Home » Warar »

Wasiir-xigeenkii labaad ee Golaha Wasiiradii uu Magacaabey Raiisul Wasaaraha DFKMG oo is ka Casiley Xilkii

“Waxaa laga baxay heshiiskii Jabuuti iyo kii Mpaagathi, sidaas daraadeed waan is casilay….” Faysal Cumar Guuleed —

Markii uu Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu balaariyey Golahiisa Wasirada isla markaana u ku kordhiyey 9 Sagaal Wasiiru Dowlo iyo 18 Wasiir ku xigeen ayaa waxaa isa soo taraya Mucaaradada looga soo horjeeda Dhismaha Dowladda Cusub.

Waxaa Axad Nov 21  shir Jaraaid qabtey Mid ka mid ah Wasiir ku xigeenadii uu magacabey Raisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna daboolka ka qaadey in uu iska casiley Xilkii Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Waxbarashada Faysal Cumar Guuleed.

Qayb kamid ah shirka jaraa’id Halkan ka dhegeyso

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/guuleed2.mp3]

Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa Sababaha uu isku Casiley ku sheegey In Dowladda lagu Saleyn xeerka 4.5 islamarkaana la hareer Marey Dastuurkii u yaaley Dowladda Federaalka isla markaana wuxuu sheegey in uusan u qalmin Jagadaa loo magacaabey.

Waa wasiir xigeenkii labaad ee iska casila golaha wasiirada ee la soo magacaabay. November 19, 2010 waxaa is casiley Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo markii uu is casilayey yiri: “Raiisul Wasaaraha Wuxuu noo sheegey in Dowlada la soo koobayo lagana dhigayo 18 Wasiir maanta arrinkaa waa lagu xadgudbey oo wasiiradii waxay noqdeen 40 Wasiir waxayna ka badan yihiin Dowladii Cumar Cabdirshiid oo iyadu ahayd 39 Wasiir “

Golaha Baarlamanka ayaa badankoodu sheegey in ay ka soo horjeedaan Qaabkii lagu soo dhisey Dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in Xubnaha Baarlamaanka isugu Yimaadaan kalfadhi looga hadlayo kalsooni siinta Dowladda Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

240 Xildhibaan oo ku shirey Magaalada Muqdisho Maalintii Khamiista ahayd ayaa sheegey in Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku xadgudbey Xeerkii 4.5-ka isla markaa waxay sheegeen in Dowlada uu soo magacaabey Raiisul Wasaaraha ay ku sugayaan Golaha baarlamaanka si Codka Kalsoonida loogu weydiiyo hase yeeshee Kulumo Badan oo ay isugu yimaadeen Bulshada Rayidka ayaa ugu baaqey Xubnaha Baarlamaanka in ay Isbaarada ka qaadaan Dowlada Farmaajo

Hadaba is Casilaada Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Faysal Cumar Guuleed ayaa waxay Caqabad ku noqon doontaa Dowlada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka dib markii uu doraad uu sheegey in Boqolka maalmood ee ugu horeeya Dowladiisa ay wax ka qaban doonto Dhinaca Amaanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaa

no katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 2010 ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISOM waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo d

oonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaan oo kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

November 18, 2010 ayaa farmaajo waxa uu golahiisa wasiirada ku soo kordhiyey 9 wasiiro dawlo, waxana sidoo kale uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen. Waxaa arrintaas garab socdey xildhibaano gaarayey 240 xildhibaan oo Nov 18 kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in  ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ku xadgudbey nidaamkii 4.5 ayna xukuumadda ku sugayaan baarlamaanka marka ay kalsooni soo weydiisato.

November 19, 2010 waxaa is casiley Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isagoo sheegay in DFKMG ay hareer martay nidaamkii u dhignaa.

November 20, 2010 Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa 316 xildhibaanada oo ku shirayey Muqdisho waxa uu u sheegay waxa ay qaban doonto xukuumaddiisu, gaar ahaana in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan.

November 21, 2010 waxaa xilkii wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare iska casilay Faysal Cumar Guuleed, asagoo arrintaas sabab uga dhigay in la jebiyey heshiiskii Jabuuti iyo Mpathi ee ay ku dhisnayd DFKMG.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.