Home » Warar »

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis, Minnesota

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis ee Gobolka

wiil1Habeenimadii Isniinta (Oct 26, 2009) ayaa wiil Soomaaliyeed waxaa lagu diley magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Wiilka waxaa magaciisa la oran jirey Ali Yasin Ismail, oo da’diisu ahayd 23-jir, sida uu sheegay Telefishanka WCCO Channel 4 ee Minnesota.

Wiilka waxaa lagu dhex toogtey gaari markaas taagnaa meel gawaarida la dhigto oo ku taal wadada Nicollet Ave ee magaalada Minneapolis.

Wiilka hooyadiis waxay sheegtay in wiilku uu habeenkaas ayada u sheegay in uu raacayey wiilal saaxiibadiis ah, sida uu sheegay telefishanku.

Telefishanku waxa uu sheegay in aan weli cidna loo xirin dilkaas.

Xigasho: WCCO TV warka iyo sawirka: http://wcco.com/

Wararka Soomaalida lagu diley Qurbaha: AKHRI https://somalitalk.com/qurbe/

…..

March 8, 2009: DIL LOO GEESTAY WIIL SOMALIYED OO TAX-KA WADAY GOBALKA WASHINGTON iyo Budhcad hubeysan oo shalay galab dukaankiisa ku hortoogatey nin lagu magacaabo Deeq Hurre(Sanweyne)

Feb 27, 2009: Dhallinyaro ku dhimatay saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya….

Feb 20, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley London, UK

Feb 8, 2009: Koonfur-Africa Oo lagu dilay Ganacsadihii 7-aad ee Soomaaliya Sannadkan 2009-ka

Feb 5, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Askar Booliska Minneapolis ka Tirsan ay Toogasho Ku dileen….

Jan 2009: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka maleysiya….

Dec 12, 2008: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Oct 7, 2008: Labo Ganacsato Soomaali ah oo Lagu Diley K/Afrika iyo 30 Dukaan oo Soomaaliyeed oo la burburiyey

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis, Minnesota "

  1. Dlort says:

    Allah ha inoo gargaaro maxaa nagu dhacey somali hadaan nahey.Waa wiilkii tobnaad baan umaleynayaa oo ladilo labadii sano lasoo dhafey hadeyna ka badneed mineapolis dhexdeda,wayba kasoo darayan dhaliyaradan gang iyo waxan la’aqoon kujira.waxan dhihi lahaa school iska aada wax iska barta aduun iyo aaqiro waad is dhaafiseenee tii aduuna midii u hooseysey ku nool yihiin tii aaqirana dee maxa u yaal wa kuwa is leynayee.Soomaaliya Alla u sahlo meel xun beykusocotaa walee.Nabad galyo