Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Waraaqihii Aqoonsia Ka Gudoomey Danjiraha Cusub ee Itoobiya

Dowlada Federaalka  oo aan marnaba ka hadlin Wakiilada Itoobiya u magacwdo Maamulada Soomaaliland Iyo Pundland

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shaley dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho ka dib markii uu magaalada Kambaala ee Dalka Uganda kulan Xasaasi ah  uu kula  soo yeeshey Madaxweynaha Uganada ayaa wuxuu Waraaqihii  aqoonsiga Danjiranimo Magaalada Muqdisho kaga Gudoomey Danjiraha Cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiyi  Doono  Soomaaliya, Cabdicasiis Axmed.

Kulankii looga Guddoomayey Danjiraha Cusub ee Safaarada Itoobiya ee Soomaaliya waxaa ka soo qayb galey Madax ka tirsan Dowlada FKMG iyo Xildhibaano waxaana halkaa ka Hadley Shiikh Shariif oo ugu hambalyeeyey Danjiraha Cusub ee Dowladda Itoobiya u fadhiyi doono Soomaaliya wuxuuna Madaxweynaha DFKMG u rajeeyey in Danjiraha Cusub in uu ka shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka labada Dal.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Danjire Cabdicasiis oo sheegey in aad ugu faraxsan yahay in danjire u fadhiya Itoobiya uu ka noqdo dalka Soomaaliyeya isagoo sheegey in uu ka shaqeyn doono isu soo dhawaansha Dowlada Federaalka iyo Dowladda Itoobiya.

Ma aha markii ugu horeysey ay dowlada Itoobiya u soo Magacaawdey Dalka Soomaaliya iyadoo xiligi Dawladda Cabdulaahi Yuusuf Dowlada Itoobiya u soo Magacawdey Danjire Cusub waxana dib loo furey Muddo labaatan sanno ah Safaaradii Itoobiya ay ku lahayd Soomaaliya.

Danjire Cabdicasiis Axmed Aadan (Cabdicasiis Gurguro) ayaa lagu Xasuustaa in Doorkii siyaasadeed ee ku lahaa Shirkii Dib u heshiisiinta ee Soomaaliya ee Dalka Kenya wuxuuna u gogol Xaarey in Madaxweyne uu dalka ka noqdo  Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Dowlada Itoobiya oo ayaa markasta isku howshaa sidii door siyaasadeed ugu yeelan lahayd  Dalka soomaaliya oo Cadawad aad u dheer ay kala dhaxayso iyadoo si aan gabasho lahayn waxay Wakiilo ku yeelatay Maamulada dalka ka jira sida Soomaaliland iyo Pundland taas oo aysan Dowladda Fedraalka ka hadal, sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa deegaanada u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliya waxaa ay ka sameeyeysaa dagaalo  Xarig iyo Xabsi ilaa iyo hada Dowlada Fedraalka wax war ah kama soo saarin Xadguduyada Dowlada itoobiya kula ka cayso Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale  Safiirka Soomaaliya u fadhiyi Doono Dalka Qadar, Cumar Shiikh Cali Idiris, ayaa Amiirka wadankaas Shiikh Xaamad Bin waxaa uu ka gudoomey Waraaqihii Danjiranimo , waxaana kulankaas waraaqaha looga Gudoomyey Danjiraha  Fadhiyey Madax ka tirsan Dowlada Qadar iyo Safiirada Dowladaha shisheeye u fadhya Wadankaas waxaana Amiirku uu sheeegy in aad ugu faraxsan yahay in mar kale Soomaaliya Danjire u soo magacowdo Dalkeeda  isagoo sheegey in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u garab taagan yihiin sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Danjire Cumar oo sheegay in aad ugu faraxsan yahay in Danjire loogu soo magacaabo Dalka Qadar wuxuu sheegy in uu ka shaqeyn doono sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka ka dhaxeeyey labada Shacab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha DFKMG oo Waraaqihii Aqoonsia Ka Gudoomey Danjiraha Cusub ee Itoobiya "

  1. muno says:

    asc waad mahadsantihiin somalitalk waxaa wax lala yaabo igu noqotay dad masuuliyad qaaday oo ku dhaartay iney shacabka dantiisa ka shaqeynayaan oo hadda ka shaqeynaya sidii loo dabargoyn lahaa somali alley leedahay isagaana inooga aari kolkey noqotaba, insha allaah. itoobiyana haku xisaabtanto in waxay dhimen dhabarka loo saaridoon ha ogaadaan in axmed gurey oowlaadiisa qaar ka joogaan.