Home » Warar »

Mahiga oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan

Arbacadii Oct 27 oo uu baaqday kulankii loo balansanaa Baarlamaanka, ayaa magaalada Muqdisho waxaa tegey Ergeyga gaarka ee xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Mahiga, waxana uu Garoonka diyaaradaha kulan kula yeeshay Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan oo beryahan khilaaf xooggan soo kala dhexgalay, islamarkaasna saxaafadda isku weydaarsanayey wareegtooyin soo kala horjeeda oo ku saabsan qaabkii loogu codeeyn lahaa ra’iisul wasaaraha magacaaban… (Madaxweynaha DFKMG oo doonaya gacantaag, halka afhayeenka baarlamaanku uu doonayo qarsoodi.)

Mahiga ayaa la sheegay in uu madaxda khilaafku ka dhexeeyo ka dalbay in khilaafka la dhameeyo, lana ansixiyo oo la helo ra’iisul wasaare.

Sawirka: Mahiga oo la kulmay labada shariif

Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka oo ka hadashay muranka ka taagan ansixinta Ra’isul Wasaaraha

Waxaa wareegtooyin soo kala horjeeda (Talaadadii Oct 26, 2010) soo kala saaray maxkamadda sare ee DFKMG iyo xildhibaano kulan ku yeeshay Muqdisho

  • “….axdiga ku meel gaarka ah oo caddeynaya in dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii uu sheegayo ansixinta wasiirka 1-aad in ay ahaato gacantaag oo sharci ah, soo jireenna ahayd intii ka horeysay arrintaan ugubka ah….” Maxkamada Sare ee DFKMG

Ayadoo weli uu muran u dhexeeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa arrimahaani ka hadlay Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka kadib markii kullan ay isugu yimaadeen ay si aad ah u lafagureen murankaasi, waxayna sheegtay Maxakamaddu warqad ka timid Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo uu kaga codsanayo Maxkamadda in ay fasiraad ka bixiyaan habka sharciga ah ee ay isku haystaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ah in Ra’isul Wasaaraha ansixintiisu ay noqoto Gacan taag ama qarsoodi.

Kullankii Guddiga Garsoorka ee Maxkamadda Sare isugu yimaadeen ayaa  waxay si ay fasiraad uga bixiyaan habka sharciga ah ee ansixinta ra’isul wasaaraha waxa uuna qoraalkii ay soo saareen u qoranaa sidatan:

Qoraal ka soo baxay Guddiga Garsoorka ee Maxkamadda Sare DFKMG:

Maxkamaddu markii ay deristay qoraalkii Xafiiska Madaxweynaha; markay aragtay qodobka 55-aad farqadiisa 7-aad, hubiseyna awooda ay u leedahay fasiraadda sharciga.

Markay aragtay qodobka 33-aad farqadiisa 5-aad,44-aad,49-aad,71-aad ee axdiga ku meel gaarka ah,

Markay aragtay qodobka 82-aad farqadiisda 2-aad ee dastuurkii 1960-kii,Markay aragtay 40-aad farqaddiisa 3-aad iyo 4-aad iyo qodobka 34-aad ee heer hoosaadka Baarlamaanka, sidaas darteed Maxkamadda sare waxay fasiraad sharci ah ka bixisay weydiinta aragtida sharci ee la xiriirta ansixinta Ra’isul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweynuhu, Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo), iyada oo coskana qodobka 71-aad faqradiisa 2-aad ee axdiga ku meel gaarka ah oo caddeynaya in dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii uu sheegayo ansixinta wasiirka 1-aad in ay ahaato gacantaag oo sharci ah, soo jireenna ahayd intii ka horeysay arrintaan ugubka ah.

###

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlmaaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay mar la wareystay in guddoonka sare ee Baarlamaanka uu ku taagan yahay si sharci ah, isla markaana ansixinta Ra’isul Wasaaraha ay noqoneyso cod qarsoodi ah.

Haddaba ishaysiga u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono maadaama kullan dhex maray labadooba uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Xildhibaano ku shiray Hotelka Saxafi oo soo saaray warsaxaafadeed u qornaa sidan:
BAAQ

KU:Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya

KU:Guddoomiyaha Baarlamaanka

KU:Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka

Annagoo ah Xildhibaanada maanta isugu yimid madashan Hotel Sahafi, waxaan si dareen wadaninimo leh dood qoto dheer leh ka yeelanay xaaladda haatan taagan, taasoo ka dhalatay kalsooni siinta Ra’isal wasaaraha magacaaban.

Waxay hadaba Xildhibaanadu si wadajir ah hoosta uga xariiqayaan in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Baarlamaanka, lama dhowro Axdi Qarameedka, xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Waxaan markale cod dheer ku leenahay in Axdi Qarameedka iyo Shuruucda kale e dalka ay ka sareeyeen rabitaanka gaar ahaaneed.

Dhanka kale, waxaa maanta la isla dhexmaraayay warqad la sheegay in ay maxkamada sare ka soo baxday, taasoo tixraac, sumad iyo saxiix toona lahayn, Warqaddaas ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka codsaday Maxkamada sare in ay fasiraad sharci ah ka bixiso muranka ka taagan kalsooni siinta Wasiirka 1aad ee la magacaabay, Maalintii ay taariikhdu ahayd 24/10/2010 ayaa xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada oo ku hadlaya magaca Madaxweynaha uu soo saaray wax loogu yeeray aragti sharci, Waxaan cadaynaynaa in ay khalad tahay in xafiiska warfaafinta Madaxweynaha uu bixiyo aragti sharci, waxayna cadayn u tahay in xafiiska Madaxweynaha uusan lahayn la taliye sharci oo aragti sax ah siiya Madaxwenaha.

Guji sawirka si aad u aragtid qoraalka oo weyn

Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayay ku caddahay qaabka ay coddaynta Baarlamaanku u dhacayso, Qodobka 40aad ee Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa caddaynaya in coddayntu ay gacantaag iyo qarsoodi u kala baxdo.

Laakiin hadii 13 Xildhibaa iyo ka badan ay dalbadaan in codayn gacantaag ah laga dhigo qarsoodi waxaa Mudnaanta la siinayaa qarsoodiga.

Haddaba waxaan ugu baaqaynaa:

Madaxweynaha:

In uu sharciga dhowro ee uu caddaadiska iyo faragelinta ka daayo Baarlamaanka faragelintiisu waxay keeni kartaa kala qaybinta Baarlamaanka, taasoo keeni karta dhaawac soo gaara Hay’addaha Qaranka ee haatan jira, waxaan Madaxweynaha mar kale xusuusinaynaa in Masuuliyadda Qaranka ee saaran waajibaynayso in uu ilaaliyo Midnimada hay’addaha Qaranka, kana fogaado wax kastoo horseedi kara Qaybsanaan iyo Burbur ku yimaada Hay’addaha Dastuuriga ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka:

Waxaan ugu baaqaynaa in uu ku adkaysto ilaaalinta sharciga iyo xeerhoosaadka Baarlamaanka.

Maxkamadda Sare:

Waxaan ku wargelinaynaa in uusan jirin mugdi sharci oo Maxkamadda sare loogu baahdo, balse waxaa jira qodobo cadcad oo qeexaya sida ay codaynta Baarlamaanku u dhacayso, mana habboona in si sharciga loo jibiyo qiil laga raadiyo meel uusan jirin.

Xubnaha Baarlamaanka: waxaan sidoo kale Xubnaha Baarlamaanka ugu baaqaynaa in ay u hogaansamaan Axdiga Qaranka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ilaaliyaana Midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah.

Warsaxafadeedka xildhibaanada.

Warsaxafadeedkaas ka bacdi ayaa waxaa maxkamadda sare faafisay warqad kale oo saxiixan oo muujinaya xeerka ay adeegsadeen, hoos ka eeg:

Guji sawirka korkiisa si aad u aragti qoraalka oo weyn

Dhanka kale warar laga helay baarlamaanka DFKMG ayaa sheegaya in la baajiyey kulankii lagu wadey in uu arbacada qabsoomo si loogu codeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Oct 24: Shiikh Shariif oo Daboolka ka qaadey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si ula kac ah isu hor istaagey Ansaxinta Raiisul Wasaaraha

Oct 24: Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah

Soomaaliya oo Adduunka ka noqotay Dalka Ugu Musuqmaasuqa Badan Adduunka

Warbixin ay soo saartay hay’adda Transparency International ayaa soo saartay warbixintii sannadka 2010 dalka ugu musuqmaasuqa badan dalalkii ay daraasadda ku samaysay oo gaaraya 178 dal, waxaana dalka adduunka ugu Muquqmaasuqa badan uu noqday Soomaaliya. Warbixintaas ka akhri http://www.transparency.org/policy_research/surveys_indices/cpi/2010/results ama http://s.wsj.net/public/resources/documents/st_CORRUPT1026_20101026.html

Corruption survey: Somalia is the worst – CNN

Somalia is viewed as the most corrupt country.

The Corruption Perception Index (CPI) is published annually by Transparency International, a corruption monitoring organization based in Berlin, Germany.

“The surveys and assessments used to compile the index include questions relating to bribery of public officials, kickbacks in public procurement, embezzlement of public funds and questions that probe the strength and effectiveness of public sector anti-corruption efforts,” said a release accompanying the 2010 CPI.

At the bottom of the 178 countries Somalia scored 1.1, just below Afghanistan and Myanmar (1.4) and Iraq (1.5).

Overall, Transparency International says of the survey: “These results indicate a serious corruption problem.

“With governments committing huge sums to tackle the world’s most pressing problems, from the instability of financial markets to climate change and poverty, corruption remains an obstacle to achieving much needed progress.” More

Ethiopia: Donor Aid Supports Repression – Human Rights Watch Report

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Mahiga oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan "

  1. abdirisaq says:

    Waa nasiib darroo in koonfurta Somalia oo looga caal waayey dagaallo aan dhammaad lahayn oo marka koox ama kooxo isku daalaanba kuwo hor lehabuurmayaan oo dagaal hor leh dib u billabayaan. Taas oo adduunki dhan ka yaabisay qof walibana is weydiinayo war waamaxay waxa la isku dilayo marka hore.
    Waa nasiib darro haddana in cid kasta oo madax loo doortaba shaqada ugu horreeysa oo ay qabtaan ay tahay muran iyo khjilaaf dhexdooda ah.Baarlamaanki looga fadhiyo inuu dalka nadaam ku hago oo codkiisa xoogga badan ku meel mariyo nadaamka iyo kala socodsiinta amuuraha dalka ayaaba asna noqday sidi taageerayaashi kooxaha kubbadda cagta ee adduunka oo kale taas oo laba iyo in ka badan oo kooxood inta ay u kala jabaan midba meel yar dastuurka iyo nadaamka qawaaniinta dawladda ka xogxogto sidi lagu sheegi jirey waagi hore marka laba wadaad is qabtaan uu midba dooddiisa qiil uun meel uga dayan jirey diinta.
    mediahii la rabay in ay analysis ama faaqidaado iyo faallooyin cilmi ku dhisan inay arrinta uga sameeyaan ayaga oo soo xiganaya xeel dheerayaal aqoon u leh arrimahan oo kale ayaa ayagina la kal saftey masuuliyiinti sidi hadba ay isugu hayb dhaw yihiin ama ugu kala dhaw yihiin rayiga xildhibaan ay isku haybta yihiin kan webka ama joornaalka iska leh.
    Umaddii somaliyeedna waxaad mooddaa sidi xoolo beer daaqay oo gebogebo laga ooday saldhigga booliska hortiisa oo cid daaq geeyneysa ama biyo siinaysa jirin.hadba qofki soo ag mara u guuxa indhaha oo ilmo ka da’aysana lasii raaca oo sii jalleeca ayaga oo ka quud darreynaya inuu ka kaxeeyo cadceedda harraka iyo gaajada meesha ku heshay oo aysan garanayn waxa loogu galay.
    Maanta haddii madaxdi Somalia ay sharaf moodeen sidi laba hablood oo isu mseersan in maalin walba afdi ajnabi ah oo la rabay waxa ay dalka u imanayaa inay ahaato ka wada hadlidda mashaariic horumarineed,caafimaad, ganacsi iyo deeq ama deyn laba dal ka dhaxaysa ama dalkeenna iyo hayadaha caalamiga ee addunka ka dhexeeya.in maalin walba madaxdeenni wafdi dhexdhexxaadinaya ayaa dayaar xamar ku yimid ilaa maalinki cali mahdi iyo caydiid is qabteen ilaa maanta.oo marar xataa la yiraa dawl;ad hebla iska xaadiriya goaan ha idinka gaartee cidda qaldan iyo cidda shaqada ka tegeysa.
    Ha ogadaan madaxda iyo umadda Somaliyeed mar walba oo calooshaada iyo qiimahaada lasii ogaadaba in talaadaadi farahaaga kasii baxayso oo aad qiimo beeleyso.Marka qiimahaadu dhacana waa lagaa tashan oo caalmku cid kale oo uu aamini karo ayuu kaa raadsan.ama dalkaagunba wuxuu noqon meel aan dawladu ka jirin dawlado kalena ay hunguriyeeyeyaan marka aad ku dooddo dalkeygi waa lasoo farageliyeyna addumku kuugu jawaabo dal ma lihid amna maamuli kartide naga hor dhaqaaq.

  2. Osman says:

    Maxkamd sareey adigana yaa dacwad ku horgeeyey oo shaqo kuu dirsadey.Yaab badanaa meeshaan waddan wax shaqo u wada dirsado waayay ahaa!!
    Guddomiyayaasha Baarlamaanka adduunka ma horboodaan siyaasadda mana qaylqayliyaan cidna lama murmaan ee maqaam sharaf leh aya kursigooda ugu fadhiyaan sida garsooraha ayana baarlamaanka si dhex ah ugu kala qaybiyaan doodaha,dhinacna lama saftaan rayigoodana kuma daraan mana dhaliilaan cidna ee wixi aqlabiyadda baarlamaanku isku raaco umbay go’aamiyaan. Guddomiye dhahaayo waxaas ma yeeleyno iyo waxaasaan yeeleynaa Somali umbaan ku aragnay.
    Maxkamd ayadoon dacwo loo geysan fatwo soo tuureysana Somalia leen ku aragnay.
    Madaxweyne xildhuibaanno madaxtooyo ku shirsanaaya aan ahayn kuwi xisbigiisa ahaa oo qaar kalena aan u yeereyn ama weydiinayn waxa ay uga maqanyihiin somalia ayaan ku aragnay.
    Munishiibbiyo mindiyo wadato oo habeenki usha u gilgilaysa xildhibaannadana waa la shegaaya taas laakiin aniga ma ogeyn suuqa umaban ka maqlnay been inay tahayna waa dhici kartaa.
    Haddan sii joogno wax badan oo kale waa la arki donaa waxaan u malayn maalinka dambe political Science-ka jaamacadaha addunka in lagu soo dari maaddo la dhaho Somali politics oo unique addunka ka ah ayaan u malayn.Nasa’lillaahal caafiyah wassalaamah.