SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Wiil Soomaaliyeed oo Toogasho wadnaha laga wareemey K/Afrika.

Wadnaha!!! Cabdiwali Cali Salaad oo ah dhalin yarro Soomaaliyeed ayaa caawo (Dec 12, 2008) meydkiisa lagu aasayaa magaalada Johannesburg kadib markii koox burcad ah ay wadnaha kala haleeleen tacshiirad taasoo uusan naf dhul la dhicin.

Naftu wadnaha ayay ka dhowdahay, Marxuum Cabdiwali Cali Salaad-na naftaba dhul lama uusan dhicin markii koox burcad ah ay racshiirad huwiyeen isagoo xiligaasi ku sugnaa tukaan ku yaala tuulo Johannesburg 20km u jirta.

Ma jirto cid loo qabtey, waxaase kasii daran ma jirrin wax dhac oo loo geeytey ganacsigii uu joogey marka laga yimaado taleefoonka gacanta, taasina ka yaabisey Soomaalida iyo saraakiisha amaanka, waana arrin shaki leh.

Caadi ahaan haddii dil uu ka dhaco goob ganacsi waxaa dhacda in goobtaasi dhac loo geeysto, markaasina Police-ka waxay ku micneeyaan dhac lagu faronaxay ama qaldamay.

Tan iyo shalay inka baddan 12 saac ayaa lagu mashquulsanaa in meydka marxuumka laga soo saaro isbitaalka lagu sameeyo qaliinka baaritaanka ah ee dadka dhintey lagu sameeyo.

Ururka Al-Bayaan oo ah kan u xilsaaran aaska marxuumiinta dhintey ayaa marxuumkani uu noqanayaa mid uun ka mid boqolaalka Soomaalida sidani oo kale loo diley ee ay aaseen.

Salaadii maqribka kadib oyadoo uu roob da’ayo, jawi qaboow baddana uu jirro ayaa boqolaal Soomaali ah oo ku tukaday salaadii Maqribka waxa ay janaasada ku oogeen meydka, kadibna u wehliyeen qabriga oo 10km u jirra xaafada Mayfair iyagoo gawaari ku jooga.

Dilkani waxa kusoo aadayaa xilli la galay bisha December oo inta baddan la geeysto dilalka noocani oo kala ah.

Cabdinaasir saxansoxo. Email: Saxansoxo1@hotmail.com

SimaliTalk.com, Johannesburg.

Akhri: Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha...

:::Faallo:Koonfurta Afrikaay Ileyn Birimageyday Dileen!!!!!

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 13, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS