Home » Warar »

“Museveni oo ku gacan sayray laba arrimood oo uu ka codsaday Sheikh Shariif”

iyo Sheikh Shariif oo Sabtidii u dhoofay Itoobiya —

Madaxweynaha DFKMG oo dadaal ugu jira sidii Xilka loogu kordhin laaha ayaa Kulan ku saabsan arrintaa wuxuu la soo yeeshey Madaxweynaha Uganda

(Maxaa ka soo baxay Kulankaas) —

Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Safar Deg deg ah ugu baxay Dalka Uganda, Deg degna dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan Safarkiisa uu deg dega ugu tagey Dalka Uganda oo ciidamo Fara badan ka joogaan Magaalada Muqdisho kuwaas oo si aad ah u difaacaya Dowladda uu Madaxda ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna wararka ay sheegayaan in Madaxweynaha kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshey Madaxweynaha dalka uganda Musaveni waxaana kulankaas la iskula soo qaadey arrimo la xiriira waqtiga kala guurka ee Dowladda Faderaalka, waa sida laga helay ilo wargal ah.

Xildhibaan Qariyey in Magaciisa la sheego ayaa noo sheegey in kulankii qarsoodiga ee dhexmarey labada Madaxweyna la iskula soo qaadey laba qodob oo mid uu ahaa markii Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka codsadey Madaxweynaha Uganda in loo kordhiyo waqtiga xilka ee Madaxweynaha Soomaaliyed oo ah in  muddo Sadex Sanno ah  loogu daro oo ka bilaabaneysa 22-ka  Ogsato oo ah waqtii la dooretey Xubnaha Baarlamaanka hase yeeshee Xildhibaanka ayaa noo sheegey in Codsigaas uu madaxweynaha Uganda uu ku gacansayrey wuxuuna u sheegey in uusan waqti ugu kordhin karin balse wuxuu sheegey Madaxweynaha Uganda in arrimaha Kordhinta Xilka ay taasi u taalo Baarlanaamka Soomaaliya iyadoo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ku doodayo in muddii labada sanno wax qabadkii dowladda ay wiiqiyeen Dagaal.

Qodobka  kale ee la iskula soo qaadey  waxaa ka mid ah in Madaxweynaha DFKMG uu ka dalbadey Madaxweynaha Uganda in si xoogan ay kala qaybqaataan sidii gacantooda ugu soo noqon lahayd Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaiya  ee ay maamulaan Xarakadda Alshabaab  hase yeeshee Xildhibaanku wuxuu noo sheegy in Madaxweyne Shiikh Shariif arrintaa dagaalka lagu diidey  waxaana lagu waramey Madaxweynaha Uganda uu u sheegey in ay dagaal qaadi doonaan xiliga marka uu dhamaado Waqtiga kala Guurka isagoo u sheegay in markii la soo dhiso Dowlad Soomaaliyeed ay dib u soo ceshan doonaan gacan ku haynta.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo la sheegey in uu khilaaf kala dhexeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa intii uusan u amababixin Dalka Uganda ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in madaxweynaha uu damacsanaa in uu kala diro Golaha Baarlamaanka isagoo Cuksanaya Dastuurkii 1960 kii  hase yeeshee arrinka waxaa diidey Gudoomiyaha baarlamaanka ka dib markii uu fariin u soo direy Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey  sidaa ayaa lagu joojiyey Kulaankaas uu codsadey Madaxweynaha.

Hase yeeshee Wakiil Qaramada Midooobey ee Soomaaliya Mahiga ayaa marar badan ku cel celiyey in Waqtiga Dowladda Federaalka ay ku egtahay 22 Bisha Ogoosto ee sannadkan 2011, hadaba waxaa muuqata in  shiikh Shariif maalinba maalinka ka dambeysa Saaxiibadii garab taagnaa uu weynayo, iyadoo qaar ka mid ah dowladda ay ku doodayaan in Dowladda Shiikh Shariif aysan la imaan wax isbedel ah ilaa markii la doortey waayo ayey yiraahdeen dagaaladii sidii ayey u socdaan , dadka weli waa qaxayaan, dilkii sidii buu u socdaa, xitaa ciidamada Dowladda ee loo soo tababarey Dowladda Federaalka ayaan weli sidii la rabay u helin Mushaaraadkoodii waana wax caadi ka nodey siyaasada Soomaaliya in markii Dowlad la soo dhiso ay is Khilaafaan Masuuliyiinta Sare.

Dhanka kale, Sabtidii Jan 29, ayaa Sheikh Shariif waxa uu ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Shalay ayey ahayd markii Itoobiya ay Muqdisho u soo dirsatay Safiir cusub oo uu Sheikh Shariif ka guddoomey waraaqaha aqoonsiga: Akhri https://somalitalk.com/2011/01/29/itoo/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warbixin: Jaaliyadda Soomaalidda ee Dalka Jabuuti oo Fariin Digniin Ah U Direy Diyaariyeyaasha Qabyo Qoraalka Dastuurka iyo Dowladda Federaalka.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " “Museveni oo ku gacan sayray laba arrimood oo uu ka codsaday Sheikh Shariif” "

  1. maxamuud says:

    Asalaamu calaykum
    salaan sare dhamaan shacabka soomaaliyeed
    waxaa halkaan kacad khibrad la,aanta siyaasada dhibaatada ay leedahay magaranweeyday musafeeni ma ahan walaakaa oo ma iloowday zenaawi ma ahan qaraabadaada, marka ay kuu soo diraayaan ciidamadooda iyo hubkooda si ay kuu caawiyaan ineey tahay qorshe ka fog midka aad wadato oo ku kooban magaca ((madaxweeyne)), kooda wuxuu ku saleeysanyahay mid qoto dheer oo loo huri karo wiil ku dhashay kambaala iyo mid ku dhashay adds waliba lagu kabaayo dhaqaale ka yimid Mareeykan, saxiibayaal ogaada sidaas iyo ka daran ayaa u dambeeyso cidii iibsata dalka, dadka, iyo DIINTA. ALLE waxaan weeydiisaneeynaa sugnaan.

  2. Mararka qaarkood shariifka markaan u fiirsado waxaan is iraahdaa miyuu waashay. waxaan maqli jiray haddii cudurka gala fardaha laga gubo dameeraha taladu geed dheer baysaarantahay. waxaan aad ulla yaabay dowlad soomaaliyeed oo laga raadinaayo ethiopian iyo ugandha hoostooda yaab!!!! Allow nahanuuni oo nahagaaji oo naharee hooskaaga maalintaan harjirin harkaaga mahee aamiin.

  3. Falxado says:

    Ilaahay haka raalli noqdo hana u naxariisto Cumar Bin Khaddaab waa tii laga wariyey ” Waxaan ahayn qolo dulli ah, markaasaa Ilaahay Islaamka nagu sharfay, Haddii aan meel kale sharaf ka raadinana Ilaahay waa dullayn”