Home » Warar »

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Booqasho Qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

“Masuuliyiinta Dowladda FKMG waxay diideen in qaabilaadu ka dhacdo Garoonka Diyaaradaha…”

iyo “Dacwad ka dhan ah Wakiilka Qaramada Midoobey oo ay Gudbiyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka”

Agostiino Mahiga oo ah Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa socdaal aan hore loo sii shaacin wuxuu ku yimid Magaalada Muqdisho waxayna wararka aan heleyo ay sheegeayaan in Wakiilka uu damcsanaa in Masuuliyiinta Dowladda FKMG uu ku qaabilo Garoonka Diyaaradaha sida ay Caadadu u ahayd Wakiilka, hase yeeshee waxaa loo sheegey Wakiilka QM  in aysan Masuuliyiinta Sare  Imaan Karin Garoonka, waxaana lagu wargeliyey Wakiilka in uu yimaado Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Go’aanka ay qaateen Madaxda dowladda FKMG ee ah in aysan tegi karin Garoonka Diyaaradah ayaa ku timid markii Madaxda Dowladda TFG hore loogu eedeeyey in aysan sax ahayn in Wakiil ka socda Qaramada Midoobey  ay ugu tagaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho si uu halkaa ugu qaabilo hase yeeshee waxaa moodaa in Masuuliyiinta Sare ay haatan boorka iska jafeen islamarkaana u hogaansameen Talooyinkii loo soo jeediyey oo loo mar siiyey Warbaahninta iyadoo xildhibaan Xasan Abshir uu sheegey in intii uu madaxda ahaa aysan marnaba dhicin in qaabilaad noocaan oo kale ah ay ka dhacdo Garoonka diyaaradaha.

Socdaalka wakiilka ayaa wuxuu ku soo beegmey xilli Dhawaan Baarlamaanka soomaaliya uu ku darsadey Muddo sadex Sanno ah taasoo uu si aad uga Hadley Wakiilka Qaramada Midoobey oo ku tilmaamey Go’aankii Baarlamaanka mid lagu deg degey waxaana loo maleynayaa in arrimaha ugu weyn ee uu u yimid Wakiilka in ay tahay in uu kala hadlo Go’aankaas, waxan auu Villa Soomaaliya kula kulmay saddexda ugu saraysa xukuumadda FKMG.

Kulanka uu la yeelanayo Masuuliyiinta Sare ayaa  waxaa laga yaabaa in uu waddo qorshayaal meel dhexe la isugu imaanayaan Baarlamaanka soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ah in  Baarlamaanka uu dib uga laabto go’aankii Saddexdii sanno ee wuxuu Wakiilka uu wataa qorshe ah in muddo Sannad iyo bar baarlamaanka loogu kordhiyo, waa sida laga helay ilo wargal ah.

Warar aan ka helney Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo  weydiistey in aan magacooda la xusin ayaa sheegey in Wakiilka Qaramada Midoobey  dhawaan laga gudbiyey dacwad ka dhan ka dib markii uu si cad u diidey Go’aankii Baarlamaanka ee Muddo kordhinta sidoo kale waxaa laga gudbiyey Dacwad ah  ka dib markii  wakiilka uu ka madax adeegey in Hayadaha Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya qaabilsan ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho iyagoo sheegey in Wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan oo ay ka socdaan Dagaalo ka qaraar kuwa ka socda Soomaaliya  ayay sheegeen in ay ka howelgalaan Hayadaha Qaramada Midoobey iyo kuwa Caalamiga  waxay Xildhibaanadaas Dacwadooda u gudbiyeen Xoghaya  Qaramada Middobey iyagoo sheegey in hantidii soomaaliya ay ugu tala galeen Qaramada Midoobey in lagu Cunno Magaalada Nairobi.

Qaramada Midoobey iyo Hayada kale ayaa ah kuwa Gacanta ku haya Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya, waxay dadka qaar ay qabaan in Baarlamaanka uu u hogaansami doono waxa ay beesha Caalamka ay dooneyso hase yeeshee Xildhibaanada  qaar ayaa qaba in aysan suurta gal ahayn in loo hagaasamo waxay beesha  Caalamku dooneyso haddi ay taasi dhacdo waxaa dhaboobaya arrinkii ahaa in Dowladda Soomaaliya ay markii hore gacanta ugu jirtey Beesha Caalamka.

Isku soo duubo waxaa la ogaan doonaa wada hadalka dhexmerey Masuuliyiinta Dowladda FKMG iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, ayadoo wararka ugu horeeya ee ka soo baxay kulankaas ay xaqiijiyeen in waxa ay kawada hadleen uu ugu muhiimsanaa arrinta la xiriirta kororsigii baarlamaanaka DFKMG ay xilka ku kororsadeen saddex sano.

W/D Amiin Yuusuf  Khasaaro
E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

###

Lacagtii Mubaarak iyo Wiilkiisa u taaley Bangiyada Swiss oo Xanibaada la saaray

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Booqasho Qarsoodi ah ku yimid Muqdisho "

  1. cabdi aadan says:

    Assalaamu calaykum ,waxaan aaminsanahay haddii keliya laga dhabeeyo in qaramada midoobay lagu cadaadiyo inay hay,aduhu usoo guuraan Gudaha dalka, in soomaaliyaba ay waa hore jaha wareerka ka bixi lahayd ,waayo meesha aan ka degi la,nahayba waa hantida ku magacaaban soomaaliyaa wax loogu qabtaa ee Nayroobi lala fadhiyo, waaba tan nalaku furfuro maalin walbaana dabinnada cusub naloogusii daadiyo. balse hadday Gudaha dalka joogaan sheekadu saas ma,ahaateen ee ugu yaraan dadwenaha magaciisa lagu qaraabto ee dalka ku baaba,san ayaa yeysanba wax badan ka heline fan faniinkaa gaari lahaa, wax is daba marin. tumasho,dulleysiga qeybaha dawladee wax kasuga, iyo beenta caalamka loosheego,iyo weliba heshiisyadan silsiladdaa ee Nayroobibaa lagu saxiixaydaa uun nalaku hayaa,intaasi iyo inkaloo badan oon ka degi la,nahay, waxaan qabaa haddii xafiisyadu Dalka kuyaalliin sahal kuma dhaceen,,dagaalladan xataa socda waxaan qabaa haddii lacagtaasi Dalka timaado waa leys deyn lahaa oo lacagtaa dad badan lagusoo dabi lahaa, haddase maxaan kunaal waabataas gabdheheennii isla lacagtaas lagu fadareeynayee. dhan walbaa runtii waan ka dilannahay…allaase caliimu sirri ah ..waan idin salaamayaa bahda somalitalk..waxaa tihiin bogga ugu tayada wanaagsan bogagga soomaalida….halkiinna kasii wada. cidna haka heybeysannina ,islamarkaana cidna weerar gaar ah haku ahaannina….