Home » Warar »

Baarlamaanka DFKMG oo muddo saddex sano ah ku darsaday waqtigiisii

Shariif Xasan oo sheegay in uu isu soo sharaxi doono guddoomiyaha baarlamaanka KMG….

iyo Maqaayadii Xildhibaanada oo mar kale dib u Shidantey

Kalfadhi ay Khamiistii Feb 3, 2011 isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaanka  uuna shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif  Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa looga doodayey hadalkii dhawaan ka soo yeerey Dalalka la isku yiraahdo IGAD  ee ahaa in waqtigaan loo baahan yahay in Waqtiga loo kordhiyo Baarlamaanka waxaana halkaa ka dhacdey dood aad u dheereyd oo ku saabsan  qaabka Baarlamaanka loogu kordhinaayo Xiliga waana markii ugu horeeysey Tiro gaareysa 435 Xildhibaan  ay soo xaadiraan Kulankii maanta

Xildhibaan  Maxamed Nuur Sheegow oo ku hadlayey Magaca Xildhibaanada ayaa sheegey in Xiligaan loo baahan yahay in Baarlamaanka loogu dararo 3 Sadedx Sanno ka bilaabaneysa 22 Ogoosto 2011-ka  ilaa 22 Ogoosto 2014 –ka  isagoo sheegey in Mudadaas loo baahan yahay in la doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenadiisa iyo Madaxweynaha Soomaaliya  waxaana markii uu  arrinkaa ka dhawaajiyey waxaa u dhacay Sacab waayo Xildhibaanada Baarlamaanka waxay si aad ah  u doonayey in xilka loo kordhiyo

Baarlamaanka oo ay fadhiyeen 435 Xildhibaan ayaa arrinka ku kodhinta Mudada uu Baarlamaanka uu shaqeynayo   waxaa loo qaadey Cod Gacan Taag waxaa Ogolaatey in Muddo Sadex Sanno Baarlamaanka loogu Kordhiyo 421 waxaa diidey 11 Xildhibaan waxaa ka aamusey Seddex  xildhibaan   waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu sheegey in Cod Aqlabiyad ah Xubnaha baarlamaanka ku ansaxiyeen in Baarlamaanka loogu darro Saddex Sanno

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegey in Beesha Caalamka ay aad u daneyneyso in soomaaliya ay ka baxdo qalalaasaha  iyo Dagaalada balse wuxuu sheegey  in wixii haatan ka dambeeya Xildhibaanada lala xisaabtami Doono gaar ahaan Markey Timaado ka qaygal kalfadhiyada isagoo sheegey in Xildhibaankii Maqnaada  lababilood talaabo laga qaadi Doono wxuu si kaftan ah u yiri”waa markii ugu  hareysey ee Baarlamaanka soo Xaadirto 435 Xildhibaan waxaan ii muuqata in dantii Ummadda Soomaaliyaad aad ka hormariseen dantiina ee arrinkaa meesha halaga saaro”

Madaxweynaha KMG oo dhawaan la sheegey in doonayo in uu kala diro Baarlamaanka ka dib markii uu  ogaadey in nay Baarlamaanka uu doonayao in Xilkiisa Kordhisado ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin  waqtiga ay ku darseen Golaha Baarlaaamnka waxaan  Xubnaha Baarlamaanka Maalmahan soo socda ay noqon doonaan kuwo si gaar gaar ah loo xodxoto oo ku aadan Doorashada Madaweynaha iyo Gudoomiya Baarlamaanka iyadoo Gabey uu tiriyey Abwaan Soomaaliyaad uu Baarlamaanka soomaaliyad uu ku sifeeyey oraah Caan ka noqtey Muqdisho oo ah (Fadlan ku shubo lacag ) Mobilada gacanta lagu sito ayaa marka ay kaa dhamaato lacagta waxaa lagu oronayaa Fadlan ku shubo lacag   iyadoo laga wada dheregsan yahay  Xubnaha Baarlaanka ku jira dhowr jeer uu dhex marey Gacan ka hadal  ka dib markii ay isku qabsadeen arrimo Siyaasadeed

Waxaa moodaa in Xili kordhinta waqtiga Baarlamaanka uu shaqeyanyo mid lala soo deg degey waayo 20 Bishaan ayaa la filayey in Waqtiga loogu darro Baarlamaanka  lamana garanayo waxyaabaha soo dedejiyey Xili Kordhintaa waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu madaxweynaha uu ka hadlo hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maalmihii la soo dhaafey ay kulama u socdeen oo ku saabsan in mar kal;e ay dib ugu soo laabtaan Xillalka ay maanta hayaan

Waxaa Muuuqata in Baarlamaanka Soomaaliya uu gacanta uu ugu jirro  Beesha Caalamka waayo waxaa ay talabaadaan loogu kordhiyey Baarlamaanka ay  tahay Go’aanka soo fuley wadamada IGAD  ee ma aha Mid ku yimid rabitaanka Shacabka iyo kan Xildhibaanada wuxuuna ku soo beegmey  Xilli ay dagaalo ka sii socdaan Magaalada Muqdisho ,  dad fara badan oo weli sii barakacayo , Aabaaraha dalka ka jira iyo Xasuuqa loo geysanayo  shacabka soomaaliyaad iyadoo dhawaan Askar ka tirsan Ciiidanka Xooga Dalka ay  si bareer ah u Xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan Dowladana  aysan weli wax ka qaban Askartaas isku soo duuboo xili kordhin ayaa shacabka soomaaliyeed u arka mid  la doonayo in dadka soomaaliyeed ay ku sii jiraan dagaalada aan dhamaadka lahayn qaarkod waxay ku tilmaameen Kuleyl iyo qabow naguma hayaan ha kordhisaden ama yeysan kordhisan.

Guddoomiyha baarlamaanka DFKMG oo isla khamiistii sheegay in uu mark ahor eisu soo sharraxi doono gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo raaciyey in baarlamaanku markaas soo dooran doono Madaxweyne, kaddib madaxweynhu soo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha, arrimahaas oo dhacaya marka la gaaro Agoosto 2011.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baarlamaanka DFKMG oo muddo saddex sano ah ku darsaday waqtigiisii "

  1. FAADUMO FFFFFFFFFFFFFFFF says:

    SOOMAALIYA CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.

    SOOMAALIDA WAA DAD ADKEYSI BADAN UNA DULQAADAN KARA DHIBAATOOYIN KASTA EE LASOO DUDBOONAADO, WAAYO DHIBAATOOYINKA AY U DUL QAADATAY LAMA SOO KOOBI KARO, BALSE WAXAAN SOO BANDHIGAYAA MID KA MID AH, TAASOO AH IN AY U DULQAADATAY KUMAANANKUN SOOOMAALIYEED OO ISKUGU JIRA HAWEEN, CARUUR, ODAYAAL & HAWEEN DA’AH IN AY MAGAALADII MUQDISHO AY KA GALAAN HAL WADO, SIDOO KALE KASOO BAXAAN HALKAAS WADO, IYADOO MAMARKA QAARKOOD AY XIRANTO WADAADS HADANA U DULQAATA OO SOO LUGEEYA ILAA DHAWR KIILOOMITIR, HADABA SOOMAALIDA FARIIN AYAAN U DIRAYAA TAASOO AH (( SOOMAALIYEEY KACA OO ISKUDAYA IN SIDAAN SI DHAANTO LAGU NOOLAADO, GACMAHANA IS QABSADA OO MIDOOBA, QAATANA HAL MOWQIF, TAAS AYAAD KU GAARI KATAAN HIMILOOYINKIINA))

  2. Xildhibaanada haday xilka 3 sano ku darsadeen waxay jidka u fureen madaxwaynaha iyo raisulwasaraha. Sheekh Shariif xilka ha ku darsado 5 sano Mr Farmaajo asagana 5 sano xilka ha ku darsado. xildhibanada dood uma furna hadii madaxwaynaha iyo raisulwasarha ay mudada kordhistaan madama iyaga kordhisteen .