan Xadeysneyn

Iyadoo Mudooyinkii dambe ay isa soo tarayeen hadalada ku aadan in Biyaha Soomaaliya uu ka socdo Kalluumaysi Sharcidarro ah oo Dowladdo iyo Shirkadu shisheeye Xaalufin Balaaran ku hayaan khayraadka Dalka ayaa arintaasi waxa si cad u sheegay inuusan Sharcidarro ahayn ka Kalluumaysiga ka socda Badda Soomaaliya Madaxa Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee International Contact Group Haweenayda lagu magacaabo Dona Hobcins oo Wareysi siisey Radiyaha Kulmiye ee Magaalada Muqdisho waxayna haweyneydaas Intaas sii raacisey:

“Xeebaha Soomaaliya waxa ka socda waxaan Dhihi karaa ama ku tilmaami karaa inuusan ahayn Xaalufin, waxaana Dowladda Soomaaliya ee Xiligaan jirta looga fadhiyo in Baddeeda ay Xadayso oo ay Caalamka u soo Gudbiso halka uu ku eg yahay Khayraadka Xeebaheeda taas ayaa Muhiim ah si loo ogaado Xadka Badda Soomaaliya.”

Dona Hobcins ayaa tilmaamtay Dowladda Soomaaliya tan iyo markii la soo Dhisayba iyo tii ka horeyseyba ay ka sugayeen inay soo Qeexaan Cabirka Badda Soomaaliya ,laakiin waxa ay sheegtay inaysan wali ka helin Dowladda Soomaaliya inay soo gudbiso Xadka ay Baddeedu leedahay si loola socda,waxaana ku celinayaa in Xiligaan uusan Dambi ahayn ka Kaluumeysiga Sharcidarada ee Badda Soomaaliya waayo Dowlada Soomaaliya weli ma soo gudbin Xadka Badeeda, waa sida laga soo xigtey warka raadiyaha.

“Dhowr jeer ayaa Dowladda Federaalka ka Codsaney in ay Cadeyso Xadkeeda Badda ee Khayraadka Dhaqaalaha uu ku jiro oo Afka qalaald lagu Yiraah EXECULISIVE ECONOMIC ZONE inta Dowladda Soomaaliya ka qeexeyso Kaluumeysiga iyo ay wadaan Shirkadaha, iyo Dowladha Shisheeye ma aha mid Sharcidaro ah ,waxaan ka dooneynaa Dowladda Soomaaliya in ay Qeexdo Xadka Badda ee EEZ “ayey tiri Haweeneydaas.


Sharciga badda Somalia (Somalia Territorial Waters) ee aan muranku ku jirin (wixii ka horeeyey heshiiskii fashilamy ee Kenya iyo xukuumadii Shariifka).. ka eeg websiteka UN

 

Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.

In kasta oo Haweenaydan Dona Hobcins ay sheegtey in Badda Soomaaliya aysan wax Xad ah lahayn hadana waxa jiray in Dowladdii hore ee Soomaaliya Xiligii ay Dalka ka ariminaysay Badda Soomaaliya ay jirtay Xad loo sameeyay hase yeeshee hadalkaan ayaa waxa uu noqonayaa mid cusub oo ay ku Baraarugaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladdu.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka qayb galayay shir Adis Ababa ay ku yeelanayeen Madaxda Migowga Afrika oo looga hadlayay Ammanka Qaarada afrika waxa uu ka sheegay in Badda soomaaliya uu ka socdo Xalufin ba’an kaasi oo lagu hayo khayraadka dalka isla markaana lagu soo Shubo Haraadiga Sunta laga keeno Warshadaha iyo in lagu kala iibsado Hubka Sharcidarrada ah.

Sannadkii 2009 ayaa waxaa la damcay in Badda soomaaliya la Farageliyo , waxaana Qorshahaan watey Dowladha Norway iyo Kenya balse Baarlamaankii Xiligaas jirey ayaa Ganafka ku dhiftey in faragelin lagu sameeyo Bada Soomaaliya , hase yeeshee waxaa hada muuqanaya in Dowlada Norway ay dooneyso in Barnaamijkeedii Fashilmey in ay dib u soo celiso waxaana taas laga dhadhansanayey Kulankii Madaxda Norway ay la yeesheen Gudoonka Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: