Wadaagga Batroolka Dad-u-dhexeeyaha:
Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne
Tarjumadii:
www.SomaliTalk.com |
Email: somalitalk@hotmail.com
Linkiga boggan:
http://www.somalitalk.com/oil/oil.html
Qormadani waxa ay ku salaysan tahay hadal uu jeediyey macallin wax ka dhiga Jaamacadda "University of Southern Maine",
waxana uu 7dii November 2004 ka jeediyey matxafka "Fusion Arts Museum" ee magaalada New York.
Qoraalkan nuxurkiisu waxa weeye muujinta halganka loogu jiro lahaanshada khayraadka dabiiciga iyo cida maamulkeeda leh - haddaba maadaama
qoraalku
aad u dheer yahay, waxaan u qabinay ugu yaraan afar qaybood oo aan qayb kasta toddobaad kusoo gudbin doono SomaliTalk.com,
Insha Allah.
Qaybta 1aad:
Qaybtan oo ah "Hordhac" waxa ay ku bilaabatay sidan:
1. Deeganka oo dhan iyo khayraadka dabiiciga ah
(oo ay ku jirto macdanta dabiiciga ah) ee kujira dhulka
Ijaw[1] waxaa iska leh jaaliyadaha Ijaw waxana asaaska noloshayada.
2. Waxaan qaadacnay aqoonsiga dhammaan wareegtooyinka aan dimoqraadiga ahayn
kuwaas oo dadkayaga/jaaliyadayada ka xadayada (ka dhacaya) xuquuqda lahaanshada iyo maalulidda
noloshayada iyo khayraadkayaga, wareegtooyinkaas oo la hirgeliyey ayagoo aanaan ka qayb gelin, oo aan wax tixgelin ah la siin dareenkayaga iyo rabitaankayaga
aqlabiyadeed. Waxaana ka mid ah Wareegtadii Adeegsiga Dhulka iyo Wareegtadii Shidaalka, iwm.
-- Waa labo qodob oo ka mid ah "Bayaankii Kaiama" ee December 1998.
HORDHAC: Shidaalka iyo Biyaha
Halganka loogu jiro lahaanshada labada dareere - shidaalka iyo biyaha, ee siyaasad ahaan waqtigan (xilligan) la joogo
ugu muhiimsan, waxa ay leeyihiin jihooyin kala duwan.
Biyaha:
Inkasta oo soo jireenka taariikhda ay biyuhu ahaan jireen kuwo ay sheegtaan dad
gaar ah ama dowlada ama ahaan jireen maal dad-u-dhexeeye ah,
haddana nidaamka "furfuraanta-cusub" waxaa ka dambeyey shirkado waaweyn si ay
gebi ahaanba biyaha uga dhigaan kuwo khaas loo leeyahay. Shirkadahan khaas u
lahaanshada biyaha waxaa ka soo horjeeda halgan xoog-weyn oo ka jira laga bilaabo
Cochabamba (Bolivia) ilaa Soweto (Koonfur-Afrika), halgankaas oo jaaha adduunka u soo jeediyey su'aasha ah: Yaa leh biyaha?
Isku dayga in biyaha loo daayo in ay ahaadaan maal dadka u dhexeeya oo ah heer
degaan (maxalli) iyo heer adduun-weyne waa arrimaha hadda ugu muhiimsan ee ay wadaan dhaqdhaqaaqyada
ka soo horjeeda nidaamka loo yaqaan "isku-xirka dhaqaalaha dalalka adduunka".
Shidaalka:
Dhanka kale, 150kii sano ee ugu dambeeyey Batroolka waxaa loo tixgelin jirey mid
ku kooban oo khaas loo leeyahay ama dawladu leedahay. Bogaga buugaagta taariikhda
ee ku saabsan batroolka waxaa laga buuxiyey "ganacsato taajiriin ah" sida John D. Rockefeller (1839-1937)[3],
ama "haggaamiyayaal" dowladeed sida Saddaam Xuseen (1937--- )[4]
iyo Winston Churchill (1874-1965)[5]. Sidaas daraadeed "halganka batroolka" waxaa loo arkayey mid badanaa
u dhexeeyey shirkadaha iyo dowladaha, laga soo bilaabo bartamihii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad.
Laakiin shan-iyo-tobankii sano ee ugu dambeeyey waxaa jirey isbedel weyn oo ku yimid muuqaalka hab-fikirka iyo jilaayasha masraxa ee halganka loogu jiro Batroolka.
Waxaa meesha ka baxay aqlabayadii ay sida khaaska ah masraxa ugu lahaayeen dowladaha iyo shirkadaha aadka u baaxada weyn ee tamarta. Wajiyada Jilayaasha cusub waxaa ka mid ah: "Dadka" sida
Ijaws, Ogoni[6], Chiapanecos[7], U'wa[8], Cofan[9], Secoyas[10], Huaorani[11],
dadka Ache (Sumatra)[12]; dhaq-dhaqaaqa bulshada ee dhaafsan xuduudaha
ee hoos taga magaca xiddigta Islaamka ee rumaysan nidaamka "Dhaqaalaha Islaamiga;"
xubno lamid ah nidaamka Qaramada Midoobey sida Bangiga Adduunka oo ku andacoonaya
in ay metelaan "hab-maamul caalami ah" ee "waxyaabaha ka dhexeeya caalamka."
Dadkaas, dhaq-dhaqaaqyadaas, iyo hay'adahaas caalamiga ah
waxaa u bilowday halganka loogu jiro xukunka soo saaridda batroolka, iyagoo laf-ahaantoodu
isu sharciyaynaya fikirka cusub (isla mar ahaantaasna qadiimka ah) ee lahaanshada
-- Maalka dadka u dhexeeya.
Sababtee ayuu hadda u soo shaac baxayaa Qaranka Batroolka dad-u-dhexeeya ah, waana maxay raadka (ama cawaaqibka) uu ku yeelanayo wershedaha (& shirkadaha) shidaalka?
Waxaa jira saddex heer oo sheeganaya in batroolku yahay maal
dadka u dhexeeya, kuwaas oo xiriir la leh saddex nooc oo jaaliyado ah oo iyaga jaal la ah, kuwaas oo
qaab samayskoodu uu hadda soo ifbaxayo, mana jiraayaan maal dad u dhexeeye ah haddii aysan jirin jaaliyad
adeegsigiisa xeer u samaynaya:
-
Koowaad: jaaliyadaha maxalliga ah (oo deggan meesha uu ku kaydsan yahay shidaalku)
ee ay tooska u saamaysay soo saaridda shidaabku waxa ay sheegtaan in ay iyagu
leeyihiin batroolka, ayna tahay in ay iyagu sharciyada/qawaaniinta u sameeyaan
batroolka kujira dhulkooda.
-
Labaad: dhaqaalayahanada nidaamka Islaamiga ah waxay sheegtaan in jaaliyadda Islaamka caqiiqadiisa rumaysan, laga soo bilaabo Morocco ilaa Indonesia iyo inta ay matalaan, soo ifbaxa Khaliifada Qarniga 21aad, in ay leeyihiin
batroolka, ayna tahay in ay qawaaniinta u dejiyaan shidaalka aadka u baaxada weyn ee dhex ceegaaga dhulkooda aadka u ballaaran.
-
Saddexaad: Saraakiisha Qaramada Midoobey (UN) waxay sheegtaan in "jaaliyadda adduun-weynaha" ay leedahay xuquuqda sharci u samaynta waxa loogu yeero dad-u-dhexeeyayaasha, sida: hawada, biyaha,
degaanka, macdanta (oo uu ku jiro batroolku), iyo "cilmi-akhbaar" (cilmiga iyo akhbaarta). Jaaliyaddan adduun-weynaha ee la mala-awaaley waxaa metala dhinacyo leh jihooyin "jaah-wareer leh" kuwaas oo sameeya nidaamka Qaramada Midoobey,
laga soo bilaabo kuwa ololeeya ee Hay'adaha aan Dowliga ahayn (NGO) ilaa dabaqadaha deegaan-yahannada Qaramada Midoobey ilaa lataliyayaasha "cagaarka" ee Bangiga Adduunka.
Dhammaan sheegashooyinkaas iyo halgankooda sharci samayntu
waxay siyaabo ay natiijooyin kala duwani ka soo baxayaan saamayn ugu yeelanayaan
lahaanshada iyo sharciyaynta batroolka ku jira adduunka ee ay sida khaaska ah u haystaan dowladaha iyo shirkadaha waaweyn.
Waxaa jira fikrado ka dhexeeya qaybahaas kala duwan ee sheeganaya lahaanshada batroolka, laakiin waxaa inta badan ayaga u dhexeeya khilaaf (is-herdi). Is-herdigaas ayaa qaabayn doona lahaanshada Batroolka iyo sida
qawaaniin loogu samaynayo soo saaridiisa, isticmaalkiisa waxaa qaabayn doona
kuwo loo yaqaan 'wadaagga-lahaanshada' ee kusoo biiray masraxa ay muddo qarni ah aqlabiyadiisa lahaayeen dowladaha iyo shirkadaha caalamiga ah.
Akhri Qaybta 2aad: oo ku saabsan "Degaannada
Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka."
Talo, tusaalayn, iyo xog la xiriirta shidaalka ee
looga faa'iideynkaro ummaadeena, fadlan kusoo hagaaji:
somalitalk@hotmail.com
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006
Fure/Tixraac:
[1] Ijaw: Waa qabiil dega dalka Niger [Niger waxa uu kujtaa dalalka Afrika ugu horeeya
soo saarida shidaalka, waxaana lagu tiriyaa in uu adduunka ka yahay dalka toddobaad ee ugu badan soo saarida
saliida ceyriin, waxana maalintiiba dalkaas laga soo saaraa 2.5 million oo foosto
oo shidaal ah - Eeg:
http://www.globalsecurity.org/military/world/para/ijaw.htm
[2] Bayaankii Kaiama: waxaa laga soo saaray magaalada Kaiama
ee dalka Niger, waxaana soo saaray dhallinyarada
qabiilka IJAW ee Niger Delta markey taariikhdu ahayd 11kii December 1998. Eeg:
http://www.dawodu.net/kaiama.htm
[3] John D. Rockefeller: waxa uu sannadkii 1839 ku dhashay magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waxana uu isagoo kaashanaya
walaalihii uu sannadkii 1870 asaasay shirkadda batroolka ee "Standard Oil Company", taas taariikhyahanadu ay
sheegeen in shirkadaasi ay adeegsatey dhawr arrimood oo ay ku cunaqabatayneysey shirkadaha kale ee shidaalka
si ay suuqa uga saarto, waxana arrimhaas ka mid ahaa: iibsiga dhammaan aaladaha looga baahan yahay
shidaalka sida qalabka lagu sameeyo foostooyinka si aan shirkadaha kale ee la tartamaya loogu baahan,
iyo in qiimaha shidaalka aad u dhimeen si shirkadaha yaryar ee aan qiimaha oo
hoos u dhaca xamili karin ay suuqa uga baxaan iyo cabsi gelin
la xiriirta in tuugo loo diro shirkaha kale si ay u jabasadaan shirkaha aysan wax u dhimin qodobada hore ee cunaqabataynta - Eeg:
http://www.u-s-history.com/pages/h957.html
[4] Saddam Xuseen: 28kii April 1937 ayuu ku dhashay Auja oo u dhow magaalada Tikrit oo u jirta 200km waqooyiga Baghdad - Eeg:
http://www.somaliatalk.com/ciraaq/ciraaq.html
Batroolka Ciraaq: Ciraaq waa dalka labaad ee adduunka ee ay ku kaydsan tahay saliida ceyriin ee ugu badan taas oo lagu qiyaasay
in ka badan 200 billion oo foosto oo tayadeedu aad u sarayso, isla mar ahaataana si aad u sahlan loo soo saari karo.
Sannadkii 1972 (1dii June) ayaa la qarameeyey batroolka ee Ciraaq. Ilaa xilligaas shirkadaah UK iyo USA ka mid ma ahayn shirkadaha shidaalka ka baara dalkaas (Wixii ka horeeyey 1972 shirkada UK iyo USA waxay lahaan jireen saddex-meelood-oo-meel (1/3) saamiyada shidaalka Ciraaq).
Sannadihii ugu dambeeyey ee xukunkii Saddaam waxaa heshiisyo shidaal qodista Ciraaq loo ogolaaday shirkado ka yimid dalalka
France, Russia, China, iyo dalal kale. Arrintaasi waxay is bededeshey sanandkii 2003 markii uu dhacay dagaalkii Ciraaq.
- Eeg: http://www.globalpolicy.org/security/oil/irqindx.htm
[5] Winston Churchill: waxa uu 30kii November 1874 ku dhashay Blenhiem Palace ee Oxfordshire, England. Waxaa noqday ra'iisul wasaaraha Ingriiska 1940-1964.
Waxa uu dhintay 24kii January 1965.
- Eeg: http://www.moreorless.au.com/heroes/churchill.html
[6] Ogoni: waa dad deggan meesha loo yaqaan Ogoni oo ka tirsan aagga Rivers State ee dalka Nigeria.
Tirada dadka Ogoni waxaa lagu qiyaasaa 500,000, dhulka ay ku nool yihiina waxaa baaxadiisu dhan tahay
650 Km2 (kilometer-laba-jibbaaran) taas oo ka dhigeysa meel ay dadku aad uga badan yihiin. Dadkaas halgankoodu waxa uu bilowday sanandkii 1958 markii shirkadda
SHELL ay shidaalka ka heshay dalkaas. Xilligaas waxaa
dalka Nigeria gumeysaney dalka Ingriiska - Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Ogoni_people
[7] Chiapanecos: Waa qabiil deggan dalka Mexico kana tirsan qabaa'ilka dalkaas deganaan jirey ilaa muddooyin hore, balse dhaqaalohoodu liito, waxana ay ka cawdaan degaankooda oo laga soo saaro shidaal in aysan dhaqaalohooda wax ka bedelayn deegaasnkooduna uu dhikhoobayo : Eeg-
http://lanic.utexas.edu/project/lasa95/davila.html
[8] U'wa: Waa qabiil dega dalka Colombia ee
Laatiin Ameerika, waana dadka dhulkaas asal ahaan u degaan jirey.
Qabiilkaasi waxa ay ilaa sanadihii 1990-shanaadkii dagaal kula jireen shirkadda shidaalka dalkaas ka qoda ee OXY (Occidental Petroleum),
qabiilkaas oo sheegay in shirkadaasi ay baabi'ineyso degaankooda iyo dhaqankooda iyo hab-nololeedkooda. Waxana ay ku doodaan in ay yihiin difaacayaasha dhulka.
- Eeg:
http://www.thirdworldtraveler.com/Oil_watch/Colombias_Oil_War.html
[9] Cofan: Waa qabiil ka mid ah dadka asal ahaan u deganaan jirey dalka Ecuador ee Laatiin Ameerika. Qabiilkaas oo si weyn uga soo horjeeda in dhulkooda shidaal
laga baaro ayagoo ku andacoonaya in degaankii ay awoowayaashood la haayeen jireen in la dhalan rogayo, waxana ay ku doodaan in ay yihiin difaacayaasha kaynta.
- Eeg: http://www.wrm.org.uy/bulletin/17/Ecuador.html
, Taariikhda qabiilka Cofan ka eeg halkan:
http://www.cofan.org/history.htm
Degaanka qabiilka Huaorani ee Ecuador |
[10] Secoyas: Waa qabiil ka mid ah dadka asal ahaan u deganaan jirey dalka Ecuador, waxana ay dalkaas ka degaan dhinaca Woqooyi-Bari ee kaynta loo yaqaan Amazon, waxana ay deris la yihiin qabiilka Cofan (ee kor ku xusan).
- Eeg: http://ecuador.nativeweb.org/secoya/
[11] Huaorani: Wa qabiil ka mid ah dadka asal ahaan u degaanjirey dalka Ecuador, gaar ahaan kaymaha Amazon, waana qabiil aan dadka kale soo dhex gelin, waxaana ku xeeran qabiilooyin ay
is-guul-guulaan. Tiradooda waxaa lagu qiyaasay 1,500. Dhulka ay deggan yihiina baaxadiisu waa 20,000 km2. Waana dhul lagu qiyaasay in uu ceegaago shidaalka ugu badan ee ku jira
dalka Ecuador.
- Eeg: http://www.crystalinks.com/huaorani.html
[12] Ache: Waa dhul ku yaal dhanka Woqooyi-galbeed ee jasiirada Sumatra ee dalka Indonesia. Waana aag lagu yaqaan in ay ku kaydsan yihiin shidaal aad u baaxad weyn, laakiin waxaa
halkaas ka socdey muddo dhaqdhaqaaq lagu doonayo in aaggaas lagaga gooyo dalka intiisa kale
LINK:
Matxafka "Fusion Arts Museum":
http://www.fusionartsmuseum.org/newhome.html
Jaamacadda "University of Southern Maine": http://www.usm.maine.edu/