SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan - Waraysi

"Waxaana ka buuxa khayraad ...dhibka na haystaana waxay tahay annaguna ma ogin, oo kama war hayno, dadnimadeenii aan ku difaacan lahayna xataa afka ha ahaatee waxaad moodaa in ay nagu yartahay," Warbaahinta Soomaaliyeedna waa "in ay dadka gaarsiiyaan dhibka taagan, iyo sida baddeena qamaamka loogu yahay." Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare).

Waxaa waraysiga qaaday weriye C/risaaq Jaamac, waxaana duubayey Muuse Maxamuud Jiisow (Email:  somalisan@gmail.com ) ee  SomaliChannel TV . Waxaa codka qoraal ahaan u rogay SomaliTalk.com

  • Faafin: SomaliTalk.com | September 27, 2011

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare) oo Waraysi si qoto dheer uga hadlay Badda Soomaaliya waxa uu siiyey Telefihanka Somali Channel.

Waraysiga Q.1aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 1aad

Waraysiga Q.2aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 2aad

Faarax Qare ugu waxa uu ugu horayn xusay sida loo doonayo in la boobo baddeena iyo sida duullaanka loogu yahay. Waxana uu ku xeel dheeraaday sidii Soomaaliya ay u dhaqan gelisey sharciga Law No 37 iyo sida ay Soomaaliya ku saxiixday sharciga badaha 1982 ayadoo aan ka tanaasulin xeerka Law No. 37, Soomaaliyana waxay soo saartay qaanuun la is waafajinayo 1972 iyo sharciga badaha, ayuu yiri.

Prof. Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo sidii musuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga jawaabey, ugana dalbaday raali gelin in laga bixiyo waraaqaha ay ku xuseen in xadka badda Soomaaliya tahay 12 nautical miles, isagoo sharaxa arrintaas waxa uu yiri "Saddex saac oo subaxnimo ama 9-ka subaxnimo ayaa la qaybiyey waraaqahaas, annaguna 10-ka (subaxnimo) ayaan qaybinay warqadaheenii. Waxaana raaligentii (apologize) laga bixiyey habeenkii markay ahayd 10-ka (fiidnimo), wixiina laga bixiyey, waxaana markaas la yiri Soomaaliya xuquuqdeeda (baddu) waa sidii aad u dhigateen ee raalli naga ahaada."

Faarax Qare

Hadalka Faarax Qare waxa uu caddayn u yahay in dalalka ku jira ururkaas loo bixiyey Eastern Africa Standby Force in ay aqbaleen warqaddii Admiral Faarax Qare oo uu ku qeexay in xad badeedka Soomaaliya uu yahay 200 nautical miles, laga soo bilaabo 1972.

Admiral Faarax Qare waxa uu intaas raaciyey in "arrintaas lagu soo guulaystey" LAAKIIN, ayuu yiri "Anigu qof ahaan iyo waftigii ila socdeyba waxaan u aragnay in ay arrin suurtagal ah tahay haddii aan ka xirnay irridka in dariishadda laga soo geli karo."

Waxana uu markaas xusay in markii uu ku soo laabtay Muqdisho uu arrinta badda kala hadlay Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee DFKMG, isagoo taas ka hadllayeyna waxa uu yiri "Wasiirka Gaashaandhigga oo ah kusimaha (ra'iisul wasaaraha) ayaan la kulmay una sheegnay arrinta. Madaxweynaha ayaan shalay (Sept 22) la kulmay una sheegnay arrinta. Runtii madaxdu arrintaas waa garteen, dadaalkeenina waa qiimeeyeen, madaxweynahana waxa uu yiri sidii aan ku talinay oo ahaa in aan isugu yeerno khubaro ku saabsan badda, cilmiga badaha, cilmiga qaanuunka, cilmiga kalluunka, in la isku daro, oo markaas khubaradaasi waxay ka yiraahdaan ay Soomaaliya ku dhaqanto siyaasaddeedu, oo mid kasta oo siyaasi ah uusan wuxuu rabo iska sheegin, ee wax la isla ogyahay oo dawladuna ay go'aan ku qaadato in la soo sameeyo, arrintaasna madaxweynuhu waa naga ballan qaaday".

Badda Soomaaliya oo Qamaam Lagu Yahay

 Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed waxa uu si qayaxan u sheegay "arrintani waa mid dhexdeena taal, ma aha mid nin iyo labo ay wax ka qaban karaan, shacabka Soomaaliyeed waa in uu isu taago." Waxana uu si gaar ah u guubaabiyey dadka cilmiga leh, iyo weriyaasha "in ay isu taagaan oo difaacaan badda Soomaaliya ee duullaanka lagu yahay, khayraadna uu ka buuxo, haddii aanaan garwaaqsan oo ogaan dhibka na haysta ma difaaci karno."

Admiral Faarax Qare waxa uu aad ugu adkeeyey weriyaasha iyo warbaahinta iclaamka "in ay dadka gaarsiiyaan dhibka taagan, iyo sida baddeena qamaamka loogu yahay." Waxa uu sidoo kale u baaqan in "Culimada iyo waxgaradku meel kasta oo ay joogaanba in ay taladooda ku darsadaan, oo ay ka bixiyaan talo cilmiyeed, dawladuna ay taladaas go'aan ku qaadato, oo arrintu yeysan noqon arrin iska soo bood ah oo qof kasta wuxuu rabo iska sheegayo."

Markii la weydiiyey Roadmap-kii ka soo baxay shirkii Muqdisho ee lagu xusay badda iyo heshiiskii Is-afgarad (MOU) ee xukuumaddii hore lagashay Kenya, iyo sababta keeneysa badda Soomaaliya oo ah 200 nautical miles oo ay xaqa u lahayd waxa dib ugu celinaya 12nm oo doodeeda soo celcelinaya maxay kula noqon kartaa?

Taas waxa uu kaga jawaabey "Maxay kula noqon kartaa arrintu maba joogto, ee waaba arrin la wado. Badda inta aan inagu xisaabsaneyno ayadoo awalba uu kalluun farabadi ka buuxey, ayaa haddana waxaa la leeyahay shidaal badan ayaa ku jira. Intii wax baaratay oo awood cilmiyeed iyo farsamo dheeraad ah lahayd ayaana arrintaas soo sheegtay. Raggaasi waxay la kaashadeen dawlada mandiqadda ku jira, oo ay yiraahdeen arrintaas idinkuna hirgeliya, danaha ku jirana gacan-wadaag. Sidaas weeye marka fikradda cilmiyeed ee lagu ogaadey baddeena in khayrad ku jiro. Fikradda waxaa iska leh dawladaha horumaray, ayaguna waxay ul ay ku tukubaan ka dhigteen dawladaha deriska ah si arrintaas loo hirgeliyo."

Isagoo hadalkaas sii faahfaahinayey waxa uu yiri "Annaga arrintaas (markii uu joogey shirkii Seycelles) waxaa nalaku yiri lix (6) doonyo ah ayaa la idiin keenayaa oo dekedda ilaalisa. Markaan arkay in arrintu tahay oohintu orgiga ka weyn, ayaan waxaan ku iri 'aniga ayaaba intaas iyo ka badanba haysta, maba idiinkaga baahni ciidan badeed, aniga ayaa ilaalin kara, haddaad ciidan keeneysaan dhulka ayaan u rabaa ee dhulka geeya, Shabaab dhulka ayuu jiraa ee badda ma joogo. "

Waxa uu si qodo dheer ugu nuuxnuxsaday in badda Soomaaliya uu ku jiro khayraad farabadan, taas oo "ogaan la'aanteena aan qabno iyo tabardeena markii la arkay ayaa la yiri halaga faa'iideysto."

Heshiiskii Is-Afgaradka Looma Baahnayn

Faarax Qare oo si xooggan uga hadlayey heshiiska Is-afgadka ee (2009) dhexmary Kenya iyo DFKMG, waxana uu yiri "Heshiiskii lala galay maba loo baahnayn gebi ahaantiisba, sababtoo ah qaanuunka dawliga ee badaha waxa uu dhigayaa in haddii laba dawladood ay deris ka yihiin badda, (xeebta) badduna ay tahay xarriiq toosan, waxaa markaas xuduud u ah xarriiqin taagan oo labada dhinacba ka ah 90-derejo. Annaga iyo Kenya 'conflict' (muran) halkaas nagama dhaxayn, qaanuun wax u baahan maba jirinba, arrin iska cad ayey ahayd."

Asagoo ka hadlaayey sababta lagu galay heshiiskaas Kenya waxa uu yiri "Sababta lagu galay waxay ahayd aqoondarro ama niyad xumo ayaa Soomaalida geysey ee maba loo baahnayn heshiiskaas, ilaa haddana looma baahna."

Waxaa la doonayaa in Badda Soomaaliya la Qaato 96.5%

Boobka badda Soomaaliya in aan weli laga harin asagoo cadaynayey Admiral Faarax waxa uu yiri "Arrinta aan hadda soo aragnay ee dherigeedii burinayey ee aan biyaha ku shubnayna waxay daba socotaa tii hore."

Isagoo ka hadlayey in arrinta hadda taagan ay ka khatarsan tahay tii hore waxa uu yiri "Tii hore xoogaa yar ayaaba (xarriiqda) la inagu soo leexiyey, oo 49-kun Km oo laba jibaaray ayey ahayd qiyaastii,  (hadda) arrintu waxay tahay in baddii Soomaaliyeed boqolkiiba 96.5% la inaga qaato, oo la inoo reebo boqolkiiba 3.5% keliya. Halkaas ayey arrintu maraysaa," ayuu hadalka ku adkeeyey.

"Sidaas awgeed arrintu waxay tahay badaheena waxaa ka buuxa khayraad farabadan, dhibka na haystaana waxay tahay annaguna ma ogin, oo kama war hayno, dadnimadeenii aan ku difaacan lahayna xataa afka ha ahaatee waxaad moodaa in ay nagu yartahay," ayuu yiri Admiral Faarax Qar oo shacabka Soomaaliyeed si xeel dheer u guubaabinayey.

Asaga oo ka jawaabayey su'aal ahayd Soomaaliya cabirka baddeeda ee ah 200 nautical miles ma ka diiwaan gashan yahay Qarammada Midoobey, waxa uu kaga jawaabey "Anigu inta aan ogahay Qaanuunkii soo baxay 1972-dii waa ka diiwaan gashan yahay." Waxana uu sheegay in markii la saxiixayey qaanuunka badaha in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii sheegtay, loona ogolaaday badda cabirkeedu yahay 200 nautical miles.

Faarax Qare waxa uu sheegay in Soomaaliya ay qaanuunka caalamiga ah ogolaatay 1989-kii. Waxaana jirey ayuu yiri "Sharci ayaa soo baxay waqtigaas (1988), kaas oo la is waafajiyey kii 1972-dii iyo kii caalamiga aha ayaa dawladdii Soomaaliya soo saartay. Kaas oo aan koobi ka hayo." Waxana uu qeexay in sharcigaas aan la loodin karin. Qarammada Midoobey waxa keliya oo ku filan in la yiraado sharciyadan ayaan soo saarnay. Shurucdaas oo dhan in loo sheego. Laakiin , ayuu yiri "Xaq nooguma leh in ay yiraahdaan hadda ayaa baarlamaankiinu sharciyaynayaa."

Isagoo ka digayey in la aqbalo qorshaha cusub ee ah in la yiraahdo hadda ayaan sharci cusub samayanaynaa, waxa uu yiri "Haddii aan dhahno badda hadda ayaa la sharciyanayaa, macnaheedu waxa uu noqonayaa hore in aanaan waxba u lahayn."

Weriyaha ka socdey TV-gu markii uu weydiiyey su'aal ahayd: kaddib markii si dahsoon looga faa'iideysey badda Soomaaliya, in wadamada East Afrika ay hadda ku heshiiyeen in ay si caam ah uga faa'iidaystaan khayraadka Badda Soomaaliya, si aan Dawladda Soomaaliya dacwad u gelina waxay doonayaan in ay xalaalaystaan  labada boqol (200) ee nautical miles ee badda Soomaaliya, si aan dacwad loogu qabsan qashinkii lagu shubay badda, kalluumaysigii sharci darrada, goobaha shidaalka laga helay in ay baddooda ku darsadaan.... Halkaas markii uu marinayey weriyuhu ayaa Admiral Faarax waxa uu yiri "Su'aashu waxay tahay maxaa taas looga badbaadi karaa."

Admiral Faarax Qare isagoo taas ka jawaabayana waxa uu raaciyey "Warku waa cad yahay. Marka ugu horaysa annagu aan iska hagaajino dhinaca sharciga, oo dood sharciyeed oo caalamku aqbali karo waa in aan ka galnaa meesha, waana haysanaa asaaskeedii (base), wax dhibaato ah oo weyn oo taas ka taagana ma jiraan, waana in aan dhisnaa ciidanka badda Soomaaliya. Maalintii ciidanka badda Soomaaliya uu jirey, hal dawladood oo na tiraahda biyaha baddiinu immisa ay dhantahay ma jirin,  waa ogaayeen inta aan leenahay, waana ka wareegi jireen, noomana iman jirin. Mana jirin burcad badeed, baddana wasakh laguma shubi jirin, kalluun nalakama qaadan jirin."

Isagoo arrintaas badda Soomaaliyeed sida loo ilaalin jirey ka hadlayeyna waxa uu yiri "Waxaan bixin jirey warqado lagu kalluumaysto, waxaana bixin jirtey wasaaradii Kalluunka, ciidanka badduna waxa uu bixin jirey laba nin oo Markabka dul saaran oo kantaroosha meeshii loo qoondeeyey haddii ay Baraawe dushiisa tahay inuusan meeshaas dhaafi karin, nooca kalluunka la jillaabayo nooca ay yihiin, dad ilaaliya ayaa jirey, dawladnimo ayaa jirtey, dawladuna waxay ku tiirsanayd ciidanka badda. Marka ciidankii badda in la dhiso ma aha arrin dhib badan, waana lagama maarmaan."

Waxa uu xusay in dalka Seychelles ay baddiisa u ilaaliso dalka Hindiya, taas oo heshiis kula jirta inay saami qaadato, laakiin ay u ilaaliso baddooda oo ay isla ogyihiin. Haddaba taladaas oo kale ayaan qabaa in muddo kooban inta aan ciidanka dhisanaysno, hal ilaa laba sano in aan "Ushaada nin aad ka qaadan karo ayaa loo dhiibtaaye, in aan dawlad aan ku kalsoonahay inta aan ciidanka badda dhisanayno, aan masuul uga dhigno in ay noo ilaaliso badda. Waxna u ogolaano ilaa hadda baddeena waa la dhacaa cid wax inaga siisaana ma jirto'e, mudada kooban marka ay dhammaatona aan niraahno waad mahadsan tahay." "Laakiin waa ku celinayaa halkaas, Waa inay noqoto ushaada nin aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa," ayuu yiri.

Markii la weydiiyey inkasta oo aad si caalami ah u difaacdey baddii 200 nautical miles, hadana ay ciidamo shisheeye badda joogaan, sow lama oran karo weli halistii waa jirtaa, waxa uu ku jawaabey waa jirtaa, oo waa tii aan idiin hormariyey "Haddii albaabka la xiray, waxaa laga soo geli karaa dariishadaha. Dariishadihii weli waa furfuran yihiin."

"Nimankaasi ma aha kuwo la dagaalamaya burcad badeedda"

Waxana uu markaas ka hadlay maraakiibta shisheeye ee ka socota Yurub, Naato,  Ameeriko iyo dawlado kaleba, waxa uu yiri "Waxay noo sheegaan inay burcad-badeedda ka ilaaliyaan badda, halka burcad-badeedu ay sanadba kan ka dambeeya ka sii badanayso. Arrintaas anigu shirar aan la galay ayaga, laba jeer taliyaashooda ayaa igu casumey Jabuuti, waan u tegey oo waxaan ku iri 'horta maxaad qabataan, burcad badeedkii waaba sii bateen ee maxaad qabataan'. Waxay ku jawaabeen waa in la bartaa shaqadayada oo ah in maraakiibta kaalmada u wada Soomaaliya aan nabad ku keeno iyo maraakiibta AMISOM u wada qalabka iyo mucaawanada, iyo maraakiibta anagu aan leenahay in aan la socono iyo haddii LACALLA, waa lacalla, aan burcad badeed aragno inaan difaacno."

Waxana uu markaas Faarax Qare yiri "Waxay (ciidamada shisheeye ee jooga badda Soomaaliya) burcad badeeda la dagaalamaan markay is arkaan oo isku dhacaan oo keliya, sidaas daraadeed nimankaasi ma keeni karaan guul. Waana u sheegnay arrintaas. Guul waxaa ka keeni kara annaga ciidankeena haddii la dhiso, waayo dhulka annagaa xukunna, dhulkayna dadku ka tagaan."

Waxa kale oo Faarax Qare sheegay in Seychelles ay ku xiran yihiin 63 nin oo burcad badeednimo loo soo qabtay. Waxana uu sheegay in tirakoobka inta uu ogyahay (September 2011) in burcad badeeda dadka loo xiray ee Soomaalida ah ee ku xiran daafaha dunida inay gaarayaan 1006 qof, intaas saddex laabkeed ama afar laabkeedna badda ayey ku jirtaa.

Waxana uu xusay in sida lagula dagaalami karo burcad badeeda in ay kamid tahay in marka hore dawladdu wada gaarto dalka, in la dhiso ciidamada Badda iyo in mashaariic lagu jiheeyo loo helo burcad badeeda.. "Ninka aad badda ka celisid, mooryaan ayuu dhulka ka noqonayaa." Waa in marka loo helo mashaariic lagu jiheeyo oo noloshooada kafaala qaada.

"Soomaaliyey Isku Tasho"

Markii la weydiiyey su'aal ahayd in maraakiibta shisheeye iyo dalal kale oo doonaya inay si sharci darro ah ku qaataan badda Soomaaliya ama kaga kalluumaystaan inay hor taagan yihiin in ay dhismaan ciidamada badda Soomaaliya waxa uu kaga jawaabey "inta aanan su'aashaas ka jawaabin  waxaan doonayaa in aan sooqaato oraah uu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf kadddib anigoo Itaaliya ka soo noqonaya ayaan Sanca ugu tegey, markaan warbadan sheekaysanay ayaan ku iri maxaad Soomaaliya kula talinaysaa, wuxuu ku jawaabey waxaan dhehi lahaa "Soomaaliyeed isku tasho, cid kuu maqani ma jirto." Warkaas waxaan ka soo guuriyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf, aniguna waa la qabaa fikraddaas, ayuu yiri Faarax Qare.

Waxana uu markaas yiri "Anigu ma arkin cid u diyaar ah in ay dhisaan ciidan bad iyo mid dhul toona. Indhahayga ma saarin, haddana inay soo socoto u malayn maayo." Marka waa inaan inagu isku tashano oo wixii aan dhisankaro ku dhisano tabateena dhaqaale iyo tan  saaxibadeenna aan hubno.

Marxaladii Sharciga ayaa la joogaa

Waxaa markaas laweydiiye su'aal ahayd, sida aad sheegtay Soomaaliya waxay xaq u leedahay 200 nautical miles oo bad ah, marka maanta shacabka Soomaaliyeed ma u sheegi kartaa in labadii boqol (200) ee nautical miles ay gacanta inoogu jirto, mase sidii aad hore u sheegtay waxaan dhehi karnaa khariidaddii (map) la soo gudbiyey ee 3.5% aan haysano oo ay naga maqantahay 96.5%?

Arrintaas asagoo ka jawaabayey Admiral Faarax waxa uu yiri "Marka hore waa in shacabka Soomaaliyeed loo sheego in dawladaha adduunku markay doonayaan in ay wax sameeyaan, waxay ku dabakhaana sharci, xitaa haddii ay rabaan Interpretazione (fasiraad) khalad ah ha u sameeyaane. Maanta waxaan joognaa marxaladii aan sharciga ku difaaci lahayn, marxaladaas waa inaan noqono kuwo ku  baraarugsan, oo iska ilaalino, oo sharciga aan wax ku leenahay ilaashanno, kuna dagaallano in aan magac sharci wax nalookaga qaadin, isla markaasna aan ku tashano 'nin kaa xoog badani hortaa ayuu xanaaqaa' ayaa la yiri in sharcigaba laga tallaabsado muddaas ciidamu dhismayaan."

Admiran Faarax Qare oo guubaabiney Soomaalida waxa uu yiri "Hadda marxaladii shaciga ayaa la joogaa. Waxaa la joogaa marxaladii adduunka laga dhaadhicin lahaa in nalaka gardaaran jahay, gaar ahaan dadkiina dibada jooga oo aqoon yahanka ah waa inay olole qaadaan ay u sheegaayaan qawaaniinta aan leenahay iyo qawaaniinteenu waxa ay dhigeyso iyo inta noo soo socota in ay nagaga daran tahay, waa in adduunka wax loo sheego. Shirarka in laga qayb galo weeye, dawladuna waa inay difaacdo xuquuqda."

Digniin adag isagoo u diraya Soomaalida in aysan arrintan dhayalsan, waxa uu yiri "(Waxaa jirta) arrin haddii sidaas lagu daayo keeni karta halis, waa hadda mid holoceedu baxayo oo hadba markii la afuufo marba holacu gaabanayo oo damaayo, laakiin dabkii ma damsana. Marka dabkaas in la damiyo waxaa loo baahan yahay Soomaali meel kasta oo ay joogto in ay kacdo, in ay olole gasho,  intay waqtiga iskaga dhumin lahaayeen wax aan loo joogin oo waxba tarayn, oo dhulkay rabeen in ay wax ka taraana ayaaba khatar ku jira."

Isagoo hadalkiisii sii watey Faarax Qare waxa uu yiri "Marka arrintaas waxaan leeyahay Soomaali meel kasta oo ay joogto dadaal ha u gasho, dawladdu dadaal ha u gasho. Waxana aan rabaa inaan markale ammaan u jeedsho aqoonyahanka Soomaaliyeed rag badan oo kujira oo SomaliTalk ugu horayso, in ay wax weyn ka qabteen arrintaas oo ay dadka bareen dhibka ku soo socda iyo waxa aan xuquuq u leenahay."

Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare), Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, oo gabagabadii soo jeedinayey guubaabo ku aadan iclaamka/warbaahinta Soomaaliyeed si loo difaaco badda Soomaaliya ayaa yiri "Waxaa loo baahan yahay waqtigan in iclaamka la arko (video) iyo midka la maqlo inarrintaas xoog u saaraan."

Waxana uu u mahadceliyey Telefshanka SomaliChannel TV oo waraysiga duubay, waxana uu yiri "Waxaad wakiil nooga tihiin warkaan inaad gaarsiisaan meel kasta oo Soomaali joogto. Arrintan siyaasad kuma jirto, Arrintu waxay joogtaa nafta, marka waa in meelkasta, land, land ma joogtee, kulli land ayaa la wada haystaaye, kulli bad ayaa la wada haystaa, ee waa in aad arrintaas gaarsiisaan, idinkoo weliba sii qurxiyey."

 Waxaa waraysiga qaaday C/risaaq Jaamac, waxaana kaamarada ku duubayey Muuse Maxamuud Jiisow (Email:  somalisan@gmail.com ) ee  SomaliChannel TV . Waxaa codka qoraal ahaan u rogay SomaliTalk.com.

Waraysiga Q.1aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 1aad

Waraysiga Q.2aad Halkan ka Dhegeyso (mp3) - Qaybta 2aad

Faafin: SomaliTalk.com | September 27, 2011

Waraysi Kale ee Admiral Faarax Qare "Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37"


"NO to any threat infringing on the sovereignty of Somalia, especially concerning the 200nm territorial waters, given since 1972, and the 200nm EEZ (Exclusive Economic Zone / UNCLOS) already in place since 1989." ECOTERRA.


 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: