SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Baarlamaanka Soomaaliya oo si kulul uga dooday Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga iyo Xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37

"Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii July 17, 2013 si adag uga dooday Xuduud Badeedka Soomaaliya oo qayb ka ah Hindise Sharciyeedka Kalluumaysiga ee dhowaan ay baarlamaanka usoo gudbisey wasaarada Khayraadka," sidaas waxaa faafiyey Telefishanka SomaliChannel.

Waxaana xildhibaanadu su'aalo kulul weydiiyeen Wasiirka Khayraadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, su'aalahaas oo la xiriirey Sharciga Cusub ee loo samaynayo Kalluumaysiga dalka Soomaaliya iyo sharcigii badda Soomaaliya.

Dooda qaar kamid ah xildhibaanada ka Daawo Video hoose:


Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay si adag uga hadleen sababta looga war-wareegayo sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.

Kulanka baarlamaanka oo maalintaas ay soo xaadireen 150 xildhibaan waxay dooda ku saleeyeen in Soomaaliya ay leedahay sharci qeexaya cabbirka badda Soomaaliya, cabirkaas oo ah 200 mayl-badeed.

Halkan ka daawo warbixin kale ee Kulankii Baarlamaanka ee July 17, 2013

"Soomaaliya waxay ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran." Xeerka qaran ee halkan ku xusan waa Law no. 37 oo dhigaya 200 maylbadeed oo ah TERRITORIAL WATERS oo soo baxay 1972, sharcigaas oo ka horeeyey kan badaha adduunka markii aan aqbalay.

Warbixintii Kooxda Contact Group ee UN-ka ee soo saartay 12-kii July 2013 ayaa si qeexan loogu sheegay ujeedada ka dambaysay in badda Soomaaliya la soo koobo iyo in loo ololaynayey EEZ, arrintaas warbixintu waxay ka tiri "Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee habka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka," sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka boggeeda 249 iyo 250.

Muranka la geliyey badda Soomaaliya waxa uu soo bilowday markii 2009 dawladdii Sheikh Shariif heshiis la gashay, kaasoo loogu magac daray IS-FAHAM oo badda Soomaaliya ay Kenya muran ku gelisey, heshiiskaas oo loogu gogol dhigayey in markaas ay Kenya dhul-badeedka "muranka la geliyey" ay qandaraasyo kula gasho shirkadaha shidaalka sahamiya, gaar ahaan xeebta la olloga ah Kismaayo iyo raaskambooni. Baarlamaankii Soomaaliya ee KMG ahaa ayaa arrintaas i geesinimo ah uga hor tegey, heshiiskii Is-Afgaradkana ka dhigay WAXBA KAMA JIRAAN (NULL & AVOID), Qaramada Midoobay ayagoo tixraacayey go'aanki baarlamaankii Soomaaliya waxa UN-ku heshiiskii Is-Afgarad ka dhigeen in aan la cuskan karin.

Hadda waxaa hadalka soo celiyey waa in sharciga cusub ee Kalluumaysiga lagu soo daray qodobbo si toos ah loogu doonayo in lagu baabi'iyo Law no. 37, xeerkaas cusub waxa uu hadda hor yaal Baarlamaanka Soomaaliya.


Dhulbadeedka Soomaalia Territorial Sea (200 mayl-badeed)
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah

Sharcigan cusub ee Kalluumaysiga ee xukuumaddu doonayso in ay baarlamaanka marsiiso waxaa ku qeexan sidan: "Dhulka Badda: Macnihiisu waa dhulka biyaha badda ee ilaa 12 mayl (12 miles) u jira xeebta Soomaaliya." (Waa sida ku Qeexan Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya).

Waxaa kale oo sharcigan cusub ku qeexan sidan "BAABI'IN: Waxaa la baabi'iyey sharci kasta oo ka hor imaanaya ama aan lasocon karin xeerkan kalluumaysiga ee Dowlada Fedaraalka Soomaaliya waa la tirtiray. "

Qodobadaasi waxay si toos ah u baabi'inayaan, ugana hor imanayaan sharciga Badda Soomaaliya, Law No. 37 ee soo baxay 10-kii September 1972, kaas oo dhigaya in Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) yahay 200 mayl badeed (nautical miles).

Waxaa kale oo qodobadaasi ka hor imanayaan go'aankii Golaha Wasiiradda DFS ee June 6, 2013 ee "ku aadanaa dhererka xadka badda Soomaaliya", kaas oo dhigayey "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."

Waxay ahayd June 5, 2013 markii sharcigan cusub ee Kalluumaysiga lasoo hor dhigay golaha wasiirada, sharcigaas oo ay ku qeexan tahay in dhulka badda Soomaaliya yahay 12 miles. Laakiin maalintii xigtey June 6, 2013 warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada DFS oo uu shir guddoominayey Shirdoon ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aqoonsan tahay sharciga Law no. 37 ee dhigaya in badda Soomaaliya Territorial Waters ay tahay 200 maylbadeed.

Halkii laga filayey in sharcigan cusub ee Kalluumaysigu uu qeexo sida uu dhigayey Law no.37 laguna qeexo in badda Somaliya Territorial waters ay tahay 200 maylbadeed, taasi ma dhicin, balse June 9, 2013 ayaa ra'iisul wasaaraha DFS waxa uu saxiixay sharciga cusub una gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sharciga uu ra'iisul wasaaruhu gudbiyey waxa uu dhigayaa in "Dhulka badda Soomaaliya yahay 12 miles".

June 22, 2013 ayaa markii ugu horeysey sharcigaas cusub ee Kalluumaysiga waxaa Baarlamaanka ka hor akhriyey Wasiirka Khayraadka. Waxaana sharcigaasi hadda horyaal baarlamaanka oo la filayo in ay ka doodaan Sabtida July 20, 2013.

Haddaba, Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la gudboon in ay muujiyaan geesinimadii ay muujiyeen baarlamaankii ka horeeyey ee la marsiin waayey in la duudsiiyo badda Soomaaliya. Sidaas daraadeed aysan ansixin sharci uu ku hoos jiro in badda Soomaaliya lagu soo koobayo 12 miles, ama aysan meel marin wixii ka duwan in Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) yahay qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles).

Sidii golaha wasiiradu hore u caddeeyeen "Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran." Sidaas daraadeed waa in aan baarlamaanku aqbalin taas wax ka duwan, loona hoos gelin EEZ iyo 12 miles iyo erayo xeeladaysan. Kelmedda muhiimka ah waa 200 maylbadeed oo ah“territorial water” ee badda Soomaaliya.

-- Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

##

UN REPORT: July 2013

  • In this way, Norway’s development assistance to Somalia may therefore be used as a cover for its commercial interests there. Norway’s Minister of International Development, Heikki Eidsvol Holmås has, however, publicly denied any link between Norway’s assistance to Somalia in establishing its continental shelf rights and any commercial oil interest. See page 250 of theh report
  • http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413

Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

  • Xigmad: “Taariikhdu waa cibro iyo cashara waaweyn, waa kaydka waanada iyo waaya aragnimada. Dhacdooyinka maanta dhacayaa berri wexey noqdaan taariikh. Taariikhdu cidna ma duudsido, qof walbana wexey diiwaanka u gelisaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo, booska uu istaago iyo kaalinta uu qaato Ummaddiisa ama diintiisa ama dalkiisa.” Sh. Maxamed Idris. Sept 3, 2009.
  • LOOL iyo DHIGO: http://somalitalk.com/2009/may/13/looldhigo.html

Faafin: SomaliTalk.com |  July 21, 2013

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: