Home » Warar »

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Shiikh Axmed Madoobey oo Amar ku Bixiyey in Wafdi ka socda Midowga Afrika, Amisom iyo Dowlada Federaalka aysan soo geli Karin Kismaayo inta laga Dhoofinayo Dhuxusha


. Dowlada Federaalka oo ka fiirsaneysa Talaabada ay ka qaadi doonto Shiikh Axmed Madoobe

. Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo ka codsadey Dowladda in Wariyayaal ku Xayiran Garoonka Kismaayo Dib loo soo celiyo

. Qaramada Midoobey oo Afar Bilood ugu Dareysa Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya

. Golaha Amaanka oo isku Khilaafey in Soomaaliya laga qaado Cunaqabteynta Hubka

. Qaramada Midoobey oo ka Meermeertey Codsigii Midowga Afrika ee Dhoofinta Dhuxusha Kismaayo

Iyadoo Maalinimadii Shalay Magaalada Kismaayo ay gaareen Wafddi Xaqiiqo Raadis ah oo ka socday Amisom iyo Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya Khilaafan ba’an oo xiligan u dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Jabhadda Raas Kaanbooni.

Wafdigan oo Shalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasoo ay kaga hor yimaadeen Saraakiisha Ciidamada Amisom Kenya oo halkaa ku sugan. Wafdiga ayaa loo sheegay in Maamulka Gobolku uusan ku soo wargelin imaatinkooda isla markaana aanay u fasaxeyn wafdigaan in ay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo. (Garoonka Kismaayo waa ka durugsan yahay magaalada).

Saraakiisha Kiinyaanka oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaa wafdiga u sheegay inaysan ammaankooda xiligan dammaanad qaadi Karin isla markaana aysan u fasaxayn in ay hore u galaan Magaalada Kismaayo. Wafdiga ayaa Ujeedka socodkoodu waxaa uu ahaa in ay soo indha indheeyan una kuur galaan Dhuxusha la sheegay in iminka laga rarayo Magaalada Kismaayo taasoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hore amar uga soo saartay kaasoo ahaa inaan Dhuxushaas la dhoofin Karin iyadoo la ilaalinayo ga’aankii Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay.

Maamulka Shiikh Axmed Madoobe oo ah Guddoomiyaha sida ku meel gaarka ah uga arrimiya Magaalada Kismaayo ayaa arrintaa jabiyay kaasoo amray in Dhuxusha la dhoofiyo iyadoo maalmihii la soo dhaafayna ay halkaa ka socotay Hawlo dhuxushaas lagu daabulayo.

Dood dheer kaddib ayaa wafdigii ka socday xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu qanciyay in ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka soo kicitimeen.Wafdigan ayaa hadal la’aan dib ugu soo laabtay isla shalay gelinkii dambe Magaalada Muqdisho kuwaas oo markiiba abbaaray xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho si ay ula socodsiiyaan waxa dhacay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa iminka ka fiirsanaya tallaabadii xukuumaddiisu ka qaadi lahayd jabinta lagu sameeyay Go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo amarkii Xukuumaddu ka soo saartay Dhuxushaas .

Si kastaba arrintan ayaa u muuqanaysa Khilaaf oo xooggan oo soo kala dhex galay Maamulka Raas Kaanbooni iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya xilli haatan la damacsanaa in Maamul rasmi ah loo sameeyo Gobolka Jubada Hoose hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay ka war qabto is hortaaga uu sameeye Shiikh Axmed Madoobe wafdigaas maadaama ay dan weyn ugu jirto Dhoofinta Dhuxusha si ay Dhaqaale uga hesho. (AKHRI: Dowlada Kenya oo Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo Dhaqaale uga Raadinaysa Dhoofinta Dhuxusha Jubbada Hoose)

Sidoo kale Kulan ay maanta isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Saamaaliyeed ee Nusoj ayaa looga hadlay Tacadiyadda inta badan loo gaysto Wariyayaasha Soomaaliyeed. Kulanka oo si weyn looga hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa kulankaas ka hadlay Xoghayaha Guud ee Saxafiyiinta Afrika Daa’uud Cabdi Daa’uud.

Xoghayaha Guud ayaa ka hadlay Wariyayaal ka tirsanaa Wariyaasha ka hawl gala Magaalada Muqdisho oo maalintii Shalay Dawladdu u qaadday Magaalada Kismaayo kuwaas oo uu sheegay in ay iminka halkaa ku go’doonsan yihiinDaa’uud ayaa u sheegay Dawladda Federaalka Soomaaliya in iyagu ay mas’uul ka yihiin Saxafiyiintaas ku go’doonsan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kuwaas oo loo diiday in ay hore u galaan Magaalada Kismaayo.

Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah Xoghayaha Guud ee Nusoj isaguna halkaa ka hadlay ayaa ugu baaqay Maamulka Punta Land in dib loo furo Idaacadda Horseed ee Boosaaso taas oo Maaulka Puntaland hore Albaabadu isugu dhuftay.

Xoghayaha Guud ee Nusoj ayaa sheegay in saxafiyiintu ay la gudbion tahay in Xuquudooda ay ilaashadaan iyaguuna ay diyaar u yihiin in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan dhinaca Ilaalinta Xuquuda Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Kulankan maanta ay isugu yimaadeen Saxafityiinta Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Illaa Toban Wariye oo loo qaaday Magaalada Kismaayo halkaas looga soo tegay.Wariyashan ayaa illaa shalay waxaa ay ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ka gadaal markii loo diiday in ay gudaha u sii galaan Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale Kulan ay xalay wada yeesheen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Xaaladda Soomaaliya oo ay ugu horeyso Hawl Galka Nabad Ilaalinta Ciidamada amisom.Golaha oo si weyn uga dooday qodobkaas ayaa ugu dambayntii waxaa uu go’aamiyay in muddo Afar Bilood ah loogu kordhiyo Ciidamada Nabad Ilaalinta u Jooga Soomaaliya

Golaha ayaa waxaa dhinaca kale uu isku khilaafay Xayiraddii Soomaaliya ee dhinaca Hubka iyo Dhuxusha Dalka laga dhoofiyo.Qaar ka mid ah Wadamada Xubnaha ka ah ayaa soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Dhinaca Hubka ah ee saaran iyadoo la tix gelinayo arrimo dhowr ah.

Wakiilka Xukuumadda Ingiriiska ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Madaxweynaha Xiligan Meerta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya uu is bedel ka dhacay isla markaana ay ka baxday Xilligii ku meel gaarnimada sidaa darteedna ay haboon tahay in laga qaado Cuna Qabataynta Hubka ee Saaran.

Dhinaca kale ayaa Goluhu waxaa uu akhriyay bayaan uu soo diray Ururka Midowga Afrika kaasoo ka hadlayay sidii Cunaqabataynta looga qaadi lahaa Dhuxusha Kismaayo taala taasoo qudheeda uusan goluhu ka qaadan wax go’aan ah oo mideysan.

Si kasta ha ahaatee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu yeesho kulamo kale oo lagu sii anba qaadayo Cunaqabataynta Saaran Hubka Soomaaliya oo muddooyinkii dambaba Igad iyo Midowga Afrika ay u Ololeynayeen sidii loo Rafici lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Shiikh Axmed Madoobey oo Amar ku Bixiyey in Wafdi ka socda Midowga Afrika, Amisom iyo Dowlada Federaalka aysan soo geli Karin Kismaayo inta laga Dhoofinayo Dhuxusha "

  1. jooray says:

    scw.waxaa layaab ah waxa somalida kaga xidhan kismaayo dalku waa 18 gobol qaar dowladda haysata qaarka mucaaradkaa haysta waxa ksimaayo dadka ka galay ayaan garan laahaya, tan kaleeto markii alshabaab haysteen madaxda dowladu waxba kama sheegi jirin malaha kuwa xamar kaqaylinaaya waxay taageeraan alshabaab waana arin cad oo u baahan in dib loo baadho, tan kaleeto kismaayo diyaarad laguma imaan ragbaa naftooda u huray gabdhaa wiilashoodi qaaliga ahaa kuwaayey maarkaan rag dambiilayaal ah oo kismaayo horay xasuuq uga geeystay gobolo kalana kasoojeeda diyaarad xamarv looga sooqadayo shalayto markii alshabaab laga xoreynayey xageey doowlad kusheegto jirtay. kismaayo maanta waxay u baahan tahay daawo,iyo dhaqaale oin lagu caawiyo oo cidanka iyo dadweynahaba lataagro ee kuwaxa jawaanadda faaruqaa lasooaday doowladnimo marabaan ee dibaan u eegeynaa arimahooda

  2. Caaqil says:

    Dowlad aan amarkeeda shaqayneen mala’dhihi karaa Dowlad? Somalia wali gacan shisheeye ayay ku jirtaa, umana madaxbanaana arimaheeda dhan walba. Dowladnimadii ku meel gaarka aheed waa laga’baxay laakin wali si’dadban ayaan ugu jirnaa, waxaa Taas marqaati ka’ah in kooxda yar ee jabhad raaskanboni sheeganaya ay Kenya ku’naasnuujinayso magaalada Kismaayo ku’waas oo si toos ah uga amar qaata xukuumada dalka Kenya.