Home » Warar »

DFKMG oo Xabsiga u taxaabtay Maxamed Dheere…

DFKMG  ayaa xirtay 5 qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbax ka dhacay Muqdisho, waxaa ka mid ah Maxamed Dheere…

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo afar nin oo kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax ka dhigayey Muqdisho, halkaas oo dadkii lagu weeraray ay qaar ka mid ah dhinteen in badana dhaawacmeen.

Warsaxafadeedka Hoos ka akhri ama ka akhri halkan PDF

War Saxaafadeed 009/2011

Xukuumadda Soomaaliya oo xirtay dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Bannaanbixii Nabadda

(Muqdisho – 16 Febraayo, 2011) Dowladda ayaa xirtay shan qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii Talaadadii lagu qaaday dadweyne bannaanbax nabadeed ku sameynayay agagaarka Ex-Fiyoore ee magaalada Muqisho, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen illaa saddex qof oo rayid ah iyo askari ka tirsanaa dowladda.

Ra’iisul-wasaaraha, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Ku-xigeenka Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane C/xakiim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane C/shakuur Sheekh Xasan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta, Mudane C/kariim Xasan,  ayaa si wadajir ah ugu sheegay Raadiyo Muqdisho in ciidamada Dowladda oo kaashanaya nabad-ilaaliyeyaasha AMISOM ay xabsiga dhigeen eedeysanayaasha kala ah:

1. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

2. Cabdi Qeybdiid (ma aha Jen. Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska)

3. Maxamed Raage Tifow

4. Cali Nuur Maxamed

5. Nuur Cali Yalaxow

Xukuumaddu waxay xaqiijisay in eedeysanayaasha la hor keeni doono caddaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo sidoo kale Xukuumaddu ay carrabka ku adkeysay in tani ay ka mid tahay tallaabooyinka ay ka qaadeyso sidii loo dhameyn lahaa dhaqanka la-xisaabtan la’aanta dadka dambiyada galay si muwaadiniintu ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

###

Akhri: Bannaanbaxayaal uu soo abaabulay Gobolka Banaadir oo la weeraray
……………………………..

Press Release 009/2011

Somali Government arrests suspects of Tuesday’s attack on Peace Festival

(Mogadishu – 16 February, 2011) The Somali Government five who are suspected to be involved in Tuesday’s attack on Peace Festival in Mogadishu, in which three civilians and a soldier were killed.

The Prime Minister, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, the Deputy Prime Minister and Minister for Defence, H.E. Abdulhakim Mohamud, Minister for Interior and Internal Security, H.E. Abdishakur Sheik Hassan, and Minister for Information, Posts and Telecommunications, H.E. Abdulkareem Hassan Jama, jointly told Radio Mogadishu on Wednesday night that the Government forces with the help of AMISOM peacekeepers placed behind bars the following suspects:

1. Mohamed Omar Habeb (aka Mohamed Dhere), former mayor of Mogadishu

2. Abdi Qeybdiid (not General Abdi Hassan Awale Qeybdid, former Police Commissioner)

3. Mohamed Raaghe Tifow

4. Ali Nur Mohamed

5. Nur Ali Yalahow

The Government confirmed that the arrested suspects will be brought before justice as soon as possible. It has also stressed that this is one of the steps it is taking to end impunity in the country so that the citizens can live in peace and stability.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " DFKMG oo Xabsiga u taxaabtay Maxamed Dheere… "

  1. marka hore waxan aad uga xumahay shacabka soomaaliyeed ee banaan baxa sameeye ayagoon kafiirsan in uu wadanku isku gubanaayo oo cadaawadiisuna ay badatay qof fiirinaayo xaquuqna ayadoo jirin balse waa ku dhacdee intii dhimatay Allah ha unaxariisto intii soo hartayna haka fiirsadaan in soomaaliya xiligaan iyo xili udhaw banaanbax lagu sameyn karin oo naftu qeymo ka laheen somalia hadda.

    tan 2aad waxan dowladda kumeelgaarka ah ka codsanayaa in ay badiso dadaalada hadda ay wado sida nimanka dadka laaye oo waagii horena wadanka qasay oo magacyadooda halkan ku qoran waxan cadeynayaa haddii dowladdu tahay mid isku tiirsan oo kala go’laheyn in ay wax uqaban karto wadanka inta waqtigeeda uga hartay haddii ay sidaa oo kale usoo qabqabtaan qof walbaa oo dambiile ah sidaa wadanku waa ka fiicnaahaa wuxuuna noqonayaa sidii 6dii bilood eemaxaakiimtu jirtay oo uu horseed u ahaa madaxweyne shariif hadana waxan kula talinayaa shariif iyo ku xigeenkiisa in ay cadawga sidaa isaga yareeyaan si ay waajiwaadkooda ugutaan Asalaamu caleykum.

  2. ibrahim says:

    Asc Waxan salaamayaa dhamaan bahda somalitalk iyo dhamaan umada soomaliyeed meel walba oo ay joogaan intaa kadib
    Waan soo dhawaynayaa in at least isla xisaabtan yimaado waana wax-qabad hor u socod ah hadii ay hirgasho in dadka caadaystay xasuuqa shacabka la horkeeno cadaalada waxayna cashir u noqon doonaan hadii tani hirgasho in ay timaado kala danbayn taasoo noo horseedi karta xasilooni iyo nidaam dowli ahi hir galo mar kale idinka alle waan soo dhawaynayaa shaqsiyan talaabadan asc

  3. Adam says:

    waa war wanaaagsan in la xiro danbiile laakiin yaa danbiga ku qaadaya ma danbiile kale mise dad nadiif ah ?

  4. Adam says:

    Shacabka Soomaaliyeed waan kafilaayey inaay mudaaharaad sameeyaan ayagoo kudayana walaalahood reer Tunis iyo Masar. Waxaan islahaa waxaay qaadayaan:الشعب يريد اسقاط النظام
    Marna isma oron, waxaa soo baxaysa qolo qaadaysa:الشعب يريد تمديد النظام

    Amaa aragtidayda kusaabsan ragan laxirey, su’aasha isweydiinta ubaahan, mawaxaa loo xirey inaay danbi umada horay ugu galeen oo ay gumaadeen shacabka reer muqdisho? Mise dowlada kumeel gaarka ayey isku dhaceen. Haddii loo qabtay in dad dad xasuuqeen, ma’ahan arin cusub, maxkamadna uma baahno oo umada oo dhan ayaa kamarqaati ah. Shacabka farta halagasaaro oo meel fagaara ah halagu toogto. Ama haddii ay tahay dowlada iyo ayaga oo isku dhacay, waa inaan kagaabsano oo aan kawarsugno kii reerka uhara.