Siyaasiyiin iyo Saraakiil la sheegy in ay ka dambeeyeen ka hortagga Banaanbaxaas —
Intii uusan bilaaban kulankii Talaadadii ee xildhibaanada ayaa waxaa wadada Maka Al- Mukarama isugu soo baxay Banaanbaxayaal uu soo abaabuley Gobolka Banaadir waxaa mar ay isusgu yimaadee agagaarka Tiyaatarka islamarkaana u jeheysnaayeen dhanka Xarunta Golaha Baarlamaanka, waxaase rasaas ku furey Gaari ay lahaayeen Ciidamada Dowlada FKMG, waxaa halkaa ku geeriyoodey dhawr qofood waxaana ku dhaawacmey ilaa 20 qofood oo u badnaa dadkii Rayidka ahaa ee Banaanbaxayey waxaa lagu waramey in Banaanbaxaan uu ahaa mid si weyn loogu taageerayey Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in Nuxurkiisu ahaa in Masuuliyiinta Dowladda FKMG loo kordhiyo Waqtiga hase yeeshee dadka qaar baa ku dhaliiley Dowladda Federaalka in ay ka gaabisey sugida Ammaanka Dadkaas Taageerayey.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha raasaasta loola beegsadey Dadkaas Banaanbaxayey hase yeesee Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Nabadgelyada Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Joodax ayaa ka dhawaajiyey in dad siyaasiyiin ah ay soo wacayeen kuwaas oo uu sheegey in ay ku wargeliyeen in Banaanbaxa la joojiyo hase yeehee Gudoomiya kuxigeenka ayaa sheegey In Kooxihi soo wacay uu u sheegey in Banaanbaxoodu uu yahay mid ay dowladd Federaalka ay ku taageerayeen isagoo sheegey in Maamulka Banaadir uu aad uga xun yahay dhibaatadii loo geystey Dadkii Banaanbaxayey
Warar baa sheegaya in Banaabaxaas ay doonayeen in hadalo ka jeediyaan Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wsaare Maaxamed Cabdulaahi Farmaajo si ay u helaan taageerida Shacabka ku nool Goobaha ay ka taliyaan hase yeeshe waxaa la sheegey in Weerarka loo geystey Banaanbaxayaasha ay ka dambeeyaan rag Siyaasiyiina oo ka soo horjeeda in mar kale Dowladda Shiikh Shariif loogu kordhiyo Waqti kale waxaana in Rag siyaasiyiin iyo Saraakiil ay ka dambeeyaan ka hortaga Banaanbaxaas ka dhawaajiyey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo isagu aan afka ku dhifan Ragaas iyo halka ay ka soo jeedaan.
Maalmahan waxa soo kordhayey Dhibaatooyinka Ciidamada Dowladda FKMG ay Shacabka u geysanayaan waxaana dhawaan Xasuuq Ba’an loo geystey Dad Rayid uu ku sugnaa agagaarka Isbitaalkii hore ee Banaadir ka dib markii gaari ay leeyihiin Ciidamada TFG ay rasaas ku fureen Dadkaas waxaa Xasuuqaas ku dhintey ilaa 25 Qofood, waxaana ku dhawaawacmey dad lagu qiyaasay 70 qofood ilaa iyo hadda dowladda Federaalka waxba kama qaban falalka ay geysanayaan Ciidamada Dowladda FKMG, hase yeeshee waxay mararka qaar ay sameeyaan Howgalo ay ku soo qabtaan dad u badan dhalinyaro la sheego in ay yihiin kuwo aan wax dambi ah lahayn.
Xasuuqaan loo geystey Dadkaas banana baxayey ayaa waxaa ka Hadley siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaal waxayna sheegeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu qadayo Masuuliyada dadkaas la laayey waayo ayey yiraadeen” iyaga ayaa afkookooda ku qirtey in loo soo direy Farrimo ah in aysan qaban Karin Banaanbax waxayna soo jeedineynaa in Maxkamad la soo taago dadkii ka dambeeyey Xasuuqaas sidoo kale Raiisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagasoo xigtey in uu sheegey in lagu Raad joogo kuwii ka dambeeyey Xasuuqaas
Dhinaca kale Kulan ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadirey 350 Xildhibaan waxaana looga doodayey qoraalka Baarlamaanka ka soo gaarey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif kaas oo ku saabsanaa waxaa laga yeelayo waqtiga kala guurka oo uu soo gudbiyey Guddiga Dastuurka iyadoo kulankaan uu ku soo beegmey Xilli uu madaxweynaha uu sheegey in muhiim tahay in Fursad xilli kale la siiyo Dowladda Federaalka si ay u dhameystirto Howlaheeda
Markii Xubnaha Baarlamaanka loo qaybiyey Qoraalkaas ayaa waxaa Gudoonka sare uu ku wargeilyey in Xildhibaanada soo akhristaan Qoraalkas iyadoo la siiyey ilaa maalinta Sabtida waqtigaas oo laga doodayo Qoraalkii Madaxweynaha waxaana lagu waramey xildhibaanada ay doonayaan in si wanaagsan looga doodayo Xilliga kala Guurka maadaama ay sheegeen in lagu guda jiro waqti aad u adag
3 Bishaan ayey ahayd markii Xildhabaanada baarlamaanka ku darsadeen muddo Saddex Sanno ah hase yeeshee beesha Caalamka ayaa si weyn uga soo horjeesatey Go’aankaas oo ay ku tilmaameen mid lagu deg deg degey loona baahnaa in si wanaagsan looga dodo hase yeeshee Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu sheegey in Baarlamaanka Soomaaliya uu Xor u yahay in si madaxbanaan u qaato Ga’aanadiisa
Maalinka Sabtida ah Haddii Eebbe idmo ayaa waxaa la kala ogaan doonaa sida uu Baarlamaanka Federaalka uu ka yeelo hadaladii ka soo yeerey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ee ahaa in Dowladda ya u baahan tahay Waqti kale si ay u dhameystirto Howlaheeda Dhinaca Amniga.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.