Home » Warar »

Ciidamada Amisom oo kala eryey Xildhibaano ku shiri lahaa Golaha Shacabka kuwaas oo la sheegey in ay Mooshin ka keeneen…

Iyadoo Arbacadii lagu wadey in Golaha Shacabka kulan ku yeeshaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka kuwaas oo la sheegey in ay ka doodi lahaayeen Khilaaf mar kale soo kala dhexgaley Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,  waxaana lagu waramey in xildhibaanadaan ay ahaayeen kuwo taageersan Madaxweynaha DFKMG, waxayna Mooshin ka dhan ah ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ka dib markii ay ku eedeeyeen in dhowr jeer uu horistaag ku sameeyey Howlahii Baarlamaanka isla markaa uu Caqabad uu ku yahay soo magacaabista Golaha Wasiirada.

Xildhibaanadaan oo tiradooda gaareysey ilaa 120 xildhibaan ayaa markii ay ku soo urureen Xarunta Golaha Shacabka waxaa Ciidamada Amisom ku amreen in ay meesha isaga baxaan taasoo layaab ku noqotey Xildhibaanadii halkaa isugu yimid hase yeeshee markii ay ka dhaga adeygeen amarkii Ciidamada Amisom ayaa waxaa lagula dhaqaaqey in xoog meesha looga saaro.

Waxaa la arkayey Ciidamada Amisom oo jiid jiidaya Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkoodna loo hanjabayo , sidoo kale waxaa la arkayey Qaar ka mid ah xildhibaanada oo ku dhacay Silig ay dhigeen Ciidamada Amisom waxaana la sheegey in qaar ka mid ah xildhibaanada uu Siligaa uu ka soo gaarey Dhaawacyo Fudfudud.

Xildhibaan Aadan Cabdulle Diiriye oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegey in Ciidamada Amisom ay Xadgudubyo u geysteen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka sidoo kale wuxuu sheegey in Ciidamada Amisom ay soomaaliya ku yimaadeen Ogolaanshaha Xildhibaanada Baarlamaanka wuxuu sii raaciyey”Ciidamada Amisom waxaa loo keeney in ay ilaaliyaan Nabadgelyada Masuuliyiinta Dowlada iyo Xarumaha Dowlada marka mahayn in soo faragashadaan Howlaha gaarka u ah Golaha Baarlamaanka”wuxuu sii daba dhigey”Hadii laba xildhibaan ku shirayaan Xarunta Golaha Shacabka ma soo faragashan karaan Ciidamada Amisom oo xitaa ma weydiin karaan Waxa ay halkaan u yimaadeen marka Ciidamada Amisom waxay gacanta la galeen Wax aan Howshooda ahayn.

Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Nuur oo isna kula hadlayey Afaafka hore ee Baarlamaanka ka dib markii Ciidamada Amisom xoog uga soo saareen Hoolkii ay ku shiri lahaayeen Bahda Warbaahinta ayaa sheegey in Ciidamada Amisom ay si Xurmodarro ah uga soo saareen Xarunta Golaha Shacabka Xildhabaano ka tirsan Baarlamaanka halkaa oo ay ku lahaayeen Shir ay uga hadlayeen Gudoomiyaha Baarlamaan oo uu sheegey in uu fara maroorsadey Awoodii Baarlamanka islamarkaan uu yahay shaqsi hortaagan in la soo magacaabo Golaha Wasiirada ee Xukuumada Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu si bareer uu isu horistaagey ilaa 25 Kalfadhi oo uu Baarlamaanka uu yeelan lahaa wuxuu sheegey in Ciidamada Amisom ay dalka ku joogaan ogolaanshaha Baarlamaanka ma ahayn in ay wax aan Howshooda ahayn ay la yimaadeen waxaana uu sheegey in dalka loo keeney in ay Ilaaliyaan Madaxda Dowlada iyo Xarumaha Dowlada.

Shiikh Saciid Cali oo ka mid ah Duqeyda Soomaaliyeed ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay in Ciidamada Amisom sidaa ay u galaan Xildhibaanada Baarlamaanka maadaaama marnaba ay ka damqan waayeen Shacabkooda la Xasuuqayo wuxuu sii raaciyey “Wax aan sidaa u weyneyn Baad ka qayla dhaamiseen maalin weliba waxaad goobjoog u tihiin dadkiina oo la gumaadayo marnaba ma aydaan ka damqan marka waa idiin ku fiicneyd in sidaa la idiin galo” wuxuu intaa ku darey “waxaa idiin soo jeedin lahaa in aad iska kala tagtaan inta ay goori goor tahay inta wax intaa ka weyn idiin geysan lahaayeen Ciidamada Amisom”.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegey in ay wateen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka hase yeeshee Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegey in ay in Teleefonka ku Hadley Taliyaha Ciidamada Amisom wuxuuna ku wergeliyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo kala eryo Xildhibaanada taasi waxay keentey in Ciidamada Amisom ay kala eryaan Xildhibaanadii Baarlamaanka, waxaana warar hoose oo aan helney ay sheegayaan in Madaxweyne Shiikh Shariif uu aad uga Caroodey falka ay kula kaceen Ciidamada Amisom Xildhibaanada Baarlamaanka isagoo laga soo xigtey in uu sheegey in ay ku ku xadgudbeen Dastuurka Dalka iyo Xoriyada kalfadhiyada Baarlamaanka.

Waxaa halkaan kaaga muuqanaya in mar kale uu soo laba kacleeyey Khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Shariif Xasan Shiikh Aadan kaasoo ku aadan qaabka qaybsiga Golaha Wasiirada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidamada Amisom oo kala eryey Xildhibaano ku shiri lahaa Golaha Shacabka kuwaas oo la sheegey in ay Mooshin ka keeneen… "

  1. naasir says:

    aaad iyo aad baan u soo dhawaynaa sida loo galay baaarlamaaka soomaliya walaahi waana ku faraxsanahay sababtoo ah dad dadkooda maali kasta la laynaayo oo xabad ku socoto oona ka naxaynin waa dad cayn kee ah?yaa yaab walaahi waxaad sheegaysaan xoog baa loo soo saaraye waxaan kaga faraxsanaan lahaa in ay wada toogtaan shayaadiinta wada caloosha weyn.

  2. Magan says:

    Alla calool xumo waynaa Sharaftii iyo karaamadii somali dhimatay halkan waxaad arkaysaa niman somali ah oo gabdhihii yaryaraa ee somalida ahaa meeshii ay badbaadin lahaa yeen iibinaaya , halkaan kale waxaad arkaysaa masuuliyiintii somaliyeed oo askari ajnabi somaliya ku ah uu dhulka ku jiidaayo, alla calool xumo waynaa halkaan waxaad arkaysaa hooyaddii iyo caruurtii la qixiyay oo gaajo iyo haraad meel walba ugu dhimanaaya.alla callol xumo waynaa halkaan kale waxaad ar kaysaa waayeelkii iyo dhaawicii oo meel walba ku dayacan.alla labada shariif goormay hurdada ka ka caayaan ilayn dhibaatadaan oo dhan inay wax ka qabtaan ayaa la doonayaa. ilayn nin waxaan oo hawl ah ay u taalo maaha inuu sadexda waqti xataa wax cuno iska daa inuu masaa kiinta afkooda wax kala baxo.