Home » Faallo »

“Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy

“…Mashruuca uu wato mr. Salicath (Norway) ee uu ku sheegay in uu Soomaaliya u samaynayo cabbirka Aagga Ganacsiga Badda (Economic Zone) waa mid lagu waxyeelaynayo xasiloonida Geedka Afrika..”

Saraakiishii Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Italy) oo warqad u diray Norway SII AKHRI…

UJEEDDO: Dhul-badeedka Soomaaliya

Saraakiishii hore ee Soomaaliya ee wax ku soo bartay Kulliyaddii Militariga ee Modena (Military Academy of Modena), haddana ku sugan dalka Talyaaniga ayaa qoraal u diray Safaaradda Boqortooyada Norway ay ku leedahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, qoraalkaas oo ay kaga soo horjeedaan faragelinta xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway ee ku aadan dhul-badeedka Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaaliyeed ayagoo si toos ah ula hadlayey safiirka Norway u fadhiya Roma, fartana ugu fiiqaya hadaladii sarkaal kale oo ah reer Norway, waxay yiraahdeed “Mr. Carl Peter Salicath oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa uu wadaa waa mashruuc WAALLI ah oo AAN LA AQBALI KARIN oo ku saabsan dhul badeedka Soomaaliya.”

SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " “Norway Faraha ha kala baxdo Badda Soomaaliya”: Saraakiishii Mileteriga Soomaaliya ee ku sugan Italy "

  1. GUULAYSTA SOMALITALK ILAAHAY SIDAA UGU ADEGAYSAN SHACBKIINA HA IDINKU GAR GAARO ,WAA IN DAL IYO DIBAD MUDAHARAD KA SAMEYNA HAL MAALIN O KAGA SOO HORJEDNO BADEENA LOO HESHIYEY EE LA DHACAYO

  2. Bahda somalitalk waa idin salaamayaa marka hore waana idiinku hambalyeynayaa shaqada iyo wacyeli gelinta aad u haysaan ummada soomaaliyeed, taa ka dib maqaalka badda somalia iyo hamiga kenya markaan akhriyay aad ayaan uga xumaaday laakiin waxaan haddana farxay markaan aqoonyahano iyo waxgarad soomaaliyeed oo u taagan, u doodaya , fashiliyaan shirqoolka la doonayo in badda somalia kenya loogu gacan gelyo, walaalayaal somalitalk iyo saraakiisha wadaniga ah haka daalina in dhaxalka ubadka dambe ee soomaaliyeed la qaato adinkoo ku difaaci kara aqoontiina.

    waa mahadsantihiin.

  3. Wadaniyad says:

    Asalama alleykum!
    Aad baay ugu mahadsan yihiin bahda soomaali talk iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed ee damiirta lehba. Runtii waa wax laga xumaado Soomaaliya oo awalba 5 qaaybood loo qaaybiyey in wadamada galbeedku wali u sii ciil qabaan intii yaraayd ee hartay. Waxaa la yaab leh waxa wada Norway sanadkaan oo aay dhul Soomaaliyeed u doonayaan in aay hoos geeyaan Kenya iyadoo aaysan maanta Soomaaliya lahaayn wax dowlad ah. Dad Soomaaliyeed baa aminsan in dowlad isku sheegta shariif ee ilaa domian kii Soomaaliyeed u dhacday wax soo celinayaan. Waxaan kula talin lahaa in aay umada Soomaaliyeed meesha ka kacaan, demonstration soo abaabulaan, dowladaha shisheeye ee dalkoodii bililiqaaysanayana la xisaabtamaan. Soomaaliyeey iska daaya is fiir fiirsashada iyo kala gur gurka meel baad ku wada dhimanaysaan, hal dal baadna leedihiin , cid idin rabta iyo cid idin kala jeceyl midna ma jiraan ee xaqiina u dooda idin koo isku duuban oo gacmaha is haaysta. Guushu mar walba qofka xaqa ku taagan baay raacaysaa, insha Allah maalin maal maha ka mid ah Soomaali waa is raacaysaa. GUUL IYO GOBONIMO baa u rajeeynayaa umada Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo aay dunida ka joogaan.

  4. kamtiireey says:

    DOWLAD
    ASC saxibayaal waad salamantihiin hadal badan haan mabuuxiya ee Dowlad allaha nasiiya sidii tii aan Gacmaheenna kuduminay oo kale
    Sida uu Marxuum ABSHIR BACADLE IYO SHEIKH MAXAMED IDIRIS Usheegeen
    Cadaw idaa kuguma daayo iyo qoraal toona ee dowlad ayuu kugu daaya
    waayo waa la,ogaa waagii NFD dadka lagu xareeyay xerooyinka sida ay ugu gurmatay ama hanjabad kaliya lagu sii daayey dadkaas
    waad ogsoon tihiin sida muwadinka somaliga ah qiimo ugu lahaa Addunka kale
    Madaxdeenna iyo Siyasiyiinteenna ma hadda ayey Qaldan yihiin mise Xilligii hore eey Mucaradka sheegan jireen eey ETHOPIA hubka kasoo qaadan jireen ama ay Dalkooda iyo Dadkooda kaga soo duuli jireen??
    Xilligaas waxay ahaayeen HERO,MUJAHIDIIN,XORNIMO doon.
    mise ETHOPIADII waagas maahan tan maanta??
    ma aanan maqlin marna iyagoo toobad kenay
    Kuwa hadda kasoo duulaaya malin kasta ETHOPIA sida BARRE HIRALE, AHLUSUNNAH iyo DABAGEED may kuquustaan meshii saxibadood kahoreyay ay mareen?
    Somali illaa ay Eebbe u toobad keento oy qirato danbigii ay Dadkaan iyo Dalkaan kagaleen ilaaheey nasrigiisa heli mayso
    Kuwa ugu roon waa kuwa Maamullo Qabiil sameeyay
    Qabiil Qoys manoqdo
    Siyaad Barre Qabiilkiisa ayaa Dowlda difaacan lahaa markay somali kuheshiisay inay Qaranka dumiyaan
    DOWLAD DOWLAD DOWLAD DOWLAD DOWLAD DOWLAD

  5. Waxaa taariiqda galay oon la wada soconaa halyeeyadii ku soo dagaalamay soona xero ceshay GURIGII SAFAARADA Kenya maanta waa muwaadiniin sharaf iyo qiimo badan mudan oo taariikhda wadankeena markay xor noqoto la xusuusan doono dhamaantood. Midaanina waa ka daran tahay taariiqdaana qoraysa qof walbana meesha uu ka galayo baalkaas qalinkiisu qoyan yahay waa la arki doonaa kuwii ku tala galay inay iibiyaan iyo kii u dagaalamaba laakiin wax soomaali ka lumi doona ma jiraane dhinaca wanaagsan raac qof walboow ku cimri qaado kuwii iibsaday Safaarada Kenya 1991 oo dadku indhaha iyo afkaba xirnaayeen.

  6. ifraax muse says:

    waan idin salamaya dhaman umada somaliyeed oo meelwalba oo joogan
    it is vary sad to heard galo inay qadato dhulkii somaliyeed hadana waxaa ugdaran kuwa dolada isku sheegaya waxaan umalaynaya lacagbaalasiiya it is very very sad they need to talk about thise

  7. abdirisaaq says:

    asc all soomaaliyeey.saraakiisha waxaan leeyahay well done job. god bles you all.

  8. m . sodani says:

    somalida u damqatay dhibaatada lagu hayo dhulka iyo badda somaliya waxaan lee yahay waa laysuguken tegey aduunka oo idil waxaana nalagu hayaa dagaal aan qarsoonayn weliba waxaay naga helen dalaaliin u hamuun qaba hambada hartay ee gumeysihii soo reebay, waxaana lee nahay cidna uma maqna ceelna uma qodna , somalida ayaana laga doonayaa inay badbaadiyaan jiritaankooda hadii kale waxaan noqon doonaa sidii kurdi iyo jibsi oo kale.

  9. malyuun haji says:

    asc all walalayasheyda somaliyeed meel walba aad joogtan wan idin salamay marka hore. markii aan maqlay nation hantidisi ayaa qof iibsanaya aad baan uga xumaday.because qof walba oo wadani ah wuu ka damqanaya so dadka loso direy inay qaran dumay dhisaan misena iibsanayo waxan u arka kara in ay yahiin calol u shaqeystayaal. so intuu somalia u noolyahay qof wadani like sarakiishii somaliyeed waxay helaysa wax cawiya.aniga ahan wan kaso horjeed in somalia domain la iibsado.wadmahadsan tahiin saraakiisheyna somaliyeed oo ka hordakey inay norway u sameyso economic zone iyo somalitalk oo ayadana noo so gudbisey.Allah dalkeni nabad noga dhigo. all somalia meel walba ay joogan Allah bless us.

  10. axmed says:

    waad salaamantihiin somalitalk.com shaqada aad wadaan awgeed salan kadib waxan kacodsanayaa baarlamaanka meesha kuxaraysan oo wax somali ay uqabtaan oo kale aanay jirin inay qaataan go’aan lamida kii ayqaateen xiligii ay gaashaanka udaruureen go’aankii khiyaanadii cadowga ee boobayey dulka somalia qo’aankaas oo taariikhi ahaa arintaasi waxay sharaf iyo karaamo lama ilaawaana siindoontaa baarlamaaka somalia ee hada jooga ,
    waxan aad iyo aad ugu digayaa nimanka kaganacsanaya dalkeena walhi oo walahi waxan nahay dhalinyaradii mustaqbalka usoo socota inay xisaabiyaan cid walba ee isku dayda inay gataan ama kala gooyaan ama bur buriyaan wadankeena waxan balan ugu gelaynaa ciqaab adag inuu maro ninkasta ee isku daya kuxad gudubka dadkeena iyo dalkeena mahan digniin laab lakacnimo ah lakin cali samantarba anoon hada dambi gooni usaaray isma uusan lahayn maalintan oo kale waad lakulmi doontaa shariifyo iyo raga lashaqeeya waa digniin xaqiiqu kadambayso nabadeey

  11. Assalaamu caleykum waraxmah.
    Aad bay muhiim u tahay,helida dad u damqanaya umadan meelwalba la isugu habar wacday,saraakishanna taariikhdu wey xusi doontaa,halka qoladan kalenaydalkaubeecgeeysataanaynawaxbahambaynin.Siraha
    soo baxaya waxaa ka mid ah warbixin maraykanku soo saarau2009 uuna ku sheegay in gaaska dabiiciga ee itobiya ku jira yahay zero,san ay u sacyinayso iadkanna ka dib markii mareykanku isu keenay onlf iyo saraakiisha itobiya iyo qaar kale oo wadaada ahaana ay la heshiiyeen itobiyanka,waxaa dhiiro gashay in ay itobiyo noqoto mid gaaska dhulka Somaliyeed ee ay cududa ku haysato iney ku hamiso iney snooyanka dhow ay soo saarato dekada jibutin laga dhoofiyo.Mareykanku 2010 itobiyana ku sheego gaaska ku jira inuu yahay trillion.marka umadan waa bililiqo,waxaana magac iyo mudanayaal barlamaan ku noqday mujrimiintii u horseeday dhibka una adeega cadawga umada. Umadyahay BARRRRAAARUG.

  12. abdiwahab says:

    MARKA HORE BAHDA SOMALITALK WAAN SALAMAYAA SALAN KADIB WAAD KU MAHADSANTIHIIN SIDA SOOMALINIMADA AH EE AAD UGU HEELANTIHIIN ILAALINTA SHARFTA IYO HANTIDA SOMALI AY LEEDAHAY, WAXAANA IDIN LEEYAHAY HAKA DALININI, ILLAHNA HA IDINLA GARABGALO, TAN KALE SARAKIISHA IYO AQOON YAHANADA SOMALIYA WAXAAN XASUSINAAA SOMALIYA CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA, WAX LOOGA BAHAN YAHAY IN AY U ISTAGANAA HAR IYO HABEEN DIFAAC HANTIDA SOMALIYA IYO SHARFTEEDA, DOWLADA SHARIIFNA WAXAAN ORANAYAA MARKII HORE AYAAD MEEL KA DHACDEEN, ISKA ILAALIYA MEEL KADHAC LABAAD IN AAD SAMEYSAAN, MR FARMAJO IYO GOLIHIISA WASIIRADA WAXAAN LEEYAHAY WAXAA LA’IDINKU TIRINAYAA AQOON YAHANO YUUSAN IDINKA ADKAAN HUNGURIGA EE KU DIFAAC DALKIINA WAXAAD SOO BARATEEN, TAN KALE SOMALI WAXAAN ORANAYAA ILLAH KABAQA OO JOOJIYA DAGAALADAAN WAXBO AAN FA’IDO U LAHAN SOMALIYA , WAXAA KALOO XASUUS IGA MUDAN CIDAMADAAN SHISHEEYEY BADA GURANAYA BAL IYAGANA DIIRADA HA LA SAARO.
    WABILLAHI TOFIIQ
    WAAD MAHADSAN TIHIIN SOMALITALK HAKAA KA WADA

  13. asc walaal waa salaamantihiin salaan kadib dowlada norway hanalaga qabto maxaayeelay waxay kenya ku caawinaysaa inay cabir kasiiso walaalayaal waxaan kalo aqbaar haayaa somalida wasiirada isku sheegaayo iyo madaxweynaha ya ka danbeeyo maxaayeelay waxay rabaa qarash iyo guri dhis yay ku jiraan inkantaa aan aniga baaritaan ku sameeyo iyo waliba maraakiib yamen dowlada labada shariif ay qaateen waana la gatay warbixintaas ogaado waaye labada shariif waxan dhulka rabaan inay gataan barlamaanka hala horgeeyo hadii kale sheekadii aadan madoobe ha kahor sheegay barlamaanka dhexdooda asaga yaa ku wacna maxaayeelay labada shrariif waxay isku talagaleen inay dhulka gataan labadaaas ilaahoow naga qabo

  14. Cumar says:

    Asc,
    Mahad joogta ayaan u gudbinyaa shabakadda Somaitalk iyo waddaniyiinta uu damiirkoodu noolyahay intaa ka dib.
    Aad buu noo laab kiciyay damqashada nool ee ku jirta qoraalkan iyo kii horeeyay ee Bashiir Maxamed ee loo gudbiyay Safaradaha Norway waa tallaabo ku dayasho mudan. Waxaan si weyn u codsanayaa in dhammaan jaalliyadaha qorbajoogga ah iyo shacabka dalka jooga banaanbaxyo nabad ah oo joogta ah la qaado illaa natiijo laga gaaro in ay xuduuddeena badbaado ayadoo qoraallo habeysan loo gudbinaayo cid kastoo ay baajin karta boobka 38.000 km oo laba jibbaaran oo baddeenna ah, goortii la hubsadey kheyraadka ku jira dartii Kenya loo gacan gelinaayo aydoo la dafiraayo xuquuqda sharciga ah ee xuduud-badeedkeenna.
    Sidoo kale rajadii aan ka qabey Dawladda Formaajo iyo aqoonyahanadeeda tubtii kuwii hore ayeey mareen dabkii qaranimada horeba u gubaayey ayeey guul moodeen inay baasiin ku daraan kaasoo ah ka keenay inuu shisheeyuhu xad-badeedkeenna damaaciyo. Haddii aanney qorshada doodsiinta ayan qeyb ka aheyn may caddeeyaan mowqifkooda (maadaama kiiskan uu xasaasi yahay aadna u weyn yahay).

  15. Yahya Ali says:

    Asc, dhul badedka somaliya marar badan aya laga hadlay weyna so noq noqotay arintan, dhul badedkena qabta shidalka ku jiro iyo macadinta aya laraba kenya in lasiiyo, su,asha waxey tahay maxa xilagan muranka bada kenay cidkasta aya daqan dhul badeedkena
    Xuduudisa xita uNka, nin wasiir isku sheeg ah murankan dagan kenay waliba nairobi ayu hishis dhica bada ah kula kali rabay
    Dowlada kenya, si qeb ka mid ah bada losiyo kenya, dowlada norwey waxey aheyd shirkadihi bada shidalka ka baray xiligi dowladi maxamed siyad bare jirtay marka badana waxa kujira kheyrad badan weyna ogyihin norwey marka si ay uga fa,ideystan ayey radineysa , (1) marka hore waxey muran ka abureysa dadweynaha ku dhaqan labada dal kenya iyo somaliya dhica bada kadib maxkamad aya la is ladagaya markas waxa imanay in xudud baded lasameyo, isma anan dhahen rag aya uso bixi dona dhul badeedka somaliya difacidisa, waxa dalka wererka ugu horeya ku haya wa dowladaha dariska dowladaha ey noso dhisayan si ay danahoda ugu fushadan, somalitalka waxad heysan howl qaran wana mahad santihin, dadweynaha somaliyed waxan ushega in banabaxyo ladhigo loga so horjedo dadka faraha kula jira dhul badeedkena, dowlada sharifna xiligan hishis calami ah magali karto meel ay xukuntana majirto

  16. asalamu caleykum wa raxmatuAllahi
    waxaan aad ugu hambalyeynayaa sarakiisha geesiyedii xooga ka haray, oo manta u istagey in ay qalinka ku daaficaan dalka sidey shalay ay ugu daafacayeen xooggooda,waxaana hubanti ah in aan daafici karno dalkeenna iyo dadkeenna iyo diinteennaba haddii aan ka weynaanno doqonnimada iyo cudur xun oo qabiilka ah,oo aan rabbigeen talo saaranno,arrituna badda waa ka weeyntahay,oo dalka oodhan bay u jeeddaa ee taa ha la ogaado

  17. MR;qaybdiid says:

    scw dhamaan umadda soomaaliyeed intaa kadib waxaan umahad celinyaa ilaahii solonsiiyay saraakiisha shayka xaqqa ah ilaah kasakawna waxaa iyana mahad gaara iska leh saraakiisha fariinta culus udiray dawladda Norwegian ka ah oo indhawayd faraha kula jirtay dhul badeedka umadda soomaaliyed hadaba waxaan ku bogaadinaynaa saraakiisha bal inay dalka yimaadan oo xaaladiisaa bal indha indheeyaan si ay booska aywax uga qabankaraan ay ufiirshan dabadeedna uhawlgalaan sida shakhsi muwaadina

  18. CABDUL says:

    DHIBKA U WEYN WAXAA WEEYE AAMUSNAANTA DOWLAD KU SHEEGA SHARIIF IYO FARMAAJO AY KA AAMUSAN YIHIIN ARIMAHAAN XASAASIGAA WAA ARIMO KA WEYN ALSHABAABKA AY MASHQUULKA KU YIHIIN SHABAAB WAA CARUUR SOMALIYEED OO LA QALDEY MA AHAN KUWA DALKAKALA JARAYA LAAKIIN KAN NORWAY U DHASHAY OO BADA SOMALIYA WEERARKA KU AH MIYUUSAN OGEYN SOMALIDU INEEY DHAGAX TAHAY DHAGAXNA DHUUNTA MA MARO OO LAMA LIQI KARO BAL CAR OO HADANA CAR MISANA CAR KUWA KENYANKA AH HA QAATEEN DHUL AAN LEENAHAY HANA OGAADEEN KII INGIRIISKU SIIYAAN USOO SOCONAA IINSHA ALLAH TACAALAA AMIIN

  19. Magan says:

    somalitalk waxaad gudanaysaan waajibaadkii idin saarnaa ee difaaca dhulka iyo badda. anigu ra’yi ahaan waxaan oran lahaa arimahaan si loo soo af jaro in dawladu ay mawqif cad ka is taagto arimahaan soo noqnoqanaya Baarlamaankuna caddeyaa in waqtigaan aanan loo baahnayn in laga hadlo arimaha badda maadaama dawladdii hore ee maxamed siyaad wax walba ay caddaysay.