Home » Warar »

AMISOM oo Maxamed Dheere ku wareejisey DFKMG

Warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa sheegay in Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Cali Nuur Maxamed ay ku wareejiyeen booliska DFKMG.

Warsaxaafadeedka ayaa sheegayin labada nin looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin toogashadiii dadkii sida nabadda ahaa ugu bannaanbaxayey Muqdisho Taladaada 15kii Febraayo.

Waxaana warku sheegay in AMISOM ay labadaas nin wareejisey kaddib markii ay ballan qaad ka heleen DFKMG in la dhawarayo xuquuqda dadkaas laga shakisan yahay, gaar ahaan in loo tixgelinayo in aysan dembi lahayn ilaa lagu caddeeyo, in la soo taagayo xeer beeg caddaalad ah, in loo ogolaanayo qareeno ayaga metela, iyo in la tixgelinayo xuquuqdooda bini aadaminimo inta ay xiran yihiin.

Maj Gen Nathan Mugisha, oo ah madaxa ciidamada AMISOM ayaa yiri “Waxaan DFKMG gacan ku siinay sidii loo xaqiijin lahaa in aana hadda wixii ka dambeeya loo dulqaadan doonin fal dembiyeedyada ka dhaca Soomaaliyeed.”

16 Febraayo, 2011 ayey ahayd markii Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFKMG oo sheegay in “Xukuumadda Soomaaliya oo xirtay dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbixii Nabadda” Waxsaxaaafadeedkaas ayaa intaas raaciyey “Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.”

Warsaxaafadeedkaas hore ee DFKMG waxa uu xusay dadkaas la xiray in ay tiradoodu ahayd 5 qof oo kala ah: 1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, 2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska), 3. Maxamed Raage Tifow, 4. Cali Nuur Maxamed iyo 5. Nuur Cali Yalaxow. Laakiin warsaxaafadeedka hadda ee AMISOM waxa uu ka hadlay laba qof.

Sawirada ay faafisay DFKMG ee ku saabsan xarigga Maxamed Dheere

Sawirada waxaa faafisay wasaaradda warfaafinta ee DFKMG, warxaafadeedkooda hoos ka akhri

Warsxaaafadeedkii AMISOM hoos ka akhri:

###

PRESS RELEASE

For Immediate Release

HANDOVER OF SUSPECTS

Mogadishu, 18 Feb 2011

Two suspects arrested in connection with the shooting at a Peace rally in Mogadishu on Tuesday 15 Feb 2011 have been handed over to the TFG Police.

The two men, Mohamed Omar Habeb (aka Mohamed Dhere) and Ali Nur Mohamed, were handed over today.

The handover was organised between the TFG and AMISOM police after assurances were given by the TFG in relation to the rights of the suspects, in particular in respect of the presumption of innocence, conduct of a fair trial, legal representation and the general respect of their human rights whilst in custody.

AMISOM Force Commander, Maj Gen Nathan Mugisha, said:

“We have extended our assistance to the TFG to ensure that impunity can no longer be tolerated for crimes in Somalia.”

ENDS


Barigye Ba-Hoku
Major
AMISOM Force Spokesman
Tel: Somalia (+252) 699 758567
Tel: Somalia (+252) 165 800500
Tel: East Africa (+256) 773 285177 or (+256) 752 692070
Email: amisomforcehq@gmail.com

Warsaxaafadeedkii DFKMG hore uga soo saartay xariga dadka looga shakisan yahay weerarkii bannaanbaxayaasha… Hoos ka akhri

War Saxaafadeed 009/2011

Xukuumadda Soomaaliya oo xirtay dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbixii Nabadda

(Muqdisho – 16 Febraayo, 2011) Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

Ra’iisul-wasaaraha, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Ku-xigeenka Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane C/xakiim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane C/shakuur Sheekh Xasan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan,  ayaa si wadajir ah ugu sheegay Raadiyo Muqdisho in ciidamada Dowladda oo kaashanaya nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM ay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha kala ah:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow

Xukuumaddu waxay xaqiijisay in eedeysanayaasha la hor keeni doono caddaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo sidoo kale Xukuumaddu ay carrabka ku adkeysay in tani ay ka mid tahay tallaabooyinka ay ka qaadeyso sidii loo dhameyn lahaa dhaqanka la-xisaabtan la’aanta dadka dambiyada galay si muwaadiniintu ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

###

Akhri: Bannaanbaxayaal uu soo abaabulay Gobolka Banaadir oo la weeraray

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " AMISOM oo Maxamed Dheere ku wareejisey DFKMG "

  1. asc Allaa mahadleh mar haddii maxamed dheere waxuu dad macnodaaro kuxiray ama ku dilay isagii maanta laxiray
    waxaan sugnaa waa danbiilayaasha kale in aan aragno iyagoo sidaan u dullesan
    caddaladda ayey kamid tahay
    waxaan sugnaa waa Indhacadde oo isna sidaan uxiran
    hana harto hebel lama xiri karo iyo Qabiil ween ayuu kadhashay
    waa bilowgii Dowladeed iyo caddaladda
    cadaw badan ayaa ka nixi doona in caddaladu shaqeeso

  2. Ordaaye says:

    Xariga ragaan kama badna inay Amisom ku daboosho dambiyada ay galaan oo ay u muujiyaan inay Somaalida danteeda ka shaqaynayaan. Goormay soo qaban doonaan kuwa suuqa Barakaaraha duqeeya iyo kuwii amrayba? Micno badan ma lahan in Maxamed dheere la xiro 2 ilaa 3 maalmood ka dib waa la soo dayn war la’aan laakiin, yaa lagu badali doonaa booskiisa?

  3. IDIL says:

    asc.ilaah baa mahada leh kii dadka islamka xasuuqi jirey maanta meesha u danbeysay gaal raac oo dhana insha allah sidaa ba u danbeysa .mar dhawna waan sugeynaa indha cade oo garba duub loo so xirey isaguba wa ki islamka wabiga ka iibin jirey wa yaab,what goes round comes round

  4. mr.maxamed. says:

    Aniga waxa ilatahay Xariga Maxamed Dhere in aay kadan bayso arin siyasaded,oo qodo dheer ma dhici karto in maxamed dhere amro in lalayo dad shicib ah oo Banan bax Nabaded samaynaya,Maxamed Dhere Wanin Siyasi ah oo wax kala yaqan oo Xilal so qabtay,wana yaqan Dorka bulashada,marka madhici karto arinta logu marmarsoday waxan qaba in arintu tahay barortu orgiga kaween,maxamed dhere waxan qaba in sharafkisa meel loga dhacay oo labah dilay,oo ladonayo in uu hanjabo oo hoos lodhigo sidadas ayaan amin sanahay.

  5. osman says:

    asc wr aragtidayda ku adan xariga maxamed cumar xabeeb maxamed dheere, waxaan u arkaa talaabo mujinaysa in hadii dambigukucadaado laguxukumo waxii sharciga islamu kaqabo inlamarsiyo, hadii uusankucadaana lasidaayo ayaa ilaquman. waxaan sidaas uleeyahay maxamed dheere waa dambile wayn lakiin aan labo ukalasaarno dambiga hadalohaysto iyo kan uuhoray shacabka ugagalay dambiga hadalohaysto hadii uukucadaado waa inlaguqado sida shareecadu qabto lagunafuliyo Qisaas dilah. hadii laguwaayo waa inlasidayaa madama hada waxlaguwaayey, kii uu horey ugalay waa inlahelo doowlad cadaalada oo qaada dembiyada laga galay shacabkii somaliweyn, islamar-ahaantasna waxaa soobaxaya dad farabadan oo xitaa lahelayaa tacaduiyo waaweyn gaystey, lakiin hadii aan sicadifad iyo naceyb jebkeena ah kufaraxno maxamed dhere hada haladilo iyo halasidayo iyo waacadow waxaasi waxba matarayaan waa in aan eegnaa shareecada islamka iyo axkamtu maxay kaqabtaa oo aan uhadalnaa sicadaalada hadii kale waxaan inaguba noqonkarnaa kuwo wax iskaxukumay iyaga oo aankafiirsan xukunka dhacaya bal indhaha aankuhayno hada iyo baritanka dambiga laguhaysto iyo waxikasobaxa asc wr

  6. Qoraxey says:

    NIn waliba oo dambigala abaalkiisu waa sidaa waxan dhihi laha xabsiga ha,
    lagusiihayo inta kiiskisu kadhamanayo.

  7. ABDIRAHMAN says:

    ILAAH AYAA MAHAD LEH MAR HADII UU MOHAMED DHEERE XABSI KU JIRO AAD IYO AAD AYAAN OO GU FARAX SANAHAY ARIN TAAS WALI GIINA HAA LAGU HAYO CALOOL JILEECNA YUU SAN IDIN QABANIN WALAALAYAAL WAXUU KU SOO CAAN BAXAY NINKAAS DIIGA DADKA SHACAB KA AH
    THANKS
    WABILAAHI TOWFIIQ

  8. bilqeyr says:

    kkkk
    walaahi aad ayaan ugu faraxsanahay in lasoo qabto maxamad dheere waxan kasii jeclaan lahaa in xabsi daa’in ah la galiyo oo aan lasoo deyn inta waqtigiisa ka dhiman kkkkkkkk
    maxad dheere waa nin qayaana badan oo wax badan umada somaliyed aad usoo gumeystay waqtigii dowlada uu ku darsoomayna danbiya waaweyn uu galay asagoo dadka shacabka soomaaliyeed ka saaraye guryahooda qabuurahana burburin jiray maxamad dheere qofkii maxkamadeeyaa abaal weyn buu mudan yahay waayoo wuxuu qabtay hawl aad u adag oo ah dambiilihii ugu weynaa oo la maxkamadeeyo waxa u mudaharaadayana halugu daro xabsiga waa daba dhilifkiisa.
    maxamad dheere waxa abaalkiisa mariye oo abaal mudan ra’isalwasaarihii hore nuurcade oo laguwada riyaaqay sida uu waajibaadkiisa u gutay kan hadda hayo xilka ra’isalwasaaraha mr farmaajo waxan ka sugeynaa wax qabad wanaagsan oo hagar laheyn sida nuurcade.