SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | 2001

Cali Khaliif oo Aqbalay Xilkaqaadistii baarlamaamku xilka kaga qaaday isagoo dalka ka maqan

Ra'iisul wasaaraha KMG Cali Khaliif ayaa soo saaray warsaxaaafadeed (Oct 31, 2001) uu ku aqbalay go'aankii ay baarlamaanku xilka kaga qaadeen isagoo markaas dalka kaga maqnaa safar. (AKhri Warsaxafaadeedka)

Baarlamaanka oo Kalsoonidii Kala Noqday Xukuumada Cali Khaliif

 

GALEYR IYO XUKUUMADDIISA OO LA CASILAY!! 
 

Qiyaastii kowdii duhurnimo oo daqiiqado la` ee maanta Axadda ee waqtiga Somalia ayaa la soo gebagebeeyay codayntii baarlamaanka kmg ee kalsoonida xukuumadda kmg ah... Natiijada bilawga ahi waxay leedahay:
 

  • 141 u codeeyeen in la rido xukuumadda
     

  • 029 u codeeyeen inaan la ridin
     

  • 004 ka aamuseen

Natiijadii halkaas waxay ku noqotay in xukuumaddii Dr Cali Khaliif dhacday

Maxaase ka dambeeya?????

Waxaa aad loo saadaalinayaa in Ra`iisal wasaare uu noqdo Xasan Abshir Faarax;

Waxaa kale oo la filayaa in wasiirada badankoodu amaba dhamaantooodba soo noqdaan!!!!

Waxaase dhici karta in shirka Nairobi dhismahaas wax ka bedelo... Shirka waxaa isugu imanaya Dawladda KMG (Wafdi C/qaasim hogaaminayo); iyo kooxaha mucaaridka Koonfurta, SRRC iyo Odayada Puntland...

waa war aan ka helay xog-ogaal aad ugu dhow-dhow DKMG
2001-10-28


War ay soo werisey hay'adda wararka ee shiinaha ayaa sheegay in "Saalax Nuux Ismaaciil oo kamida xildhibaanada DKG uu codbixinta kalsooni kala laabashada Cali Khaliif ku tilmaamay arin mu'aamaraad ah oo ay ka dambeeyaan madaxweynaha iyo guddomiyaha baarlamaanka, isaga oo sheegay in hirgelinta arintaan loo adeegsadey lacay iyo qabiil". 
Warkan oo ingiriis ah 
akhri halkan


 

Abdulahi M. Hassan (Black)
Muqdisho, Somalia.
abdulahiblack@yahoo.com

October 28, 2001

Kulankii Baarlamaanka ee maanta laguna qabtay xarunta ku meel gaarka ah ee Baarlamaanka ayaa kalsoonidii lagala noqday xukuumadda Cali Khaliif, kaddib markii 141 xildhibaan oo ka mid ahaa 178-dii xildhibaan ee kulankaa ka soo qayb galay ay codkooda ku dhiibeen in ay kalsoonodii kala noqdeen Xukuumadda KMG.

Kulankaan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee ay xildhibaanadu isugu yimaadeen, iyadoo maalmahanba la sugayay natiijada daba dheeraatay ee kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, waxayna codbixinta maanta oo buuq la’aan ku dhacday taageeray Xukuumada oo codkooda ku bixiyay in aan la ridin 29 Xildhibaan, halka 4 Xildhibaan oo kale ay ka aamuseen.

Motion-kan ayaa waxaa horay u soo bandhigay 14 Xildhibaan, sida uu qabo Axdiga KMG iyo weliba xeer hoosaadka Baarlamaanka oo qaba in motion kasta ay soo bandhigi karaan ugu yaraan 10 Xildhibaan isla markaasna 5 cisho gudahood uu baarlamaanka uga doodayo.

Kulankan saakay dhacay ayaa ahaa kii 16-naad ee Baarlamaanka waxaana intii uu socday motion-kan is qortay 78 Xildhibaan si ay ra’yigooda uga dhiibtaan motion-kan, waxaa hadashay 40 Xildhibaan, iyadoo inta hartayna ay ku kaaftoomeen saaxiibadoodii ay isku aragtida ahaayeen, taasina ay keentay in si deg deg ah loo gudo galo cod qaadistii kalsooni kala noqoshada Xukuumadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka C/lla Deerow Isaaq ayaa ku dhawaaqy natiijadii kama dambaysta ahayd ee codbixintaas, wuxuuna caddeeyay in dhammaan Xukuumaddii Cali Khaliif ay dhacday, balse ay shaqada sii wadayaan inta mid bedesha la soo magacaabayo.

Sida uu qabo axdiga KMG, Madaxweynaha ayaa haysta muddo 30 cisho si uu u soo magaabo Ra’iisul Wasaare cusub, iyadoo sidoo kale uu R/Wasaaruhu isna leeyahay fursad intaa la mid ah.

Ma jirto cid ilaa iyo imminka la saadaalinayo in ay buuxiso jagada R/Wasaaraha inkastoo ay jiraan rag la magac hayay, balse waxaa cajaladda xaga kale u rogay kulanka uu Madaxweynuha DKG sheegay ee dhawaan ka dhacaya dalka Kenya ayna isugu imaanayaa Dowladda KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda. Waxaana la saadaalinayaa in Madaxweynuhu uusan ku sii dhawaaqi doonin qofka hoggaamin doona xukuumadda soo shanqaraysan inta uu ka soo afjarmi doono kulanka madashiisu tahay Nayroobi.

Ku xigeenka R/Wasaaraha isla markaana ahaa ku simaha R/Wasaaraha Cismaan Jaamac Kalluun oo ka hadlayay Go’aanka Baarlamaanka oo uu kalsoonodii lagala noqday xukuumaddiisa, wuxuu sheegay in ay ogol yihiin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka. “Cid diidi kartaa ma jirto” ayuu yiri Cismaan Jaamac oo xusay in Baarlamaanku uu ahaa kii markii horeba siiyay kalsoonidii ay ku shaqaynayeen, haddana uu leeyahay la noqoshadeeda, R/Wasaare ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in ay sugayaan nidaam Xukuumad cusub lagu soo dhiso, iyaguna ay sii noqon doonaan sii hayeyaal inta la keenayo cid ay xilka ku wareejiyaan.

Abdulahi M. Hassan (Black) 
Muqdisho


DOODII GOLAHA BAARLAMAANKA DKG

Golaha Baarlamaanka KMG oo Maanta Yeeshay Kulankii la Wada Sugayey

Waxaana uu xirmay dood dheer kadib, iyadoo la'isugu soo laabanayo Berrito

Abdulahi Mohamed Hassan (Black)
Muqdisho, Somalia.
abdulahiblack@yahoo.com

October 21, 2001

 

Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa maanta yeeshay kulan la wada sugayey oo ka mid ah kal fadhigiisa caadiga ah. kulankan oo ay ka soo wada qayb galeen xildhibaanada ku sugan muqdisho.

Waxaa furay kulankaa sida caadada ahayad Guddoomiyaha Baarlamaanka C/lla Deerow Isaaq oo xildhibaanada u sheegay in loo baahan yahay in la xasuusto xilka ballaaran ee loo soo qaaday ummadda, isla markaana la ilaaliyo nidaamka, loona hoggaansamo sharciga goluhu leeyahay, wuxuuna xildhibaanada ka codsaday in si hufan looga doodo motion-nada horyaala.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Golaha Baarlamaanka u qaabilsan baarista xukuumada, Xildhibaan Duuliye Sare Cabdi Cusmaan Faarax, waxaana uu sheegay in intii ay baarista ku jireen aysan wax gacan ah kala kulmin dowladda KMG ah, ayna waqti badan ku qaadatay in ay helaan akhbaar dhab ah oo ku aadan sida ay dowladu u maamushay howlihii loo xilsaaya oo ay ugu horreyso lacagihii yimid, balse ay waayeen cid u fududaysa.

Warbixintiisa kaddib, waxaa halkaasi ka hadlay Dr. Faarax Xasan Maxamed oo ah xildhibaankii ugu horreeyey ee soo gudbiya motion-ka lagala noqonayo kalsoonida xukuumadda KMG ah, wuxuuna ku magacaabay motion-kaas badbaadinta iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay la soo ifbaxday hoggaan la’aan, oo ay ku dhaqmi weyday sharcigii, iyadoo isla markaana ilaalin weyday Axdigii KMG ah. Xildhibaanku, waxa uu taxay liis aad u dheer oo uu ku soo ururiyey waxyaabihii xukuumaddu wax ka qaban weyday, waxaana ka mid ah ayuu yiri iyadoo dhammeystiri weyday maamulka xukuumadda.

"Waxay ku guuldarraysatay sharci u dejinta maamul goboleedyada, waxay la imaan weyday qorshe jaango’an oo ku aaddan horumarinta dalka, waxaana soo if baxay kala dambayn la’aan iyo is qabqabsi iyo weliba is eedeyn u dhexeeya xubnaha xukuumadda, iyadoo weliba ay dhacdo mararka qaar inay is dacweeyaan iyagoo garsoor ugu tagaya odoyaal iyo qabaa’il" ayuu Dr. Faarax ku yiri liiskiisa.

Intaa kaddib waxaa mar qura Golihii Baarlamaanka is qabsaday buuq iyo sawaxan ay wadeen qaar ka mid ah xildhibaannada oo markaa aysan muuqan wax aay diiddan yihiin iyo waxa ay doonayaan, waxaase cad in ay aragtidaas xildhibaanka diidanaayeen, iyadoo Guddoomiyaha Golaha uu ku dhawaaqayey in xildhibaan kasta uu is qoro si uu aragtidiisa uga dhiibto motion-ka taagan.

Buuqaas oo dhowr daqiiqo socday kaddib, waxaa microphone-ka qaatay Cabdalla Deerow oo sheegay in xildhibaanku uu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa ka cabbiro Golaha gudihiisa, wax diido, waxna oggolaado, "balse xaq uma laha inuu qas iyo buuq Baarlamaanka ka dhex abuuro" ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in kulanka maanta uu xiran yahay, dooduhuna ay beri billaaban doonaan, waxaana lagu ballamay in 09:00 subaxnimo la isugu yimaado kulankaa, oo lagu tilmaamay mid xasaasi ah.

Guud ahaan kullanka maanta oo ahaa mid si weyn loo sugayay ayaan ilaa iyo hadda la saadaalin Karin in kalsoonida lagala noqon doono Dowladda Cali Khaliif iyo in kale, inkastoo qaar xildhibaanda ka mid ah oo aan la kulmay ii sheegeen in [hadii la isku raaco] miisaamku u janjeero in kalsoonida laga xayuubiyo dowladda Cali Khaliif oo iminka booqasho ku jooga magaalada New York.

<> : <> : <> : <> : <> : <>

Kulankii Golaha Barlimaanka oo Lagu kala dareeray
Warkaan iyo Cali Khaliif Galaydh oo kawaabey warkii baramaanka iyo dagaal dhexmaray Ciidanka Muuse Yalaxow iyo DKG 
Dhammaan ka akhri Halkan [Mogadishu Reporter] Oct 13

<> : <> : <> : <> : <> : <>

Golaha Shacbiga oo Ku Hanjabay Inuu kalsoonida kala laaban doono Dawladda KMG ah
Doodii kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha shacbiga 
Ka akhri Halkan Oct 10

<> : <> : <> : <> : <> : <>

Bannaabax aan Noociisa La Arag oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Bannaanbaxaan oo lagaga cabanayey "Ganacsatada Muqdisho oo Joojiyey Qaadashada shanta boqol ee shillin Soomaliga oo maalmahan ka socotay magaalada Muqdisho" 
Ka akhri halkan [warbixintii C/Laahi Black] Oct 9

Madaxweynaha DKG oo Kahadlay Mudaharaadkii Maanta 
Ra'iisulwasaaraha DKM oo Booqasho kutegey Jabuuti

MOGADISHU WEEKLY REPORT


WARARKA MUQDISHO
Mogadisho Reporter | October 10, 2001

Golaha Shacbiga oo Ku Hanjabay Inuu kalsoonida kala laaban doono Dawladda KMG ah.

Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha shacbiga, ayaa looga dooday maanta in dawladda KMG ah kalsoonida loogala laabto, Guddoomiyaha golaha Baarlimaanka Dr. C/dalla Deerow Isaaq, ayaa ku nuux nuuxsaday in xukuumadda aysan ka soo bixin hawlihii looga fadhiyey, oo ahayd in danyarta taabalaysan ee Soomaaliyeed wax loo qabto.

Md. Deeroow oo kulankaas ka hadlayey ayaa sheegay inay jiraan waxyaalo badan oo murugsan wuxuuna soo qaatey dhinaca siyaasadda, ammaanka iyo dhinacyo kale oo uu sheegay in dhamaantood ay gabtay xukuumaddu wax ka qabashadooda, "Golaha shacbigu asaga ayaa mas'uul ka ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana waajib ah in laga doodo wax kasta oo shacabka wax u dhimaya lana hor dhigo xukuumada, haday xukuumaddu wax ka qaban weysana, waxaanu xaq u leenahay inaan dawladda kala dirno, in dawladda la kala diro maaha macnaheedu in lagu kala tegeyo wixii maamul ahaa, ee macnaheedu waxey tahay in isla markiiba la soo dhiso dawlad tii hore ka wanaagsan oo xalisa dhibaatooyinka ay shacabku tabanayaan" Sidaana waxaa yiri gudoomiyaha golaha shacbiga Md. C/dalla Deroow Isaaq oo hadalkiisa ku daray inay waliba jiraan dhaliilo ay leeyihiin baarlimaanka laftiisu, isagoo xusay, in hore baarlimaanku uu uga gaabsaday inuu baaritaan ku sameeyo xukuumadda sidii ay u maamushay deeqihii soo gaaray.

Hadalkan hanjabaada ah ee ka soo yeeray golaha shacbiga, ayaa wuxuu ka danbeeyey ka dib markii shalay ay dadweynaha Muqdisho ay muujiyeen dareenkooda ah, inay aad uga xunyihiin sicir bararka isa soo taraya, iyo waliba diidmada qayaxan ee ay ganacdsatadu ku diideen lacagta 500 ee Sh, Soomaaliga ah.

Goobihii ganacsiga oo maanta dib loo furay.

Ka dib markii ay shalay oo dhan albaabada u laabnaayeen goobihii ganacsiga iyo waliba gaadiidkii oo dhan, ayaa maanta la arkayey iyadoo dib loo furayo goobahaas, isla markaana uu bilaabmay isu socodkii gaadiidka BL-ka iyo waliba kuwa kale ee caadiga oo shalay oo dhan xayirnaa.

Afhayeenka ciidanka booliiska Maxamed yuusuf Madaale, oo ka hadlayey arintan ayaa sheegay, in ciidamdau ay bilaabeen hawlgalkooda ay ku sugayaan ammaanka iyo waliba socodsiinta lacagta 500 ee Sh, Soomaaliga ah, sidoo kale waxaa isna hadlay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Benaadir Sh. Cali Dheere oo sheegay inaysan jirin sabab loo diido Shilinka Soomaaliga iyadoo mar hore la sharciyeeyey qaadashadiisa, wuxuuna hadalkiisa intaa ku daray in sharciga lala tiigsan doono isla markaana la ganaaxi doono cid allaale iyo ciddii diida qaadashada lacagta Shilinka Soomaaliga noocay doontaba ha ahaatee.

Kacdoonkii dadweynaha ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu sababay inuu soo jeediyo dareenka mas'uuliyiinta xukuumadda KMG ah, taas oo sababtay inay qaadaan talaaba kasta oo lagu hakinayo diidmada lacagta 500 ee Sh, Soomaaliga ah. Taas ayaana keentay in maanta la arko ciidamda booliiska oo wata gawaarida shabaqlayaasha loo yaqaano, oo maantoo dhan ku meeraysanyey meelaha lagu ganacsado, hawlgalkan ciidanka booliiska ayaa lasheegay in isla galinkii hore ee maantaba lagu qabqabtay gancsato gaaraysa ilaa 43 qof oo lagu soo eedeeyey inay diideen lacagta 500.

Banaanbixii shalay oo siyaabo kala duwan loo fasiray

Banaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo watey rabshado sababay in ay ku dhintaan dad dhowra qaar kaloo badanna ay ku dhaawacmaan, isla markaana la boobo qaar ka mida ganacsatada yar yarka ahaa, ayaa waxaa ka soo baxayey aragtiyo kala gedisan oo ay qabaan dhinacyada kala gedisan ee bulshada, siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyo waliba ganacsatada.

Qaar ka mida aqoonyahanada ayaa ku tilmaamay in banaanbixii shalay ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid ay ka danbeeyeen ulajeedooyin siyaasaded oo la doonayey in lagu carqaladeyo ammaanka yar ee beryahan la haystay, waxey cadeyn u soo qaateen, dhaccii ay geysanyeen qaar ka mid ahaa banaanbaxayaasha iyo waliba halku dhegyadooda oo ay ku jirtay ereyo aflagaado ah, Hadaba aqoonyahanaas qaarkood ayaa ku doodaya in aysan islahayn arimahaas, oo lidi isku yihiin, waxey leeyihiin haddii waxa laga cabanayo ay ahayd diidmada 500, maxaa keenay in wax la bililiqaysto.

Aqoonyahanada waxaa arintan ku taageersan ganacsatada oo iyagu sheegay in banaanbaxayaashu ay lahaayeen ulajeedooyin kale oo guracan, maxaa yeelay faraha ayaa la isula tegay waxeyna khasab ku noqotay in ganacsatadu ay qoryo la hor fariistaan goobohoodii, oo shalay oo dhan xirnaa.

Dhinaca kale, dadka ayaa waxey u badnaayeen kuwa taageersanaa banaanbixii shalay oo ku tilmaamay in uu ahaa mid xaq ah, maxaa yeelay bay yiraahdeen waxaa sax ah in shacabka Soomaaliyeed uu ka gilgisho dandaro kasta oo lala soo maago, waxey leeyihiin maaha in shacabka Soomaaliyeed ee taagta darani uu qaato duli kasta, uuna hayin u noqdo xumaan kasta oo lala soo maago, waa xilli ay tahay in shacabku uu fahmo inuu yahay awoodda ugu weyn, isla markaana uu leeyahay iraadadiisa, waa in laga gudbaa xilli ay kooxi maamulka afduubanaysay shacabkuna uu ahaa mid caajisan oo indhaha ka mirig mirigsiiya" hadalaas iyo kuwa kaleba waxey ahaayeen wixii lagu sheekaysnayey shalay ilaa iyo maanta.

Dhinaca kale dawladda KMG ah ayaa ka shakisan ilaa iyo hadda sida ay wax u dhaceen, inkastoo ay tahay in la qiro in uu jiray dhibaatada keentay rabshadahan, qaar ka mida mas'uuliyiinta Dawladda KMG ah ayaa laga dhadhasan karayey hadalkooda, tuhunka ay ka qabaan mudaharadkii xooga badnaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadku wuxuu ahaa mid aad loola yaabay, Muqdisho ayaa mar qura u ekaatay meel ay ka socoto duqayn xoog leh, qiiq iyo holac ayaa cirka isku shareeray, wado walbana waxaa lagu gooyey dhagxaan, biro, geedo iyo waliba baabuur jajaban, ma jirin meel kaliya oo shalay furnayd, sidoo kale waxaa gabi ahaanba hakaday baabuurtii oo dhan, noocuu doonaba ha ahaadee.

Saaka ayay ahayd markale markii ay damceen in dadkii qaar ay mar labaad bilaabaan mudahraadka, hase ahaatee waxaa arintaa hor istaagay dadweynihii shalay waday mudaharaadka saxda ah, oo dantoodu ahayd oo kaliya inay muujiyaan darenkooda si nabada. Qoladan cusub ee saaka damcay inay bilaaban rabshadahii, ayaa loo tirinyaa inay ahaayeen tuugaddii, shalayba wax burburinayey.

Gud. G. Benaadir Md. Cali Ugaas C/dulle oo amar ku bixiyey in wadooyinka la nadiifiyo

Cali Ugaas C/dulle oo ah guddoomiyaha gobolka Benaadir, ayaa maanta amar ku bixiyey in dib loo furo wadooyinkii, isla markaana la nadiifiyo. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale maanta dhinac isga riixay eedaymo ay usoo jeediyeen qaar ka mida gancstada gaar ahaan kuwa ururada haweenku iska leeyihiin, ganacsatdaas ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha iyo waliba saraakisha kalee xukuumadda inay ka gaabsadeen, inay wax ka qabtaan markii ay qulqulatooyinku socdeen shalay oo dhan.

Waxay ahayd arin muuqata in ciidanku uusan wax gacan ah ka geysan sidii uu u joojin lahaa rabshadihii dhacayey shalay oo dhan, ma jirto wax booliis ah oo ay xukuumaddu usoo dirtay goobihii ay rabshaduhu ka dhacayeen. Arintan ayaa dadka ganacsatada ah ka caraysiisay, iyagoo sheegay in xukuumadda ay ka gaabsatay inay wax ka qabtaan qalalaasihii dhacayey.

Warbixintii Shalay ee Mudaharaadka

Bogga Xiga ee Wararka Muqdisho

Mogadishu Weekly Reporter

Mog-Somalia


SOURCE: Wargal jooga Xamar, jecelna in aan magacaabin.

SomaliTalk.com Mogadishu Weekly Report kala xiriir:
weekly@somalitalk.com

DISTRIBITED VIA SOMALITALK.COM 

 

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO