w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CABIRKA LOOL/DHIG

Cabirka Fogaanta, Loolka iyo Dhigaha

Xeerarka hoose waxaa loo adeegsan karaa xisaabinta fogaanta u dhaxaysa laba meelood oo adduunka ah, marka la yaqaan loolka iyo dhigaha mara barahaas. Sidoo kale waxaa la xisaabin karaa loolka iyo dhigta bar-dhammaadka marka la garaanayo bar-bilawga iyo fogaanta ay isu jiraan labada barood.

Fogaanta

Xeerka hoose waxa uu xisaabinayaa fogaanta u dhaxaysa laba meelood oo ku yaal khariidadda adduunka oo qaabkeedu yahay sida kubbadda, ayada oo la adeegsanayo qaacidada loo yaqaan 'Haversine'.

Qor (ama meelaha tiradu ku qoran tahay ku bedel) loolka iyo dhigaha laba barood ee aad dooneysid in aad ogaatid fogaanta u dhaxaysa. Waxaad tirada u qori kartaa mid ka mid ah qaababkan:

  • deg-min-sec oo ay lasocoto jihada sida N/S/E/W (tusaale: 1°39'13"S, 41 34 02 E), ama
  • xaglaha oo aysan la socon derejada iyo jihada, laakiin leh calaamad muujineysa jihada, taas oo calaamadda (-) ay tilmaameyso jihada W/S (sida: -1.6536, 41.5672):
  • FG: N=noth, S=south, E=east, W=west (waqooyi, koonfur, bari, galbeed)

Lool-1: Dhig-1:

Lool-2: Dhig-2:

Fogaanta sare waxaad ka arki kartaa khariidadda.. GUJI... (Google Maps)

Xagasha "Bearing"

Xagasha loo yaqaan 'Bearing" waxay tibaaxdaa xarriiq raaceysa sagxadda adduunka qaabka loo yaqaan "great-circle arc" ama (orthodrome) taas oo isku xireysa barta socodka laga bilaabay ilaa bar dhammaadka. Xagasha bar dhammaadka waxay salka ku haysaa xeerka (θ = (θ+180) % 360).

Midpoint

Waxaa dhici karta in ay kala duwan yihiin xaglaha bar bilowga iyo bar dhammaadku, waxaana markaas dhici karka in barta u dhaxaaysa aysan dhicin kala barta loolka/dhigta u dhaxaysa labadaas barood..


Bar-dhammaadka marka aad garaneysid fogaanta iyo xagasha bearing bar-bilawga

Marka aad taqaanid loolka iyo dhigta bar-bilowga, xagasheeda 'bearing' iyo fogaanta ay u jirto bar-dhaammaadka, waxaad markaas xisaabin kartaa loolka/dhigta iyo xagasha bar-dhammaadka.

Loolka-Barbilaw: Dhigta-Barbilaw:
Bearing (deg): Fogaanta (km):

Kulaabo Warbixinta.

Tixraac:

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © SomaliTalk.com | 1999 - 2009