Home » Warar »

Dowlada Kenya oo Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo Dhaqaale uga Raadinaysa Dhoofinta Dhuxusha Jubbada Hoose

Magaalada Kismaayo oo ay ka Bilaabantay Daabulidda Dhuxushii Mudada Halkaa ku Xayirneyd –

Waxaa Magaala Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ka bilowdey Raridda Afar Milyan oo Loor oo Dhuxul ah oo halkaas ku Xayirneed muddo. Waxaana Dekadda Magaalada Kismaayo soo gaaray Illaa Seddax Doonyood oo halkaas Dhuxusha ka raraya kuwaasoo sida la sheegay ku sii wajahan Dalalka Khaliijka.

Dhuxushan oo mudaba Xayiraad saarneed ayaa maalmihii u dambeeyayba waxaa ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Maamulka Gobolka Jubada hoose iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore Xayiraad ugu soo Rogay Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya in kastoo Midowga Afrika Codsi uu dhawaan u diray Qaramada Midoobay uu ka Codsaday in Xayiraadda laga qaado Dhoofitaanka Dhuxusha Soomaaliya.

Ganacsatada Dhuxushaas oo hadashay ayaa sheegay in lacago fara badan ay kaga jirto sidaa darteedna loo ogolaado in Dhuxshan iminka diyaarka ah la fasaxo si Lacagoohada ay uga caddeystaan. Maamulka Gobolka Jubada Hoose aya sida ay warar hoose sheegayaan dhuxushaas fasaxay isagoona ku amray ganacsatadaas inaan mar dambe Dhuxul la keenin Dekadda Magaalada Kismayo mar haddii la bixiyo Dhuxasha iminka halkaa ku xayiran.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore uga hadashay Dhuxushaas iyadoona sheegtay inaan la dhoofin karin iyadoo la ilaalinayo go’aankii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu arrintaa ka soo jeediyay.Jabinta la jabiyay Go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka hadlay xubinl oo ka mid ah Wakiilada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Sarkaalka u  hadlaysoomaalida ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Jubada Hoose uusan awood u lahayn inuu Fasaxo Dhuxushaas arrintaasina ay ku haboon tahay in loo soo maro nidaamka dawliga maadaama Soomaaliya ay haatan ka jirto dawlad la aqoonsan yahay. Sarkaalka u hada ayaa hoosta ka Xarriiqay in taasi ay noqonayso Kontoroban isla markaana uusan ahayn Xukun Sax ah maadaama Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay hore Cunaqabatayn ugu soo rogtay Hubka iyo Dhuxusha Soomaaliya.

Ugu dambayntii ayuu Dibolumaasigan inuusan ogeyn wax Codsi ah oo Qaramada Midoobay soo gaaray kuna saabsan Codsi Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ay soo gaarsiiyeen Qaramada Midoobay ee ku aaddan Codsiga in Xayiraadda laga qaado Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxaa iminka Magaalada Kismaayo Dekadeeda ka soconaya Raridda Afar Milyan oo Loor oo Dhuxul ah oo halkaa ku xayirnaa tan iyo markii Ciidamadii Xarakada Shabaab ay halkaa ka baxeen

Warar aan helney ayaa sheegaya in Dowlada Kenya Ciidamadeed ku sugan Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ay ugu ololaynayso sidii loo dhoofin lahaa Dhuxusha Soomaaliya si ay dhaqaale ugu raadiyaan Ciidamadooda ku sugan Gobolka Jubada hoose maadaama ay gacanta ku hayaan Dekeda Ksimaayo waxayna Codsi Dhoofinta Dhuxusha u gudbiyeen Wadamada IGAD iyo Midoga Afrika taasina waxay ku tusineysaa sida Kenya u dooneysa in soomaaliya ay noqto goob laga xaalufiyo dhirta iyadoo dalka Kenya la ogyahay in ay Mamnuuc tahay in la dhoofiyo Dhaxusha ama la jaro Dhirta waxayna dadka u ololeeya arrimaha Deegaanay ay Dowlada Federaalka ka codsdeen in laga hortago Xaalufka lagu hayo Dhirta Soomaaliya ..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

QORAALLO HORE EE DHUXUSHA SOOMAALIYA

2005: Qamada Midoobey oo Warbixin Kasoo saartay Maamulka Col. Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga Dhuxusha… Qaramada Midoobey waxay Shaaca ka qaaday in Dekedda Kismaayo muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah, dakhliga lacagta ah ee ka soo baxdayna waxay ahayd $5,856,740 doolar – waa $5.8 million – iyo Col. Barre Hiiraale oo qaatay lacagtaas Faa’iidadeeda ugu badan….

2005: Qaramada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday Beeraha Daroogada ee Sheikh Yuusuf Indhacadde in uu Sannadkiiba ka helo $600,000, Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday Dadkii Lahaan jirey…

2012 – ALJAZEERA: Kenya too has backed the idea, warning of civil unrest and threats to its troops patrolling the port if the charcoal doesn’t move soon. The charcoal trade is a particularly difficult problem. When al-Shabaab controlled the town, the rebel force made millions of dollars by stripping the surrounding forests and exporting charcoal to the Middle East. READ AT: Somali president’s toughest test

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dowlada Kenya oo Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo Dhaqaale uga Raadinaysa Dhoofinta Dhuxusha Jubbada Hoose "

  1. galeyr says:

    war awalba kismaanyo waxaa qabsaday kenya oo dangaar ah kale somaalia iyo jamhad illaa 1991 duurka kujiirtay oo aan aqoon meel aykusoco iyo meel kusoco midna aqoon, somaalia waxaa kujira kuwogamasiga u dhaganugul

  2. cali oday says:

    waan idin salaamay qolyaha qora webkan.
    intaas ka dib dhuxusha taala magaalada kismaayo waqtigan xaadir ka ah waxaa haboon in la dhoofiyo ganacsadatii lahaydna lacagaha kaga jiran inay ka soo ceshadaan waa masaaliixda umada.waxaa isweydiin mudan sababta xasan culusow u didan yahay in la dhoofiyo dhuxushan hada diyaarka ah maxay tahay,culusow madaxtinimadiisuu ma mid ku egbaa jubbooyinka iyo gedo,wadanka intiisii kale aaway.
    culusow waa inuu ogaadaa inuu yahay madaxweyne soomaaliyeed qabyaalada iyo fowdadana waa inuu iska daayo.

  3. rashid says:

    Amiin khasaaro waxaa quraalkaaga u muuuqdaa mid hal dhinica ah, oo siyaasadeeysan waxaana u malayn inaad og tahay in Kismaayo kali aan dhuxul laga dhoofin.
    Tan kale lacagta canshuurta ee ka soo gasho dhuxushaas sidee uu nin qoraa ah uu la soo shir tagayaa inuu Wadanka Kenya oo ah wadanka ugu qanisan geeska Afrika ee damac ka gasho, haddaad u dhigi lahayd maleeshiyaadka soomaaliyeed ee Kismaayo maamula ayaa qaadanayo waa wax la garawsan karo. Runtii qoraaladaada waan aqrin jiray laakiin Amiin qoraa ku ekoow, haddii kale arintan waxaan u bandhigaynaa Maamulaha websidka.