Home » Warar »

Midowga Yurub oo Hanjabaad kulul u diray Baarlamaanka DFKMG

War-saxaafadeed ka soo baxay ergada Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay kulankii baarlamaanka ee fashilmay November 22, kaas oo lagu ansixin lahaa xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka kumeel gaarka ah, Maxamed C/laahi farmaajo.

Warsaxafadeedku waxa uu si kulul u cambaareeyey kulankii baarlamaanka ee fashilmay iyo “hab-dhaqankii khatarta lahaa ee in yar oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka ee ka dhacay munaasabadaas.” Waa sida warsaxafadeedku hadalka u dhigay’e.

“Iyagoo wakiil ka ah qaar kamid ah kuwa ugu waaweyn deeqbixiyaasha Soomaaliya ayey Maxada Ergada Midowga Yurub xasuusinayaan hay’adaha Federaalka kumel gaarka in kaalmada Midowga Yurub ee hay’adaha Federaalka Kumeel gaarka ay si xoog leh ugu xiran tahay horumarka laga sameeyo howlahaas muhimka ah,” ayuu yiri warsaxafadeedka EU.

Wareegtada Midowga Yurub waxay u qornayd sidan:

War-murtiyeed kasoo baxay madaxa ergada Midowga Yurub kuna saabsan xaaladda Siyaasadeed ee Muqdisho (24/11/2010)

Madaxa Ergada Midowga Yurub waxay aad u cambaaraynayaan kulankii baarlamaanka ee aan (loo dhammayn / aan dhamaystirmin) ee lagu qabtay Muqdisho 22kii November iyo dhacdooyinkii iyo hab-dhaqankii khatarta lahaa ee in yar oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka ee ka dhacay munaasabadaas.

Midowga Yurub wuxuu si cad ugu adkaynayaa haya’daha Federaalka kumeel gaarka ah in ay dhammeeyaan muraanka iyo khilaafka siyaasadeed ee hortaagan rajooyinka laga qabo kala guur naajaxa ah.

Madaxa Ergada Midowga Yurub waxay xusuusinayaan hogaanka haya’daha Federaalka kumeel gaarka labadooduba iyo sidoo kale xubnaha baarlamaanka inay ayagu si wadar ah u xambaasan yihiin masuuliyadda kala guurka ayagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed.

EU SOMALIA

HE Eric van der Linden - Head of Delegation

Iyadoo in ka yar toban bilood ka harsan tahay waqti kumeel gaarka ayaa hay’adaha Federaalka Kumeel gaarka laga doonayaa sida ugu dhaqsi badan in ay u wajahaan mudnaanta hawlaha horyaala, siiba soo celinta amniga, horumarinta geeddi socodka dib-u-heshiisiinta iyo howlaha ugu muhiimsan kala guurka oo ay ku jirta howlaha dastuurka.

Iyagoo wakiil ka ah qaar kamid ah kuwa ugu waaweyn deeqbixiyaasha Soomaaliya ayey Maxada Ergada Midowga Yurub xasuusinayaan hay’adaha Federaalka kumel gaarka in kaalmada Midowga Yurub ee hay’adaha Federaalka Kumeel gaarka ay si xoog leh ugu xiran tahay horumarka laga sameeyo howlahaas muhimka ah.

ENGLISH VERSION: Read Here

______________________
European Union Delegation to the Republic of Kenya
Somalia Operations Unit
P.O. Box 30475 00100 Nairobi
Tel: 254-20-2802104
Fax: 254-20-2710997
E-mail: somalia@ec.europa.eu

Website: http://www.delken.ec.europa.eu/en/Contact.asp

Sawirka Maanta:

Askari boolis ah oo celcelinaya xildhibaanad, kulankii codbixinta
loo weydiinayey xukuumadda Farmaajo November 22, 2010.
Xuquuqda sawirka waxaa leh: REUTERS/Ismail Taxta

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 2010 ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISOM waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo doonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaan oo kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

November 18, 2010 ayaa farmaajo waxa uu golahiisa wasiirada ku soo kordhiyey 9 wasiiro dawlo, waxana sidoo kale uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen. Waxaa arrintaas garab socdey xildhibaano gaarayey 240 xildhibaan oo Nov 18 kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in  ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ku xadgudbey nidaamkii 4.5 ayna xukuumadda ku sugayaan baarlamaanka marka ay kalsooni soo weydiisato.

November 19, 2010 waxaa is casiley Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isagoo sheegay in DFKMG ay hareer martay nidaamkii u dhignaa.

November 20, 2010 Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa 316 xildhibaanada oo ku shirayey Muqdisho waxa uu u sheegay waxa ay qaban doonto xukuumaddiisu, gaar ahaana in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan.

November 21, 2010 waxaa xilkii wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare iska casilay Faysal Cumar Guuleed, asagoo arrintaas sabab uga dhigay in la jebiyey heshiiskii Jabuuti iyo Mpathi ee ay ku dhisnayd DFKMG.

November 22, 2010 waxaa kulan isugu yimid xildhibaano gaaraya 348 xildhibaan si codka loogu qaado xukuumadda DFKMG, kulankaas oo buuq, feer iyo harraati ku dhamaaday kaddib markii la isku mari waayey qaabka codbixinta loo qaadayo (Gacan-taag ama qarsoodi).

November 24, 2010: Yuusuf Max’ed Siyaad (Indho-Cadde) ayaa sheegay in uu gebi ahaan ciidamadiisii kala baxay DFKMG, kuna eedeeyey in ay jebisey heshiiskii, waxana uu sheegay in xukuumadda uu soo dhisay Farmaajo ay ka liidato tii Cumar C/rashiid.

November 24, 2010: Waxaa hanjabaad kulul oo ku wajahan baarlamaanka DFKMG soo saaray Ergada Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.