Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo la Tashi kadib lasheegay in uu ka Tanaasulay Isjiidjiidkii u Dhexeeyey isaga iyo Shariif Xasan

Iyadoo maalmahan uu khilaaf aad u weyn soo kala dhex galay Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaas oo la xiriiray markii Sheekh Shariif uu Baarlamaanka dib ugu soo celiyey go’aankii uu baarlamaanku ku gaaray in mudo saddex sano ah ay ku darsadeen xiligoodii oo ku ekaa 22-ka Agoosto 2011, isagoo sheegay in qoraalka uu u gudbiyey Baarlamaanka ay ka soo jawaabi karaan xildhibaanada Baarlamaanka balse arrinkaasi uusan wax shuqul ah ku laheyn Guddoomiyaha Baaralmaanka.

Labada Shariif oo hadalo kulul u isweydaarsaday ayaa Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif waxa uu kullan hoose la qaatay rag ka mid ah saaxiibadiis oo ay si aad ah isugu dhow yihiin waxayna qaar ka mid ah noo sheegeen in lagula taliyey in uu isaga haro isjiidjiidka u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, arrinta xilli kordhisashadana ay sidii uu Baarlamaanku ku gaaray noqoto,waxayna u sheegeen Shiikh Shariif in haddii Isjiid jiidka u dhaxeeya isaga iyo Shariif Xasan uu sii socdo ay dhici karto in ay wax u dhibto Mustaqbalkiisa Siyaasadeed ee ah in uu waayo taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka marka ay timaado Doorashada Madaxweyninimada, sidoo kale Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif waxay kula taliyeen saaxiibadii in uu isa soo sharaxo marka la gaaro bisha Agoosto wixii intaa ka horeeyana waxaa Sheekh Shariif lakula taliyey in uu bilaabo in ololihiisa ku aadan sidii dib loogu soo dooran lahaa xilka Madaxweynimada.

Markii Madaxweynuhu uu kullanka la yeelanayey rag ku dhow dhow ayay wararku sheegayaa in Sheekh Shariif uu raacay talada ay soo jeediyeen raggaasi oo ku aadan in uu ka tanaasulo arimaha Baarlamaanka hase yeeshee Madaxweynuhu waa uu qaatay talooyinkaasi, hase yeeshee waxa uu ku yiri “Anigu waan tanaasulay balse Beeshu Caalamku sidee yeeli doonaan maadaama si aad ah uga soo horjeedaan go’aankii Baaralmaanku uu gaaray ee ahaa in ay mudo 3 sano ah ku darsadeen xiligooda”.

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa dadka u kuurgala siyaasadda waxay sheegeen in uu ku sugan yahay siyaasad geeri go’an ah maadaama uu waayey asxaabtii ay isugu dhowaayeen kadib markii uu iska fogeeyey ayna xilal ka waayeen xukuumadda cusub, waxaana raggaasi ka mid ahaa Daahir Maxamuud Geele, C/qaadir Cali Cumar, Sheekh C/raxmaan Janaqow iyo kuwo kale halka asxaab kale oo uu lahaa ku geeriyoodeen, waxaa la tilmaamay in raggaan haddii ay maanta ka garab ka muuqan lahaayeen uu Sheekh Shariif haysan lahaa tiirar sal adag oo aan la loodin Karin, balse su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay tanaasulka ka soo yeeray Sheekh Shariif ma laga yaabaa in uu taageere uga helo Baarlamaanka Soomaaliya oo dib mar kale u soo doorta, inkastoo wararku sheegayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan u isna qorsheynayo in uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynimada, waxaa laga yaabaa in haddii labada shariif midkood tanaasulin ay dhici karto in labadooduba waayaan xilka Madaxweynimada

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.