Warbixin: Jaaliyadda Soomaalidda ee Dalka Jabuuti oo Fariin Digniin Ah U
Direy Diyaariyeyaasha Qabyo Qoraalka Dastuurka iyo Dowladda Federaalka.
Denjire Cabdiraxmaan Guulwade “…Idinkaa Soo Diyaariyey oo Aqoon Yahankii Ah,
Yeynaan Dukumiinti Ahaan u Jebin, Annagoon Dagaalamin…” Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) “…Dastuurka Qadiyadda Yaan Laga
Qadin Ee Qodobo Ha Loogu Qoro…”
Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo arrimaha dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo
uu soo qaban qaabiyey Gudiga la tashiga dadweynaha ee qabyo qoraalka Dastuurka
Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ay ka soo qayb galeen Denjiraha Soomaaliya ee dalka
Jabuuti u fadhiya, Amb, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, aqoon yahano Soomaaliyeed,
Abwaano, waxgarad, dhalinyaro iyo haween ayaa lagu qabtey Hoteel Rayaan ee
caasimadda dalka Jabuuti. Furitaankii Aqoon is-weydaarsigan ayaa waxaa ka Hadley Denjiraha Soomaaliya u
fadhiya dalka Jabuuti Amb, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen, Avv. Cabdiraxmaan Warsame
Siyaad oo ah hogaamiyaha gudiga Iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga, Aqoon yahan
Soomaaliyeed Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax), Sangub, odey dhaqameedyo Soomaaliyeed, inta badan xubnaha meesha ka
Hadley ayaa waxay hadaladoodu ku soo noq noqonayeen halka uu gaarey bur burka
dalka, baahida loo qabo sidii loo heli lahaa nabadgelyo, nidaam iyo dastuur kala
haga oo uu yeesho dalka Soomaaliya. Denjire Cabdiraxmaan Guulwade oo meesha ka Hadley ayaa waxaa uu mahad balaaran u
soo jeediyey shacabiga reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,
islamarkaana ku dheeraadey wax qabadka mudadii dowlad la’aanta ka jirtey sida ay
ugu gurmadeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo walina ay u garab taagan yihiin “maanta waxaa nahaya wiilall yar yar oo 14 jir oo u weyn yahay meel ay ka
socdaan iyo wax ay ka socdaan aqoonin iyo kuwo ka siiwaalan oo iyaga ka dambeeya
oo aannan waalid xuseynin, walaall xuseyn oo qori loosoodhiibey oo haween cizeyn
oo cauur cizeyneynin oo dadka dilaaya, waa dadd qalato cusub waxaan dhihi lahaa,
maanta kuwaas ayaa dalkeena nabada u diidey,wixii kale oo dhan markey
soodhamaadeen, jabhadihii qabiilka ahaa, kuwii looma dhama dhihi jirey waa wada
aamuseen, waxaanaa yimid fidnadaan, waxaan uga bixikarnaa inagoo kuligeen
isutagno oo wiilashaas dadkii dhaley ay qabtaan, hadaysan qabsankarin shacbiga
soomaaliyeed uma gagsankaro intaan ka badan…”

Fadhiga guud ee shir guddoonka
Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad iyo xubnaha la socda waxay sharaxaad ka
bixiyeen qaabka dastuurka ay u soo diyaariyeen, waxa laga doonayo dadweynaha
Soomaaliyeed, sida ay usoo gudbinayaan fikradahooda iyo balan qaad ay bixiyeen
xubnaha gudiga oo ahayd in aan la qoreyn wax aysan dadweynaha Soomaaliyeed raali
ka ahayn.

bidix Guulwade oo Akh-rinaaya Qabyo Qoraalka , midig xubnaha qabyo qoraalka iyo
xubin safaaradda ka tirsan
Suldaan Axmed Jaamac Xirsi “Da’baa maykarafoonka la iisoo hoos dhigayey ee caqli
la iima soo hor dhigin, waa mahadsan tahay qoladii da’da igu ixtiraamtey, kelmad
baan oranayaa u noqon maayo, waxaan hadalka u badineyn waxaan iri hore Soomaali
baan u soo Iri, wax aan iri way arki doontaa aakhirka marka u dambeysa, way soo
aragtey wax kalena waa hareen, Dastuurka qabyada ah ee la keeney yeynaan ku
murmin, dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle madaxda u yahay cimrigiisa alle
ha dheereeyee, waqti kasta inaynu korkooda ku murano oo wax kasta inoo qabtey oo
heer kastaba gaarey ceeb iyo fadeexad bay inoo tahay, bal maanta keliya
Dastuurkii bay ku heshiiyeen intaa keliya hala helo, haddaad ku heshiisaan
adinkuu dan idiin yahay, anniga dan iima aha, wadankiina waa la idiinka qaadi
doonaa maalin kasta haddaad sidaan isu hor fadhisaan”.
Codka Suldaanka oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso.
Abwaan Sangub“…Ruwaayadaha Aan Sameeyey Waa Qabyo, Dowladuna Waa Qabyo,
Dastuurkuna Waa Qabyo…” Sangub “tacab baa la galey, waloow goorta layna soo dhex dhigey iyo goorta aynu
doonayno inuu hirgalo ay kala fog yihiin, kalkii dastuuradda aduunku sameysanayo
laba uun baa mid loo qaadaa, in magaaladeena la yimaado oo toban ruux wax la
weydiiyo oo hadey lix is-raacdo la yiraahdo wey ogoshahay magaaladaasi, waxaa
ugu daran dadka hadal jaceylkiisa qoladii inoosoodhigtey ee haddana buugaggta
ina siisey oo khudbeyneysa, wixii ra’yi ahaa oo idil halkaan ayey ku qoran
tahay, waqtigii baa dib u riixmaya, annigu waxaan oran lahaa dastuurka ninkii
yiraahda imakhuseeyo, isagoon dastuur lahaynba wuu dhaqmayey ee ma dastuurkaa
uga daraya dadka, koleey waa in midaa laga fakaro” ayuu yiri isagoo hadalkiisa
sii wata ayaa intaa ku darey

Sangub oo hadlaya
“waxaa jira wax ina dhibey, mathalan ruwaayadaha aan sameeyey waa qabyo,
dowladuna waa qabyo, dastuurkuna waa qabyo, dastuurkuna maxaad inoogu soo
dhameystiriweyseen, waxaad ogtihiin waxaa fiican ee aad soo sameyseen inay koley
ku murmayaan, waa wax ay dabeecad u leeyihii, annigu khudbad ma aqaano ee waan
gabyaa, isaguna waqtiguu idiinka qaadayaa, annigu dastuurkan waxaan qabaa fikrad
sidaan si ka dabacsan loo dedejiyo, maadaama aynu badaney, annigu maanta waxaan
ahay 40 qof baan ahay, marka dastuurkeenii hore anni uun buu ila ekaa, ileyn
ceeb ma lahayne dadkiin baa batey ama dhibihii baa batey, haddana waxaan
dastuurkan ku raacsanahay Diinteena halagu saleeyo, deedna kii diinta diidaa aan
gaal u aqoonsano”. Sangub waxaa kale oo uu ka Hadley arrimaha federaalka “federaalka waxaa
la yiraahdaa diinteena uun baa sameyn karta, laakiin waxay dhashaa fasahaado,
haddaan diinteenu xakameyn, federal waxay u isticmaalaan qofku wuxuu doono in
uusameynkaro, laakiin diinteenu iyadu xukun bey leedahay, inkastoo aan ka jeclaa
qabyo qoraalka dhameystir, qabiilkii baan raadiyoo, raadiyoo labadeyda bahood
uun buu noqdey, adigu hab sidaas baa tahay iyo hooyadey dheg uma soogadin waxaan
ka dhamaan la’ahay caruurteydii, niman yahoow Ummadd baynu nahaye bal wax aynu
isku raacno, khaladka gadaalba halaga saxee, Qodobka shanaad caasimadd hala
sameeyo baa la yiri, Muqdishona waa la eedey maxaynu ku sameynaa baa imaaneysa…” Haddaad wax tixgelineysaana waxaan ahay gabyaagiina oo duqoobey oo jecel Ummadda
Soomaaliyeed, haddana gabyaagu wuxuu ka hadlaa Ummaddiisa dareenka ku jira,
anniga dareenkeyga baa kan ku jira, waxaan deena oran lahaa…”
Sangub gabaygiisa
iyo hadalkiisa oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso. Furitaankii aqoon is-weydaarsiga kadib, xubnaha gudiga iyo ka sooqayb
galayaashii siminaarka ayaa waxaa dhex martey dood kulull oo xamaadsad sare leh,
islamarkaana ku bilaabatey qaab dhaliileed iyo su’aalo, doodaasoo ifisey
waxyaabo badan oo qarsoonaa. Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) “…Dastuurka Qadiyadda Yaan Laga
Qadin Ee Qodobo Ha Loogu Qoro…” Cap. Pil. Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax) oo ka Hadley meesha ayaa ugu
horeyn ifiyey waxyaabo badan wuxuu yiri “anniga dastuurka Soomaaliya ardey ahaan
baan ku bartey,…, dastuurka soomaaliya waxaan aad iyo aad ula dhacsanaa qaabka
loodhigey oo loo dhisey, afar qodob oo mucjiso ah oo ku yaaley oo aan
dhamaanteen mutafiq ku noqoney, afartii qodob midna halkaan laguma soo xusin…”
codkii Xaaji
Dhagax ka halkaan ka dhegeyso. iyo
HALKAN

Duuliye sare Xaaji Dhagax oo ka hadlaya qabyo qoraalka
Denjire Cabdiraxmaan Guulwade “…Idinkaa Soo Diyaariyey oo Aqoon Yahankii Ah,
Yeynaan Dukumiinti Ahaan u Jebin, Annagoon Dagaalamin…” Denjire Cabdiraxmaan Guulwade oo inta badan sharxaad dheeri ah siinayey dadka
islamarkaana aqoon is-weydaarsiga xiiso weyn gelinayey qaabka uu u socdey ayaa
wuxuu yiri “… idinkaa soo diyaariyey oo aqoon yahankii ah, yeynaan dukumiinti
ahaan u jebin, anagoon dagaalamin, yeynaan tanaasulin, inta dastuurka Itoobiya
ku taala keena halagu qoro, hadey yiraahdaan dal baad raadineysaan iyo durugsi,
adinkaaba qorey iney soomaali meesha degan tahay, xaqna u leedahay aayo ka
talin, waad mahadsan tihiin”.
Halkan ka
dhegeyso hadalkii Guulwade. Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad “…Waxaan Idiin Niri, Waa Qabyo Qoraal, Meelo
Badan oo Laga Tegeyna Waa Ku Jirtaa…” Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad oo ahaa hogaamiyihii xubnaha gudiga dastuurka
oo ka jawaabaya labada mas’uul soojeedinada kala duwan ee ay soo gudbiyeen ayaa
wuxuu yiri “labadaan soojeedineed ayaan rabaa inaan isku duubo, ma ahan innaan
su’aalihii xirney, waa arin aad u taabaneysa nolosha dadka soomaaliyeed, mida
xaaji dhagax uu sheegey ama saaxiibkey sahal aan iraahdee iyo safiirka, waxna
qabyo qoraalka ayey ku qoran yihiin, waxna kuma qorna, waxaan aan sido, markaan
bilaabeyney waxaan idiin niri, waa qabyo qoraal, meelo badan oo laga tegeyna waa
ku jirtaa, waxa loogateyna aqoondari ma ahan, laakiin waxaa ujeedadu tahay wuxu
inay noqdaan wax meel laga bartiireyn karo…”
codkiisa oo dhameystiran halkaan
ka dhegeyso.

Sheekh Cabdullaahi oo akh-rinayo qodobo ka mid ah qabyo qoraalka
Sheekh Cabdullaahi
oo ka mid ah xubnaha gudiga ayaa sharaxaad ka bixinaya qaabka
ay u soo qoreen, qodobada la isku haysto, wuxuuna akh-rinayaa qayb ka mid ah
qodobada buugga ku qoran “cutubka koowaad, qodobka afaraad, waxaa ku qoran
meeshaan soomaaliya waa jamhuuriyadd federaal ah oo gobb ah, kuna dhisan
matilaada dadweynaha loodhan yahay…”
codkiisa oo dhameystiran halkaan ka
dhegeyso.
Sangub oo dooda isna qaybtiisa ka galey ayaa wuxuu yiri “midnimada
soomaaliyeed in dadd la dhex dhigo ma ahan, waxaa weeye findhicil ma xalaall baa
mise waa xaaraan, innagu dastuurka inuu wax isukeennaan rabney, marka in laga
doodaba ayaa xaaraan ah, annigu sidaan qabo…”
Dhegeyso

Xubno safaaradda iyo shaqaalaha hoteelka iyo Duuliye sare Xaaji dhagax
Cap. Pil. Maxamuud Xaaji Cilmi
oo markale ku soo noqdey doodda ayaa sidaan qaba
“tti hore fadhi ayaan ku sheegey, markaan waan u istaagayaa, ninka la yiraahdo
Xayle Salase, wuxuu ahaa nin wax yaqaan, 1963-dii wuxuu suubiyey, wuxuu yiri
afrikooy soohdin waxaa noo ah, soohdinta uu suubiyey isticmaarka, laakiin
sohdineey maxaa tahay?, waan idiin baryaa ii dulqaata kelmadaan…”
codkiisa halkaan ka dhegeyso.
iyo HALKAN

Cap. Pil. Maxamuud Xaaji Cilmi
Denjire Guulwade oo dooda soo dhexgaley markale ayaa wuxuu yiri “innaga iyo
jiiraanka xuduuda inoo dhexeysa, waxaan u naqaanaa xuduud beenaad, innagana
markii la sameynayey nalagama qaybgelinnin, xuduudu waa laba nooc…”
codkiisa oo
dhameystiran halkaan ka dhegeyso.

Tarabi oo ka hadlaaya
Maxamuud Tarabi oo ka mid ah xubin gudiga Olonbikada Soomaaliyeed oo isna goobta
joogey ayaa qaba fikir ah “xuduudihii uu sameeyey isticmaarka, markaan ka
hadleyno, kii hore ee xorta ahaa ayaa is-baarooyin lag dhex sameystey oo waxaa
loo baahan yahay in la qaado is-baarooyinkaas, marka kaas intaan la gaarin
guriga dhexdiisii hore, marka in laga hadlo kaas ayaa ku haboon, laakiin qodob
aan meesha ku arkey cutubka shanaad, qodobkiisa koowaad wuxuu leedhay, dhulka
waa kheyraadka koowaad ee dalka, nimanka aqoonyahanadda dhaqaalaha ku
takhasusey, aduunka waxay u qoraan, hantida koowaad ama kheyraadka koowaad ee
dal leeyahay, waa bani’aadamka, haddaba...”
codkiisa oo dhameystiran halkaan ka
dhegeyso.

Cali Daahir
Calidaahir Xasan Calikure oo ah gudoomiyaha qoxootiga Soomaalida jabuuti oo isna
aragtidiisa dooda ku cabiraya ayaa wuxuu yiri ‘…waxaan jecelnahay in ay ka
muuqato sidii aan ugu soo barbaarney, inay soomaali shantaa tahay, gumeysiga u
qaybiyey, laakiin Soomaaliya looyaqaano ee DF lagagga Hadley oo dastuurkaan
federaalka loosameynaayo waa nambar Sabankii…” Doodan ayaa ku soogebagebowdey si xamaasad ay ku jirto, islamarkaana laga
dareemayey, boogaha waaweyn ee ka qodan dalka iyo dadka Soomaaliya oo mudadda
fog ee dowlad la’aanta ka jirta, lagu sababeynkaro, iyadoo aan loo helin
aqoonyahano iyo siyaasiin wax ku oola ah oo maareysa.

Axmed Nuur
Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo ka mid ah xubnaha gudiga dastuurka ee diyaarinta
qabyo qoraalka Dastuurka oo aan kula kulmey Hoteel Rayaan waxna ka weydiiyey
ujeedadda safarkooda ee dalka Jabuuti, arrimaha qabyo qoraalka dastuurka iyo
qaybaha ugu muhiimsan ee su’aalaha taagan ayaa wareysigiisa ku sheegey...
Halkan ka
dhegeyso.. Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com.
Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 29, 2011 |