Home » Warar »

Shariif oo Warqaddii Diidmada Xilli kororsiga Dib ugu Celiyey Shariif

Go’aankii kororsiga xilliga xukuumadda FKMG oo noqday isku tuurtuur, majaajillo iyo maaweelo… Shacaabka Soomaaliyeedna ay ku wareersan yihiin sida arrinta loo maareeyey…

Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan ayaa Jimcadii Feb 25 sheegay in uu dib ugu celiyey warqaddii uu madaxweynaha DFKMG u soo qoray baarlamaanka ee ku saabsanayn kordhinta waqtiga baarlamaanka. Waxaa hadalkaas durbadiiba ka jawaabay Sheikh Shariif oo sheegay in cidda uu warqadda u qoray ay tahay baarlamaanka oo uu weli jawaab ka sugayo.. kaddib waxa Sheikh Shariif la hadlay baarlamaanka oo uu u sheegay in ayaga uu ka sugayo jawaabta, Shariif Xasan ayaa warkiisii ku adkaysan.

Waa hadallo iska hor imanaya oo is khilaafsan, maadaama madaxweynuhu uu diidan yahay jawaabta afhayeenka baarlamaanka oo uu weli jawaab ka sugayo baarlamaanka. Laakiin taasi uguma horayn hadalada la isku tuurtuuray ee ku saabsan waqti kororsiga xukuumadda iyo baarlamaanka DFKMG, aan si kooban u eegno siday ku bilaabatay iyo halka ay marayaan:

  • 30 Jan 2011: IGAD oo soo jeedisey in waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka DFKMG
  • 3 Feb 2011: Baarlamaanka DFKMG oo waqtigii ku darsaday 3 sano
  • 3 Feb 2011: Beesha Caalamka oo ka hor timid waqti kororsiga Baarlamaanka DFKMG
  • 8 Febraayo 2011: Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo oo soo dhaweeyey go’aanka baarlamaanka ee xilli korosiga
  • 13 Feb 2011: Mahiga oo safar degdeg ah ku tegey Muqdisho
  • 14 Feb 2011: Sheikh Shariif oo dalbaday in waqtiga loo kordhiyo Xukuumadda
  • 17 Febraayo 2011: Farmaajo oo warqad taageero xilli kororsiga u diray Shariif Xasan
  • 23 Feb 2011: Sheikh Shariif oo Baarlamaanka dib ugu celiyey waqti kororsigii
  • 25 Feb 2011: Shariif Xasan oo isaguna warqadii dib ugu celiyey Sheikh Shariif
  • 25 Feb 2011: Sheikh Shariif oo jawaabey Sheegayna in uu warqadda u diray Baarlamaanka oo uu weli ka sugayo Jawaabta
  • 26 Febraayo 2011: Golaha Wasiirada DFKMG oo ka hor yimid Go’aankii Shariif uu Baarlamaanka dib uga celiyey warqadii xilli kororsiga…
  • 28 Febraayo 2011: Madaxweynaha DFKMG oo sheegay in guddoonka baarlamaanku aysan xaq u lahayn in ay warqadda ku soo celiyaan
  • 2 March 2011: Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo la Tashi kadib  lasheegay in uu ka Tanaasulay Isjiidjiidkii u Dhexeeyey isaga iyo Shariif Xasan

Faahfaahinta qodobadaas hoos ka akhri:

30 Jan 2011: IGAD oo soo jeedisey in waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka DFKMG

30-kii Janaayo 2011 ayey ahayd markii Ururka IGAD ee ku shiray magaalada Addis Ababa ay soo saareen qoraal ay ku xuseen “in xilliga Dawladda FKMG oo dhammaanayo 20 August 2011 sidaas daraadeed ay ururku isku waafaqsan yihiin in si degdeg ah loogu baahan in waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka ee hadda jira, halka arrimaha kale ee harsan ee siyaasadeed ay xallin doonaan dadka Soomaaliyeed.”

3 Feb 2011: Baarlamaanka DFKMG oo waqtigii ku darsaday 3 sano

Hadalkii IGAD saddex maalmood ka bacdi ayaa 3dii Febraayo 2011 waxaa kulmay 435 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo uu shir Gudoominayey afhayeenka Baarlamaanka Shariif  Xasan Shiikh Aaden, waxayna xildhibaanadu waqtiga isugu kordhiyeen muddo saddex sano ah.

3 Feb 2011: Beesha Caalamka oo ka hor timid waqti kororsiga Baarlamaanka DFKMG

Isla maalintaas, Febraayo 3, 2011, waxaa magaalada Nairobi warsaxaafadeed ka soo saaray Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mahiga, uu ku sheegay in go’aankaas baarlamaanka uu ahaa mid lagu degdegey. Waxaa durbadiiba beesha caalamka ka soo baxay qaylo dhaan iyo walaac ay ka muujiyeen kororsiga baarlamaanka DFKMG uu waqiga ku kororsaday. Waxa ay walaaca ka muujiyeen qodobkii ay 3 maalmood ka hor u ololaynayeen.

8 Febraayo 2011: Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo oo soo dhaweeyey go’aanka baarlamaanka ee xilli korosiga

Shir ay 8dii febraayo 211 yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG oo uu shir-guddoominayey Maxamed C/laahi Farmaayo ayaa go’aankii uu Baarlamaanka FKMG ahi ku kordhistay muddada saddexda sano ah waxay ku tilmaameen goluhu in Baarlamaanku uu u arkay arrin lagama maarmaan ah. Waxa kale oo ay sheegeen “hase ahaatee ay golaha Wasiiradu wadeen qorshe ku aadan arrintaasi.”

13 Feb 2011: Mahiga oo safar degdeg ah ku tegey Muqdisho

Waxaa xigtey in 13kii Febraayo 2011 uu ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mahiga, uu safar aan hore loo sii qorshayn oo degdeg ah ku tegey magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay madaxda ugu saraysa xukuumadda FKMG, taas oo la sheegay in uu kawada hadleen kororsiga waqtiga xukuumadda iyo baarlamaanka DFKMG, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin go’aankii kulankaas ka soo baxay.

14 Feb 2011: Sheikh Shariif oo dalbaday in waqtiga loo kordhiyo Xukuumadda

Maalin kaddib ayaa 14kii Febraayo 2011 waxaa magaalada Muqdisho warsaxaafadeed waxaa akhriyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif uu ku muujinayo in uu doonayo in waqtiga loo kordhiyo DFKMG isagoo sababta ku sheegay “Waxaa lagama maarmaan ah in la helo xilli cusub oo lagu dhamaeystiro hawlaha qabyada ah ee dhexda uga jirto Dawladda KMG”

Halkan ka dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif ee Feb 14, 2011

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kororsi_dalbasho.mp3]

17 Febraayo 2011: Farmaajo oo warqad taageero xilli kororsiga u diray Shariif Xasan

Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa 17kii Febraayo 2011 warqad taageero ahaa go’aankii saddex sano kororsiga waxa uu u diray Guddoomiyaha baarlamaanka…

23 Feb 2011: Sheikh Shariif oo Baarlamaanka dib ugu celiyey waqti kororsigii

Sheekadii oo halkaas maraysa, ayaa waxaa Arbacadii23kii febraayo 2011 markale shir jaraa’id qabtay Sheikh Shariif, waxana uu sheegay in uu dib ugu celiyey baarlamaanka DFKMG Soomaaliya go’aankii ay gaareen ee ku aadanaa in mudo saddex sano ah ku darsadeen mudadoodii kaas oo bilaabanaya 22-ka Bisha Agoosto 2011, isagoo arrintaas sabab uga dhigay in uu ahaa mid aan laga wada tashan iyo in uu ahaa mid lagu deg degey (xusuuso hadalkii Mahiga).

Dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif ee Feb 23, 2011 ee diidmada

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/goaan_cilin_shariif.mp3]

25 Feb 2011: Shariif Xasan oo isaguna warqadii dib ugu celiyey Sheikh Shariif

Waxaa hadalkaas ka jawaabay Shariif Xasan Sheikh Aden, Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG, oo Jimacadii Feb 25, 2011 shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in uu isaguna dib ugu celiyey warqaddii uu baarlamaanka u soo diray madaxweynaha DFKMG.

Shariif Xasan oo qirayey in Sheikh Shariif warqad u soo diray uu dib ugu celiyey waxa uu yiri “Waa jirtaa run weeye in madaxweynuhu warqad soo qoray, aniguna warqad ayaan u qoray taas oo ay tahay baarlamaanka Soomaaliyeed isagaa awood u leh Axdiga in uu wax ka bedelo, qodobka 70aad ayaa siinaya in uu wax ka bedelo, kala bedelo oo isku bedelo.”

Dhegeyso Shariif Xasan oo arrintaas ka hadlayey Feb 25, 2011

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shariifxasan_feb25.mp3]

25 Feb 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu warqadda u diray Baarlamaanka oo uu weli ka sugayo Jawaabta

Sheikh Shariif ayaa isla Jimcadii mar uu shir jaraa’id qabtay waxaa la weyediiyey in warqaddii uu baarlamaanka u diray in guddoomiyaha baarlamaanku uu dib ugu soo celiyey, waxa uu kaga jawaabey “Anigu waxaan wax u qoray baarlamaanka, baarlamaankiina jawaab iguma soo celin, marka jawaabtii ayaan sugayaa.” Hadalkaas oo u muuqda ku gacansayn jawaabta guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG.

Dhegeyso Sheikh Shariif jawaabtiisii Feb 25, 2011

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/sharif_feb2511.mp3]

26 Febraayo 2011: Golaha Wasiirada oo ka horyimid Warqad celintii  Shariif

Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo ayaa Sabtidii Feb 26, 2011 ka hor yimid Go’aankii Shariif uu Baarlamaanka dib uga celiyey warqadii xilli kororsiga, waxayna soo saareen warsaxaafadeed uu kamid ahaa qodobkan:

“Sida ku cad qoraalkii Madaxweynahu ku soo celiyey go’aankii baarlamaanka ee ku aaddanaa qorshaha kala guurka, soo diyaarinta qorshaha siyaasadeed ee marxallada kala guurka waxaa dastuuriyan masuuliyadda iska leh xukuumadda. Sidaas darteed waxaa haboon in hayad waliba ku ekaato awoodeeda dastuuriga ah ixtiraamtana shuruucda dalka.”

Halkan ka dhegeyso Wasiirka Warfaafinta oo akhrinaya Warsaxaafadeedka Feb 26

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/wasiiro_26feb.MP3]

28 Febraayo 2011: Madaxweynaha DFKMG oo sheegay in guddoonka baarlamaanku aysan xaq u lahayn in ay warqadda ku soo celiyaan

Sheikh Shariif ayaa Isniintii 28 Feb 2011 la hadlay xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG una sheegay in guddoonku uusan xaq u lahayn in uu warqadda kusoo celiyo balse ay tahay in baarlamaanku uu go’aankaas gaaro, waxana uu yiri “Xildhabaanada Baarlamaanka laba Dariiqo ayaa u furan oo ah in ay aqbalaan Qoraalkeyga ama diidaan Shariif Xasana Xaq u ma leh in u ka jawaabo Qoraalkeyga”

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Sheikh Shariif (Feb 28, 2011)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shariif28feb11.mp3]

2 March 2011: Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo la Tashi kadib  lasheegay in uu ka Tanaasulay Isjiidjiidkii u Dhexeeyey isaga iyo Shariif Xasan

Hadalada warbaahinta ay sida kulul isugu dhaafsadeen kaddib waxaa soo baxay 2 March 2011 warar sheegaya in Sheikh Shariif tanaasulay…

Waxaa cad in shacaabka Soomaaliyeed ay ku wareersan yihiin sida arrinta loo maareeyey… Arrimahan iska hor imanaya waxay ku soo beegmayaan xilli colaado iyo dagaallo cusub ay ka dhaceen meel badan oo kamid ah Soomaaliya.


  • Soomaaliya, waxaa 20-jirsadey dawlad la’aantii soo bilaabatay 1991, ilaa haddana ma muuqato qaab caqliyaysan oo ay Soomaalidu dhexdooda ka wadaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda, dagaalada iyo dawlad la’aanta. Waxaa taas bedelkeeda ummadda Soomaaliyeed lagu mashquuliyey in ay ayagu dhexdooda isu toora buuxsadaan, ayadoo ay u muuqdaan nin-tooxsi iyo yaan aniga la iiga dambayn, meeshii maslaxad caam ah laga raadin lahaa, la is cafin lahaa, la isu dul qaadan lahaa, wixii maslaxadda caamka ahna laga wada shaqayn lahaa.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shariif oo Warqaddii Diidmada Xilli kororsiga Dib ugu Celiyey Shariif "

  1. garyaqaan says:

    fidnida ugu weyn waa IGAD,ayadaana dhibtaada baaxada weyn ee soomaaliya ka taagan hogaanka u haysa.waxaa marqaati cad u ah ku darsiga ay baarlamanku ku korarsadeen waqtiga.ma hayn qorshe ay wateen baarlamanka soomaliya,laakiin waa fariin la faray inay sidaas yeelaan.mida kale dadka dhahaya baarlamaku lama uusan tashan umada soomaaliyeed iyo aqoon yahan.waxaan oran lahaa dowladaan ma soomaali baa dooratay mise cid kalaa dooratay.? hadaad shacabku doorteena shacabkey la tashan hadii dadkale doorteena hada maskexda difeeto ha iska gaarsiin…..
    Tan kale dadka qaarkiis waxey fiiriyaan waxa taagan ee ma fiiryaan meeshay sartu ka quruntay.2 daan shariif soomaahaan kuwii shalay wadaadada iska dhigaayey oo dhahayey c/laahi iyo ciidankiisa galaada ayey la socdaan ee halugu jihaado.maanta yaa gaaladii la socda? dagaalkiise ma istaagey. Maxaa maalinkasta umad aan waxba galabsan dhiigooda loo daadinayaa. ALLOW ADUUNKA HA NUGU FISHILIN.iga raali noqda hadaan qoraalka dheereyay.
    wasalamu caleykum.

  2. nuuro climi says:

    anigu ma qabo in waxa loo gu yeero gumeysi iyo gumeys kalkal in ay sii joogan waxa ila haboon in ay soomaliy aya tashtan iskan dhaafan beesha caalmaka waayo talo waa tii rabi dadkaa waxa aya ubahaanyihiin dad daacad ah oo dhaxda uxirta 13syl xornimada oo kale ayaa loobahanyahay ee looma bahan dad waxa loomeerinayo marna adaya itoobiya maran aaday keenay waxay ilatahay cilmigu iyo caqligu aya shaqeyna lagan horwareejiyo dadkaan aan damiirta soamaliyeed laheyn oo maqaraka soomli ka ah waa mahadsantiin

  3. Ordaaye says:

    Labada Shariif waxaad moodaa inay u baahnaayeen tababar xagga aqoonta maamulka iyo siyaasadda ah. Ma diidani inay aqoon lahaan karaan laakiin wixii kaa dhiman waa la doontaa.