Home » Warar »

Dastuurka Qabyada ah ma laga saari doonaa qodobka Muranka Gelinaya Dhulka Soomaaliya, ka hor inta aan la ansixin?

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirkii ergeyda ansixinta dastuurka qabyada ah ee la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya. Waxaana  warar laga helayo goobta shirku ka socdo ay tibaaxayaan in ay weli socdaan doodda sidii wax looga bedeli lahaa qodobbo aan u cuntamayn ummadda Soomaaliyeed.

Qododobka 7aad oo ku saabsan Dhulka Soomaaliya – Farqaddiisa 3aad waxay dhigaysaa in: Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah..

Qodobkaas oo layaab leh waxa uu si qayaxan ugu gogol dhigayaa in dhulka Soomaaliyeed muran la gelin karo ama Soomaalida dhulkeeda lagu qabsan karo oo ay tahay in markaas ay wada xaajood ka galaan dhulkooda.

Waa qodob u dhigma: Gurigaaga muran ayaa la gelin karaa, haddii lagugu qabsadona wada xaajood ayaad ka geli karaa. Taas oo ah mid aan la qaadan karin.

Qodobkaas ku saabsan dhulka Soomaaliya iyo qodobo kale oo hore si weyn loo faahfaahiyey (eeg linkiyada hoose), sida in shuruudaha madaxweynaha Soomaaliya loo dooraanayo aysan ku jirin in uu ahaado Muslim, ayaan weli cadayn in wax laga bedeli doono ka hor inta aan la ansixin dastuurka qabyada ah.

Haddaba, haddii dastuurkaas sida uu yahay lagu ansixiyo ayadoo aan wax laga bedelin qodobada aan u cuntamayn ummadda Soomaaliyeed waxa uu noqonayaa dastuurkii ugu khatarsanaa ee soo wajahay ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ku biiraya tacadiyadii soo maray Soomaaliya 21-kii sano ee ugu dambeeyey iyo weliba jajuubka iyo garbaduubka ay kooxo yari ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ay soo wajahdey macaluusha, jahliga, iyo coladda.

Dastuurkan qabyada ah ayaa lagu bixiyey malaayiin doolar, kharash joogto ah iyo boqollaal qof oo la isu keenay oo ay ku baxayso kharash ilaa hadda socda, halka ay ahayd in lacagtaas cunto lagu siiyo kumanaanka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan duleedka Muqdisho oo ay ku hayso gaajada iyo dhaxanta iyo in dugsiyo loogu dhiso carruurto ku koreysa waxbarasho la’aanta.

AKHRI: Bayaankii Shirkii Gudiga Musaalaxada Culimada ku oo soo Gabagaboobay Muqdisho (Feb 2009)

2009: Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxay noqoneysaa Cilmaani (Secular), Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. Akhri (VOA) – The African Union special envoy to Somalia said Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has assured him the national unity government now being formed will be secular… AU Envoy Says Somalia’s National Unity Government to Be Secular.

  • Kelmedda “Secular” qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.).

July 29, 2012: Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo Ergada uga Digtay in ay Ansixiyaan Dastuurka Qabyada Maadaama Qodobo ka mid ah ay Diinta ka hor imaanayaan

– Qodabada Xasaasiga ah ee ku Jira Dastuurka ee ay sida weyn uga Horyimaadeen Odoyaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanada

– Dastuurka Qabyada ee Cusub oo Shuruudaha Madaxweynaha aysan ku jirin in uu ahaado Muslim


Halku dhegga Maanta:

Maxaa xuubka caarada na badey xaqana noo diidey
Ma xooleynu nahay maa dulmiga laga xajiimoodo
Xaqiyo baadil kee baa xurmo leh waa xujiyo yaabe
Annagoo diin xaniifaloo xabiibku noo keeney
Xufaaddiina ay joogto oo xabadku noo buuxo
Maxaa xeerka gaaladu dhigteen nagu xambaaraaya
(Abshir-Bacadle)

Qoraallo hore ee Dastuurka: https://somalitalk.com/2010/08/26/dastuur/

Kaydka Dastuuradii Soomaaliya

1960 (Muqdisho):

1979 (Muqdisho):

2000 (Carta):

2004 (Edoret):

2007 (Baydhabo – Tarjumaada Dastuurkii 1960):

——————

Isbarbardhig: Qodobka 7aad ee labada Dastuur ee ay soo kala diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan (Jabuuti) iyo Saxiixayaashii Roadmapka (Nairobi)

Sida kuqoran Q.7aad ee Dastuurka ay so diyaariyeen Guddiga Madaxa Bannaan

Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

1. Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.

2. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana qaybin karo.

Sida ay Q.7aad u bedeleen Saxiixayaashii Roadmapka

Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya

1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.

5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya

Akhri Jawaabtii ay Guddiga madaxa bannaan ee dastuurku ka bixiyeen qodobada lagu soo siyaadiyey dastuurka ee muranka gelinaya dhulka Soomaaliyeed, una gogol dhigaya ka tanaasulka NFD iyo Soomaali galbeed.. Halkan ka akhri

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.