SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya": Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy

"...Mashruuca uu wato mr. Salicath (Norway) ee uu ku sheegay in uu Soomaaliya u samaynayo cabbirka Aagga Ganacsiga Badda (Economic Zone) waa mid lagu waxyeelaynayo xasiloonida Geedka Afrika.."

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | December 5, 2010

Saraakiishii Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Italy) oo warqad u diray Norway

Saraakiisu waxay warqadda ku hagaajiyeen:

  • Ku: Safiirka Boqortooyada Norway - Roma
    Og: Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Talyaaniga - Roma
    Og: Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Norway - Oslo
    Og: Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya -- Roma
    Og: Xoghaynta Guud ee Ururka Carabta
    Og: Dr. Ausitine Phili Mahiga (Ergeyga UN ee Soomaaliya)

UJEEDDO: Dhul-badeedka Soomaaliya

Saraakiishii hore ee Soomaaliya ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Military Academy of Modena), haddana ku sugan dalka Talyaaniga ayaa qoraal u diray Safaaradda Boqortooyada Norway ay ku leedahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, qoraalkaas oo ay kaga soo horjeedaan faragelinta xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway ee ku aadan dhul-badeedka Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaaliyeed ayagoo si toos ah ula hadlayey safiirka Norway u fadhiya Roma, fartana ugu fiiqaya hadaladii sarkaal kale oo ah reer Norway, waxay yiraahdeed "Mr. Carl Peter Salicath oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa uu wadaa waa mashruuc WAALLI ah oo AAN LA AQBALI KARIN oo ku saabsan dhul badeedka Soomaaliya."

Saraakiishu waxay Norway xasuusiyeen in gumaystayaashii Reer Yurub ay masuul ka ahaayeen kala qaybinta dhulka Soomaaliya, taas oo raad ku yeelatay xiriirka Soomaaliya la leedahay labada dal ee deriska la ah ee Kenya iyo Itoobiya. Waxayna xasuusiiyeen in kala qaybintaas hore aysan Norway shaqo ku lahayn, isla markaasna ay Norway abaal uga hayaan soo dhaweytii Soomaali farabadan muddadadii labataanka sano ahayd ee Soomaaliya uu ka socdey dagaalka ahliga ah.

Laakiin, waxayna si xooggan safiirka u xasuusiyeen in mashruuca uu wato mr. Salicath ee uu ku sheegay in uu Soomaaliya u samaynayo cabbirka Aagga Ganacsiga Badda (Economic Zone) in ay arrintaas u arkaan mid lagu waxyeelaynayo xasiloonida Geedka Afrika.

"Waxaan ku xusuusineynaa adiga, dadka reer Norway iyo dawladda Boqortoyada Norway, in Soomaaliya aysan hadda u baahnayn in xadayn xagga badda oo loo sameeyo. Soomaaliya hore ayey u cabirtay dhul-badeedka, taas oo dukumiintigii meel kasta yaal. Dukumiintigaas oo waafaqsan sharicyada iyo qaanuunka caalamiga ah," ayey qormadooda ku xuseen saraakiishii Militarigii hore ee Soomaaliya.

Waxayna intaas raaciyeen ayagoo Norway u sheegay in cabbirka badda Soomaaliya uu ku xusan yahay xeerka Law No. 37 oo dawladdii hore ee Soomaaliya dhaqan gelisay September 10, 1972. Waxayna markaas saraakiisu qoreen qodobadda xeerkaas ka kooban yahay. (Kaas oo ku daabacan website Qarammada Midoobey).

  • Law No. 37: Waxa uu ka kooban yahay 20 qodob, waxaana laga daalacan karaa HALKAN

Waxayna markaas safiirka Norway u sheegeen in Soomaaliya xilligan aysan geli karin xeer caalami ah oo wax u dhimaya xornimada dalka, ayagoo yiri "Waxa aan ku xasuusineynaa in xalladda Soomaaliya hadda ka jirta, xag siyaasad iyo bulsho darteed aysan u ogolaanayn in Dawladda kumeelgaarka ah aysan geli karin heshiis caalami ah oo raad ku yeelanaya xornimada iyo wada-jirka Dhulka Soomaaliya."

Qormada saraakiisha Soomaaliyeed waxay ku soo gabagabeeyeen in muwaadiniinta Soomaaliyeed aysan qaadanayn gabood falka iyo caddaalad darrada. Waxayna Safiirka Norway xasuusiyeen in Boqortooyada Norway shacabkeedu yahay kuwo nabadda jecel. Sidaas daraadeed, waxayna ugu baaqeen Norway in Mr. Carl Peter Salicath uu faraha kala baxo mashruuca (Badda Soomaaliya) ee aan ujeedadiisa la garanayn. Islamarkaasna saraakiisu waxay sheegeen in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ay arrimahaas indhaha ku hayaan oo la socdaan.

Sida kor ku xusan saraakiishu waxa kale oo warqaddaas nuqulkeeda ay u direen: Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay Roma, Xoghaynta Guud ee Ururka Carabta iyo Ergeyga gaarka ah Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraalka Saraakiisha waxaa u saxiixay Dr. Macow Mahad oo ah madaxa ururka saraakiisha "Association of Alumni Officers Somali Military Academy of Modena"

Waxaana lagala xiriiri karaa email: ufficialisomalimodena@yahoo.it

Warqadda Saraakiishu u direen Norway oo ku qoran Talyaani ka AKHRI HALKAN

ARAGTIDA DADWEYNAHA: Aragtidaada oo kooban ku qor HALKAN (FG. Fadla ku qor dhanka hoose ee bogga soo baxa marka aad RIIXDID HALKAN)

Faafin: SomaliTalk.com | December 5, 2010


Qoraalladii Wareeggii hore ee Ddifaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: