Home » Warar »

Kullaankii Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida lagu siin lahaa Golaha Wasiirada Cusub oo ku dhamaaday Feer iyo Haraanti

Kulankii Baarlamaanka oo Buuq ku dhamaaday, xukuumaddii Farmaajo oo aan la ansixin ….

Kulankii baarlamaanka DFKMG ayaa Maanta (Isniin Nov 22, 2010) lagu kala dareeray kaddib markii buuq xoog leh ka dhacay, arrintaas oo kadambaysay kaddib markii ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo uu baarlamaanka horkeenay golahiisa cusub ee wasiirada si ay u ansixiyaan, taas oo buuq ka dhashay qaabkii codbixinta loo qaadi lahaa in ay noqoto QARSOODI ama GACANTAAG BAREER AH.

Kulanka waxaa soo xaadiray xildhibaano kor u dhaafay 340 xildhibaan, markii uu furay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ayaa waxaa lasoo bandhigay laba mooshin oo mid yahay in codka Qarsoodi loo qaado, iyo kan kale oo ah in codka gacan taag loo qaado. Waxaa labada Mooshin kala akhriyey xildhibaan Bashiir Cadow Calasow (oo dalbaaday habka Gacantaag) iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Afrax (oo dalbaday habka Qarsoodi).

Markaas ayaa guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu go’aamiyey in codka loo qaado QARSOODI, isagoo sheegay in uu xeeriyey xeer hoosaadka Baarlamaanka DFKMG.

Arrintaas waxaa ka dhashay Buuq iyo ismari waa qaabkii codka loo qaadi lahaa. Taas oo sababtay in kulankii baarlamaanka uu buuq iyo fara-kufiiq iyo gacan uu gaaray, kulankiina u socon waayey laguna kala dhaqaaqay, ayadoo aan waqti cusub loo balamin waqtiga la isugu iman doono si cod markale loogu qaado xukuumadda cusub.

Warbixinta oo faahfaahsan siduu u dhacay Kulankii lagu kala dareeray

Xildhibaano tiradoodu gaareyso 348 xildhibaan ayaa soo xaadirtay kullankii manta (Nov 22, 2010) ee la doonayey in codka kalsoonida loogu qaado xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uusan bilaaban kullankaasi waxaa kullamo gooni gooni ah yeeshay ma’suuliyiinta ugu sareysa Dowladda KMG waxaana laga wada hadlay arrimo la xiriira qaabkii kalsoonida loo siin lahaa Dowladda Farmaajo.

Shirkaan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu Xildhibaanada Baarlmaaanka u sheegay in ay taalo labo Mooshin oo mid ay soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka oo ah in codku uu noqdo mid qarsoodi ah halka kuwo kalana ay soo gudbiyeen in codka kalsoonida laga dhigo gacan taag ah, hase yeeshee guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in codka kalsoonida uu noqon doono mid qarsoodi ah, waxaana markiiba goobta la keenay sanaadiiqdii lagu ridi lahaa codka kalsooni ee Wasiirada Cusub, waxaana dhacday in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay arrintaani si aad ah uga soo horjeesteen waxayna sheegeen in codku uu noqon doono mid gacan taag ah, waxaana meeshii ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal, waxaana la arkayey xildhibaano gacmaha iskula tagay.

Buuqa ka dhex dhashay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu sababay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqo in shirku xiran yahay, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay ku hanjabeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uusan albaabka ka bixi Karin, waxaana dhacday in guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu galo xafiis ka mid ah xafiisyada Baarlamaanka waxaana halkaasi si aad ah ugu ilaalinayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa mar kale dib ugu soo laabtay kalfadhigii Baarlamaanka waxa uuna sheegay in kullanku uu furan yahay isla markaana waxa uu adkeystay in codku uu noqon doono mid qarsoodi ah, hase yeeshee qoladii taageersaneyd codka gacan taaga ah ayaa waxa ay halkaasi ka sameeyeen buuq aad u weyn, waxaana mararka qaarkood la arkayey xubno ka tirsan Baarlamaanka ama aflagaado u gaysanaya, waxaana shafka gacanta ka gelinayey ciidamada AMISOM, iyadoo markii dambe Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in shirku xiran yahay, halkaas ayayna xildhibaanada baarlamaanku ku kala dareereen mana jirto waqti cayiman oo mar kale ay isugu imaanayaan xildhibaanada Baarlamaanka.

Tan iyo markii la magacaabay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) waxaa soo wajahay caqabado dhowr ah, markii la magacaabay waxaa buuqa badan kadib uu helay codka kalsoonida, sidoo kale waxaa soo wajahay in labo wasiir ku xigeen oo ka tirsan dowladdii uu magacaabay ay iska casilaan xilalkoodii, isku soo wada duuboo, waxaa muuqata in Ra’isul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu wajahayo xili adag iyadoo waqtiga u harsan dowladda uu aad u kooban yahay, waxayna magacaabistiisa ku soo beegmeysaa xili xiriirka ka dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Shariif uusan wanaagsaneyn oo iyagu markii hore ahaa raggii sida wadajirka ah u bisleeyay dowladda haatan jirta, waxaana kullankii maanta qoraal ka mid yimid ergayga gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya uu kaga codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ansixiyaan Dowladda uu soo dhisay Max’ed C/llaahi Farmajo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

……………

Magacaabistii Farmaajo iyo khilaafka xukuumadda:

Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif Axmed ayaa October 14, 2010 waxa uu ra’iisul wasaaraha DFKMG u magacaabay Maxamed C. Maxamed Farmaajo si uu u bedelo Cumar C/rashiid Sharmaarke oo Is-casilay September 21, 2010 kaddib markii khilaaf xooggan soo kala dhex galay Shariif iyo Sharmaarke.

Oct 20, 2010 ayaa Sheikh Shariif baarlamaanka horkeenay Maxamed Farmaajo markii ugu horeysey, una weydiiyey in ay siiyaan codka kalsoonida, maalintaas oo kulanka baarlamaanku waxa ku dhammaaday buuq kaddib markii la isku qaabtay in codbixintu noqoto Fartaag ama qarsoodi.

Oct 24, 2010 waxaa laba wareegto oo iska soo horjeeda soo kala saaray Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan, waxaana Madaxweynaah DFKMG oo guddoomiyaha ku eedeeyey in uu hor istaagey magacaabista Ra’iisul wasaaraha, halka guddoomiyaha baarlamaanku uu sheegay in madaxweynahu shaqadiisa garto.

Oct 26, 2010 waxaa wareegtooyin soo kala hor jeeda soo saaray Maxkamadda Sare ee DFKMG iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka.

Oct 27, 2010 waxaa Muqdisho tegey Mahiga, Ergeyga Gaarka ee QM, isagoo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka DFKMG, kulan albaabadu u xirnayeen.

Axad, Oct 31, 2010 ayaa baarlamaanku markale kulmay, waxayna cod Gaacan taag ah ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG. Waxaana markaas wareegto ( ku qoran Afka Ingriiska )soo saaray Mahiga uu ugu hambalyaynayo Maxamed Farmaajo, baarlamaanka ku ammaanay. Kulankii anisisinta  waxaa ka soo qayb galeen Xildhibaano gaaraya 391 Xildhibaan – waxaana ogolaatey 297 waxaa diidey 92 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 xildhibaan.

November 2, 2010 ayaa munaasabad lagu qabtay Villa Somalia waxaa lagu dhaariyey Ra’iisul wasaaraha DFKMG Maxamed farmaajo.

November 10, 2010 ayaa ciidamada AMISOM waxay kala cayriyeen xildhibaano shir lahaa, kuwaas oo doonayey in ay baarlamaanka keenaan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan. Xildhibaanadaas waxaa loo diidey in ay shiraan. Waxaana jira xildhibaana kale oo soo dhaweeyey ficilka ay ku dhaqaaqeen AMISON ee kala cayrinta xildhibaanada kale.

November 12, 2010 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 wasiir.

November 13, 2010 ayaa xildhibaano ku shireen Muqdisho waxay dhaliileen qaabka loo soo xulay golaha wasiirada, kuwaas oo lagu sheegay in la hareer maray qaabkii ay ku dhisnayd DFKMG, waxayna ku hanjabeen in ay ka fiirsanayaan ka sii mid ahaanshada Dawladda KMG. Waxaana jira xildhibaan oo kale oo kuwaas ka soo horjeeda oo sheegay in fursad la siiyo 18-ka wasiir ee cusub.

November 18, 2010 ayaa farmaajo waxa uu golahiisa wasiirada ku soo kordhiyey 9 wasiiro dawlo, waxana sidoo kale uu magacaabay 18 wasiir ku xigeen. Waxaa arrintaas garab socdey xildhibaano gaarayey 240 xildhibaan oo Nov 18 kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in  ra’iisul wasaaraha DFKMG uu ku xadgudbey nidaamkii 4.5 ayna xukuumadda ku sugayaan baarlamaanka marka ay kalsooni soo weydiisato.

November 19, 2010 waxaa is casiley Wasiir ku xigeen ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isagoo sheegay in DFKMG ay hareer martay nidaamkii u dhignaa.

November 20, 2010 Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa 316 xildhibaanada oo ku shirayey Muqdisho waxa uu u sheegay waxa ay qaban doonto xukuumaddiisu, gaar ahaana in Boqolka Maalmood ee ugu horeeya ay Xooga saari Doonaan Ammaan.

November 21, 2010 waxaa xilkii wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare iska casilay Faysal Cumar Guuleed, asagoo arrintaas sabab uga dhigay in la jebiyey heshiiskii Jabuuti iyo Mpathi ee ay ku dhisnayd DFKMG.

November 22, 2010 waxaa kulan isugu yimid xildhibaano gaaraya 348 xildhibaan si codka loogu qaado xukuumadda DFKMG, kulankaas oo buuq ku dhamaaday kaddib markii la isku mari waayey qaabka codbixinta loo qaadayo (Gacan-taag ama qarsoodi).

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Kullaankii Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida lagu siin lahaa Golaha Wasiirada Cusub oo ku dhamaaday Feer iyo Haraanti "

  1. jama says:

    dad kaan barlamanka sheeganaya sharciyadooda in dib loo fiiriyo ayaa wanaagsan markii horeba xalaal kuma imaan haddana wayba sii xero baxeen, waxaan la yaabanahay miyaysaan shurucba aqoonin anigu waxaan leeyahay markay dawladda ansixiyaan ama ayba diidaan halaga wada hadlo sidii sifeen loogu sameen lahaa kuwan barlaman ku sheega ah ee ceebta lugaynaysa ah waan hubaa in ay ku jiraan dad nadiif ah dawladna raba laakin waxaa badan inta inoo eg ee umad kale u shaqaynaysa magacana sheeganaysa somaliyee kolan mudaharad qadno aan kuwaan ka tashano

  2. MAYGAG says:

    ANIGA WAXEY ILA TAHAY SHABAB AYAAN XUKUNKA U DHIIBI LAHAA ,WAAYO IYAGAA HAL ADAG OO EDBIN LAHAA SOMAALIDAN WAALA TAY,MARKA MEELAHA AY SAN WALI QABSAN AAN WELCOME DHAHNO,TALO WAA TAAS.SI AAN DHIBKAN OOGA BAXNO,EDEBTANA SOMALI U BARATO.

  3. @Maxamed Soomaali

    sxb adigoo mahadsan,afkaartaadana umadaxbannaan,maxay tahay waxa aad kacabanaysaa,?!!!

    waa ayaan daro,in maanta dadkii samaanta iyo wanaagga jeclaa ee soomaaliya loo dudo,oo lagu tilmaamo kuwo aan mudnanyn xilkaasi. FARMAAJO waa muwaadin soomaaliyeed,dowladduna shuruud uga dhigto shakhsigu in uu wadanka kunoolaa,ragga maanta xilkahayana 90%,,haddaanayba kabadnayn waa qurba joog,oo hadduu CNN daawanayey iyo hadduu waxbarasho dowladeedba helay wuu uqalmaa xilkaa,dhinacyada uu uqalmana ,hadday bel ahaan noqoto lama dhaafikaro,soomaalinimana wuu kunoqdayoo dee itoobiyaan maahan,aqoon hadday tahay wuu kukasbadayoo dee jaahil ay qabyaaladdu katanbadatay maahan, dowlad yaqaan hadday tahay,dee isagoo yar ayuuba siyaasadda kubiiray oo CV-giisa ayaad ka akhrisan karaysaa.yaad doonaysaa in haddii FARMAAJO ladiido in wadanka ay hogaamiyaan.ma halamsadayaashii wadakeena rogaybaa sida aad xustay?hadday tii INA SIYAAD BARRE mid xaqdaro ahayd oo dhib dadka kuhaysay,mid kadaran ayaa maanta kajirta wadanka ee ha moogaan!! in siyaad layidhaahdo,RADIYALLAAHU CANHU mooyee maanta kii waxgarad ahi,hadalkale uma quuro,waayo dee kuwii ukacay dumintiisa ayaaba intii yarayd ee uu dhisay cagta mariyey.haddaadse leedahay xilka xaqdaraad kuheshay,maadaa isku doonayey oo yaraantaada ayaad lagugu soo ababbiyey cid aan reerkaaga ahayn in aanay ra’iisal wasaare noqon karaynin.mise siyaad ayaad ka urinaysaayoo sas lagugu beeray ayaad miskiinkan,soomaalidu amaantayna kudiiratay.anigu magaran halka ay daaran tahay ujeedkaagee,haddaad wadanka rajo kaqabto taageer FARMAAJO haddaadan kaqabina waa adiyo halkaad aadiye,aynu dhawrno wakhtiyada soo socda.

  4. abdirisaq says:

    Arrinka ah kala ah xeer hoosaadka baarlamaanka ayaa qaba iyo dastuurki lixdanki ayay ku qornayd waaaragnay inay kunoqotey caqabad shaqadii baarlamaanka.
    bal xaggaiska dhig ansixin iyo ansixin la’aan dawladeed. baaralaamnku horta muu asagushaqadiisa nadiifiyo inta uusan cid dooran ama diidin.
    waxaa ii cad in baarlamaanki aanu ka jirin nidaam shaqo oo ay isku waafaqsanyihiin.
    Waxaana ceeb ah in maalin walbala sugo wax loo yaqaan urur goboleed,beesha caalmka iyo ergey shisheeye ah inuu shir albaabadau xiranyahay la galo masuuliyiintadawladda oo qasab wax ku ogolaysiiyo.
    Baarlamaanku ha ammend gareeyoqodobkadastuurigaah ee lixdanki hanaiswaafajiyo xaer hoosaadka ay sheegayaan iyo dastuurka inta aysanba wax shaqo ah qaban.
    UmaddaSomaliyeedna waxay mudantahay inay hesho baarlamaan ka haybad iyo sharaf badan midka shaqo ka dhigtey qaylo fawdo iyo feer joogto ah.
    Ha muujiyeen baarlamanku inay aqoon u leeyihiin shaqadooda oo waxa la kala yiraadastuur iyo xeer hoosaad aynasixi karaan si cilmi iyo farsamo ku dhisan wixi iska dhex gala .umaddana uga soo dhalaalaan kaalinka ay uga fadhido.
    Haddi kale hanoo sheegeen haddii ay kubiireen xiriirka feerka addunka aan usoo daawasho tagno feerka cidii suunka ku qaadatee golahana hallugu dhex dhisio saaladi iyo xarkihi..

  5. kismaayo says:

    CAQLGAADA AYAAD HADASHAY MAXAMED SOMALOW

    KULAMA YAABAAYI INAAD KU AMAANTO KUWA INTAY WAX KASTO KASOO DAALEEN HADDA ISBAARADA DHIGTAY BAARLAMANKA.

    KUWA LASOO TAAGAN QABYAALADDA QAAWAN
    ILLA 60 KII WASIIR MAYNAN WAYIN,WAX QAYBSIGII AYAA LAQALDAY

    ,WASIIRKAAN KUMA QANACSANIN , BESHAYADA WAXAY IGULA TALIYEEN IN AANAN QADAN,NIMANKAAN CUSUB MASOO MARIN XAJKII ADDIS ABABA
    XAQA AAD USOO DAGALANTEEN EE FARMAAJO IYO ADEERKII AY IDINKA HORTAAGNAAYEEN MA

    DHIIGA DADKA
    GOBOLAYSI
    ISBAARO
    WASIIR MACNO DARRO KUMAGACABAN OON WAXBO QORI
    KARIN,
    QAXOOTINIMO,
    INAAD UXAJISAAN ADDIS ABBABA??
    ANNA HORAAN KUU ARKAY SOMALINA KUWADA ARAGTAY
    MESHAAD KAGASHO AYAAN KAGALI
    XAQA AAD USOO DAGALANTEEN

  6. SALAAN KA DIB

    BAARLAMAANKA WAXA LA GUDBOOON
    IN AY SAMEEYAAN QODOBADDAN

    1)IN AY AANSIXIIYAAN DAWLADDA CUSUB,IXTIIRAMAANA SHACAABKA AY SIDAA BEENTA AH KU METELAAN

    2)IN AY KA FEKERAAN MARKA 2SAANO KA DHAMADAAN SIDII AY KU WAJIHI LAHAYEEN XILIGA KALA GUURKA AH

    3)IN AY DIYAARIYAAN QAABKII IYAGA LAFTOODDA LAAGU SOO DOORAN LAHA AMA AY KU SII JOOGI LAHAAYEEN

    GUUD AHAAN SHACABKA SOOMAALIYEEDD WAXA LAGA RABBA DHAWRKAAN QODOB
    1)GOLAHAN BARLAMANKA EE DHAN 550KA ISLAMARKANA LA OOGYAHAY SIDDA AY KU YIMAADEEN IN LAGA FEKEERO SIDII LOOGA TAKHALUUSI LAHAA SABAABTA OO AH LAMA HEELI KAARO MUSHAHARKOODDA HABDHAQANKOODUNA WAA LIIITA

    2)IN LOO MIDOOBBO WIXII KEENAYA NADAAM DAWLAADEEDD HABA XUMAADDO E

    WAAD MAHAD SANTIHIN

  7. kamaal says:

    Hadii la diido raysal wasaare mahamed cabdulahi waxaan idiin sheegayaa Ay u dhamaatay WAX SOMALI LA YIRAA ninkii rajo ka qabay somaliya inay meeshaas ku dhimatay DOWLAD SOMALIYA AY HALKAAS UGU DHAMAATAY….

    waxa hortaagan mahamed cabdulahi waa RAGA U SHAQEEYA CADOWGA UMADA SOMALIYEED OO OG IN MAHAMED ABDULAHI YAHAY NIN RABA IN SOMALIYA SHARAFTEEDII soo noqoto lakiin wixii qaran dumis ahaa iyo kuwii wax ku noqday fowdada somaliya ee xaraanta ku naxaay ayaa diidan mahamed farmaajo ..

    hadii mahamed farmaajo hadii la diido ninkasta oo somali ah ha raadsado meeshii uu aduunka kaga nolaan lahaa sida ii muuqatana waxaa la rabaa waa dowlad gobolyeedo KU DHISAN QABIIL AMA AL SHABAAB IYO NIMAN MADAXA DUUBAN AY WADANKA LA WAREEGAAN IYO CADOWGA UMADA SOMALIYEED…

    DADKA DIIDAN DOWLADA WAA CADOWGA UMADA SOMALIYEED……..HADII LA DIIDO RAYSAL WASAARE MAHAMED CABDULAHI WAA DHAMAADKII SOMALIYA EE NIN WALBAA HA ISKU DIYAARIYO….WAA DHAMAADKII SOMALIYA MAGACEEDA,,,,,,

  8. Mr Farmaajo wadanka wax badan ayaa dibada ka joogtay CNN sidaa u daawanaysay ayaa waxaa moodaa in Soomaaliya dimuqraadiyad inay ka jirto. waxaan filayaa in aad ilowday in dowladii Maxamed siyaad markay talada wadanka haysay in laguu eexday oo aad heshay shaqo waxbarasho iwm marka dadkii ka dagaalamay xaqdarada wadanka ka jirtay ayaa hada baarlamaanka fadhiya iyagoo wada dadqalato ah marnaba ha ku riyoon in aad wax ka qaban karto wadanka maadaama aad xaqdaro wax ku heshay .