Warbixin ay soo saareen Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka
- Tarjumadii, warbixintii iyo faalladii: SomaliTalk.com | Nov 3, 2009
Shabakadda Qarammada Midoobey qaybteeda xeerarka Badaha adduunka ayaa October 31, 2009 waxaa lagu faafiyey qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Qoraalkaas oo tibaaxay halka uu marayo go’aan ka gaaristii akhbaartii la xiriirtey xuduudaha baddaha ee ay dalalku u gudbiyeen guddigaas.
Gaar ahaan waxaa qoraalku faahfaahin ka bixiyey kulankii ay Guddigaasi ku yeesheen xarunta Qarammada Midoobay (QM) ee New York intii u dhaxaysay 10 August ilaa 11 September 2009.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Guddiga (QM) ay ka baaraan degeen akhbaarta la xiriirta Qalfoofka Qaaradda ee ay dalalku u soo gudbiyeen, ayagoo adeegsanaya shay-barka aaladda GIS (Geographic Information Systems) ayey si farsamo ahaan u eegeen akhbaarta loo gudbiyey, ayadoo la raacayey Qodobka Article 76, farqaddiisa sideedaad -paragraph 8 ee xeerka QM ee Sharciga Badda. (Qodobkaasi waxa uu ku saabsan yahay in dalalka xeebaha leh ay QM u gudbistaan cabbirka Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed.)
Dalalka lagu xusay warbixinta ee xad-badeedka la leh Soomaaliya ee xogtooda gudbiyey waxaa ka mid ah Kenya, Yemen (oo khuseeya aagga Koonfur-Bari kaga beegan jasiiradda Suqadara); iyo Seychelles (oo khuseeya dhanka Waqooyiga ka xiga).
Kenya oo Xogteedii ka hor akhriday Guddiga Xadaynta Badaha
Warbixinta Qarammada Midoobay waxay shaaca ka qaaday in Kenya ay September 3, 2009 Guddiga Xadaynta Badaha u bandhigtay, kana hor akhriday, akhbaarta la xiriirta cabirka badaha ee ay Kenya gudbisatey. Akhbaartaas Kenya waxaa QM u bandhigay wafti ballaaran oo ay ka mid ahaayeen: Wanjuki Muchemi, lataliyaha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General), Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda, iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS. Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.
Wanjuki Muchemi oo ah madaxa waftiga Kenya waxa uu Guddiga Xadaynta ka hor sheegay in Mr. Brekke, oo xubin ka ah Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay, uu Kenya ka caawinay talo bixin xagga farsamada ee la xiriirta xogtii ay Kenya gudbisatey QM.
Ayadoo tixraaceysey Qodobka Annex I, farqaddiisa Paragraph 2 (a) ee xeerka farsamada QM, Juster Nkoroi waxay Guddiga QM ku wargelisey in aysan jirin wax muran ah oo aan la xallin oo la xariira akhbaartii ay gudbisatey Kenya. (Qodobkaasi waxa uu ku saabsan yahay: haddii uu jiro muran badeed in QM loo sheego marka hore ee xogta la gudbinayey, waana tan ay Kenya u doonaysey heshiiskii Is-fahamka ee ay la saxiixatay DFKMG si ay markaas u cuskato heshiiskaas.)
Waxa kale oo Ms. Nkoroi ay Guddiga QM u sheegtay in wada-xaajoodyada aan weli go’aanka laga gaarin ee Kenya kala dhexeeya Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga gaaray qorshayaal la maareeyey oo ku-meel-gaar ah, ee xag farsamo, ayadoo la xeerinayo Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3, ee xeerka Qarammada Midoobay ee Baddaha. Qorshayaasha la maareeyey waxay ku qoran yihiin Is-fahamkii MoU (Memorandum of Understanding) ee la saxiixay 7 April 2009, taas oo (Labada dal) ay isla garteen in aan midna kan kale diidmo ka hor geyn xogta ay Gudbisanayeen, ayey tiri. Arrintaas mid la xiriirta ayadoo muujineysey, Ms. Nkoroi waxay farta ku fiiqday qoraal kayimid Soomaaliya oo ku taariikhaysan 19 August 2009 kaas oo ay sheegtay in uu waafaqayo Heshiiska Is-fahamka (MoU), waxayna intaas ku dartay in qoraalkaasi (19/8/2009 waa warqaddii loo saxiixay Cumar C/rashiid) uu xaqiijiyey in marka la gaaro waqtiga ku haboon, la isku duba ridi doono nidaam lagu gaba gabaynayo wada-xaajoodka xuduudda Badda ee Soomaaliya.
Kenya markii ay akhbaartooda ka hor akhriyeen, kaddib waxaa Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaraddu uu yeeshay shir gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin (private). Waxayna falanqeeyeen qaabka farsamo ee ay u wajahayaan xogtaas loo soo gudbiyey. Guddugu waxa ay go’aansadeen, ayagoo xeerinaya Qodobka Article 5 ee Annex II ee Xeerka QM ee Badaha Adduunka iyo qodobka Rule 42 ee xeerarka Nidaamka Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda, in akhbaartaas la soo gudbiyey ka baaraan-deggeeda loo saaro Guddi-Hoosaadyo lagu asaasayo ayadoo la xeerinayo Qodobka Rule 51, farqaddiisa paragraph 4 ter, ee xeerarka Nidaamka Guddiga Xadaynya Qalfoofka Qaaradda. (Macnaha qodobada iyo xeerarka la xusay oo faahfaahsan hoos ayaan ku arki doonaa.)
Guddi hoosaadku waxay go’aanka u gudbin doonaan Guddiga QM oo markaas heer wada jir ah go’aan rasmi ah uga gaari doona akhbaarta la soo gudbiyey sida ay u soo kala horeeyaana u eegaya.
Sharraxaad Macnaha Sharciyeed ee Hadallada Kenya
Marka la dhuuxo kelmedaha ay adeegsadey Kenya markii ay akhbaateeda ka hor akhrineysey Guddiga QM, waa erayo sharciyeed xeel dheer. Dhawr qodob oo erayada Kenya ah ayaan is dul taageynaa.
Qodobka Koowaad: ee laga fahmi karo hadalka Kenya (Qoraalkayagu muran kuma jiro ee badda Soomaaliya ayaa muran ku jirta)
Kenya oo wargelineysay Guddiga QM waxay sheegtay: in aysan jirin wax muran ah oo aan la xallin oo la xariira akhbaartii ay gudbisatey Kenya. [Aan halkaas markale eegno sida qoraalka ay Kenya u tiri: Ms. Nkoroi informed the Commission that there are no unresolved disputes relating to the submission of Kenya.)
Kenya marka ay sidaas leedahay waxay ogtahay in ilaa hadda aysan DFKMG wax diidmo ah ka geyn xogtii ay Kenya u gudbisatey Qarammada Midoobey. Xogtaas oo Kenya ku cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo gaaraya 116,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Dawladda FKMG waxaa u furnaa in marka ay aragtay xogtii ay Kenya gudbisey in ay diidmo ka hor geyso, markaas Kenya kelmedahaas ma adeegsan kari lahayn.
Dhanka kale, waxaa dhici karta in maskaxda akhristaha ay ku soo degdegi karto su’aasha ah: Aaway hadalkii ku qornaa Heshiiskii Is- Afgarad (MoU) ee Kenya ku dooneysey in muran badeed geliso dhulka Soomaaliyeed? – Taas waxaa jawaab u ah: Kenya waxay ugu muuqataa hadda in ay tabcadaas la heshay DFKMG iyo Soomaalida, waayo warqaddii MoU waxaa QM u gudbiyey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, waxaana ka mid ahaa hadalladii ku qoraa (No objection), oo ah DFKMG wax diidma ah kama qabto xogta Kenya gudbisatay. Waxaa kaloo loo qaadan karaa gudbinta Cumar C/rashiid in wixii ku qoraa MoU uusan waxba ka qabin maadaama uu gacantiisa ku gudbiyey, isla markaasna uu saxiixay wasiir ka mid golahiisa wasiirada. Halkaas waxay Kenya ka fahmi kartaa in Soomaaliya aysan ‘muran’ ka qabin in baddeeda la geliyey ‘muran badeed’. Sidaasna ay markaas QM ugu sheegtay “in aysan jirin wax muran ah oo aan la xallin oo la xariira akhbaartii ay gudbisatey Kenya.” Taas oo Kenya ula jeedi karto: DFKMG waxay aqbashay in baddoodu uu muran ku jiro, cabbirkii Kenya samaysatayna aysan waxba ka qabin Soomaaliya.
Qodobka Labaad: ee laga fahmi karo hadalka Kenya (Waxaa lagu kala baxayaa Sharciga Caalamiga ah)
Kenya waxay Guddiga QM u sheegtay, waxa ay ugu yeertay wada-xaajoodyada aan weli go’aanka laga gaarin ee Kenya iyo Soomaaliya in laga gaaray qorshayaal la maareeyey oo ku-meel-gaar ah, ee xag farsamo. Markaas waxay Kenya xustay in ay tixraacayso Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3, ee xeerka Qarammada Midoobay ee Baddaha.
Marka la dhuuxo hadalkaas, waa erayo loo adeegsado xagga sharciga oo salka ku haya in lagu kala bixi doono Sharciga Caalamiga ah (International Law) marka la isla tago Maxkamadda Caalamiga ah. Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3 waxa ku cad in ay wanaagsan tahay in dalalku ay heshiiyaan. Dabcan markaas hadday heshiin waayaan waxaa la raacayaa qodobka 1-aad ee xeerkaas. Kaas oo dhigaya in Qalfoofka Qaaradda badda ee dalalka deriska ah uu saamayn ku yeelanayo heshiiska ku salaysan sharicga caalamiga ah, sida ku cad qodobka Article 38 ee Qaanuunka Maxkamadda Caalamiga ah. (Qodobkaasi waxa uu khuseeyaa in Maxkamadda Caalamiga ah ay go’aan ka gaarto muranka u dhexeeya dalalka).
Halkaas waxaa laga fahmi karaa in Kenya ay dooneyso in badda Soomaaliya ay geyso maxkamadda Caalamiga ah si loogu sharciyeeyo. Waxaa taas laga sii fahmi karaa in hadalka Kenya uu ku jiro erayada ah in qorshayaasha la maareeyey ee la isla gaarey ay ku xusan yihiin Heshiiska Is-afgarad ee ay kala saxiixdeen DFKMG iyo Kenya April 7, 2009. Waxay hadalkaas Kenya ku sii xoojisey ayadoo farta ku fiiqday qoraal kayimid Soomaaliya oo ku taariikhaysan 19 August 2009 kaas oo ay sheegtay in uu waafaqayo Heshiiska Is-fahamka (MoU). (FG: Qoraalka 19/8/2009 ee ay Kenya ka hadleyso oo taageerada ka dhiganeyso waa warqaddii loo saxiixay Cumar C/rashiid, ee qaar xildhibaanadda DFKMG kamid ah ay shir jaraa’id ku sheegeen in uu saxiixay Prof. Ibbi. Arrintaas weli ra’iisul wasaaraha DFKMG kama hadlin).
Arrimahaas marka la eego, Kenya waxay u muuqataa in ay isu diyaarineyso erayo sharciyeedkii ay adeegsan lahayd haddii la isla tago Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague. Halka madaxda DFKMG ay ku mashquulsan yihiin difaaca heshiiskii Is-afgarad ee lagu khiyaameeyey.
Dawladda Federaalka KMG oo Loogeysa Badda Soomaaliyeed
Waxaa shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan sababta ay DFKMG heshiis Is-faham ula geli weydey Yemen iyo Seychelles oo labadaba ay bad kala dhexeyso Soomaaliya. Labaduba waxay xogtooda gusbisteen iyagoo aan Soomaaliya heshiis iyo is-faham is-afgarad iyo MoU midna la gelin, waayo loomaba baahna, khasabna ma ahayn in dalalku galaan heshiis is-faham si xogtooda ay ugu dudbistaan UN-ka. Haddaba arrimahaas oo jira ayaan la fahmi karin sababta ay DFKMG u difaacdey heshiis aan wax faa’iido ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Arrinta khasaarada weyn ku fadhida waxay tahay in Baarlamaanka DFKMG diidmadoodii ay heshiiska Is-faham ku diideen aan laga hoos qaadin. Waayo haddii go’aankaasi gaari lahaa Qarammada Midoobey, markaas xukuumadda Kenya tixraac ahaan uma adeegsan lahayn heshiiska is faham.
Waxaa xusid mudan in baarlamaanka DFKMG ay go’aanka diidmada ah gaareen Agoosto 1, 2009. Kaddib, sida uu dhigayo dastuurka DFKMG, waxaa go’aankaas loo gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed si uu u saxiixo oo markaas loogu gudbiyo hay’adaha ay khuseeyaan sida QM. Waxaa cad in warqaddii go’aankii baarlamaanka ku qoraa in aan laga qaadin miiska madaxweynaha DFKMG, waayo Kenya markii ay akhbaarteeda ka hor akhrineysey QM September 3, 2009, meelna laguma xusin diidmadii baarlamaanku WAXBA-KAMA-JIRAAN (NULL & VOID) kaga dhigeen Heshiiskii Is-afgarad ay Kenya tixraaca iyo taageerada ka dhiganayso. Tirada xubnaha baarlamaanka DFKMG waa 550 xildhibaan. Waxayna u dhaarteen in ay dhawrayaan danta Dadka iyo Dalka. Maxaa hadda arrimahaas kala gudboon baarlamaanka DFKMG? Jawaabta waxaa laga sugayaa 550 xildhibaan.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London la hadlayey October 28, 2009 ayaa markii ugu horeysey qiray in Heshiiskii Is-fahamka lagu khiyaameeyey xukuumaddiisa – Waxa uu yiri: “Kenya waa run waxay damacsan tahay in ay khalado xuduudka badda sida uu yahay… Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law…” . Laakiin ilaa hadda xukuumadiisu diidmo ku saabsan heshiiskaas Is-faham uma gudbin Guddiga Qarammada Midoobey. Maxaa hadda la gudboon Ra’iisul wasaaraha DFKMG? Jawaabta isagaa laga sugayaa.
Madaxweynaha DFKMG oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota la haadlayey October 4, 2009 ayaa sheegay in arrinta heshiiska Is-afgarad ee had iyo jeer laga hadlo ay tahay DACAAYAD – Waxa uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato….“. Hadda haddii uu arkay in arrintu aysan dacaayad ahayn, oo xitaa ra’iisul wasaarahiisii uu qiray in Kenya ay Violation ama Ku xadgudub ku samaysay Sharciga Caalamiga ah, oo Kenya doonayso in ay Khalado xuduudda, haddaba maxaa la gudboon Sheikh Shariif? Jawaabta isagaa laga sugayaa.
Maxaytahay Talaabooyinka hadda loo baahanyahay in si dag dag ah loo qaado
B- In Raysal wasaaraha DFK Cumar C/rashiid uu waraaq dag dag ah u diro QM uuna ku cadaynayo inaan la cuskan karin MoU heshiiskii Is-afgarad ee 7 April 2009, iyo inaan la cuskan karin waraaqii 19 August 2009 loo gudbiyey QM hadana Kenya xustay, waraaqdaas oo Prof. C/raxmaan Ibbi u saxiixay Cumar C/rashiid.
T- In si dag dag ah DFK ay shir jaraa’id u qabato ay ku cambaaraynayso damaca Kenya, ayna ku xusayso inay kusoo xadgudubtay Badda Soomaaliyeed. Ugu yaraana xusayso in Kenya ay hadda ka baxday Is-afgaradkii Caruusha.
J- In Baarlamaanka Soomaaliyeed si dag dag ah ugu yeero Xukuumadda FKMG kana dhagaysto sababaha ku kallifaya inay galaan ama difaacaan Heshiis lagu waynayo 116,000 km oo labajibaaran ama murran galinaya Badda Soomaaliyeed, hadii Xukuumaddu jawaab cad keeni waydo ama ka meermeerto inay kanoqoto in Baarlamaanku Motion ka keeno Dowlada Lagu Casilayo sida uu dhigayo Axdi Qarameedka Kumeelgaar ah.
Waxaan dhayalsi lahayn in haddii arrimaha ku saabsan damaca Kenya aysan jawaab adag oo rasmi ah ka bixin Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha DFKMG in markaas ay halis ugu jirto badda Soomaaliyeed in Kenya looga sharciyeeyo Maxkamadda Caalimiga ee Adduunka.
X- Arinta aadka muhiimka u ah ee loo bahan yahay waa in Soomaaliya si deg deg ah u magacowdo khuburo Soomaaliyeed oo kakooban Qareenno Sharciyada badda ku takhasusay, khuburo dhinaca Juquraafiga ah, khuburo cilmiga Badda aqoon u leh gaar ahaan Qalfoofka Qaarada, Taariikh-yahanno xagga badaha, iyo Saraakiil garanaya ama horay ula soo shaqeeyey QM fahmina kara Eraybixinta Qaanuunuga ah, sidoo kale fahamsan haddii lagu fursan waayo Maxkamada Caalamiga ah sida ay u shaqayso. Sidaas waxaan ugu talinaynaa kaddib markaan derisnay dhinaca Kenya khubarada ka soo jeeda iyo baaxadooda xirfadeed ee howshaan u baahan tahay. Fadlan markale akhri khuburada Kenya usoo xushay inay Soomaaliya ka goostaan 116,000km oo laba Jibaaran.
Akhbaartaas Kenya waxaa QM u bandhigay Wanjuki Muchemi, gacanyaraha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General) iyo Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda , iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS. Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.
Wareegto Rasmi ah (GAZETTE NOTICE NO. 3929) oo soo baxday 24kii May, 2006 ayaa Kenya ku magacawday Guddi khubaro ku xeel dheer Qaanuunka Caalamiga ah iyo cilmiga badaha oo loo xilsaaray in ay farsamo ahaan diyaariyaan cabbirka xuduudda badda. Guddigaas oo ka kooban 17 xubnood (oo isugu jira Guddoomiye oo ah Juster Nkoroi iyo 13 xubnood iyo 3 xoghayn), waxaa loogu magac daray Guddiga Hawlgalka (Task Force) ee xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Jariidadda EastAfrican waxay May 11, 2009 sheegtay: xogta ay u gudbisatey QM waxaa Kenya kaga baxday lacag dhan $9 million oo doolar.
SomaliTalk oo horay uga digtay inaan Heshiis lagalin iyo in Kenya Badda Soomaaliyeed Cabiratay
(Tixraac cilmi baaristii SomaliTalk ee April)
4- Inay isha ku hayaan wadammada badda lawadaaga Soomaaliya inay soo durkeen iyo in kale sida; Kenya, Yemen, Sychelles, Maldives iyo Hindiya, sidoo kalena ay lasocdaan xogta ay u soo gudbiyaan Qarammada midoobay oo cadaynaysa Joqoraafi ahaan baddooda. Waxaa soo ifbaxday xiligan aan Baarintaankan wadno in , Dowlada Kenya ay cabiratay qayb kamida Badda Soomaaliya ee xuduuda laleh, sida ku cad qoraal ay Kenya u gudbisay UN-ta Maarso 10, 2009 oo ay ku sheegatay Jasiirado iyo qayb wayn oo badda Soomaaliya leedahay ah, kuwaasoo u dhow Raaskanbooni…. (Cilmi baarista kadib, waxay May 6, 2009 Kenya u gudbisatey QM khariidad muujinaysa in ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxad weyn).
5- SomaliTalk waxay ka digaysaa in aan cidina saxiixin xeerka cusub ee (Xadaynta) Badaha Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya waddan ahaan buuxin shuruudaha laga rabo, gaar ahaan Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan si gaar ah u xasuusinaynaa inaysan qaadin wadadii qaar kamid ah maamulladii ka horeeyey ay qaadeen, kaas oo ahaa inay saxiixaan arrimo culculus oo Soomaaliya ay ka dhaxli karto cawaaqibxumo iyo hagardaamo muddo dheer jirta. Sidoo kale waxaan ku baraarujinaynaa inay aad u dhuuxaan xeerkii hore ee baddaha Soomaaliya, kaasoo qorayey inay Qarammada midoobay Soomaaliya oo qura ay Dalalka Afrikada bari uga aqoonsanayd (370 km) halka Wadammada kalena loo aqoon sanaa (22km) xogtaas iyo kuwa kale oo farabadan waxay kuxusan yihiin warbixintan. Qoraalkaas wuxuu kamid ahaa cilmi baaristii Somalitalk toos Dowlada FKMG ugu dirtay intaysan heshiiska Is-afgarad MoU lagalin.
Tixraac:
Qodobada la tixraacay ee lagu xusay warbixinta Guddiga Qarammada Midoobay oo kooban hoos ka akhri:
Xeerka Annex I, farqaddiisa Paragraph 2 (a)
2. Haddii ay jiraan muran ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhexeeya laba dal oo ku yaal labada gebi ee badda ama badda deris ka ah, ama ay jiraan dhul ama muran badeed, oo la xiriira xogta la soo gudbinayo waa in Guddiga QM…. (a) Loo sheego murankaas marka ay dalalka xeebaha lehi soo gudbisanayaan xogta.
FG: Khalad ugu weyn ee DFKMG ay ka gashay shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in ay “Muran Badeed” gelisay bad Soomaaliyeed oo aan hore wax muran ah ugu jirin. Badda Soomaaliya inta Waqooyi iyo Waqooyi-Bari ka xigta jasiiradaha lama Shaaqa weligeed muran kuma jirin ka hor xukuumadda Jabuuti loogu soo dhisay Soomaalida Janaayo 2009.
Waxaa la is weydiin karaa waa maxay faa’iidada ugu jirta DFKMG in ay ku noqoto xukuumaddii ugu horeysey ee soo marta Soomaaliya oo muran toos ah gelisa badda dhanka Raas Kambooni ka soo xigta Jasiiradaha Lama Shaaqa.
Xeerka Annex II, qodobkiisa Article 5 ee xeerka Badaha:
Article 5, Annex II waxa uu qeexayaa Guddi-Hoosaaska QM ee ka baaraan degaya akhbaarta la soo gudbiyey in uusan ka mid noqon xubin ka noqon karin qof dalkaas ka caawinay xagga farsamada ama xogtaas markii la gudbinayey. Waxa kale oo qodobkaas ku xusan in dalaaka xeebaha leh ee akhbaarta u gudbistey Guddiga Xadaynta waxay goobta guddigu hawsha ka wadaan u joogi kara wakiil, laakiin wakiilkaasi codka (vote) ma bixin karo
Qodobka Rule 42 ee Guddi- Hoosaadka
Qodobka Rule 42 ee xeerarka iyo nidaamka guddiga xadaynta Qalfoofka Qaaradda, waxa uu adkaynayaa qodobka muujinaya guddi hoosaadyada loo samaynayo guddiyada xadaynta qalfoofka qaaradda, iyo sidii guddigaas loo xulan lahaa ayadoo la tixgelinayo qodobka kor ku xusan ee Article 5 ee Annex II. Waxaana guddi hoosaadkaasi ka koobnaan karaa toddoba xubnood oo ka mid ah Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Waxa kale oo qodobkaasi dhigayaa sidii guddi hoosaaska looga dhawri in uu ka mi dnoqdo xubin yeelan karto dano iska hor imanaya (conflict of interest).
Qodobka Rule 51
Qodobka Rule 51, farqaddiisa paragraph 4 ter, ee xeerarka iyo nidaamka guddiga xadaynta waxa uu qeexayaa in akhbaarta la soo gudbiyey loo kala hor akhriyo sida ay u soo kala horeeyeen. Waxaana akhbaarta ay guddi hoosaadku tixgelin siinayaan haddii oo keliya uu mid ka mid ah saddexda guddi hoosaad ee ka shaqaynaya ay soojeedintooda u bandhigaan guddiga xadaynta qalfoofka qaaradda.
– Tixraac: CLCS/64 , bogga 21; eeg http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm
– Akhbaartii ay gudbisatey Kenya 6 May 2009; eeg www.un.org/depts/los/clcs_new/ submissions_files/ submission_ken_35_2009.htm
– Memorandum of Understanding (MoU), see http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/ submissions_files/preliminary/som_2009_mou.pdf
– Waqrqaddii loo saxiixay Cumar C/rashiid 19 August 2009, eeg http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/ submissions_files/ken35_09/som_re_ken_clcs35.pdf
– Article 76, paragraph 8,: http://www.un.org/Depts/los/ convention_agreements/texts/unclos/part6.htm
– Article 38 International Court of Justice: http://www.icj-cij.org/documents/index.php?p1=4&p2=2&p3=0
– Rule 42 and Rule :eeg http://www.un.org/Depts/los/ clcs_new/commission_rules.htm
– Annext I, Paragraph 2 (a): eeg http://www.un.org/Depts/los/ clcs_new/commission_rules.htm
– Article 5, Annex II: eeg http://www.un.org/Depts/los/ clcs_new/documents/annex2.htm
- English Version: Read Statement by the Chairman of the Commission on the Limits of the Continental Shelf on the progress of work in the Commission
Eng. Maxamed Cali| iyo Xasan Dhooye | Faafin: SomaliTalk.com | November 3, 2009
Akhriste ayaa Oct 31, 2009 su’aalaha hoose soo weydiiyey SomaliTalk.com:
MA HALKAAS BEY KU DHAMAATEY DAMACII KEENYA?
Jawaab: Kenya waxay haysataa Heshiis Is-afgarad oo ay la gashay DFKMG, heshiiskaas waxaa u saxiixay C/raxmaan C/shakuur, waxaana UN-ta u gudbiyey Cumar C/rashiid. Inkasta oo heshiiskaas ay Baarlamaanka Soomaaliya ka dhigeen waxbakama jiraan haddana ilaa hadda xukuumadda Federaalku diidmadaas uma gudbin QM. Damaca Kenya waxa uu dhammaan karaa marka ay DFKMG si rasmi ah arrinta u maarayso, heshiiska si rasmi ah uga noqoto, in ay ka noqotayna ay si rasmi ah ugu gudbiso Qarammada Midoobay, arrintana markaas lagu daabaco website UN-ta sida loogu daabacay heshiiskii Is-afgarad oo weli ku jira website-kaas.
KUWA DOWLADA SHEEGANAYA MAXAA HADA KU KALIFEY IN EY RUNTA SHEEGAAN?
Jawaab: Shacabka Soomaaliyeed ayaa si qayaxan uga horyimid heshiiskaas lagu khiyaamaynayey, oo la doonayey in lagu xalaalaysto dhul badeed baaxadiisu dhan tahay 116,000 kiilomitir oo laba jibbaaran. Meelkasta oo ay tagaan madaxda DFKMG su’aasha ugu horeysa ee la weydiiyo ayaa noqotay maxaad u bixiseen badda Soomaaliya, maxaa DFKMG ku kallifay in ay heshiiskaas galaan maadaama aan wax faa’iido ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ayagoo kitaabka quraanka ugu dhaartay in ay ilaalinayaan danka dadka dalka iyo diinta. Jawaabaha rasmiga ah waxaa laga sugayaa xumuumadda Federaalka kumeel gaar ah.
Weli ma muuqato meel ay DFKMG si rasmi ah Kenya ugu wargelisey in ay VIOLATION ku samaysay xuduudda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha DFKMG hadalkiisa waxaa loo qaadan karaa hor dhac uu arrintaas ku doonayo, balse waxaa laga sugayaa in uu arrinta ka jibo keeno oo si rasmi ah heshiiskaas ay xukuumaddiisu uga laabato, adduunkana si qoraal ah oo rasmi ah ku gaarsiiso, gaar ahaan UN-ta.
Waxaa muhiim ah in shacabku fahmo in madaxweynaha DFKMG uu arrinta heshiiskaas ku tilmaamay DACAAYAD la sameeyay, halka ra’iisul wasaaruhu uu ku tilmaamay VIOLATION ay Kenya ku samaynaso Qaanuunka Caalamiga ah. Sidaas daraadeedna ay muhiimad weyn leedahay in xukuumadda laga helo mowqifkeeda oo qoraal rasmi ah.
waa wax a ad looha naxo in badii soomaaliya ay kenyaati iska qaataan
Cabdishakuur markuu wax saxiixayo 10 kenyati ah oo ka khibrad iyo aqoon badan oo 5 milyan ku soo kharshgareeyay qorshahooda ayaa ku hareersanaa.
Aaway khubaradii iyo lawyaradii soomaaliyeed? muxuu uga baaraan dagi waayaya markuu talefoonka u dirayo qa’iisul wasaraha iyo madaxwaynaha? ee ku qancinayo wax uusan asuguba fahmin?
Waxaa inaga maqan wax la yiraahdo “Team work” iyo accountability!! waana wax loo baahan yahay in hadda ka dib carruurteena iskoolka lagu soo baro. ma aha nacasnimo adoo wasiir ah inaad tiraahdid war waxan anigu ma fahmini ii kaadiaya aan dadkaygii lasoo tashadee!!
asc waxaa mudan in waxqabadkooda warbaa hineed looga mahad ciliyo bahda war sidahan maamusha oo had jeer soo bandhiga ceebaha kuwa hogaanka soomaalida gaanta ay igu jirto, waxaana haboon inay ku daydaan tafatirayaasha iyo qoraal yahaynada soomaaliyeed ee aqoonta lihe iyo goo adeegsanaya aragti fog oo qota dheer waxna kaqaban karta baraarujinta umada soomaaliyeed www
asalaamu calaykum walaalayaal meel aad joogtaanba kabacdi walaalayaal waxaa caddaatay weerarka dhulkeennii lagu hayo bad iyo berriba kolleyba ummad dhani wadaniyiin mawada noqoto qanjidhna hilibka lagama waayo walaalayaal
dhamman innagoo isku duuban aynnu difaacanno dalkeennii hooyo innagoon ukala hadhindhinacna isaga saarno inta yar ee moodaysa qabiilka xal waara
haddii aynnaan maanta guntiga dhiisha iskaga dhiginna maalin ayaa imaan doonta aynu si wadar ah u wada ooyi doonno oo markaa aaney cidina cidkale eedaynayn.
A/C, 1.000.000% ayaad mahadsantihiin bahda somalitalk, waxan intaa ku darayaa in shariifyaal iyo waxa taageersan ay indhaha iyo dhegaha beeleen oo sida qur’aanka ku cad ilaahey ka qufulay, waxay ku muteysteenna ma yara oo waxan ay samaynayaan oo aanan kolley anigu arkin oo maqlin taariikhda cid hore u samaysay, ayey haddana galeen dembiyo ka sii weyn oo ilaahey keliya ogyahay, waxana daliil u ah sida ay xishoodkii, dadnimadii, soomaalinimadii, diintii iyo dareenkii bini-aadanimaba uga tageen.
Bahda dadaalkan ku jirtana way ka gulaysan doonaan ilaahey idankiis waayo ilaahey daalim ma gacan siiyo noocuu doono ha ahaadee ee dadaalka un wada dul qaatana mirahaad macaansan doontaan aakhiro iyo adduun insha allaaaaaaaaaaaaaaah.
Wabillahi tawfiiq.
asc marka ugu horeysa waxaan u mahad celinaa mahda somalitalk iyo aqoon yahanada somalida ah oo sida wadaniyada ah iskugu howlay sidii eey u badbaadin lahaayeen bada somaliya oo hatan cadowgena donayo in uu ka faideysto tabar yarida dadkena iyo dowlad xumidena. waxaan kula talinaa dowlada DKMG AH EE SHEIKH SHARIIIF IN AYSAN BIXIN DHUL AMA BAD SOMALIYED OYSAN QAX ULAHEYN IN EY SAS SAMEYSO.WAAN AAMINAY SIDII AAN U AAMINAYNA IN EEY AMAANA AAN U DHIIBANAY U DHOWRTO.MIDA KALE WAXAAN KA CODSANAA BAHDA SOMALITALK IYO AQOONYAHANADA SOMALIYED IN EEY ISKU DAYAAN IN EEY SAMEEYAAN GUDI U XILSAARAN DOWLADA SOMALIYA IN EEY KULAN LA YEESHAAN OO ARINKAN FOOSHA XUN LEH OO MAANTA NA SOO FOOD SAARAY OO KENYA EEY KU DOONEYSO IN EEY BADEENA KU DHACDO IYADA OO MAALINCAD AH KALA HADLAAN SIDA UGU DHAQSAHA BADANA QM LOOGU GUDBIYO IN SOMALIYA EYSAN MARNA RAALI KA NOQONEYN IN DHULKEDA KENYA DHACDO. RUN AHAANTII TAN WAA MID RUUX KASTA OO SOMALI AH ISLA MARKAANA WADANKIISA JECEL KA GUBANAYO ANIGA. QAAS AHAAN AAD AYEY II TAABATAY MAXAA YEELAY AAD AYAAN WADANKEYGA U JECLAHAY.WAXWALBA OON U QABAN KARANA WAAN U QABANAA AFKABA IN AAN KA TAAGEERO.MARKA AAD AYAAN U MAHADSANTIHIIN MARLABAAD KEEP ON THE GOOD JOB.ILLAHNA AJIR HA IDINKA SIIYO
Somalitalk dagaal wadaniyeed bay ku jirtaa waxgaradka Somaliyeed oo dhanna way u mahad celinayaan. Waxaan ku boogaadinayaa inay fariimo khaas ah u diraan xildhibaanada wadaniyiintqaa iyo ururada Somaliyeed khaasatan kuwa jooga magaalada hadba wasiirada dawladdu ku gaaf wareegaan. Hawl dhakhsa leh baa loo baahan yahay sidii UN loogu gudbin lahaa diidmadii barlamaanka dawladana loogu khasbi lahaa inay mawqifkeeda isbadalay cadayso UN kuna maqasho. We need to roll the tunnel and open full the pressure valve. Thank you Somalitalk on behalf of the abused Somali people and the victimized Somali sea and land.
Salaan.
Anigu qalbiga qorahan ma akhrisan kariyo,balse maqaalkan aad soo gudbisey adiga bahweynta SomaliTalk,wuxuu i tusay in aanan kali ku aheyn,dhaartii aanmarey:
In aan codow shisheeye iyo mid sokeeyaba ka daafaco Cawaale,kaas ooay astaan u tahey Xiddig Cad oo 5geesoodleh(Shanta Qeybood ee Gumaystihii Caddaa,dhulka soomaaliyeed u kale qaybshey).Kolka Miyeysan U adeegayaasha Cadaanka(Keenyaatiga),Ogey In ay NFD(dhulkeeda iyoBiyaheeduba),ay dhul Soomaaliyeed yihiin.Kolka Waa in Geedka Hoostiisa La keeno:Madaxweyn Sh.Shariif,Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid,W.Maaliyadda Shariif,Prof.Ibi iyo Gudoomiyaha B.S.sh.Aadan Madoobe.Kuwas oo galey Khiyaamo Qaran.
Waad mahadsantihiin 100% Somalitalk.com
Kenya waxay ku bixisay 9 milyan oo Dollar idinkuna waxaad ku bixiseen waqtigiinii oo dhan waxaan idiin rajeynayaa wax ka khayr badan in Allaah idin siiyo, hadda waxaa hesheen kalsoonidii shacabka intii wax garaneysa,inta qalbiga qabiil ka degey
S/c waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka bahada somalitalk waxaa lee yahay ilaahay qalinkiina haka dhigo midaan qadiisu istaagin waxaad dadkiina u qabataana waxaydun ku arkaysaan taariiqda,
waxaa bil xaqiiqo ah inaad u guntateen waqtina galisaan hawshaan aad soomaali usoo bandhigtaan fahamsiiseena in badan oo bulshada soomaaliyeed ka mid ah waxa jira inaysan ahayn wax sahlan ilaa baarlaman kii soomaaliya laga hor aqriyay xog ogaalkiinii aad soo diyaariseen,marka waxaan ilaahay idikaga baryayaa in ilaahay ajar idinka siiyo meel kasto oogaaladaan ku saabsana oo xogta arintaan ahna ilaahay sahal idinka siiyo aamiin aamiin,
ass.c salaantaas ka dib runtii aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin hadii aad tihiin somalitalk sida faahfaahsan ee mar walba aad shacabka ugu soo bandhigtaan halka xaal marayo gaar ahaan arinta ku saabsan bada soomaaliya. waxaan jeclahay inaan hal kalmad iraahdo taasoo aan u jeedinayo aqoonyahayada ama qubarada ku mashquuulsan arintaan xasaasiga ah ee maantay ku sugantahay badeena soomaaliya waxaan u soo jeedin lahaa qubaradaas in aysan dadaalkooda ku soo koobin qoraalo ay u soo bandhigayaan shacabka juhdigoodana ay ku daraan ficil maadaama iyagaba xil ka saaranyahay arintaan. waxaan xaqiiq ah in xalka ama guusha aan qof kaliya ama dowlad kaliya keeni karin hadii qof walba oo aqoon iyo awood u leh qeybtiisa qaadan waayo sidaaas dareedeeed waxaan ka codsanayaa aqoonyahanada ku xeel dheer sharciga iyo badaha in ay qeybtooda ka qaataan arintaan qofkii maantay soomaaliya wax u qabtana taariikhda ayaa xusi doonta.
wabilaahi tawfiiq.
Halganki shariif sakiin wuxuu dhalay in badda soomaaliya la gato, allow adaa umadaan u maqan
UGU HOREYN ASCW WALAALHA SOMALITALK IYO AQRISTAYAASHA SALAANTAAS KOR KUXUSAN KADIB
ILAAH WAXAAN KA BARYEEYNAA IN ILAAH SOMALIYA FARJ DEGDEG U FURO OO AAY KU HANATO DIINTEEDA DADKEEDA IYO DHULKEEDA
AMIIN AMIIN
WAXAAN DHIHI LAHAA HAL KALMAD OO KALIYA
SOMALIYEEY WAAD U JEEDAAN DOWLADII NA MATASHEY WAXA AAY SAMEEYNEEYSO IYO HEERKA AAY TAAGAN TAHAY SOMALIYEEY GOOBAHA AAY NOOGU IMAADAAN MADAXDA DAWLADA HADAAN NAHAY DHALINYARADII QURBAHA JOOGTAY INAAN SACABKA BEENTA AH AAN KA DEEYNO KII NOO IMAADO EE AAN LA XISAABTANO UNA SHEEGNO RUNTA
SOMALITALK QEER AAN LA KOOBI KARIN ALAHA SIIYO WALAALO JIRO JSAAKALAAHU QEEYRA
Horta marka hore Waxaa amaan mudan muwaadiniinta Somalitalk oo dhowr PC’s, dhorw talefon gacmed iyo malaha hal iskanar kaga hortagay Kenya oo quburo heer caalami, lacag ciidaas kabadan, iyo xitaa sixir (ileen nimanka namatala ma fiyoobee). Sayidkii walee idinkuma qasaarin. Shaqo wacan walaalayaal.
Intaa ka dib, Hadaan nahay Somali, waa inta fiyoobe, lacag nooguma fadhido inaan qeylo iyo sawaxan ka kicino arintan iyo arimo kale oo badan hadey noqon laheyd dhiiga shacabka somaliyed, gadashada dhul qoyan iyo mid qalalan, xadgudbka xaquuqda kuweena dibadaha kumaqan iyo wax alla wixii inkaar ahoo naheysata. Hadaanan qeylin in aan kuraacsanahaa lamoodayaa, Marka somaliyeey AFKA LABA.
waxaan u malaynaa shariif ma hadli karoo taliyaha AMENISON ayaa loo xilsaaray in uusan hadlin ee soomaaliyey fadhiga ka kaca.
war soomaaliyey waa boob aan loo gaban , aaway aqoon yahandiin somaaliyeed. aqoon yahanooy yaan loo fiirinn arintaan madaxweeyne iyo raisalwasaare oon yaan leys dhihin matihiin dowlad. Ee aqoonyahanda iyo sharici yaqaanada soomaaliyeed waxay xaq u lee yihiin in qoraal cancellation hashiiska is af garadka ee badda soomaaliya muranka la galiyey loo gudbiyo qaramada midoow sida ugu deg dega badan.
Waa iska cadahay in la bixiyey baddii Soomaaliyeed.. Aniga waxay ila tahay nimanka badda ka fakerayaa inay khaldanyihiin sababtoo ah badda yaa leh baa is waydiin ah? soo Soomali maaha , dadka malainkasta la xasuuqaayo oo dhiigoodu daadanaayo intaad badda ka fekeraysaan aaway dadkii badda lahaa, dadka xurmayn waayey dhiiga walaalkooda la dhashay la diinta ah , la afka ah , la dhalashada ah iyo sinjigaba ah , Wax macne leh samayn mayso in ay badda bixiyaan.. Waa nala ku khalday hishiiska bay taaganyihiin soo ma cadda in ay yihiin madaama oo la khalday dad masuuliyadii shacabka aan qaadi karin! Waa nalaku khalday ma aha af dublumaasi ku hadlo. baddasi waa siday u tagtay laba cad la iska waydiin maayo, sababtoo somalidu waa dadka keliya oo aan ahyn muwaadiniin , meelkasta qoxooti bay ku yihiin dalalka caalamka bay u qaxeen.. intii joogtayna waa kuwaatarabtarabta loo laynaayo!
Maxay tahay badda aad ka hadlaysaan oo aad leedihiin waxaa la siiyey kenya.
Waxaan aaminsanahay in dalka laftigiisa la degidoono xitaa taariikhda danbe aan lagu xusi doonin dad somali la dhaho baa degnaan jiray dalkaas.. Waxaas oo dhana inagaa isguwacan ,markaa qoflastow naftaada ku canaano badhkaagaad leedahy khaldkee!!!
Waa xanuun badan tahay arrintani waa ayaan daro ina haysta wixii naloo burburinayay ayaa soo baxay
1-In somaliya ay noqoto tuulooyin itobiya u shaqeeya.
2-In kenya baddena iyo dhulkeena boobto.
3-In USA IYO EU ay yihiin caddow waxaa oo dhan gadaal ka riixaaya somaliduna u aragto saxiib.
4-In qabiil qabiil la isugu kaaya mashquuliyo
XALKU MUXUU YAHAY.
Qabiil aan ka gudubno I do’nt care who is going to presedent and PM waxa dhacaaya waa khiyaano dal iyo dad ee aannu u midowno.qaar sun ku aasa dalkii qaar iibsada iyo qaar dadka iibsada maxaa inoo haray?
NABADEEY
Kolley iyo kolley arinta badda ee heshiiskaan waa mid soo noq-noqdey shakina kuma jiro in dowladda F.K.lagu qiyaamay hase ahaatee waa arin wali kadabatag leh ..waana arin masiir ummadeed oo berri layslaxisaabtami doono intii saxiixdey iyi intii kuluglaheydba ay iyagu berrito bixindoonaan qiimaheeda iyo waliba cawaaqibka karatibmi karaaya ..sidaasi daraadeed madaxda dowlada waxaan kula tali lahaa in ay qoraal rasmi ah inta ay goor goor tahay arinkan ay kasoo saaraan una gudbiyaan guddiyada quseeeya howshaan ..waana ku mahadsanyahay sida geesinimada leh ee uu uqirtey R/wasaaraha in arinkan lagu qiyaamay kenyana ay dhagar wadato..laakiin ficil ka hor tag ah baa loo baahan yahay
waawaxlayaableh oonaxdinleh inbadda soomalaiya ee intaa laeg meelcidla ah lagaqaata kuwaan doowlada shegana hadysan aqoonulaheen hashiiska iyowaraqaha ayiskasaxiixayaan ooy kuraaligalinayaan galada may wax aqoonuleh usameyaan waakuwa waraqaha iska saxiixaya damiirki dadakana xagee ka aada waa wax anawaligeed dhicin