Home » Warar »

Mid ka mid Golaha Wasiiradii uu Magacaabey Raiisul Wasaaraha DFKMG oo is ka Casiley Xilkii

Markii uu Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu balaariyey Golahiisa Wasirada isla markaana u ku kordhiyey 9 (Sagaal) Wasiiru Dowlo iyo 18 Wasiir ku xigeen ayaa waxaa maanta (Jimce Nov 19) shir Jaraaid qabtey Mid ka mid ah Wasiir ku xigeenadii uu magacabey Raisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna daboolka ka qaadey in uu iska casiley Xilkii Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga  Cabdicasiis Lafta Gareen.

Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga soo xigtey Sababaha uu isku Casiley ay tahay markii aan Dowladda lagu Saleyn xeerka 4.5 islamarkaana la hareer Marey Dastuurkii u yaaley Dowladda Federaalka isla markaana wuxuu sheegey in uusan u qalmin Jagadaa loo magacaabey.

“Waxaa na loo sheegey in Dowlada la soo koobayo lagana dhigayo 18 Wasiir maanta arrinkaa waa lagu xadgudbey oo wasiiradii waxay noqdeen 45 Wasiir waxayna ka badan yihiin Dowladii Cumar Cabdirshiid oo iyadu ahayd 39 Wasiir “ ayuu si kulul u yiri Cabdicasiis Lafta Gareen oo sheegey in xukuumada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo looga fadhiyo qaabkii uu uga gudbi lahaa Golaha Baarlamanka oo uu sheegey in badankood ay ka soo horjeedaan Qaabkii lagu soo dhisey Dowladda Federaalka, hase yeeshee Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shikh Aadan oo Todbaadkaan la hadlayey Xildhibaanada Baalamaanka ayaa ka codsadey Xildhibaanada in ay ansaxiyaan Dowlada maadaama Baarlamanka looga fadhiyo sidii uu shacabka uga gudbin lahaa Xaalada adag ee lagu jiro.

Halkan ka dhegeyso hadalkii iscasilaadda

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/laftagareen.mp3]

240 Xildhibaan oo ku shirey Magaalada Muqdisho Maalintii shaley (Khamiis) ahayd ayaa sheegey in Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku xadgudbey Xeerkii 4.5-ka isla markaa waxay sheegeen in Dowlada uu soo magacaabey Raiisul Wasaaraha ay ku sugayaan Golaha baarlamaanka si Codka Kalsoonida loogu weydiiyo.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere ) oo mar Gudoomiye ka soo noqdey Gobolka Banaadir ayaa sheegey in Dowlada uu soo magacaabey Raiisul Wasaare Farmaajo aysan waxba ka qaban karin Dalka waayo kuwa ka horeeyey ayaa Dalkaan wax ka qaban waayey wuxuu kaloo uu sheegey in Golaha Baarlamaanka uu fashilin doono Dowlada la soo magacaabey maadaama inta badan ay ka soo horjeedaan qaabka loo soo dhisey Dawladda.

Hadaba is Casilaada Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxay Caqabad ku noqon doontaa Dowlada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana isa soo taraya guuxa ka soo yeeraya shacabka oo iyaga qaba in Xukuumadaan aysan waxba soo korshin doonin maadaama Ciidamada Amisom ay weli wadaan Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 201o ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISON waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo doonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaano kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

November 18, 2010 ayaa farmaajo waxa uu golahiisa wasiirada ku soo kordhiyey 9 wasiiro dawlo, waxana sidoo kale uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen. Waxaa arrintaas garab socdey xildhibaano gaarayey 240 xildhibaan oo Nov 18 kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in  ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ku xadgudbey nidaamkii 4.5 ayna xukuumadda ku sugayaan baarlamaanka marka ay kalsooni soo weydiisato.

November 19, 2010 waxaa is casiley Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga , Cabdicasiis Lafta Gareen.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Mid ka mid Golaha Wasiiradii uu Magacaabey Raiisul Wasaaraha DFKMG oo is ka Casiley Xilkii "

  1. Run sheeg says:

    Raiisul wazaare ka xun kan maba aanan arag, maxaa yeeley markii aad is tiraahdo kuwii hore wuu dhaamaa ama iyagii oo kale ayuu noqonayaa ama wuuba kasii darayaaba.

    wixii yiri 4.5 wax la yiraahdo ma jiraan, maalin kabacdi ayuu ka noqdey sida la sheegey kadib markii labada shariif canaanteen.

    wuxuu yiri waxaan soo dhisayaa dowlad yar oo tayo leh , wuxuu keeney 18 waziir, oo umada ayaa la dhacdey waakan tii Cumar Cabdirashiidba kasii darey oo 45-gaarsiiyey, malaha iyadana kadib markii la canaantey. waa yaabe, kan ma u bixinaa “farmaajo MOOS” jileeciisa darteed!

  2. wiilwaamo says:

    SOMALI MAXISHOTO
    Alla mahadleh somaliya maanta waxaa ukala cadaadatay Dadkii 20ka sano dowlad kasto oo lasoo dhiso lugaha jiidaayey iyo kuwa xaq udirirka ah
    Nin wayn ayaa wuxuu lasoo tagan yahay Jagadaan Qabiilkeyda kuma haboona
    oo haddii maliyada lagaa dhigo Ma QABIILKAADA ayaad dhaqaalaha uxadi laheed????????????????
    Qabiil iyo Qaran meel ma wada galaan
    Qoyskaada markay ladagaalamayeen Siyaad Barre 4 wasiir ayey lahaayeen goormaad dhargi doontaan??????????????