Home » Warar »

Uganda oo Gebi ahaanba Ciidamadeeda kala Baxaysa Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadooda 5,700 ay kala baxayaan Soomaaliya,  kaddib markii ay Uganda ka carootay warbixin QM….

Uganda waxay ka carootay warbixin Golaah Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo Uganda ku eedaysay in ay taageertay kooxda mucaaradka ee dagaalka kula jira dawladda dalka Democratic Republic of Congo.

Arrintaas isagoo ka jawaabayey ayaa ra’iisul wasaaraha Uganda waxa uu warqad u diray Qarammada Midoobay uu ku wargelinayo in ay ciidamadooda kala baxayaan “dhammaan gobolka meelaha ay nabad ilaalinta kawadeen”, sida ay qortay jariidada Telegraph ee ka soo baxda UK.

Raiisul wasaaraha Uganda

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka mid yihiin AMISOM oo ka hawl gala Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda waxa uu yiri “Sababtee ayaa carruurta Uganda u dhimanayaan, kaddibna loo ceebaysanayaa,” sidaasna waxa uu Khamiistii u sheegay Baarlamaanka Uganda.

Jariidadda NewVision ee ka soo baxda Kampala waxa qortay in Uganda ay go’aansatay in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya iyo Central African Republic & DR Congo, arrintaas oo ka dambaysay kaddib markii Uganda ka carootay warbixin laga helay Qarammada Midoobey oo Uganda ku eedaysay in ay taageereeneen Kooxda Mucaaradka Congolese ee loo yaqaan M23.

Waxaana Mbabazi uu Baarlamaanka Uganda u sheegay “Waxaan hadda go’aansanay, kaddib markii aan la tashanay walaalaheen Midowga Afrika iyo gobolka, in aan gebi aahanba ciidankeena nabad ilaalinta kala baxno gobolka, sida DRC, Soomaaliya iyo meelo kaleba.”

Waxana uu intaas raaciyey “Uganda uma cuntamayso in ay caawinad bixiso oo markaas loogu bedelo ceebayn. Maxaase caddayn loo hayaa eedaynta, ayuu isweydiiyey. Wax la aqbali karo miyaa in Qaramamda Midoobay ay been sheegto oo si aan ka fiirsasho lahayn u ceebayso xubin kamid ah QM, ayagoo adeegsanaysa kuwa isku sheegaya khubarada, ayuu yiri Mbabazi oo caraysan.

Mbabazi waxa uu sheegay in arinta iska hor imaadka Congo iyo M23 ay Uganda ku lug yeelatay kaddib markii sidaas ama fikradaas ay ka timid Qaramada Midoobay, gaar ahaan Ban-ki Moon, madaxweynaha Congo Joseph Kabila iyo beesha caalamka. Waxaana uu intaas raaciyey in madaxweyne Yoweri Museven la weydiistey in uu dhexdheaxaadiyo Kinshasa iyo mucaaradka.

Waxana uu sheegay in Uganda ay si qayaxan u beeninayso eedaynta Qarammada Midoobay ee ah in ay Uganda taageertay kooxda M23.

Ra’iisul wasaaraha Uganda Mbabazi waxa uu sheegay in Uganda ay naftooda ku tabarucayeen si nabad looga gaaro gobolka, waxana uu xusay in July 11, 2010 ay weerar ay Alshabaab soo qaadeen in ay ku dhinteen 76 askarta Uganda ah.

Jariidada NewVision waxay sheegtay in xildhibaanada Uganda qaarkood ay ka cabsi qabaan in dagaal ka dhex qarxo Uganda iyo Congo.

M23 oo laga soo gaabiyey March 23 Movement, waa koox hubaysan oo xaruntoodu tahay dhank Bari ee dalka Democratic Republic of the Congo (DRC), gaar ahaan gobolka North Kivu. Waxayna dagaal hubaysan kaga soo horjeedaan dawlada DRC.

Toddobaadkan ayey ahayd markii Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda kenya uu sheegay in Soomaaliya ay ku dhinteen 2,700 askari oo Uganda ah laga soo bilaabo 2007.

“2,700 Askari oo Uganda kaga Dhintey Soomaaliya”, sidaas waxaa sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya

EXCLUSIVE-Rwanda, Uganda arming Congo rebels, providing troops – UN panel

Tixraac: http://www.telegraph.co.uk/ | http://www.newvision.co.ug/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Uganda oo Gebi ahaanba Ciidamadeeda kala Baxaysa Soomaaliya "

  1. War xoogaa in afka subag loo mariyo baa reer Uganda rabaan ee akuna matata. Haddii xoogaa pressure-ka laga qaado af dhabaandhabna lasiiyo Uganda way aamusi doontaa Soomaaliyana way sii joogi doontaa.

    Bal aan dhowrno, Insha Allah haddiise Uganda naga tagto ma ilaah baa naga tagay? Jawaabtu waa maya.