Home » Warar »

Yaa Baxaya, Yaase Joogaya? Sh. Shariif Sh. Axmed, Mise Cumar Cabdirashiid?

Hordhac:

Qormadani waa qormo aan ahayn taxanihii Somalia for sale, waa qoraal aan ugu tala galay bal sida ay wax u socdaan in aan falan qayn ku sameeyo akhristayaashana ay ila akhristaan kadib na aan lasugno wakhtiga, waxaan ka hadli doonaa khilaafka jira iyo marka uu bilaawday  iyo khilaaf walba oo dhaca qolaa laga saaraa meesha ee yaa la saari doonaa, yaa baxaya, yaase joogaya.

Baroortu orgiga ka weyn!!

Waxaa muuqata in khilaafka jiraa uu yahay mid ka weyn dastuurka waayo ilaa markii lasoo dhisay dawlada KMG waxaa marba soo baxayay khilaaf hadana damayay, mararka qaar waxaa uu ku dhamaanayay in wax la badalo sidii kii Aadan Madoobe lagu badalay oo kale, oo Shariif Xasana kula wareegay xilkii si farsameesan, sidoo kale khilaafkii heshiiskii Ahlu Suna asagana waxaa lagu dhameeyay in wasiirada la isku shaandheeyo oo wasiiradii saxiibada la ahaa Shariif lagu badalay kuwo ayagu ku hadlaya ama ku yimi meesha magaca Ahlu Suna. Waxaa kaloo jira khilaafyo aan hawada soo gaarin badanaa kuna saabsanaa yaa agaasime laga dhigayaa, yaa safiir laga dhigayaa, yaa maamulka noocaas ah loo dhiibayaa, waxaa xayirmay shaqooyin badan, khilaafyadii dhacay waxaa ugu caansanaa kuwaan hoose:

  • 16.05.2010: Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yeeshay kulan buuq hareeyey kuwaas oo ay u diideen in Adan Madoobe shirka uu guddoomiye shirka, markii danbena codka u qaadey oo xilka ka xayuubiyey
  • 16.05.2010: Adan Madoobe ayaa sheegay in xukuumaddii dhacdey oo ay rideen 280 Xildhibaan
  • 17.05.2010: Raysalwasaare Sharmarke ayaa ku dhawaaqey in Adan Madoobe khiyaano Qaran galay, Xukuumadduna aysan ku dhici karin afkiisa
  • 18.05.2010 Waxaa is casiley Adan Madoobe
  • 18.05.2010 Waxaa xukuumaddii kala direy Madaxweyne Shiikh Shariif, waxaa ku taageeray Axmed Walad Abdallah.
  • 19.05.2010 Raysalwasaare Sharmarke ayaa ku tilmaamey go’aanka Madaxweynaha mid aan sharci ahayn loona hogaansamayn
  • 20.05.2010 Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ka laabtey go’aankii uu xukuumadda ku kala direy
  • 28.05.2010 Waxaa loo doortey afhayeen cusub baarlamaanka waxaana uu noqdey magac aan cusbeyn Shariif Xassan Shiikh Adan
  • 03.07.2010 Raysalwasaare Sharmarke ayaa soosaarey liiska wasiirada, waxaana ka dhexmuuqdey Adan Madoobe
  • 05.08.2010 Sharmarke ayaa hortagay Baarlamaanka, mana jirin cod loo qaadey, waxaana dib uga laabtey mooshinkii laga keenay Sharmarke xildhibaanadii keenay
  • 22.08.2010 Waxaa soo baxdey Warqad Sharmarke u qorey Qaramada Midoobey taas oo ku muddeysneyd 10.08.2010, waxaana ay dhalisey muran horleh.
  • 23.08.2010 Waxaa bilowdey dagaalkii al-Shabaab ugu magacdareen “Nihaayatul Muctadiin”
  • 24.08.2010 Weerarkii Hotel Muna waxaa ku dhintey 4 Xildhibaan iyo 26 qof oo rayid ah.
  • 15.09.2010 waxaa golaha baarlamaanka loo qaybiyay mooshin ka dhan ah xukuumada

Mooshinka dhanka ka xukuumadda ee loo qaybiyey baarlamaanka DFKMG waxaa ku saxiixnaa 111 xildhibaan. Mooshinkaas iyo Jawaabtii uu ku bixiyey ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid  EEG HALKAN.

Nuqulka Mooshinta iyo Jawaabta eeg halkan

15.09.2010 Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed oo is badal ku dhawaaqay in lasameeyo waxaana uu saas ka horsheegay golaha baarlamaan, is badal kaas yaa ku baxi doona?

Khudbaddii Sh. Shariif  (Sept 15, 2010)

Madaxweynaha DFKMG ayaa khudabadiisii ugu kululayd waxa uu Arbacadii u jeediyey Baarlamaanka, waxaana erayadiisii ka mid ahaa:

  • “Waxaan la soconaa guddiga madaxa bannaan ee dastuurka nuskood in aan baarlamaanka la horkeenin, in aan decreeto madaxweyne lagu soo saarin, sidaas darteedna in aysan sharci ahayn, waxay soo saaraana in aysan sharci noqon karin…”
  • “Waxaa jooga aqoonyahanno Soomaaliyeed, waxaa jooga culimo Soomaaliyeed, waxaa jooga dad si xirfad leh u qori kara Dastuurka, ma nihin dad xorriyad qaatay hadda”
  • “Dastuur waa waxa ugu muhiimsan oo dal loo sameeyo, waa midka xukuma mustaqbalkooda, waa midka sheega taariikhdooda, waa midka ay ku dhisan tahay dawlad nimadooda, ma geli karo ciyaar iyo qandaraasyo iyo lacag doon ma geli karo dastuurku.”
  • “Waxaa la sheegaa in madaxda qaranku is haytaan, cid is-haysataa ma jirto. Aniga iyo ra’iisul wasaarahu isma haysano, aniga iyo guddoomiyaha baarlamaanku isma haysano, aniga iyo guddoomiyaha maxkamaddu isma haysano,  cid kale oo is haysatana ma jirto. Cid la arkaba waxaa la rabaa waajibaadkeedii qaran in ay fuliso. Aniga waxaad ii doorateen waajibaad, waajibaadkayga waxa uu ahaa in aan soo magacaabo Ra’iisul wasaare, xukuumadda soo dhiso, shaqadiina aan ku muraaqabeeyo. Haddii arrintii laga filaayey uu qaban waayo waa in aan idinku soo laabto oo idin iraahdo arrintii waa shaqayn weydey, maxaa talo ah.”

Halkan ka dhegeyso Khudbadii uu jeediyey Shariif (Sept 15, 2010)

Marka laga hadlayo arimaha dastuurka, dad badan baa la tacaadufay Sh Shariif oo leh waa markii ugu horeesay ee uu sheegay arrin lagu taageeri karo diid mada uu diiday Dastuurka cusub ee DFKMG loogu soo sameeyey Jabuuti.

Waxaad dib u fiirisaa qoraalkii Somalia for sale qaybta 3aad shaxda golaha wasiirada oo la daabacay ka hor is badalka inta uusan dhicin, waxaad kaloo fiirisaa dabeesha meesha ay u socoto iyo is badalada soo socday markaas iyo kuwa la filayay intaba..

YAA CULUS YAASE FUDUD?

Marka laga hadlayo luuqada ah yaa fudud kuma jirto luuqadaha siyaasada  caalamka waayo qofka imaanaya kursiga hogaamiye wadan markii horeba kuma imaan yaa culus, siiba hogaamiyaasha Soomaalida kuma imaan culeys ee waxaa uu meesha ku yimi waa la-iwataa ama 4.5 anaa kajooga, marka laakiin maadaama Soomaaliya ay noqotay meel looga hadlo luqad aan caalamka laga garanayn oo sida afsoomaaliga aduunka aan looga hadlin ayaa hadana siyaasada Soomaaliya aan waxba laga garanayn.

Khilaafkii CabdulaahiYuusuf uu ku baxay ma jirin yaa fudud waayo madaxweyne iyo r/wasaare wasaaare waxaa fududaa r/wasaare laakiin luqada ah yaa fudud lama adeegsan markaas oo si fudud ayaa beesha caalamka dhagta ugu sheegtay waqtigii in uu ku dhamaaday markaas c/lahi waxaa u harsanaa sideed bilood (8 bilood) sidii ayuu ku baxay si fudud ayuuna u keenay is casilaadii sababtuna waxaa ay ahayd ninkii meel kale laga xukumaa meel kalaa laga fasaxayaa.

Hadda iyo waxa socda wax yar dib u noqo cajalada dib u cesho shanqartana jooji si aad wax u fahantid, dawladaan waxaa u haray  tii hore wax ka yar ama wax ka badan labadda sheekaba waa jiraan hadaan dhahno Janaayo bay oga ektahay iyo hadaan dhahno agoosto 2011 baa ugu danbeesa, laakiin nasiib daro wax lala sugayo majiraan casharkaas waxaan ka faa’iidaysanay tii Cabdulqaasim iyo Cabdulaahi Yuusuf intuba ma dhameesan, waayo waa waqti aad u dheer laakiin wax baa jira ay wanaagsan tahay in aad ogaato.

Akhristoow beesha caalamka waa murugeysantahay waayo waxaa ay leeyihiin wax badal ah nooma diyaarsana, ilaa hada Al-Shabaab waxaa lagu raja weynaa in ay kasoo dhex baxaan koox afkaartooda beesha caalamka la qabsan karta taas waa yara dheeraatay inkastoo ay rajo ka qabaan, Ahlu Suna ma diyaarsana oo malahan hogaamiyaal siyaasada fahmi kara,  ayaga markii la shaq shaqay waa kii lagu soo dhex daray rag aanba wali la khaliifin oo layiri Ahlu Suna weeye, taasna waxaa ay ku tusaysaa diyaar wax ah in ay jirin.

Caalamka waxaa intaas oga murugo badan waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan gaaraya 7000 (7 kun) oo ku shaqeeya magaca ururka Africa waxaana loo yaqaanaa AMISOM , amisomta waxaa ay ku jirtaa khatar weyn waayo dawladii ayagaa isku mashquulsan nimankii “islaamiyiintana” waxaa ay marayaan meeshii ay ugu fiicnaayeen, AMISOM waxaa ay u baahantahay difaac kahor inta ay dawaladdu difaacin ayada difaacaasna ma adka.

Beesha caalam ka waxaa u taala laba mid dooro kii roon: waa mida koowaade labadan nin waa Sh. Shariif iyo Cumar mid dhagta wax inta loogu sheego gurina lasiiyo uu dago asaga iyo caruurtiisa la yiraahdo nin yahoow adaa fudud ama in baarlamaanka xoogaa jeebka loogu shubo kadibna gacmaha kor u taagaan oo sidaas lagu diro midkood ama inta beesha caalamka aamusaan ay ku ekaadaan war saxaafadeed taasna waxay danta ugu weyn ugu jirtaa “islaamiyiinta” waayo waxay si fudud u soo dhex galayaan goobaha dawladda KMG ay daganyihiin oo ay kamid tahay madaxtooyada oo ay kasameesanayaan waxa ay rabaan markaas ayada ah na ciidamada AMISOM waxaa ay galayaan khal khal weyn waayo ayagu waxaa ay rabaan wax difaaca ciidankii difaaci lahaana way kala daneesanayaan, sida aan ognahayna AMISOM hadaan ayaga la difaacin waxba ma difaacayaan.

Meeshaas waxaa kasoo baxi kara in AMISOM la bad baadiyo waxa ugu dhaw ee bad baadin karana ay yihiin ciidamada Itoobiya arinkaasna Zanawi ayaaba sheegay oo yiri hadii khatar lagaliyo AMISOM ta waan soo gurmanaynaa taasna waa wax dhici kara  waa hadii khilaafka laga aamuso oo aan raggan raggii isku soo daray aysan kala dhicin , marka yaa fudud majirto ee waxaa jira yaa dhagta afka loo saari doonaa.

Gurigga Cali Geeddi ee Nairobi

Wuu baxay Masoo noqon

Waxaa ku jira qaamuusyada dawladaha in ragga qaar laga faa’iidaysan jiray inta ay safraan bay hadana aysan ku soo laaban jirin oo kursigii laga qabsan jiray si fudud taas waxaa lagu tilmaami jiray afganbi aan dhiig ku daadan, madaxweynayaashii  saas lagu sameeyay caalamka waxaa ugu danbeeyay kan muritaaniya oo asagoo  ku maqan Sacuudiga baa meeshii lagu kala tagay, inkastoo tajrubadaas Soomaaliya aysan galin xilliyadan dambe, hadana waxaan is leeyahay amay u dhiman tahay oo laga yaabee in ay dhacdo waayo Soomaaliya waa wadankii tijaabooyinka, ragga qaar baa safaro laga kari waayay. Soomaalida waxay ku maah maahdaa soo joogso laga waayaa soo jiifaa laga helaa, anna waxaan leeyahay “safar badnoow hasoo noqon ayaa ku xigta”, xasuusnoow markaan ayada ah afganbiga waxaa ku filan baarlamaanka oo kaliya maadaama uusan ciidan jirin oo waxaaba ku filan 100 xildhibaan oo kiiba labadiisa gacmood uu taago kadibna waa la codeeyay uu ku dhawaaqo guddoomiyaha baarlamaanka, amaba meeshii qolooyin kale lagu arko waaga markuu baryo ayagoo jooga wax walba filo.

Gaba gabo: waxaa ay leeyihiin dadka siyaasada Soomaaliya falanqeeya  labada mas’uul waa mid in uu baxaa, waayo waxay ku saleenayaan oo ay leeyihiin intaas ayaaba ahayd muddo dheer oo ay isla joogaan. Su’aasha ah Malaga yaabaa in ay ay isla baxaan labaduba waa macquul, laakiin way kala danbeenayaan.

Marka aan leenahay labada mas’uul dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay ku soo dhacdo war ninkii ahaa Shariif Xasan muu la kala baxo burhaantiisii yuuse la jiraa, ma ninka ay isku magaca yihiin mise dhanka kale, inta hada la hubo waxay u muuqataa labadii magac in aanan isku meel lagu qorayn ama aanba la,isku khaldi donin hada kadib labo (SH), waxay u badantahay in Shariif Xasan wax u bidhaameen oo asagu kuma jiro waxa dhagta wax loogu sheegayo, sida looga bartay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan cayaarta qaybta danbe ayuu ka cayaaraa badanaa qaybta hore masoo galo cayaaraha saan ooga baranay, inkastoo cayaartan ay aad u culustahay oo laga baqayo in uu qaybta hore uu  soo galo ee uusan sugin aakhirka.

Si walba ha ahaatee beesha caalamka, lagu daray Shariif Xasan, lagu daray Cumar Cabdirashiid waxay lamid tahay Sh Shariif in uu baxo (BC+SHX+CRSH=SH SHARIIF IN UU BAXO). Sida kale u dhig beesha caalam lagu daray Shariif Xasan lagu daray Sh Shariif sh Axmed waxay lamid tahay Cumar Cabdirashiid in uu baxo (BC+SHX+SH,SH=CUMAR CABDURASHIID IN UU BAXO).

Qore: Axmed sadiiq – (Qoraaga Soomaaliya waa iib)
Sadiiq120@gmail.com

AKHRI: Warbixin: Khilaafkii Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo sii xoogeystey


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Yaa Baxaya, Yaase Joogaya? Sh. Shariif Sh. Axmed, Mise Cumar Cabdirashiid? "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Axmed Sadiiq adiga iyo bahda Somalitalk waad mahadsantihiin, Balse dal iyo dad u afduuban ummado kale oo go’aansadey inay sidey doonaan ay naga yeelaan cadaw soo jireen ah oo jiiran nala ah noo igmaday (Xabashida iyo kuwa kale), Kawakan xukuumad ku sheegga ah iyagaa yiri waxbaa tihiin oo diifta iyo darxumada dal iyo dadka laga anfariiray uba damqaneynin aan uba muuqan wax fog inay iyag isku jeedaan oo kursi iyo dano gaar isku xagxagtaan ma ogiye, waa xul la darsay dhammaantood caqligaa dhagax laga saaray, indhaha iyo dhagaha waa owdanyihiin axsaas kale haba sheegin waayo aqoon, waayo arragnimo iyo karti maamul dawli ah ma lahan qaar ayaaba eedeysanayaal ah waxa naloo dul dhigay waa sababtaa. Sidaad darteed tii Alle meel bay taallaa dadyahow Soomaliyeed ma dadaalnaa dabinka waad aragtaane ma isku duubannaanaa kuwa iswada diiddan kooxo diinta ku dhuumanaya (jihaadist), dagaal oogayaal iyo xukkmad ku sheegga shisheeyuhu miirdaboolay ( ISBAHEYSIGA QARAN DUMISKA).
    kuwakan ama ha la shaadheeyo ama mid ama kooxi ha baxdo arrinku waa sida doofaarka aannu u daahirsamaynin Alle (SW) inuu dooriyo ma ahee !!!:
    Gabagabadii Kuwaan gebi ahaantood inuu Alle quloobtooda wada dooriyo oo xaqa waafijiyo ayna iska qulqaalaan oo Alle kuwa noo dhaama noogu dooriyo ileyn daahir noqon mayaane iyaga iyo mucaaradkooda hubeysan ku dar xisaabta haku daalinna in laga sii daraana laga yaabee.( Duqdii maxaad ku ogeyd buu weydiiyay ? : ” idhooleynimo”, haddana “dad cunis ayeey ku darsatey” buu yiri ).

  2. osman says:

    Arrimaha isqabsiga ee kasoo billowday Cabdiqaasim iyo Cali khaliif,uu ku xigay kii Cali Geeddi iyo Cadullahi Yusuf uu sii raacay kii Nur Cadde iyo Cabdullahi, haddana gaarey Cumar Cabdirashiid iyo Shekh Shariif Sh Axmed.Waxaa ka dhashay murankaas iyo radul ficligi la isku sameynayay dareen aad u culus oo qabiil hoos salka ula galay.
    Dadka ay ka dhasheen Madaxweyne Cabdullahi,raiisulwasaareyaal Cali khaliif iyo cumar cabdirashiid ayaa aad uga cawday beesha ugu tirada badan muqdisho iyo guud ahaan degaankoodaba in ay ayaga oo xigteysanaya beelaha kale ee Somaliyeed toos gacan bidixeyn qabyaaladeysan oo caadifad ku dhisan kala soo horjeesteen masuuliyiintooda iyo xildhibaannadooda.iskana xijiyeen Caasimaddi qaranka kana dhigteen deegaan beeled sidaasna lagu waayay cadaalad qaran oo dhaqaynaysa.magacyadi qaranka iyo magacyo qabiilna isku milmeen oo meel wax loo wado la garan layahay.oo durtaba dad taageerayaal shekh shariif ah oo odayal iyo cuqaal isku tilmaamaya ay dareen cad oo mutuxan ku muujiyeen sida dawladdi qaranka somaliyeed iyo caasimaddiba ay ayagu gadaal isaga mariyeen dadki Somaliyeedna ku tilmaameen Boorsaaley safar ku joooga xamar qiimana aan lahayn.kuwaas oo ku hanjabay haddaan hadalkooda la yeelin ay shan cad adeegsan doonan.
    Durtabana xam xam hoose ayaa la isla dhex wadaa oo sheegaysa in ayba ku tashanayaan dadka kasoo jeeda gobollada aan soo sheegay ay sidi Somaliland ay u go’day oo kale ayaguna ka go’i doonaan Somalia.ayaga oo israacsan doona oo la go’i doona la go’i doonaan inta badan gobollada Jubbaland,kan gedo,kan galgaduud galbeed iyo puntland kuna dhawaaqi doonaan xukuumad ka badax bannan somalia inteda kale.
    Waxa iyana sii aad hoose ah loo sheegayaa in kasta oo aan weli aad loo sii xaqiijin in dadka qaar ayba soo jeediyeen dadka kililka shanaad iyo gobollada aan soo sheegay inay qaab federal ah itoobiya isugu biiraan xeerar adag oo qaraamada midoobay lagu marti geliyey inay goob joog ka ahaatona ay wada qortaan halkaasna ay caasimaddoda u rartaan Jigjiga oo min jigniga ilaa kismay iyo Boosaaso isku xirtaan.marka laga reebo inta deegaamada dadka kale ah oo ay si aad ah uga taxadari doonaan.Arrintaas oo qaran jab weyn horseedi doonta daleenna hooyo ee Somalia haddi aan laga hortagin. .
    Somaliana waxaad mooddaa maanta inay nasiib darro weyn ku habsatey taas oo ay weydey dad fiiro dheer oo samata bixinteeda ugu guntada si daacadnimo iyo karti iyo hufnaan ku jirto.iyo saaxibbo caalami ah oo u gar qaada dhexdeeda isla markaasna u naxariista oo la damqada midna.ayna arrinta Somalia noqotey nin bukow boqolu kuu talisay.

  3. Sacida says:

    Aniga waxaan talo u soo jeedinayaa Cumar C/Rashiid waxaana leeyahay
    Cumaroow meesha aad joogtid meeshaad maaha,waqtigaagina maaha,waayo waxaad tahay adiga sida kaa muuqata inuu wax hagaajiyo nin raba oo la’ wax fahma ama wax la qabta,somaliya weli waqtigaas ma gaarin dadka aad ku dhex jirtana ha ahaadeen madaxweyne,wasiiro,xildhibaano kuligood waa dad u jooga meeshaas inay wax cunaan adna ciyaartaas ma taqaanid, dad kusoo koray bahalnimo iyo boob,khiyaano waxisdaba marin,
    markaa waxaan ku dhihi lahaa isaga tag oo adoo barlamaanna ka tagin shirjaraa’id qabo oo dheh waan idinka tagaye ciddi i dhaanta oo wixi aad iga wayseen aad ka heshaan keensada.

  4. ASC Somalitalk,, Axmed Sadiiq runtii waan kaaga Mahadcelineynaa maqaalkaan quruxda badan,, een anigu ahaan waxaan qabaa Qaacidada ah (beesha caalam lagu daray Shariif Xasan lagu daray Sh Shariif sh Axmed waxay lamid tahay Cumar Cabdirashiid in uu baxo (BC+SHX+SH,SH=CUMAR CABDURASHIID IN UU BAXO). waayo qof ka hurda siyaasada uu u egyahay Cumar,, kkkkkkk teeda kale waxaan aad ula dhacay maahmaahdaada cusub “safar badnoow hasoo noqon ayaa ku xigta”,, runtii saad sheegtay Soomaaliya waa Wadankii Tijaabooyinka,, Tijaabo fiican ayay noqon doontaa haddeysa dhacdo,,
    Thnkz all

  5. abdirisaq says:

    Labda waa kala horreyn doonaan ee midkoodna masii joogi doono meesha kan fudud ayaa la hormarinayaa oo laga yaabo raiisulwasaraha balse arrintaas ma farax gelin doonto jihooyin badan oo saameyn ku leh dhismaha iyo wadidda dawladdansidaasaa kan kalena albaabada mar keliya laga soo wada xiran doonaa, muddo yar kaddibna si cad loogu sheegi doonaa inbuu iska qulqulo.
    rag kale oo meel dhexe uga soo biirey dawladda ayaana rajada ugu fiican leh dad badanna ay aaminsanyihiin inay ka dhaxlaan meesha kuwaas oo hadda aad beerka dhulka ugu haya si aanay dareen u soo jiidan.

  6. Hersi says:

    Kolleey labada nin ee is haya waa R/W iyo M/weynaha mid uunbaa baxaya waxeyna ubadan tahay in uu baxo hadba kan eey beesha caalamka afgaran karto ..annagoon meesha kasaareyn miisaanka ah culeyska siyaasadeed oo runtii isna ah muhiim kaasoo uusan xusin qoraaga ama yareeyey ….micno kale waxaa muuqatta in shariif (madaxweynaha) uu dhamaadey dantii laga lahaa kaasoo ah in lagu fashaliyo koox diimeedka .

    Balse yaanaan ka hor dhacin waayaha …iyo ayaamaha dhow!!

  7. Mudane says:

    SCM WR WB.

    Aniga waxeey ila tahay in Cumar C. Sharma’arke baxaayo. Waayo Shariifka baarlabaanka codka ugu weyn ee uu wax ku filiyo waa isbaheysigi Jabuuti, waana saaxabadii Shariifka Villa Somalia, hadii uu ina Cabdirashiid raaco wuxuu dhumin doonaa codka xoogan ee meesha kusoo celiyay. Waxaase cad in Shariifka Baarlabaanka uu afaf badan oo siyaasadeed ku hadlo eeyna cadahay inuu af garan doono qof kastoo ina Cabdirashiid badasho isku qandaraasna qaadan karayaan isagaba farta ha ugu fiiqee.

  8. mohamed says:

    a/c all muslinta ani say ila tahay mid fudud ma jire wa laga amusaa indhaha ayuna ka dawanaya Caalamka
    NB: kolay meshi labo dibi isku qabato cawsa ku basbela somaliyey katashada ayihina niman niman guudka is haysta ha ku tashanine
    thkns all

  9. ASALAAMU CALAYKUM.

    AXMED SIDIIQ:-sheekadu masahlana laakiin ifafaaluhu waxay iila muuqataa in uu CUMAR rawaxayo waayo maanta cid isaga kaliidata majirto.waa ayaan daro in uu khilaafku jiro laakiin bal si loosoo gabagabeeyo waa in CUMAR ladiraa marka laraaco hadalkaagii ahaa yaa culus yaase fudud,waxaana fudud cumar oo boorsadiisii iska qaata.mahadsanidin

  10. shukri says:

    Asalaamu calaykum! Aniga waxay ila tahay inay 2daba Baxaan,Sababtoo ah Dhiig Daata Maahane Xal kale Ma keenin. Allaahna Waxaan Weydiisanaynaynaa Kuwo ka khayr Badan inuu noogu bedelo, oo Danaha Umadeena Soomaaliyeed ka taliya

  11. Xassan Yare says:

    Somalitalk waa salaamantihiin, waana mahadsanitihiin sida aad wax noogu sharaxdeen.
    Aniga waxaay ila tahay in Cumar Cabdirashiid meesha waxba u oolin,
    sababtoo ah Shariif Xassan ruwaayad ayuu dhigayaa oo kaliya ee ma kala
    harikaraan asaga iyo Sheekh Shariif. Maalintii mid haro, midka kalena waa ka daba harin oo ruwaayadoodu waa dhamaan.
    Aakhritaanka shariif Xassan waxaa ridi doona isla baarlamaanka oo ku qabsan doona lacagtii uu lunsaday markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda.
    Xisaabtankaasi meel gaar ah buu u yaallaa oo goor uu soo ifbaxaba waa soo bixi doonaa. Sidoo kale Geedi lacagtii uu lunsaday asagana meel bey u taalaa.