Home » Faallo »

Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya oo Lagu Yahay Duullaan

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare) oo Waraysi si qoto dheer uga hadlay Badda Soomaaliya waxa uu siiyey Telefihanka Somali Channel.

Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo sidii musuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga jawaabey, ugana dalbaday raali gelin in laga bixiyo waraaqaha ay ku xuseen in xadka badda Soomaaliya tahay 12 nautical miles, isagoo sharaxa arrintaas waxa uu yiri “Saddex saac oo subaxnimo ama 9-ka subaxnimo ayaa la qaybiyey waraaqahaas, annaguna 10-ka (subaxnimo) ayaan qaybinay warqadaheenii. Waxaana raaligentii (apologize) laga bixiyey habeenkii markay ahayd 10-ka (fiidnimo), wixiina laga bixiyey, waxaana markaas la yiri Soomaaliya xuquuqdeeda (baddu) waa sidii aad u dhigateen ee raalli naga ahaada.”

Sii AKhri…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya oo Lagu Yahay Duullaan "

  1. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay waxaa lagu dacwoon karaa oo dadka aqoonyahanka somaliyeed meelwalba oo ay joogaan in sharciga No 37 aanay badali karin dawlada hada jirta maadaama ay tahay ku meelgaar dawladii sharcigaan samaysay dawladka dambaysayna ma jirto markaa intii dawlad dhamaystiran oo aanan ku meelgaar ahayn ay ka dhalanayso waxaan u malaynayaa inaanay waxba ka badali karin sharciyadii iyo dastuurkii hore u jiray. Sida la wada ogsoon yahay caalamka dalna nidaamkiisa iyo soohdimihiisa lama badalikaro ilaa dalkaasi uu yahay mid la gumaysto.
    Midda kale waa maxay Raodmap
    Waxaa la rabaa mashruuc labaatankii sanno ee cadaabta ahaa ee la soo dhaafay midka daran in la bilaaba (waa maaweeladdii falastiiniyiinta lagu maaweelin jiray oo kale ) markaa waxaa haboon madaxda somalidu meesha waxay u joogaan inay dadka iyo dalka badbaadiyaan ee maaha inay wixii loola yimaado inay saxiixaan

  2. Jamame says:

    Asc. Arrinkan boobka badda waxan ka hadleyna bil waxaan hadal ahayn ma hayno, goormaan u gudbeyna inaan hadalkeena ficil u bedelno? Somaltalk wad ku mahadsantihiin boobka badda aad noo bidhaamisen fadlan hormood u noqday inaad isukentan aqoonyahanada ku taqususay xeerarka badda iyagana hormood ha u noqdeen difaaca badda, innagana waxan diyaar u nahay xoog & xoolo inaan ku garabistagno. Wabillaahi tawfiiq

  3. Aslc ww .waxa mahad idilked leh alaha weyn naxariis iyo nabadgalyo kurkiisa ha ahaato(nabi muxamed csw) waxaan filayaa in maanta qofkasta oo somali ah oo wax akhriya uu maqlay ama fahansan yahey waxa socda ama lagu wado in lagu dhaco hantida umada somaliyed weyna cadaatey dantii somalia madaxa laysugu garacayey 20 ka sano .taas gunteedii waxey noqotey inlabobo badda hada ogadana biriguna qorshaha wuuku jiraye hasugi waayin .waxan umahad cilinayaa .admiral farax cumar axmed. Farax qare. Oo dadal balaaran iyo fahansin badan ka siiyey shacabka somaliyed .faarax guuleyso .

  4. Soomaaliya xaq waxay u lee dahay xadka badeena inuu ka badan yahay inta la rabo in hadda la inaga qaado oo ah 200nm balse waxaa inaga qabaa in xadka badeena uu intaas ka badan yahay oo uu yahay in ku dhow 300nm maxaa yeelay BASELINE ka badeena aad ayuu u dheer yahay oo marka xadkeena uu joogo 200nm wali BASELINE keena waa uu sii socdaa isagoo fidsan in ku dhow ama laga gaaro ilaa 350nm ka bacdi wuxuu sameeyaa hoobad (CONTINENTAL SLOPE) oo macnaheedu yahay in wixii intaas ka danbeeya lagalaayo OCEAN ka ama badwaynta.

    Marka aan joogno xadkeena rasmiga ah ee Badda oo ah 200nm, iyo inta u dhaxaysa Continental Shelf geena oo ah 150nm oo kale, haddii xadka Badda iyo Continental Shelf dhexdooda sun ama Nuclear Waste lagu daadiyo way nasoo gaaraysaa sababtoo ah wali waxaa lagu jiraa BASLINE kii bado oo siman, taas macnaheedu waa wali SAFE MANIHIN. Soomaaliyeey maxaad moodaan hadii Baddeena laga dhigo 12nm oo kaliya oo qofka xeebta taagan uu arki karo markabka ama doonta taagan ilaa 12nm? Dabcan Baddeena waxay noqonaysaa goob qashinka lagu tuuro ama laga dhigto MUSQUL.
    Waxaa inala gudboon inaas taas ka dhiidhino oo aan u kacno daaficada baddeena waa waajib ina saaran dhammaanteen haddaa nahay Soomaali, waxaan halkaan mahad gaar ah uga celinayaa SOMALITALK oo runtii kaalinta ugu horaysa kaga jirta difaaca baddeena Soomaaliyeed. Soomaaliya Hanoolaato.

    Somali Territorial Waters = 200 Nautical Miles
    Somali Continental Shelf = 350 Nautical Miles
    Somali EEZ = 350 Nautical Miles

    GUUL SOMALIA, INSHA ALLAH

  5. Admiral Faarax Qore waad ku mahadsan tahay dadaalka aad ugu jirto dantan iyo maslaxada umada somaliyeed qofkastaana taariikhdaa qori waxa uu qabtay, anaguna daawadayaal noqon mayno e wixii aanu qaban karno ayaanu qaban haba ugu yaraato in aan dadka somaliyeed arinkaa ku baraarujino goobaha lagu kulmo oo dhan aan arinkaa ka sheegno
    waxaan ku dardaarmayaa in qof waliba wixii uu qaban karo qabto

  6. Bilqeyr. says:

    waxa iimuuqata in ay diyaar uyihiin shacbiga soomaaliyeed in ay difaacan badda somalia ee lasoo weerarayo waxana mahada iska leh wargeysyada inala soo socod siiye sida somali talka iyo somalichanal waad ku mahadsan tihiin doorka aad ka qaadateen halganka badda somalia.

    waxan dareemayaa in ay shacbiga somaliyed oo dhan isku raaceen taladii aan shalayto soo jeediye ee aheyd in aan hurdada ka kacno oo aan sameyno mudaharaad muujinaya caro oo aan uga soo horjeedno xadgudubka loo geysanayo baddeena marka waxan ubaahan nahay meel walboo caalamka ka joogno in aan mudaharaadkan sameyno inta aan la gaarin 19bisha waxan ubaahan nahay dad aqooyahano ah oo na daadihiya oo ah difaaca badda sida admiral faarax qare iyo mr,ibi iyo farmaajo iyo rag firfircoon oo na wada balamiya kadibna dowladaha wadamada aynu joogno nooga qaado fasax amaan sugid ah oo aynu ku banaan baxno si aanu dhib inoogu soo gaarin anigu waxan joogaa wadanka finland magaranayo qof hogaan iinoqonayo balse haddii aan isugu yeero soomaalida dowladuna fasax waan weydiisan karaa ee na balamiya hal maalin oo qur kahor inta aan la gaarin 19bisha dicembar si arinkaasi looga noqdo waxan ka codsanayaa faarax qare iyo mr ibbi iyo cabdulaahi farmaajo in ay na daadihiyaan si banaan baxeena aan ugu guuleysano waxan mar kale umahadnaqayaa somalitalk iyo dhamaan inta difaaceysa dalkooda hooyo.

  7. Run ahaantii wax aan ku hadlo maba garanayo maanta. Waxaanan leeyahay oo kaliya, WIXII SOOMAALI DHAB AH, DHIIGEEDA LAHOOW DHULKIINA, BADIINA, DIINTIINA, SHARAFTIINA IYO DADNIMADIINABA U ISTAAGA OO DIFAACDA, INASTOO AYSAN MIDINABA INOO FAYOOBAYNBA, MAR HORENA LA BURBURIYEY, balse ay arrintu tahay CAANO DAATABA DABADOOD BAA LA QABTAAYE, Walaalayaal maanta waynu arkaynaa, maqlaynaana meesha xaalku marayo, Ogsoonow qof walba oo damiir iyo dadnimo lahow in xaalkan maanta jooga inaynu adduunkana gumaysi kii ugu fool xumaa ku joogi doono Aakhirona ku cadaab ku mudan doono. “MABA DOONAYAANEEY INAYNU DAWLAD AHAANOO, AYAAN DOONAYNIN? KUWII DANAHEENA GUMAYSAN JIRAY” Xusuusta goorttii ay abwaaniinta soomaaliyeed ku heesi jireen.
    FURAHA GUUSHEENUNA WAXAA UGU HORRYA:
    Ha loo arko Qabiilku waa kan (Hubka) ugu horeeya ee inoo jabiyey, inoona jabin doona cadowgeena, aan ku daro intaas “DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMSO MOOYAANE”_tixdii gabay ee AHN Abwaan Timo-Cade.
    MIDNIMO dhab ah oo aynu la nimaadno ayaa ah furaha guusheena, taasi aynu u guntano Gumaysi iyo Gumaysi raace dabo-dhifiba waynu ka guulaysan doonaa, waxaynuna dhisan karnaa dhamaan hay’adaheena difaaca oo idil insha Allaah, walaalayaal, gacalkeenana iyo Allaahba waynu gar-gaarsan doonaa, Ilaahayna wuu inoo kaalmayn doonaa. Sida inoo iftiimiyeen waxgaradkeenu iyo aqoon yahanadeenuna, aynu isku tashano, talo iyo tamar wixii eebe inoogu deeqay, waxaan jeclahay inaan meeshan ugu duceeyo uguna mahad celi Admiral FAARAX QARE IYO BAHDA SOMALITALK ILAAHAY HA IDINKA ABAAL-MARIYO MAANLINTA QIYAAMAHA WANAAGA AYDUN UMADIINA DADKIINA, DIINTIINA IYO DALKIINABA AAD QABANAYSAAN MAALIN IYO HABEENBA, iyo inta kale ee ku howlan ilaalinta danaheena guud, anigoo huba in badan laysku dayey in laydunku hunguri galiyo maal iyo maskab adduun, balse aydun ka xaragooteen, kana xishooteen inaydun iibsataan umadiina sidii halyey Sayid Maxamed C.Xasan “ANAA DIIDAY OO NACAY DEEQDA NAARI DABO TAALE, ANAAN LABADA DAAROOD TAN HORE DARAJO MOODAYNE, DALKA MA LIHID ANIGAA KU IDHI DOORO-WEYNAHA EE” waxaanan ku habarayaa, oo aan leeyahay ilaahay ha naga kiin qabto Gaalada Gumaystayaasha iyo inta u garbaynaysa gumaystayaasha ee san-dareerada iyo cadka qudhmay, quudhsigana leh ee gumaysataha moodaya anfac (Quud), waxaan ku soo gabo-gabaynaayaa SOOMAALIDA DAMIIRKU DAMBEEYOW “KA TASHADA CADAAWAHOO ISKU TIIRSANADAA”. Guusha Xaqdoonka Soomaaliyeedbaa iska leh, jabka, baaba’ iyo guuldaradana gumayayaasha iyo u gargaarayaashooda aan damiirka lahay ayey u dambayn Insha Allaah. WA BILLAAHI TOWFIIQ.

    Axmed Maxamed

  8. garas says:

    waa arrin laga xumaado una baahan in fadhiga la isaga kaco sababta oo ah waddankanaga ma laha dowlad caga wanaagsan ku taagan amaba indha dheer u leh waxa caalamka ka dhacayo ma garan karo ma aqoon gaabni baa mise waa waxba kama galine adigun dhereg haddaba waa in ay warbaahinta soomaaliyeed la socodsiisaa dadkeeda halka ay wax marayaan iyo cidda soomaaliya dullaanka ku ah ee doonayso in ay hantideeda ma guuraanka ah hantido.