Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo la dhaariyay

Munaaabad balaaran ayaa Isniintii (Nov 1, 2010) lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia taasoo lagu dhaarinayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay shalay codka kalsoonida ah siiyeen mudayaasha Baarlamaanka.

Munaasabadan oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda FKMG ah Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, kusimihii R.wasaaraha Mudane Cabdiwaaxid Cilmi (Goonjeex), Wasiiradii hore ee xukuumada, Xildhibaano, saraakiisha ciidamada Qalabka sida, kuwa Booliska, haweenka, iyo fanaaniinta Qaranka.

Jalkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Hadalo kooban oo halkaasi ay ka jeediyeen madaxda Qaranka ayay ugu hambalyeeyeen R.wasaaraha cusub Mudane Farmaajo, iyagoo ugu duceeyey inuu Alle la garab galo xilka culus ee loo dhiibay iyo xaaladdan cakiran ee dalku marayo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka mudane Sh. Shariif ayaa kula dar daarmay in R.wasaaruhu uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka samatabixisa, isagoo sidoo kalena kula dardaarmay goleyaasha dowladda oo uu ugu horeeya Baarlamaanku inay la shaqeeyaan maadaama la yiri “Far kaliya fool ma dhaqdo”.

R.wasaare Farmaajo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inuu sida ugu dhaqsaha badan u soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo hirgelisa himilada fog iyo kuwa dhow ee dowladda Federaalka KMG ah oo ay ugu horeyso Dib u heshiisinta, Nabadgelyada, dib u dhiska Dhaqaalaha, gargaarka Bani’aadaminimada.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi lagu dhaariyay R.wasaaraha cusub.

Garaad Salaad Xirsi
Communication Officer
pmcommunicationoffice@gmail.com

Safaarada Soomaalida ee Dalka Suudaan oo soo dhaweysey Ansaxintii Raiisul Wasaare Farmaajo

Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee Wadanka Sudan C/llaahi Faarax Mire iyo kuxigeenkiisa C/wali Xasan  Ducaale ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen ansixinta R/wasaaraha cusub ee Soomaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo cod aqlabiyad ah ka helay shalay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya.

Diblomasiyiintan  oo aan wareysi kula qaatay xarunta safaaradda ayaa mudane Farmaajo waxay ugu baaqeen inuu noqdo mid wax ka bedela xaaladaha adag ee ka jira gayiga soomaaliya uuna nabad waarto ka islaaxiyo wadanka oo idil.

C/wali Xasan Ducaale ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare farmaajo laga dhowrayo sidii uu xoogga u  saari lahaa  nabad ku soo dabaalidda dalka iyo dib u heshiisiinta oo uu tilmaamay inay waqtigaan  lagama maarmaan tahay.

Dhinaca kale Ardeyda soomaalida ee wadankaan sudan  wax ku barataa ayaa iyaguna si weyn usoo dhaweeyey kolkii shalay la ansixiyey Ra’iisul wasaare maxamed c/llaahi maxamed,kuwaasoo ku booriyey inuu wax badan ka qabto xaaladaha cakiran ee markaasi ka oogan wadanka soomaaliya.

Ardeyda ayaa ku kala aragti duwan Ra’iisul wasaare  farmaajo,iyagoona qiraya in xiligaan aanu ku habooneen in loo magacaabo jagadaan,waxaayna leeyihiin waxaa ka mudnaa nin dalka xaalka uu maanta ku sugan yahay la socoda,kaasi oo ay u arkaa inuu wax badan ka qaban karo.

W/D:Axmed c/llaahi yuusuf{Axmed cadde}
Al Khartoum/sudan
E-mail:cadde23@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.