Home » Warar »

Xildhibaanno Sheegay in ay kalsoonida kala laabanayaan Xukuumadda Farmaajo

Kana fiirsanayaan kasii mid ahaanshada Dawladda TFG:

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa si kulul uga soo hor jeestey xukuumadda cusub ee ra’iisul Wasaaraha DFKMG.

Xildhibaanadaas oo Sabti (Nov 13, 2010) kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay kalsoonidii dib ugala laabanayaan (xukuumadda) Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama sida ay sheegeen golahaas lagu soo xulay si cadddaalad darro ah, oo laga leexday habka ay ku dhisan tahay Dawladda kumeel gaarka ah, lana khalday miisaankii ay ku taagnayd DFKMG, isla markaasna ay tahay in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda TFG.

Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaani ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda la soo dhisay ay tahay mis fashilaad keeni karta, waxna kusoo kordhin karin DFKMG. “Wasiirada lasoo dhisay waa muwaadiniin Soomaaliyeed, laakiin waa qurba joog aan waxba soo kordhin karin, waxaana Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqaynaa in uu dib ugala laabto dhallinyarada qurbaha katimid ee wasiirada laga dhigay, ayuu yiri xildhibaan Caddaani.

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdale oo ka hadashay kulankaas ayaa sheegtay in ay aan la aqbali karin xukuumadda cusub ee la soo magacaabay ee DFKMG.

Xildhibaanad Caasha hadalkeedii waxaa ka mid ahaa: Waa “in laga fiirsado ka mid ahaan shadaha dawladdan ayada ah ee TFG mar haddii ay khaladay miisaankii siyaasadeed ee beelaha, mar haddii ay khaladay miisaankii siyaasadeed ee TFG iyo ARS-tii la isku soo daray oo saddexdii position ee ay lahayd TFG mid ama laba ay lahayd laga saaray oo ay bahashii isugu soo aruurtay afar qof oo laba xafiis ka shaqeeya, in laga fiirsado kasii mid noqoshada dawladdan iyo xukuumaddan oo wada tashi la isugu noqdo taas ayaan soo dhaweyneynaa, anagu go’aankayaga waan ka gaarney beel ahaan gudo iyo dibadba waan ka gaarnay” DHEGEYSO.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/caasho_nov13.mp3]

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in xildhibaanada laga soo xulan karo bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhan, laakiin kuwa hadda la soo xulay aysan waxba soo kordhin karin. “In ra’iisul wasaarahu soo magacaabo wasiiro waa wax wanaagsan, (laakiin) waxaan isleeyahay wasiiro dhallinyaro qurba joog ah dhibaatada kama saari karaan Soomaaliya,” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo ayaa isaguna sheegey in aysan ka filayn ra’iisul Wasaaraha qaabka uu u soo magacaabay golahiisa wasiirada, sidaas daraadeedn ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshaha golaha xukuumadda.

Arrintan cusub ayaa timid kaddib markii Jimacdii (Nov 12, 2010) uu ra’iisul wasaaraha DFKMG soo magacabaaya gole wasiiro oo ka kooban 18 wasiir. Waxaana la sheegay in loo ballamay November 22, 2010 in golahaas wasiirada la hor geeyo baarlamaanka si ay ugu codeeyaan, waxaa taariikhdaas codsay madaxweynaah DFKMG oo hadal jeediyey magacaabistii golaha wasiirada kaddib. DHEGEYSO.

Dhanka kale waxaa jira xildhibaano soo dhaweeyey golaha cusub ee uu magacaabay Maxamed Farmaajo, waxayna ku baaqeen in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub. Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Mowliid Macaane oo sheegay in uu soo dhaweynayo golaha cusub, ayn atahay in xildhibaanada kale sugaan wax qabadkooda maadaama ay yihiin kuwo aqoon leh oo ka yimid dalka dibadiisa. Xildhibaan Xuseen Isaaq Geesadiir ayaa isaguna ammaanaay qaabka loo soo xulay golaha wasiirada.

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 201o ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISON waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo doonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaano kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada ee uu Magcaabay Farmaajo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xildhibaanno Sheegay in ay kalsoonida kala laabanayaan Xukuumadda Farmaajo "

  1. MA,ANAA QALDAN MISE DADKA?
    Somalidu runta masheegaan annagase usheegeena
    waxa kaliya ee loo guuxaayo waa Reer hebel wasiir ama wasiiro lama siin
    Nimankaan aqoon uma laha siyasadda wadanka mayaqaanaan
    haddaba kuwii yaqaanay 20 sano maxay nabad ooga dhigi waayeen?
    war 18 wasiir masomali oo dhan ma u qaybsamaan?
    mise haddii layiraahdo hala badiyo wasiirada
    wasiir aan xafiis laheen ama wasaarad aan jirin ma waxbuu tari?
    CASHA Axmed Goormay dal iyo dad baratay?
    iyadaba hadday America katimide?

  2. Magan says:

    Waxaa fiicnaan lahayd inaan la dagdagin oo ragaan cusub jaaniskooda la siiyo Maanta oo kale looma baahna is qabqabsi maadaama wax faraha idiinku jira aysan jirin. Nimankiina kalsoonida la noqonaaya meesha waxaad u joogtaan inaad shacabka somaliyeed inta ka hartay u adeegtaan uma joogtaan inaad jeebkiina ka fakartaan iyo inaad qabiilkiina inuu wasiir u joogtaan. marmarka qaarkood waxaa laga fakaraa danta guud somali oo dhan lalama wada gaaro wasiir inay wada noqdaan. walaalayaal hawlo badan baa meesha yaala in wax laga qabto . Haddii aad tihiin kuwa ethiopia meesha u jooga haddaba somali muddo 20 sanno ayay jaanis siisay calooshiisa u shaqayste iyo warlodrs. Haddii ay dhab idinka tahay inaad wadankan la kala iibsaday inaad badbaadisaan khilaafka iyo wanjalaada iska daaya oo somaliya taariikhdeedii iyo karaamadeedii soo celiya. iskana dhexsaara midka 20kii sanno ee la soo dhaafay khilaafka iyo isu moodaaya in baarlamaanku uu yahay makhaayad isaga u furan.