Home » Warar »

“2,700 Askari oo Uganda kaga Dhintey Soomaaliya”, sidaas waxaa sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya

Wasiir ku xigeenka Kenya waxa kale oo uu sheegay in 36 askari oo Keenyaati ah ay sannadkii hore ku dhinteen Soomaaliya…

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Richard Onyonka, ayaa kulan looga hadlayey Arrimaha Soomaaliya waxa uu ka sheegay in ciidamo tiradoodu kor u dhaaftay  2,700 ay Uganda kaga dhinteen Soomaaliya…. Arrintaas markii Wakaaladda Wararka AP oo isku dayday in ay ka xaqiijiso Uganda, Afhayeenkii Uganda kama uusan jawaabin telefoonadii…..

Ciidamada Midowga Afrika ee la diley intii ay dagaalka kula jireen maleysiyada Soomaaliyeed waxay markasta ahayd mid sir ah ama qarsoon, laakiin sarkaal sare oo Kenyaati ah ayaa sheegay in ka badan 2,700 askari ay halkaas ku dhinteen, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Sarkaalkaas oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda kenya, Richard Onyonka, waxana uu warkaas ka sheegay kulan looga hadlayey arrimaha Soomaaliya maalintii Arbacadii la soo dhaafay (Oct 31, 2012), waxana uu sheegay in laga soo bilaabo 2007 ay Soomaaliya ku dhinteen ciidamo tiradoodu kor u dhaaftay 2,700 oo reer Uganda ah. Waxana uu intaas raaciyey in ciidamada Kenyaatiga ee Soomaaliya kaga dhintay sanadkii hore in tiradoodu gaarayso qiyaastii saddex dersin (ama 36 askari).

Waxaa AP qortay in Midowga Afrika iyo Uganda aysan weligood xaqiijin tirada ciidamada kaga dhintay Soomaaliya, halka saraakiil ka hawl galay Soomaaliya ay sheegeen in tiradaasi uu Onyonko sheegay ay tahay mid u muuqata tiro saraysa. Laba sarkaal ayaa bishii hore (September 2012) waxay Associated Press u sheegeen in 500 askari ay Uganda iyo Brundi kaga dhinteen Soomaaliya ilaa 2007. Afhayeenka Uganda kama uu jawaabin telefoonnadii ay u dirtey AP.

Dhanka kale, warbixin ay maanta (November 2, 2012) qortay jariidada ka soo baxda Uganda ee Daily Monitor ayaa sheegtay in Col. Felix Kulayigye oo ah afhayeenka ciidanka Uganda UPDF in uu sheegay in ilaa 2007 ay Uganda iyo Brundi 500 askari kaga dhinteen Soomaaliya.

Waxana uu intaas ku daray in hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya ee ah in 2,700 askari ay Uganda ka dhinteen uu yahay hadal khaldan, isagoo intaas raciyey “Maxaa wasiirka arrimaha dibadda kenya ka khuseeya askrata Uganda kaga dhimatay Soomaaliya, yaa hadalkaasi dani ugu jirtaa.”

Jariidada Daily Monitor ee ka soo baxda kampala waxay warkeeda ku dartay sida ku qofran Heshiiska Is-Afgaradka (MoU) ee u dhexeeya dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo AU waxaa dal kasta gaarkiisa u sheegayaa tirada ciidaamda ka dhimatay. Taas oo jirta ayaa Militariga Uganda ay si joogta ah u diideen in ay sheegaan tirada askarta kaga dhintay Soomaaliya, oo xitaa ay arintaas ka diideen markii baarlamaanka Uganda uu dalbaaday in ay sheegaan tiradaas.


Kenyan official: 2,700 Ugandans dead in Somalia
By JASON STRAZIUSO | Associated Press – Wed, Oct 31, 2012

NAIROBI, Kenya (AP) — The number of African Union troops killed while battling Somali militants has always been a tightly held secret, but a top Kenyan official says more than 2,700 troops have died there.

Richard Onyonka , Kenya’s deputy minister of foreign affairs, said Wednesday at a forum on Somalia that Uganda has lost more than 2,700 troops since 2007. Onyonko said about three dozen Kenyan forces have died there over the last year.

Neither the African Union nor Uganda has ever confirmed its casualty figures, and several officials who work on Somalia said Onyonko’s figure sounded high. Two officials told The Associated Press last month that about 500 Ugandan and Burundian troops have died in Somalia since 2007. A Ugandan spokesman did not answer calls for comment.

Source: http://news.yahoo.com/kenyan-official-2-700-ugandans-dead-somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “2,700 Askari oo Uganda kaga Dhintey Soomaaliya”, sidaas waxaa sheegay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Kenya "

  1. Bashir says:

    Uganda will get 2700 * $100,000 = ee waa wax badan. Uganda lacag badan ayay helaysaa shacabka somaliyeed ayaan dib ka bixin doono. Somali meeqo ayaa ka dhinlay. eeeeeeeee tiro la aan. Maxay helayaa? iyagaaba lacag lagu sii yeeshay.