Home » Warar »

Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah

  • “codaynta kalsoonisiinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacantaag sida uu qabo xeerhoosaadka oo qeexaya in kalsoonisinta wasiirka koowaad ay tahay qarsoodi..”
  • “Baarlamaanku ayaa leh awooda doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kalsoonisiinta wasiirka koowaad iyo golihiisa iyo kalanoqoshada intaba.” sidaas waxaa ku jawaabey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG

Kaddib markii uu madaxweynaha DFKMG soo saaray warsaxaafadeed (Oct 24) oo Daboolka ka qaadey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si ula kac ah isu hor istaagey Ansaxinta Raiisul Wasaaraha magacaaban, ayaa Shariif Xasan waxa uu (Oct 24) soo saaray warsaxaafadeed arrintaas jawaab u ah.

Shariif Xasan oo toos ula hadlayey Shiikh Shariif waxa uu yiri: ” waxaan si xushmad leh uga codsanayaa in uu baarlamaanka uga haro waajibaadka dastuuriga ah ee kalsooni siinta ra’isal wasaaraha waana in uu baarlamaanka ka daayaa cadaadiska iyo faragelinta si uu xaqiisa dimoqraadiga ah u fuliyo”.

Waxa kale oo Shariif Xasan uu faahfaahin ka bixiyey xeerka uu ku shaqeeyo baarlamaanku iyo nidaamka codbixinta iyo xeer hoosaadka baarlamaanka. Waxana uu “xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ka soo qaybgalaan kulanka baarlamaanka ee kalsooni siinta ra’isal wasaaraha magacaaban arbacada 27/10/2010”. Waxaana warsaxaafadeedka uu saaray Shariif Xasan u qornaa sidan:

Warsaxaafadeedka Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG:

***

Warsaxaaddeed: Ujeedo: Cadayn sharci

Sida ku cad warsaxaafaddeedkii kazoo baxay xafiiska Madaxweynaha 24kii October 2010 in Baarlamaanku uu leeyahay awood ansixinta iyo diidmada ra’isal wasaaraa magacaaban. Waxaan halkan ku cadaynayaa in dhowrista shuruucda dalka u taala ay tahay waajibka muqadas ah oo ka wayn rabitaan iyo ujeeddooyin gaar ah . Masdarka ama isha koowaad ee sharciga DFKMG ah ku howlgalayso marxaladda kumeelgaarka ah waa Axdiga KMG ah, Xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo shuruucda kale ee dalka wixii intaa kazoo hara ee uu dastuurkii liixdankii ku jiro waa masdarka ama isha labaad.

Waxaan mugdi ku jirin sida ku cad Axdiga KMG ah qodobkiisa 33aad in Baarlamaanku uu leeyahay awooda doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kalsoonisiinta wasiirka koowaad iyo golihiisa iyo kalanoqoshada intaba, waxaa sidoo kale islaqodobkaas farqaddiisa 1aad xaafka (F) ku cad in waajibaadka Baarlamaanka ay ka mid tahay dejinta xeerhoosaadka, kaasoo qeexaya howlsocodsiinta Baarlamaanka oo ay ka mid tahay tafaasiisha doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kalsooni siinta wasiirka koowaad iyo golihiisa wasiirada iyo kala noqoshada intaba waxaa sidoo kale isla qodobkaas farqaddiisa 1aad xarafka (F) ku cad in waajibaadka Baarlamaanka ay ka mid tahay dejinta xeer hoosaadka, kaasoo qeexaya hawlsocodsiinta baaramaanka oo ay ka mid tahay tafaasiisha doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kalsooni siinta iyo ka qaadka wasiirka koowaad iyo xukuumada. Taasi waxay tilmaan cad u tahay in xeer hoosaadku uu dhamaystir iyo fasiraad u yahay Axdiga KMG ah oo ah isha koowaad sharciga xiliga ku meelgaarka ah.

Sidaas darteed Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo cuskanaya qodobka 49-aad farqadiisa 1-aad ee axdiga qaranka oo lala aqrinayo qodobka 40-aad farqaddiisa 33-aad ee xeerhoosaadka Baarlamaanka, kaasoo dhigaya in hadii codayn gacantaag ah ay 13 xildhibaan ama ka badan dalbadaan in qarsoodi laga dhigo mudnaantana la siiyo codaynta qarsoodiga ah, laakiin codaynta qarsoodida lagama dhigi karo gacantaag, hadaba codaynta kasoonisiinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacantaag sida uu qabo qodobka 34-aad ee xeerhoosaadka kaasoo qeexaya in kalsoonisinta wasiirka koowaad ay tahay qarsoodi wuxuuna u qoran yahay sidatan:

“Xukuumadda oo ka kooban wasiirka 1aad, ku xigeenaddiisa, wasiiradda, ku xigeenaddooda, Barnaamijka ay ku shaqeyn doonto oo qoraal ah iyo qaabdhismeedkeeda, waa in la horkeenaa golaha wasiirada, lana waydiisto codka kalsoonida ah (30) cisho gudahood, laga bilaabo maalinta la magacaabowasiirka koowaad, Golaha Baarlamaanku wuxuu go’aankiisa ah kalsooni siinta xukuumada ku meelmarinayaa codayn qarsoodi ah iyo aqlabiyad haldheeri ah tiradda xubnaha Golaha iyadoo laga reebayo tiradda kuraasta banana”

qodobka 40aad ee xeerhoosaadka kuma saabsana hindise sharciyeedka sida ku cad warsaxaafaddeedka madaxweynaha ee wuxuu ka hadlayaa sida uu cinwaankiisu ahay “noocyadda codaynta” isagoo u qaybiyey codayn gacantaag ah iyo mid qarsoodi ah waxaa wax laga xumaado ah in madaxweynaha oo sharci dhowra ah uu codaynta gacantaaga ah amro in la hirgeliyo halka uu codaynta qarsoodiga ah ee sharciga ah amray in la joojiyo, taasoo faragalelin qaawan ee hawlaha baarlamaanka iyo hamsami u socodkiisa Axdiga qaranka xeerhoosaadka iyo shuruucda dalkaba waxay ka midaysan yihiin in xildhibaanka xoriyadiisa la dhowro kuna codeeyo xaalad caddaadis iyo cabsiin ka maran, taasina ma suuroobikarto hadii uusan codkiisa qarsoodi noqon.

Sida ku cad qoraalka kazoo baxay xafiiska madaxweynaha in golaha baarlamaanku codka uu kalsoonida ku siinayo ama ugu diidayo wasiirka koowad uu yahay haldheeri tiradda xubnaha xaadikrka ah, waxaa madaxweynaha xusuusinayaa in arrintaasi jebinaysi qodobka 51aad farqaddiisa koowaad ee Axdiga qaranka iyo qodobka 34aad farqadiisa koowaad ee xeerhoosaadka kuwaasoo si cad u qeexan in kalsooni siinta iyo kala noqoshada wasiirka koowaad iyo xukuumadda ay tahay 50+1 tirada guud ee baarlamaanka wuxuu sidoo kale jebinayaa qodobka 39aad ee Axdiga qaranka farqaddiisa labaad kaasoo cadaynaya in madaxweynuhu awoodiisa u guto si waafaqsan axdiga iyo shuruucda dalka.

Madaxweynaha wuu gutay xilkiisi magacaabista ra’isal wasaaraha waxaan si xushmad leh uga codsanayaa in uu baarlamaanka uga haro waajibaadka dastuuriga ah ee kalsooni siinta ra’isal wasaaraha waana in uu baarlamaanka ka daayaa cadaadiska iyo faragelinta si uu xaqiisa dimoqraadiga ah u fuliyo waxaa kaloo ka codsanayaa in uu ilaaliyo midnimada iyo wada shaqaynta hay’addaha dowladda ee haatan ka soo baxay khilaafka waa in aan tixgelinaa baahida shacabka iyo baaqa beesha caalamka ee sida isdaba jooga ah u dalbanaya wadajirka iyo wada shaqaynta hay’addaha dastuuriga ah waxaan dhinacayga, anigoo ku hadlaya magaca Baarlamaanka balanqaadayaa wadashaqaynta iyo wadajirka hay’addaha dowliga ah.

Waxaan beesha caalamka sida UN-ka, AU, IGAD, LAS,OIC, EU, and US yo dhamaan dowladdaha saaxiibka la ah Soomaaliya ka codsanayaa in ay gacan ka gaystaan xalinta qalalaasha siyaasadeed eee taagan kaasoo dhaawici kara jiritaanka hay’addaha dastuuriga ah ee (TFI).

Gabagabadii waxaa dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ka soo qaybgalaan kulanka baarlamaanka ee kalsooni siinta ra’isal wasaaraha magacaaban arbacada 27/10/2010 waxaan AMISOM ka codsanaynaa in ay amniga adkeeyaan, maadaama ay soo baxeen warar iskhilaafsan oo dhiilo xambaarsan kuwaasoo abuuri kara khalkhal iyo qalalaaso, sidoo kale waxaa beesha caalamka ugu baaqayaa in ay nagu gacan siiyaan nabadgelyada iyo habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka soona diraan goobjoogayaal xaqiijiya natiijada kalsooni siinta ra’isal wasaaraha magacaaban.

Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka

###

AKHRI: Shiikh Shariif oo Daboolka ka qaadey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si ula kac ah isu hor istaagey Ansaxinta Raiisul Wasaaraha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah "

  1. cabdiqadir says:

    Waxaa codka qarsoodiga ah codsaday 13 xildhibaan. Axdigii 60kii, kan kumeelgaarka ah iyo xeer hoosaadka iskuma qilaafsana oo si cad oo isku mid ah ayeey u qeexayan. ulajeedadeedu tahay ineysan dhicin caga jugleyn iyo cabsi galin ku aadan xildhibaanada codeynaya. Shariif xasan mida uu diidan yahay waxay tahay hadii codeynta sirta ah ladiido hada sidaas ayey kusharciyobeysaa iyadoo lasoo xigan doono (khilaafka hada jira iyo xalkiisa) haduu muran kanoo kale ah yimaado mustaqbalka. intaa waa hadii meesha conspiracy theory laga saaro oo iska hor imaadku uu dhab yahay.

  2. abdirisaq says:

    Waxba yaan lagu marmarsoon sharcigaan iyo xeer hoosaadkaan iwm.
    Waa ognahay dalkaan meel baa loo wadaa waana inuu gumaysi gacan u galo tartiib tartiib aan la fahmi karin ayaana hawshaas u socotaa ninki ilaahay cimri siiyana indhihiisa oo shan ayuu taas arki doonaa illah oo asagu noo gargaara ma ahee.
    inta hawshaas ayada ah si buuxda usoo afjarmaysana wax kasta oo luggooyo ah waa arki doontaan.
    bal ilaah baan idinku dhaarshaye baarlamaanki ayaa ku kala dareerey oo albaabka la isugu dhuftey sababna waa ayagi oo kala garan la’ sidey u codeyn lahayeen.hadday kala garan la’yihiin sidi ay u codayn lahaayeen bal ansixin iyo diidmo halkeeda ha joogtee, meesha shaqada kale ee ay mushaar ku qaataan maxay tahay?maxayse umadda 500 ayagoo dhan ugu fafadhiyaan meesha.
    Suaash labaad waxa weeye sidey ku ansxieen xeer hoosaadka oranaya haddi laba mooshin isla yimaadaan waxaa mudnaanta leh kan sirta ah ayagoo og haddana in axdoga kumeel gaarka ah ay ugu qorantaahay wixi axdiga laga waayo hallo doonto dastuurki lixdanki.haddana ay xeer hoosaadka baarlamaanku ku qorantahay xer hoosaad kasta oo ka hor imaanaya axdiga kumeel gaarka ah sharci ma aha.
    marki ay ansixinayeen xeer hoosaadkaan miyeysan isla akhriyin qodob axdiga ee dhahaya haddi axdiga laga waayo dastuurki lixdanki hallaga raadiyo oo macnaheedu yahay axdiga inuu qabo wixi aan saga ku qornayn ee laga helo dastuurki lixdanki inuu yahay axdiga ku meel gaarka waxa uu qabo kaas oo u qoran in codaynra raiisulwasaaruhu noqonayso gacantaag. haddi axdiga kumeel gaarka iyo xeer hoosaad ay iska horyimadaanna uu axdiga ku meel gaarka sareeyo oo la raacayo.
    sidee haddaba ay ku ansixieen xeer hoosaadkaan.
    Haddise baarlamaanki arkaan in khilaaf badan meeshi soo galay oo wax la isku qalday.
    maxaa diiday in la yiraa war labada qaab codbixin midna xeer hoosaadka ayaa noo faahfaahiyey midna axdiga ayaa noo tilmaamy marjaca aan ula noqonayno ee haddiba aan isku qabsannay oo khilaaf nagu keeneyso inta aan ka saxaynno arrinta oo meel isugu keeneyno shaqadeenna yaysan naga xayirin annagana buuq nagu abburin ee inta gacantaag qabtana gacanta taaga inta sir qabtana gacan taaga oo markiba la arko meesha loo bato taasna lagu guddomiyo in la fuliyo wixi middas kasoo baxana la ansixiyo.
    Baarlamaan iyo guddomiyiihs intaas sameyn waayay oo madaxa maalin walba wax kasta isu suraya waa caddahay inuu hodhac ama ceelalayo u yahay shisheeye gumaysi lasoo kutubaya.inta agabki iyo qaabki gumaysi aan u geli lahayn laga soo dhammaystiranayanayana heelley iyo ruwaayado noocaan oo kale ah oo addunka iyo umadda somaliyeedba looga niyad jebinayo inaan dawlad noqon karno oo aan nadaam iyo kala dambeyn la imaan karno yaa meesha kasii socon doonta ee umadda Somaliyered haku baraarugto arrinkaas.

  3. Xassan Yare says:

    Waxaay wadaan waa ruwaayad aan dhamaad lahayn, waxaayna rabaan dadka in aay ka dhaadhiciyaan in aay isqabteen si loogu kala safto oo mashquul loo noqdo. Bal waxaan sugnaba waa ruwaayada dhamaadkeeda.

  4. ArlaadiMan says:

    Muranku ma ahan cod qaadis, gac taag, sir, iyo qol madow toona, waa mid sharciga isku haayaan. Raisal wasaare shaqsiyadiisa dig dig leh side loo ansixiyaa, ma dowladbaa la ansixyaa mise Shaqsi?

    Mida kale hadii sharcigoodu (keyga ma ahan) dhigayo in 13 hadii ay dalbadaan qof mugdi in lagu afuufo, maxaa ku jaban ileyn qofkasta iyaga ka mid ah oo Sh shariif ku jiro waxaasuu ku dhaartey inuu ilaalin doono.

    Somalida waxay caado ka dhigteen in nidaamkii wax loo wado qabill iyo shaqsi jecleysi subag ahaan loo marsado.

  5. Cumar says:

    Asc,
    Wali dad baan waaguba u baryin, halka aan joogna waa “dilemma” Sow tii sharci kastaba sida la doono loogu tuntay. yaa laga qoslinaya !!.. kaba darane kuwan kadaata ee is-haya badankooda waa cadaawe qaran aan naxdin lagu arag. (maalmaha isdaba joog maxay noo maraayaan minguurshuhu muxuu khalad madoobaad u qorayaa). Caalamka horumar buu seken walbaa ku tallaabsan innaganu se dibudhac. Haddana waa tan “Ninba waa markiisee muska laysla koray..
    Ninka laysku hayo ansixintiisa xaydxeydashadiisa horeba wuxuu yiri ” haddii ay mucaaradka hubeysan nala heshiin waayaan markaa waan un dagaal”. Sidaa darteed kama duwana kuwii hore ee DALKA iyo DADKA halakeeyay (ku kastoo hub adeegsada). Balse biquratil Jabbaar way iman kuwa na badbaadiya noo tura noo damqada quluubta mideeya, nafta iyo maalka badan ee ku baxaya colaadaha noogu beddela dhalinta nabad aan dhiig ku daadan inshaa Allaah.

  6. WAAYAAB IYO YAAB IYO YAABKA YAABKIISA.

    DAWADII HADAY BUKOOTO MAXAA LAGU DAWEEYAA,DABKII HADUU DHAXAMOODO MAXAA LAGU DIIRIYAA!

    GALBATAYE ALLOW KUU GARGAAR,HA LOO CODEEYO IN DALKA LA SIIYO DOWLADAHA JAARKA AH WAAYO IDINKU WAX WAAD SAMEEN WAYDEEN EE WAXAAD NOQOTAAN SHAQAALAHA DOWLADAHA INDAN MAAMULA AMA SIIYA TALADA GARDHEERAYAASHA LABADAAS UUN BAA IDIIN FURAN IN AAD YEESHAAN WAAYO SHACABKI WAAD HOR ISTAAGTEEN UMANA TURAYSAAN EE DHUUNIGIINA AYAAD U SHAQAYSAAN DALIILNA WAXAA U AH SIDA AAD U DHAQMAYSAAN TANIYO INTA LA SOO DHISAY DOWLADDA QABQABLAYAASHA EE KU SALAYSAN 4.5KA.
    TALADA SHACABKA WAA IN AAD IS WADA CASISHAAN DHAMAANTIIN OO GOBOL WALIBA DOWLAD GAAR AH SAMAYSTO OO AY HALKAA FEDERAAL SAMAYSTAAN INTA IS FAHMAYSA OO IS MAQLAYSA OO IS AAMINSAN SIDAAS AYAYNA KU DANBAYNAYSAA
    EE SHACABKA HA KA DHUMININA WAQTIGA.
    WADANI.

  7. samatar says:

    madaxweynaha iyo raisalwasaraha magacaban hadeeysan kalsooni isku qabin maxeey u diidayaan in loogu codeeyo raisalwasaraha si sir ah , mise lacag baalaga cunoo in meel cidla la direey ka baqayaan oo waxeey raban in lacagtoodi shqeysay o ay arkaan nimankey lacagta siyeen oo gacmaha tagaya

  8. Magan says:

    Waqtigaan oo kale in boorka la is ku qariyo looma baahna waxaa meesha yaala sidii dalka iyo shacabka loo badbaadin lahaa ninkasta oo dawlada ku jirana masuuliyad ayaa ka saaran . maaha somaliya inay hostage u ahaato koox og ujeedada ay leeyihiin iyagoo iska dhigaaya inay wadanka badbaadinaayaan . Maanta oo kale ma aha in arimahaan oo kale ay sii jiitamaan waxaa muhiim ah sida ugu dhakhsaha badan in Raisalwasaaraha codka loo siiyo. muhiimadda waa in la ogolaado ama la diido .laakiin in arintu meelo kale sii gasho maahan.badbaadinta dalka iyo dadka waa in tanaasulaadbadan loo sameeyaa

  9. Osman says:

    waxa yaab ah shir caadi ah oo baaramaanku ugu codeynayo meel marinta goaanki xukuumada ee magacaabidda raiisulwsaaraha waa yaabe maxaa ka galay beel caalam.
    Dalkaan ihaano ayaa ku dhacday inta imaan la’aanta la isla garab ordayana meel waxba nooma gaarayaan.
    hardi waxaa ah in cod loo qaado raiisulwasaaraha. oo aan la meermeerin arrinta.in gacan taag laga dhigo iyo in qarsoodi laga dhigana ma aha muhiim.waxaa muhiim ah in kooromku buuxo in xildhibaan kasta xor u dhiibto codkiisa iyo in codadki xildhibaannadu siday ahaayeen loo tiriyo oo aan buuq iyo carqaladayn iyo sababo kale oo wax is daba marin keeni kara lagu qarin.
    Haddaba labada dhinac ee isku haya sir iyo caddaan waxan ka codsan lahaa in aan la isku mashquulin arrinta ee laga abbaro in codka la bixiyo.
    Xamaasad in arrin kasta lagu dheeho ama la siyaasadeeyo ma aha xaqa umadda Somaliyeed ay u leedahay in loo shaqeeyo ayaa muhiim ah.
    Sir haddii uu ku adkaystey guddoomiyaha halla guriyo laakiin halloo diido cidna inay u adeegsato arrinkaas in buuq lagu dhaliyo iyo khilaaf ama wax la is daba mariyo inta caro la abuuro oo la kal dareero kaddibna gadaal wax la is daba mariyo sidaasna loogu dhawaaqo natiijo aan loo dhamamayn oo khilaaf ba’an iyo buuq aan dhammanayn dawladda kusii tuuraya.
    Waxaan qabaa in gacantaag iyo sir ki la dhahaba laga wada qayb qaato oo la illaiyo natiijadi saxa ahayd in la gaaro oo caddaladda ahayd.wasiiladu muhiim ma aha ee danta saxa ah ee la leeyahay in la gaaro ayaa muhiim ah taas oo ah in raiisulwasaaruhu helo ama waayo kalsoonida aqlibyadda baarlamaanka oo sax ah oo aan la qaldin, si kasta oo taas lagu gaari karana loo wada istaago oo aan lagu gudbin muran iyo siyaasado kale oo aan shaqo ku lahayn arrinta.Shacabka Somaliyeed haddu baarlamaanka ka waayo shaqadaas oo xalaal ah waxa uu xaq u leeyahay inuu muujiyo in baarlamaanku yahay hayad fadhiid ah oo aan shaqo u ahayn shacabka Somaliyeed aqoonna u lahayn mareeynta xallinta khilaafaadla dhexdooda ah lana degay wax qabadki umadda taas oo keeni karta in laga tashada sii jiritaankiisa nooca uu hadda yahay.