Home » Warar »

Shiikh Shariif: “Xildhabaanada Baarlamaanka laba Dariiqo ayaa u furan oo ah in ay aqbalaan Qoraalkeyga ama diidaan Shariif Xasana Xaq u ma leh in u ka jawaabo Qoraalkeyga”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Isniintii xildhibaanno kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ee ahaa inaysan marnaba ka laabanayn go’aankii ay muddada saddexda sano ah ku kororsadeen Baarlamaanka oo ka bilaabanayaa Bisha Ogoosto ee fooda nagu soo hayso .

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Sheekh wuxuu sheegay in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inay howshooda ku ekaadaan, balse aan loo baahanayn inay faraha la galaan ay go’aan ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyagaana looga fadhiyaa in ay ka jawaabaan Go’aankii Madaxweynaha.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Sheikh Shariif (Feb 28, 2011)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shariif28feb11.mp3]

“Hadaan Iraahdo Golaha Baarlamaanka Shaqo kuma lahan in ay dejiyaan Sharciga taasi waxay Noqoneysaa Xadgudb aad u weyn hadii Xubnaha Baarlamnaaka yiraahdaan Madaxweynaha Go’aankiisa naguma soo celin karo iyada waa Xadgudub sidaa darteed Hayadaha Dowladda waa kuwa isku xiran oo wada shaqeeya” ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG  oo sheegey in Hayadaha Dowladda looga Baahan yahay in ay wada shaqeeyaan islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo khilaaf keeni kara .

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif wuxuu sheegey in Khilaaf laga dhex Abuuro Masuuliyiinta Dowlada hore ayey u dhacdey taasoo sababbey in ay ka faaiideystaan Xoogga ka soo horjeeda Dowladda isagoo sheegey in Khilaafyadii hore u dhacay ay sababeen in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay la wareegeen Dhul Balaaran waxaana haatan la abuurey Khilaaf la doonaya in lagu hor istaago Dagaalada Dowladda ay kula jirto Mucaaradka

Shiikh Shariif wuxuu sheegey in khilaafyada Dowladda haatan soo dhexgaley ay keeni karo in gabi ahaanba ay Buburto Dowladda Federaalka isagoo sheegey in khilaaf marka uu yimaado loolan siyaasadeed oo lagu Mashquulo oo keeni kara in uu fursad siiyo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda

“Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa u furan laba dariiqo oo ah in ka soo jawaabaan Qoraalkii aan u gudbiyey oo ay aqbalaan ama ay diidaan Gudoonka baarlamaanka Xaq uma laha in ay ka jawaabaan qoraalka Madaxweynaha Gudoonkuna uu ku qanco waxa ay xildhibaanada gaaraan”ayuu yiri

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo hadalkiisu u muuqdey mid ay sii kala fogaanayaan Shariif Xasan iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka ay haatan noqdeen kuwa la kala safan labada Shariif waxaana bilowdey kulumo gaar gaar ah oo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay la kala leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka hadaba isjiidka soo kala dhaxgaley ayaa waxay dadka siyaasada Odorasa ay sheegayaan in arrimahaan ay ka dambeeyaan faragelin shisheeye oo ay ugu horeeyaan Dowladaha deriska la ah Soomaaliya

Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan ayaa iyaguwax isku darsadey xiligii ay siyaasadda kaga soo horjeedeen Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf taasi waxay u fududeysey in ay dhisaan Dowladii Jabuuti sidoo kale labada Shariif waxay daaqada kala baxeen Gudoomihii hore ee Baarlamaanka Shikh Aadan Madooby hadaba Sulaasha isweydiinta Mudan waxay tahay laba shariif ninkee baa Daaqada lagala bixi doonaa

 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Shariif: “Xildhabaanada Baarlamaanka laba Dariiqo ayaa u furan oo ah in ay aqbalaan Qoraalkeyga ama diidaan Shariif Xasana Xaq u ma leh in u ka jawaabo Qoraalkeyga” "

  1. mr.maxamed. says:

    marka runta laga hadlayo2 sharif midna dawlad wax kama yaqan,waxa umada meshas dhigayna waa iyaga,sidaas darded waxaa habon in 2 mesha laga saro oo lakeno dad wax yaqan oo wax garanaya waxna wadi kara 2 rux wax madawadi karan waxna ma’oga waxaa nasib daro ah iyado kumakun qof oo wax garad ah jiran in somaliya lagu dhawrto 2 qof oo nocas ah .

  2. yab says:

    What goes around comes around. Nimankaan awalba meesha ciyaar ayey ku hayeen. Umamalaynaayo midkoodna inuu garanaayo macnaha masuuliyad. Xooga ciidamada Africanka ah ayey haddab ku dhaqdhaqaaqayaan, marka iyagana dhibaatada iyo dilku ku bato iyagaaba iska tagaya. Marka Shariifyoow meeshaad aadi lahaydeen ayaa la rabaa. Shalay cimaamad ayaa madax u saarnay isaga oo macalin dugsi u eg maantana suit ayuu xiran yahay.