Home » Qoraallada Halkudhegga "dastuur"

Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub oo Magacyada 202 kamid ah la faafiyey

Aug 18, 2012
Magacyada 202 qof oo ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaan cusub ee loo samaynayo Soomaaliya ayaa waxaa faafiyey guddiga farsamada ee qaabilsan soo xulidda xubnaha baarlamaanka. Waxaana la sheegay in magacyada inta dhiman la soo dhamaystiri doono, laakiin lama sheegin sababta keentay in la shaaciyo magacyada qaar ayadoo aan la soo dhamaystirin. Tirada guud ee laga raboo in uu noqdo baarlamaka cusub... 

Sheikh Shariif oo si caro leh uga baxay Shirkii Saxiixayaasha Roadmapka uga socdey Nairobi

Aug 6, 2012
Kulan Khaas ah oo ay yeesheen Gaas iyo Faroole oo ka caraysiiyey Sheikh Shariif wxuuna ka baxay shirkii Saxiixayaasha… – Mahiga oo qancin waayey Sharrif, waxana uu u duulay Muqdisho, shirkiina uu halkii ka sii socdey…. – muran ka jira doorka Ahlu Sunnah.. – iyo Qaabka loo soo xulanayo Xubnaha baarlamaanka cusub oo ay fagelin ku hayso DFKMG… iyo Beesha Warsangeli... 
Halkudheg: , ,

Sheikh Shariif: Dastuurka in la hirgeliyo waxaa ku baxay 50 million, waana dastuur ka mid ah 25-ka dastuur ee ugu horeeya adduunka

Aug 3, 2012
Madaxweynaha Dawladda FKMG oo ka hadlayey dastuurka cusub ee sida Kumeel Gaarka ah loo ansixiyey ayaa sheegay in shirkii ugu dambeeyey ee uu Nairobi ku tegey loogu sheegay in “Dastuurka in la qoro oo meeshaan la soo gaarsiiyo ay ku baxday 50 malyan”, waxana uu intaas raaciyey “50-ka malyan anigu ma arkin laakiin waa la ii sheegay.” Hadalkaas oo meel ka dhac ku ah caqliga 10... 
Halkudheg:

Dastuurka oo Si Kumeel Gaar ah loo ansixiyey ayadoo ay madasha ka maqnaayeen 180 xubnood oo kamid ah Ergeydii 825 ahayd

Aug 1, 2012
Waxaa maanta (Arbaca Agoosto 1, 2012) magaalada Muqdisho si kumeel gaar ah (KMG) lagu ansixiyey Dastuurka Soomaaliya. Goobka Dastuurka KMG lagu ansixiyey waxaa soo xaadiray 645 ergey oo kamid ah 825 ergey ee la donayey in ay Dastuurka u ansixiyaan si KMG. Waxaa markaas, ayadoo goobta ay ka maqnaayeen 180 ergey, cod loo qaaday ansixinta Dastuurka KMG. Waxaana 645 ergey ee soo xaadiray madasha ay u codeeyeen... 
Halkudheg:

Baaq iyo talooyin ku socda Bulshada soomaaliyeed Gaar ahaan Ergada ansixinta dastuurka

Jul 31, 2012
iyo dastuurka oo loo codaynayo laba maalmood gudahood: Qoraal ka soo baxay xukuumadda KMG, kuna qoran afka Ingriisiga, ayaa lagu qeexay in laba maalmood gudahood loo codayn doono dastuurka cusub. Waxa kale oo warsaxaafadeedka oo soo baxay July 30, 2012 uu tibaaxay in madasha shirka uu tegey xubin ka socda dawladda Norway. (Qoraalkaas ka akhri halkan – ENGLISH) – Ref: XRW/OM/PR 00224/07/12 (July... 
Halkudheg:

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo Ergada uga Digtay in ay Ansixiyaan Dastuurka Qabyada Maadaama Qodobo ka mid ah ay Diinta ka hor imaanayaan

Jul 29, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Axadii booqday Xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka. “Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudiga Farsamada,” sidaas waxaa yiri wasiirka... 
Halkudheg:

Dastuurka Qabyada ah ma laga saari doonaa qodobka Muranka Gelinaya Dhulka Soomaaliya, ka hor inta aan la ansixin?

Jul 29, 2012
Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirkii ergeyda ansixinta dastuurka qabyada ah ee la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya. Waxaana  warar laga helayo goobta shirku ka socdo ay tibaaxayaan in ay weli socdaan doodda sidii wax looga bedeli lahaa qodobbo aan u cuntamayn ummadda Soomaaliyeed. Qododobka 7aad oo ku saabsan Dhulka Soomaaliya – Farqaddiisa 3aad waxay dhigaysaa in: Dhulka Jamhuuriyada... 
Halkudheg:

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegey in Dowladda Kenya ay Heshiis kula gashey Shirkado Reer Yurub ah in ay Shidaal ka Baaraan Xeebaha Soomaaliya

Jul 27, 2012
Kulan ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxaana kulankaan diirada lagu saarey arrimo ku saabsan Badda Soomaaliya ka dib markii Dowladda Kenya ay heshiisyo la gashey Shirkado shisheeye si Shidaal looga baaro Badda u dhaxaeysa Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhul ay leeyihiin Shacabka Soomaliyeed. Inta uusan bilaaban kulankaas ayaa Saxaafada... 
Halkudheg: ,

Ergada Somaliland uga Qayb Galeysa Ansaxinta Dastuurka Qabyada oo ka Cabatay Xaalado Dhaqaale iyo Amnidarro.

Jul 27, 2012
iyo Qaraxyo iyo Hoobiyayaal laga Maqley halka uu ka socdo Shirka Ansaxinta Dasuurka Ergada Somaliland u Matalaysa Ansixinta Dastuurka oo iminka ka mid ah Ergada Beelaha Soomaaliyeed ee shirku uga soconayo Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho ayaa durbaba ka cowday hanaanka ay wax ku socdaan. Faadumo Xasan oo ka mid ah Ergada Somaliland uga qayb galaysa shirka ayaa sheegtya in Muqdisho ay... 
Halkudheg:

MAXAA XAL AH: Mar haddii Odayaal Dhaqmeedyadii la khayaanay

Jul 26, 2012
Odayaal Dhaqmeedyadii waa la khayaanay oo waxaa la yiri adinku wax ma ansixinkartaan ee soo gudbiya magacyada dadka ka mid noqonaya GUDDIGA ANSIXINTA, kuwaas oo lahaanaya awoodda ANSIXINTA Dastuurka Qabyo qoraalka. Guddigii ansixinta ayagana markooda waa la qayaanay oo waxaa la yiri adinku wax ma ansixinkartaan ee soo gudbiya dhaliilaha aad qabtaan, waxaa awoodda ansixinta iska leh BAARLAMAANKA lasoo... 
Halkudheg: ,

Warbixn dheer oo ku saabsan Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Arbacadii si Rasmi ah uga Furmay Magaalada Muqdisho

Jul 25, 2012
Gelinkii hore ee maanta Arbaca ayaa waxaa Xarunta Akademiyada Jen Kaahiyey ee Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho ka bilowdey Fadhigii Ergooyinka ee Dastuurka lagu ansixinayay. Ergooyinka ayaa loo qaybiyay qoraalo uu Dastuurku ku qoran yahay kuwaasoo loo sheegay in ay soo akhristaan si ha dhow marka ay ka soo baaraan degaan looga ansixiyo. Waxaa ugu horeyn halkaa ka Hadley Wakiilka Qaramada... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad Xamaasad leh Ka jeediyey Furitaankii Shirka Ansixinta Dastuurka.

Jul 25, 2012
Warsaxaafadeed ka so baxay xukuumadda FKMG ayaa ku bilowday sidan: Muqdiso, 25, July, 2012……Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta khudbad xamaasadaysan ka jeediyey furitaanka shirka Ansixinta Dastuurka kaas oo ay ka soo qayb galeen in kabadan 1500 oo qof. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalia Mudane: Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha... 
Halkudheg:

Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan ay maanta ay ku yeesheen ku Caddeeyey in Wixii Haatan ka dambeeya ay ku biireen Xarakada Alshabaab

Jul 25, 2012
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta (Arbaca July 25, 2012) kulan ku yeeshey Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga Hadley qaabka loo ansaxinayo Dastuurka Qabyada,iyo qaabka loo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Dowladda Soo socota , waxaana uu kulankaas si weyn loogu cambaareeyey madaxda sare ee Dowladda KMG oo ay sheegeen in ay maroosadeen taladii dalka islamarkaana si weyn uga... 
Halkudheg:

Odayaal Dhaqameed ka Baxay Shirkii lagu Ansaxin lahaa Dastuurka Qabyada ah….

Jul 24, 2012
Arimaha Qarsoon ee Keenay in markii Saddexaad uu dib u dhaco Shirkii lagu Ansaxin lahaa Dastuurka Qabyada.. Maxamed Xasan Xaad iyo Odayaal kale oo maanta ka baxay Shirkii Odoyaasha ka dib Markii loo diidey in ay wax saxaan… Raiisul Wasaare Gaas oo lagu wado in uu gaaro Garoowe si uu u soo Xaliyo Ergeda Pundland ee ka Biya diidsan ee ka qab galka Shirka Ansaxinta Dastuurka Waxaa markii... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Mahiiga oo Kulan la Qaaday Odayaasha Dhaqanka….

Jul 24, 2012
“Waxaan idinka doonaynaa inaad soo dedejisaan Xubnaha Baarlamaanka si 2, August loo helo Liiska Xubnaha Baarlamaanka cusub si loo guda galo doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, Waxaan kaloo idinka codsanayaa inaad tixgelisaan 30%-ka ay ku leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed xildhibaanada”… sidaas waxaa yiri Mahiga oo la hadlay odayaasha dhaqanka, sida ku xusan warsaxaafadeedka... 
Halkudheg:

Qodabada Xasaasiga ah ee ku Jira Dastuurka ee ay sida weyn uga Horyimaadeen Odoyaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanada

Jul 22, 2012
Mabaadiida Asaasiga, Dhulka Soomaaliya, Magaala Madaxda Qaranka, Sinnaanta, Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada, Daryeelka Qoyska, Caruurta (oo 18 sano ku qaan gaaraya), waxyaabaha ku qoran qodobadaasi ayaa odayaasha dhaqanku si weyn uga soo hor jeesteen. Qodobadaas oo faahfaahsan hoos ka akhri:  Qododbka 3 aad  Mabaadiida Asaasiga  5. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee... 
Halkudheg:

Mahiga iyo Cabdiraxmaan Faroole oo Wada Qorshe Shirka Odoyaasha Dhaqanka looga wareejinayo Magaalada Muqdisho ka dib Markii..

Jul 14, 2012
Iyadoo Muddo Saddex Jeer ah  uu dib u dhaca ku yimid Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee ka soconayey Magaalada Muqdisho si ay u soo xulaan Ergedii Ansaxin lahayd Dastuurka Qabyada ee la isku haysto,  Dib u dhacaas ayaa sabab u ahaa ka dib markii Odyaashu soo jeediyeen in Qodobo ka mid ah Dasuurka ay yihiin kuwa Wax u dhimaya Shareecada islaamka iyo Qaranimada  Soomaliyeed  ayaa warar aan helney Xafiiska... 
Halkudheg: ,

Shirkii Ansixinta Dastuurka iyo soo xulida Ergada oo dib u dhac ku yimid

Jul 13, 2012
Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey halka uu marayo qabsoomidii shirkii Ansixinta Dastuurka iyo soo xulida Ergada waxaana uu sheegay in in ka badan 500 oo ka mid ah ergadii ansixin lahayd Dastuurka ay diyaar yihiin inta dhimana soo dhamaystirmayaan maalmaha soo socda waxaana ay ahayd in maanta shirku furmo balse arrimo farsamo awgeed ay dib ugu dhacday iyadoo dib laga soo sheegayo xiliga uu si rasmi... 
Halkudheg:

Odoyaasha Dhaqanka ee Shirku uga Socdo Muqdisho oo Sheegey in ay la Haystayaal ku yihiin Xeraddii hore ee Xalane

Jul 4, 2012
Iyadoo Odoyaasha Dhaqanka Soomaalida Shirkoodii Caadiga ahaa uga soconayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya Cabasho dhinaca Odoyaashaas ah taasoo ay ka cabanayaan faragelin dhinaca Dawladda FKMG uga Imaanaysa. Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed oo hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markii ay imaanayeen Magaalada Muqdisho loo sheegey in Masiirka Umadda Soomaaliyeed... 
Halkudheg:

Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Jun 26, 2012
“Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa qodob lagu siyaadiyey Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012 Guddiga madaxa bannaan ee dastuurka qabyo-qoraalka ayaa shaaca ka qaaday in nuqulkii ugu dambeeyey ee dastuurka e lagu soo saxiixay Nairobi uu ka duwan yahay... 
Halkudheg: ,

C/weli Gaas “khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma ahan…”

Jun 18, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ”Haddii aad Tihiin Odoyaasha Dhaqanka Masiirkii Ummada ayaa Gacantiina ku jira, Waqtiga waa Ciriiri ee Dedejiya Ansaxinta Dasuurka” Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo ah Ra’iisul Wasaaraha dawladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa manta la kulmay odoyaash Dhaqanka ee uu shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynba war bixino ka dhagaystay... 
Halkudheg:

Xildhibaan Suleymaan oo sheegay in Shiikh Shariif uusan laali Karin Qodobo ka mid ah Axdiga

Jun 18, 2012
Iyadoo maalinimadii shalay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dawladda ku meel Gaarka SoomaaliyaM Shiikhj Shariif Shiikh Axmed uu ku Laalay qaar ka mid ah Qodobada Axdiga ku meel gaarka ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya. Xildhibaan Suleymaan Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey in Madaxweyne... 
Halkudheg:

Madaxweynaha DFKMG oo laalay Qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ah oo Khuseeya Qorshaha Road-Map-ka

Jun 17, 2012
Sheikh Shariif  oo la Wareegey Awoodii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya –  Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG  Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saarey Wareegto waxayne, Wareegtadaas u Qorneyd Sidatan: Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012 Laalid Qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Markuu arkay: Qodobka 39,aad Farqada 2aad ee Axdiga KMG. Markuu... 
Halkudheg:

Khilaaf u Dhaxeeya Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Gaas uu Sababey in uu Baaqdo kulan ay Isugu Imaan lahaayeen Hayadda Culimada Soomaaliyeed..

Jun 16, 2012
Maanta (Sabti June 16) ayaa waxaa lagu wadey in Xarun ku taal Xeradii xalane ee magaalada Muqdisho kulan isugu yimaadaan Culama’udiin ka socda Hayadda Culimada Soomaaliyeed waxaana kulankaas soo qaban qaabiyey Guddiga Dastuurka Qabyada si Culamada uga tala bixiyaan Dastuurka qabyada oo maalmahaan Murankiisu uu socdey ka dib markii qaar ka mid ah Bulshada ay sheegeen in ay ku jiraan Qodobo ka hor... 
Halkudheg:

Faallo: Dastuurka Qabyo Qoraalka Soomaaliya

Jun 4, 2012
(Ee lagu wado in dhawaan Bisha Juun 2012 dhexdeeda la ansixiyo) Diyaariye: Saciid Birmad cigaal SOSCENSA Legal Adviser. (LLB/LLM, Sharia and Law)   Soo jeedin Guud ahaan Dastuurka. Waxay ila tahay in maanka lagu hayo Qoraalka Dastuurkana lagu cadeeyo (in meelkasta oo Dastuurka dhexdiisa lagu sheegay Kalmadda “Sharci” aysan kaliya ku koobneyn shuruucda Dastuurkan ee sharciga 1aad ee ilaalinta mudan... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...