Home » Warar »

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego. Qaybtii 3aad

Warbixinta ECOTERRA – Qaybta 3aad:

Beenta: Soomaaliya ma leh 200 mayl oo Dhul-badeed ah…

Xaqiiqada Jirta: Laga soo bilaabo 1972 beesha caalamku waxay qadarinayeen Xeerka Soomaaliya ee No. 37, xeerkaas oo xagga sharci ahaan la mid ah xeerarka kale ee la aqoonsan yahay ee ay leeyihiin dalalka ay kamid yihiin Benin, Republic of Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia iyo Peru, dalakaas oo hore u sheegtay 200nm  in uu yahay dhul badeedkooda oo ay leeyihiin xuquuq sharicyeedka.

Laga soo bilaabo 1989, oo ahayd xilligii 40 dal oo Soomaaliya kamid tahay ay saxiixeen in ay aqbaleen Xeerka Caalamiga ah ee Sharciga Badaha Adduunka (ee loo yaqaan UNCLOS), waxay Soomaaliya lahayd 200 nm oo ah Aagga Ganacsiga Badda ee Gaarka ah ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone), aaggaas oo leh dhammaan xuquuqda iyo xeerarka guud ee badda ee la siiyey dalalka leh xeebaha. Soomaaliya hore ayey ugu dhawaaqday in ay leedahay xuquuqda iyo difaacidda aagaas, weligeedna arrintaas kama tanaasulin.

Laakiin Soomaaliya waxaa asiibay dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah oo ay aaggaas ka fulinayaan dalal dano gaar ah ka leh, arrintaas oo ay ka dhiidhiyeen Midowga Afrikaanka (AU oo xilligaas ahaa Ururka Midowga Afrika OAU) kulankoodii ku saabsanaa Maaraynta iyo horumarinta Xeebaha (PACSICOM, Maputo, 1998) oo magaalada Maputo, Mozambique, lagu qabtay 18-25 July 1998. Waxaana kulankaas si khaas ah walaac weyn looga muujiyey sida joogtada ah ee loogu xad-gudbo xuquuqda ay Soomaalidu u leedahay aagga Ganacsiga baddeeda (EEZ). Waxaana arrintaas si xooggan uga hadlay Safiirkii Masar mudane Ahmed Hagag oo markaas ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururkii Midowga Afrika (OAU) – oo u xuub siibtey Midowga Afrika (AU) – safiirku waxa uu shirka ka sheegay in ay tahay in la xushmeeyo 200 nm ee aagga EEZ ee Soomaaliya leedahay.

Laga soo bilaabo 2009 Soomaaliya waxay leedahay 350 nm oo ah Qalfoofka Qaarada (aagga loo yaqaan Continental Shelf Zone “CSZ”), taas oo ku salaysan in sharciga caalamiga iyo in Soomaaliya ay sheegatay aaggaas oo loo diiwaan geliyey Soomaaliya kaddib markii ay 17 April 2009 u gudbisey Qarammada Midoobay iyo ururka caalamiga ah ee badaha Adduunka ka hor 13 May 2009 oo ahayd xilligii dalalka xeebaha leh loo qabtay in ay soo gudbistaan xogta cabbirka baddooda.

Akhbaartaas la gudbiyey waa in loo arko mid ka madax bannaan is-af-garadkii (MOU) aan laga fiirsan ee dhex maray xubno kamid ah Soomaaliya iyo Kenya oo oo ah laba dal oo ay ka dhaxyaso xuduud badeed. Is-afgaradkaas (MOU) waxaa diidey baarlamaanka Soomaaliya, sidaas daraadeed Qaramada Midoobay waxay ka saartay liiska (dukumiintiyada), mana aha heshiis la cuskan karo.

Sidaas daraadeed hab sharciyeedka ay Soomaaliya ku sheeganayso Qalfoofka Qaaradda oo fogaanteedu xeebta u jirto 350 nm waa mid tiir adag haysata. In la caddeeyo cabirka qalfoofka qaarada ee ka baxsan 200 nm waa xuquuq ay leeyihiin dalalka xeebaha leh ayadoo la raacayo xeerka caalamiga ah.

ECOTERRA Intl. waxay qeexaysaa: “Arrinta aysan dad badani u muuqanin in ay fahmeen ama aysan doonaynayn in ay fahmaan waa in degaanka Soomaalida in ka badan kala bar ay ku yaallaan xeebaa badda Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay hal-bowle u tahay hab nololeedka dadka Soomaaliyeed. Laga soo bilaabo 1972 waxay Soomaaliya lahayd dhul-badeed, kaas oo isla cabbirkaasi uu laga soo bilaabo 1989 ahaa Aagga Ganacsiga EEZ (Exclusive Economic Zone) kaas oo bedkiisu yahay 825,052 kiiloomitir laba jibbaaran oo ah badda Soomaaliya, waxaa intaas sii dheer 55,895 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ah Qalfoofka Qaaradda ee loo yaqaan CSZ (continental shelf zone), oo ah dhul-badeedka  Soomaaliya.

Aagga ganacsiga EEZ ee Dhul-badeedka marka lagu daro baaxadda dhulka beriga ah ee Soomaaliya ee hadda oo ah 637,657 km² , waxaa isku darkoodu noqonayaa 1,462,709 km², taas marka lagu sii daro aagga Qalfoofka Qaaradda CSZ waxa dhulka iyo badda Soomaaliyeed noqonayaan 1,518,604 km². Cabbirkaas waxaa ka maqan the 350,102 km² oo ah oo isugu jira: dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato oo qiyaastii ah 200,000 km², Jabuuti oo ah 23,200 km², dhulka ay maamusho Kenya ee NEP oo ah 126,902 km² – oo loo yaqaan NFD. Marka intaas la isku daro waxay baaxadda badda iyo dhulka Soomaaliyeed ka dhigeysaa 1,868,706 km² oo u dhiganta 0.37 % bedka adduunka oo dhan –Bedka adduunka oo dhan waa 510,072,000 km².

Xornimada dhulka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiisan yahay hawada ka saraysa dhul-badeedka iyo sidoo kale ubucda badda iyo carrada hoosteeda, taas oo hadda gaarsiisan meel xeebta u jirta ilaa 350 nm (mayl-badeed).  Dhammaan nafleyda ku dhaqan dhulka iyo badda Soomaaliyeed  waxay xaq u leeyihiin in ay noolaadaan, waxana shardi ah in la xushmeeyo. Dhulkaas iyo Badda Soomaaliyeed (Somali Sphere ) oo hadda ah 1,518,604 km² – ha ahaado  637,657 km²  oo berriga ah (42%) ama 880,947 km²  oo ah badda iyo ubucdeeda (58%). (Qeexid: Xuduudda Qaranka/Dalka waxay ku fidsantahay xuduudda Qaaradda, Jasiiradaha, xuduud badeedka, qayb-dhuleedka, hawada sare iyo gabal Qaaradeedka.)

Muuqaalka qoraalkani xabaarsan yahay iyo warbixintaasi waxaan rajaynaynaa in ay qof kasta u cadayso (ama wax cad uga dhigto) muhiimadda uu dhul-badeedku u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliya iyo sababta ay ajaaniib badani ay faraha ula soo geliayaan dhulkaas istaraatiijiyada leh iyo khayraadkiisa dabiiciga ah, sidaaas daraadeedna ay gadaal marinayaan danaha dadka  dhulkaas u dhashay, iyaga oo geyaysiinaya dadka Soomaaliyeed faqiirnimo laga argagaxo iyo dagaallo lagu wadayo haddii aysan ka tanaasulin ugu yaraan qayb ka mid ah dhaxalkooda qaranka Soomaalida ee u gaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la xasuusnaado, inkasta oo kala duwaanaantu ay keeni karto xasilooni, isku dayga in shisheeyaha weerarka ah ay doonayaan inay la wareegaan meel kasta oo dunida korkeeda ah waxa ugu dambaynta cawaaqibkeedu yahay ciribta kuwa weerarka ah,” ayey qortay ECOTERRA Intl.

  • Waxaan halkaas ku joojinayanaa qaybtii 3aad ee Tarjumadii SomaliTalk.com ee qormadii ECOTERRA.

Akhri: Q.1aad iyo Q.2aad

Akhri Qaybaha Kale:  https://somalitalk.com/tag/ecoterra/

  • FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi  la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.”

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego. Qaybtii 3aad "

  1. Aisha says:

    Soomaalaay fadhi kuuma yaalo, dhulka aabayaasheen dhiigooda u daadiyey,
    waa ta la kala boobayo, inta yurubta shilimaad yar oo xaraan gacma la hoos dhigay.

  2. Waxaa mahad u celinayaa cid kasta oo soomaaliya ah oo daafacada dalka, dadka iyo biyaha soomaaliyeed inta la helayo dawlad ka madax banaan dhagarta shisheeye. Tan kale waxaa dawlad yaqaan ciddii lagu habay haruub dawladnimo aqoonteedna bartay waa haddii uu wadani , laakiin casriga nin walba Europe ayuu tegay wuxuu arkay dad tie xiran u lebisan sida reer galbeedka deedna wuxuu doonay in dawladnimo uusan meelna ka daabacan. Marka la yaab ma laha haddii Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame iyo ragge ay moodeen in sidooda la wada indha laga xiran. Waannaa in ay isku dayaan in mar-mar kale dhaxal wareejiyaan dhalaanka dhabarku jira khayraadkooda maxaa yeel waa niman shilin doon ah ee maaha dawlad doon.
    Mahadsanidiin
    Hanoun

  3. fartuun says:

    aad iyo aad baad ubahadsantahiin.waligay waxaan jeclaa inaan arko isku darka somali, ethiopia, somali kenya iyo somalida kale, intuu maapkeeno la ekyahay.waxaan jeclaan lahaa in wab sidyo badan lugu soo daabaco. sida kuwa wanaaga somalida jecel. mahadsanid.