SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka Laabtay Go'aankii Sharciga Badda ee ay Gaareen June 6, 2013?

Xukuumadda Shirdoon oo Baarlamaanka Soomaaliya u Gudbisey Xeerka Kalluumaysiga kaasoo Badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 miles, laguna tirtirayo Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37

Sida ku cad qoraal ay xukuummada Fedaraalka Soomaaliya u gudbisay Baarlamaanka, ayaa badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl baddeed oo kaliya halkii ay ka ahayd 200 oo mayl baddeed oo Territorial Waters ah.

 Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faraax Shirdoon iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa gudbiyey qoraal ay ku saxiixan yihiin,  loogana gol leeyahay inuu noqdo sharciga kalluumaysiga Soomaaliya, qoraalkaas oo ka kooban 20  bog waxaa lagu hagaajiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,  Raysal wasaaruhuna wuxuu ka codsaday inuu Baarlamaanka horgeeyo gudoomiyuhu si deg deg ahna u meel mariyo.

Aan ku hor maro qodobo kamid ah qoraalka loo  gudbiyey Baarlamaanka sida ay u qornaayeen, kadib markay golaha wasiiradu ka doodeen ansixiyeena, isla markaasna  loo gudbiyey Baarlamaanka si uu'u noqdo sharciga Kalluumaysiga  Soomaaliya leedahay, marka laga hadlayo badda iyo Khayraadka badda. Qodobo kamid ahna waxay u qornaayeen sidatan;

***

Qoddobka 2aad

ERAY-BIXIN

Ujeeddada xeerkan, eray walba  wuxuu leeyahay macnaha ku hor qoran:

4- Dhulka Badda: Macnihiisu waa dhulka biyaha badda ee ilaa 12 mayl (12 miles) u jira xeebta Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo xeerka Qaramada Midoobay ee Sharciga Baddaha  10kii December 1982

5- Dhulka Badda (Contiguous Zone): Macnihiisu waa soohdinta dhaw ee dhula badda Soomaaliya, waxaa lagu qeexaa zooka contiguous-ka, soohdintaas oo aan ka badan karin 24 (nautical miles) marka laga soo xisaabo xariiqda aas aas ka (baseline) kaas oo laga soo cabirayo dhulka badda.

6- Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soohdinta: Waxaa loola jeedaa dhulka ay ku fadhiyaan biyaha garabka ku haya dhulka badda oo ah ilaa 200 (nautical miles) marka laga bilaabo xeebta Soomaaliya, cabirkaasoo laga tixraacayo Qaramada Midoobay ee xeerarka sharciga badda ee 10ka Decembar 1982.

***

Xeerkan oo ka kooban 34 qodob ayaa waxaan kasoo qaadanay 4 qodob, oo khuseeya xeerkii badda ee la doonayo in lagu tirtiro Law No. 37.

Maxaa ka qaldan Xeerka Kalluumaysiga ee Xukuumada Shirdoon gudbisay?

Sida ku cad qodobka 2-aad ee xeerkan wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa ama meesha ka saarayaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law# 37, xeerkan cusub wuxuu badda Soomaaliya kusoo koobayaa 12 mayl badeed, dhulka badda Soomaaliya wuxuu u yaqaan 12 mayl oo territorial ah. Qeexida sharcgan cusub ee la rabo in baarlamaanku meelmariyo dhulka badda (territorial water) wuxuu ku qeexayaa 12 mayl baddeed,  taasoo khilaafsan sida uu dhigayo  xeerka badda Soomaaliyeed ee Law# 37 oo dhigaya in dhulka badda (territorial water) Soomaaliya yahay 200 oo mayl baddeed (200 nautical miles)

Qodobadan (ku jira sharciga cusub ee kalluumaysiga) si aan loo fahmin waa la maldahay, waxaana laga xadfay erayadii af ingiriisaga ahaa ee ummada Soomaaliyeed xifdiyeen intii ay ku jireen difaaca badda Soomaaliyeed, hadaba aan eegno sida loo maldahay, Exclusive Economic Zone  (EEZ) markale dib u fiiri sida loo dhigay qodobka lixaad;  Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soohdinta (waxaa loola jeedaa aaga ganacsiga EEZ) (Halkii uu ka ahaa 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters).

Qodobka 2aad (Faqradiisa 6aad) wuxuu ka hor imaanayaa sharciga badda ee Soomaaliya oo hada afartan sano jira, Sharciga badda Soomaaliya ee loo yaqaan law# 37 wuxuu dhigayaa in Soomaaliya leedahay 200 oo mayl baddeed oo  (territorial water) ah. Qodobkaasi dhulka badda (territorial water) Soomaliya wuxuu kusoo koobayaa 12 mayl (12 miles)

Xeerkan Cusub ee Kalluumaysiga loo samaynayo intiisa badan waxaa laga soo qaatay, xeerkii Kalluumaysiga ee Law#23 waxna waa laga badalay, waxna waa lagu daray, waxaa lagu daray waxaa ka mid qodobka 2aad (faqradahiisa 4-aad iyo 5-aad) ee aan kor kusoo xusnay.

Hadaba sida aan u fahano sida Dowlada Raysal wasaare Cabdi Farax Shirdoon u burinayo go'aankii ay shaacisay  June 6, 2013 ee waafaqsanaa sharciga badda Soomaaliya law# 37 aan akhrino go'aankii dowladu  wareegto rasmi ah kusoo saartay: (http://somalitalk.com/2011/badda/difaac95.html) oo u qornaa sidan:

----------------------------

Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya

1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).

2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.

3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.

DHAMAAD
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

-----------------------------


Ra'iisul Wasaare Shirdoon: Baarlamaanka ha la Weydiiyo in Dastuurka Qaranka lagu daro Xeerka Badda Soomaaliyeed ee Law No. 37

Sida ku cad go'aanka golaha wasiirada qodobka saddexaad wuxuu waafaqsanyahay/taageeriyaa/adkaynayaa xeerka badda Soomaaliya ee loo yaqaan Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10-kii September 1972, kaasoo Qodobkiisa koowaad dhigayo sidan:

Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)

1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.

2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada ku saabsan xagga caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee lagu galo maraakiib maraaysa gudaha xuduudka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga Soomaaliya.

Haddaba su'aashu iswaydiinta mudan waxay tahay xagee doodu ka taagantahay, maxaase 2009 ilaa hada Dowladihii Soomaliya soomaray iyo tan joogtaba lagu haystaa?

Inaan si qoto dheer u fahano dooda waa muhiim, arinta la isku hayo waa hal qodob, kolba dhankii ay noqotaba ha laga maree;

Dowlada Fedaraalka Soomaaliya waxay doonaysaa in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl baddeed, (12 territorial water) xeerkii badda Soomaaliyana meesha laga saaro, sidoo kale dowladu waxay doonaysaa 200 oo mayl inay noqoto EEZ aaga ganacsiga ee gaar ka ah, halkii xeerka Soomaaliya ka ahaa 200 mayl badeed oo ah Territorial Waters.

Ummada Soomaaliyeed iyo aqoon yahanka difaacaya baddana waxay rabaan in badda Soomaaliya loo daayo sida uu dhigayo xeerka badda Soomaaliya law# 37 oo ah in Soomaaliya leedahay 200 maylbaddeed (200  territorial water), taas oo ah dhulbaddeed Soomaaliya leedahay manaa facaad ahaan iyo lahaansho labadda, sida sharciga Soomaaliya dhigayo, aduun waynuhuna uu aqbalay, 40 sano in ka badana lagu dhaqmayey. Hadii si kale loo dhigo, ummada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay inaysan dhumin badda  qaran (200 territorial water) ee hadda gacanta lagu hayo, iyo in lagu dadaalo sidii loo sii kordhin lahaa, loona gaarsiin lahaa 350 mayl badeed.

Waxaa xusid mudan sharciga Kalluumaysiga ee Soomaaliya (ee loo yaqaan Law No. 23) kuma jirin qeexida cusub ee Dowlada Shirdoon ku qeexayso in badda Soomaaliya tahay 12 mayl oo kaliya, qodobka 2aad (faqradihiisa 4-aad,5-aad,6-aad) iyo qodobka 33-aad waa lagu soo daray, ujeedada laga leeyahayna waa in lagu baabi'yo sharciga badda Soomaaliya.


Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya halkan ka eeg

Soomaaliya uma baahnayn inay qodobadaan ku darto Sharciga kalluumaysiga, maxaa yeelay sharciga guud ee badda Soomaaliya ayaa lagu cadeeday soohdinta iyo xuduuda badda ee Soomaaliya, cidkasta oo ka kaluumaysanaysa, maraysa, ku tamashlaynaysa waxay ku qasban yihiin inay u hogaansamaan sharciga wayan ee badda Soomaaliya Law No. 37.

Aan dib ugu noqono sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaala Baarlamaanka  qodobkiisa 33-aad, wuxuu u qoranyahay sidan;

***

Qodobka 33aad

BAABI'IN

Waxaa la baabi'iyey sharci kasta oo ka hor imaanaya ama aan lasocon karin xeerkan kalluumaysiga ee Dowlada Fedaraalka Soomaaliya waa la tirtiray.

***

Waxaa qodobkan ka cad in lagu baabi'inayo, laguna tirtirayo sharciga badda Soomaaliya ee Law No. 37, waxaad ka dareemaysaa sida sharciyan afka loogu adkaynayo erayga baabi'ey/tirtiray oo isku macne ah, laba goor ayuu qodobkaan labada sadar ka kooban lagu xusay. Sharciga ka hor imanaya ama aan lasocon karin, xeerkan cusub ee kalluumaysiga waxaa ugu horeeya sharciga badda Soomaaliya ee law # 37 oo qaba badda Soomaaliya inay tahay 200 oo mayl oo dhul baddeed ah (200nm territorial water).

Waxaa xusid mudan in ummada Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen ugana mahad celiyeen go'aankii golaha wasiirada ay soo saareen June 6, 2013 go'aan kaas oo waafaqsanaa sharciga badda Soomaaliya u yaala, aduunku u aqoon sanyahay.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in isla June 5, 2013 Sharcigan cusub ee Kalluumaysiga lasoo hor dhigay golaha wasiirada, islamarkaasna in bisha June 9, 2013 Raysal wasaaruhu saxiixay gudbiyeyna. Go'aanka maalinkaas wasiiradu gaareen, ummada Soomaaliyeed na u shaaciyeen, wuxuu ka hor imaanayaa sharciga cusub ee Kalluumaysiga. go'aanka golaha wasiiradu wuxuu qabaa in badda Soomaaliya tahay 200 oo mayl baddeed, (200nm territorial water), halka Sharcigan cusub ee baarlamaanka horyaalana wuxuu qabaa 12 mayl oo ah dhulka badda.

Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

Ugu danbayntii maxaa lagudboon Baarlamaanka Soomaaliyeed, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed?

Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inuu laalo sharcigan cusub ee Kalluumaysiga, tixgalina uu siiyo sharcigii hore ee Kalluumaysiga Law No. 23, ilaa laga helayo daraasad dhab ah oo xaqiijinaysa isbadalka loo baahanyahay xiligan aan joono, isla mar ahaantaasna aan wax u dhimayn sharciyadii hore ee badda Soomaaliya oo ugu horeeyo sharciga badda Law No. 37.

Waxaa kaloo ku celinaynaa soo jeedintii horay aan dhowr goor usoo jeedinay oo ahayd, in baarlamaanka Soomaaliya sharciga badda ee law# 37 ka dhigo qodob dastuuri ah, si ay u harto in badda Soomaaliya la hunguriyeeyo.

Sidoo kale waxaa Baarlamaanka looga fadhiyaa inay dib u eegid ku sameeyaan qodobadda sharcigan cusub cuskaday ee Dastuurka Fedaraalka ku qoran. sida; 79-aad, 99-aad, 80-aad, 14-aad. Faqraadka qodobadaas waxay ku xusan yihiin sharcigan cusub ee Kalluumaysiga.

Ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ogaadaan in arintii badda ay marayso halkeedii wax isbadalayna aysan jirin, go'aankii golaha wasiiraduna uu ahaa kabaabyo, lagu weecinayo dareenka shacanka sidaa daraadeed waxaa ummada Soomaaliyeed lagud boon inay sii laban laabaan dadaalkii ay ugu jireen sidii badda Soomaaliya loo difaacilahaa. Gaar ahaan sidii aan loo baabi'in lahayn ama meesha looga saari lahayn sharciga badda Soomaaliya ee dhigaya dhul baddeedka soomaaliya inuu yahay 200 oo mayl baddeed, (200nm territorial water)

Sharciga kalluumaysiga ee cusub waxaa ujeedadiisa laga dhigay "Dib-u-egidda Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya, xeer lr, 23 oo soo baxay 30 kii November, 1985. Laakiin waxaa lagu siyaadid qodobada qeexaya in la soo koobo badda Soomaaliya. (Xeerka Law No, 23 Tixraac: http://somalitalk.com/2009/may/13/law23.html)

Xasan Dhooye
Somalitalk, Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com |  July 2, 2013

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: