Home » Warar »

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo Ergada uga Digtay in ay Ansixiyaan Dastuurka Qabyada Maadaama Qodobo ka mid ah ay Diinta ka hor imaanayaan

  • Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Axadii booqday Xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka. “Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudiga Farsamada,” sidaas waxaa yiri wasiirka Dastuurka (Hoos ka akhri warsaxaafadeedka DFKMG) – July 29, 2012.
  • 2009: Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxay noqoneysaa Cilmaani (Secular), Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. (linkiga hoos ka eeg)..

Culimada Soomaaliyeed: Dastuurka Qabyada ah oo qodobo kamid ah ay ka soo horjeedaan Shareecada Islaamka

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo maanta (Axad July 29, 2012) Shir Jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Dastuurka iminka anisixintiisu ay ka socoto Magaalada Muqdisho. Shiikh Bashiir ayaa ugu horeynba sheegay in Dastuurkaasi ay ku jiraan waxyaabo aad u fara badan oo Diinta Islaamka ka soo hor jeeda.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ergadu ay garan karayaan wixii Diinta Islaamka Liddi ku ah iyo wixii aan ku ahaynba isagoona u soo jeediyay in gebi ahaanba ay Dastuurka ka saaraan wixii Diinta islaamka ka hor imaanaya haddiiba ay awood u leeyihiin.

Shiikha ayaa sidoo kala faray Ergada in aysan ku deg degin meel marinta ama ansixinta Dasturkaas haddii aan laga bixin waxyaabaha ku jira ee mad madowga leh taasoo uu sheegay in loo baahan yahay wixii ka dhiman oo Diini ah in lagu daro wixii ku jira ee Diinta aan waafaqsanayna laga saaro.

Guddoomiye ku Xigeenka Hay’addaas Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya ay hore u ballan qaadday in ay ku dhaqmayso Shareecada Islaamka hase yeeshee uusan weli u jeedin meel marinta ballan qaadkaas.

AKHRI: Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo Ansixiyay Kudhaqanka Shareecada Islaamka (April 18, 2009)

Shiikh Nuur Baaruud ayaa ku tilmaamay qaabka ay xukuumadda wax ku waddo haatan uu yahay qaab Moorayaameed, isagoona ka codsaday Dawladda ku meel gaarka in ay meel mariso balan qaadyadeedii hore.

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa in mudda ahiba ka soo hor jeeday Dastuurkan iyo dhaqan gelkiisa iyadoona sheegi jiray in uu khilaafsan yahay Diinta islaamka.

Dastuurka ayaa iminka u muuqanaya mid loo fadhiyo isla markaana la lafa gurayo iyadoo wixii laga bedelayana la hor geyn doono Baarlamanka cusub ee dhawaan la filayo in ay soo xulaan Ergada sida uu sheegay Wasiirka Dastuurka DFKMG Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil .

AKHRI: Bayaankii Shirkii Gudiga Musaalaxada Culimada ku oo soo Gabagaboobay Muqdisho (Feb 2009)

2009: Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxay noqoneysaa Cilmaani (Secular), Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. Akhri (VOA) — The African Union special envoy to Somalia said Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has assured him the national unity government now being formed will be secular… AU Envoy Says Somalia’s National Unity Government to Be Secular.

  • Kelmedda “Secular” qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.).

AKHRI: Dastuurka Qabyada ah ma laga saari doonaa qodobka Muranka Gelinaya Dhulka Soomaaliya, ka hor inta aan la ansixin?


Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday Xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka.

Muqdisho, July 29, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka Iskuul Polizia ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto islamarkaana tilmaamay iney si wanaagsan ay howsha u socoto, wuxuuna intaasi ku daray in Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudigii Farsamada ay si wanaagasan u wada shaqeynayaan.

“Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudiga Farsamada”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa aad uga mahadceliyay howsha ay Ergada Ansixinta Dastuurka u hayaan Umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna Wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsaneyd oo ay u ansixiyeen Ergada iyo Gudiga Farsamada ee Xeer hoosaadka Dastuurka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ergada sida wanaagsan oo ay u wajaheen howsha Ansixinta Dastuurka, Wuxuuna kula dardaarmay maadaama uu wakhtiga ciriiri yahay waa inaad dadaal muujisaan waana ku faraxsanahay sida aad howsha u qeybiseen waxaana rajeynayaa inta dhimana iney si wanaagsan u dhameystirmi doonoo hadduu ilaahey yiraahdo.

—DHAMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.